
Wiil
yar oo duleedka Hargeysa adhi la jooga oo dhexmaraya lafo dad la xasuuqay

1988kii
- Badhtamaha Hargeysa oo xabaalo isku rogtay

Diyaaradahii
Duqaynayey Hargeysa oo madarka Hargeysa ka sii kacaysa

Burburkii
loo geystay Hargeysa 1988kii - Waa Union Hotel

Gebiley:
1988kii - Korneyl Tuke oo nolasha nin ku gubaya

Mujaahidiintii
SNM
SDWO (London 31/05/08) Maalmaha 27 iyo
31ka May waa maalmo xusid ka mudan dhamaanba shacabiga iyo dawlada
Somalilandba waa maamihii geesiyaashii xaq u dirirka ahaa ay dalka
gudihiisa ka bilaabeen halkankii xaqa ahaa eel lala galay taliskii xasuuqa
iyo dhaxal wareejinta ula badheedhay umada reer Somaliland.
Halkankaasi ay mujaahidiintii SNM ku
bilaabeen taliskii fashaq oo ahaa ka inoo horseeday geedka xorta ah ee
manta aynu hadhsanayno ee aynu midhihiisiina guraynayno.
Marka hore waxaana ka codsanyaa
muwaadinwalba oo akhrisanaya maqaalkan inuu joojiyo faataxadan umaro
geesiyaashii, mujaahidiintii naftooda huray halgankan.
Maanta waxaa laga joogaa 20 sanadood
markii halgankaa hubaysani ka bilaabmay dalka wixii dhacayna umada wixii
caqli qabay ee dalka ku sugnaa markhaati ayuu ka ahaa wixii dhacayay hadii
uu halkanka ku jiray iyo haddii uu ka soo horjeedayba maahana mid ladafiri
karo in umada reer Somaliland xasuuq iyo dabargoyn lagula kacay.
Ubadkii habeenkaasi dhashay maanta waa
labaatan jir intooda nooli waxaana isweydiin mudan maxay ka ogyihiin wixii
dalka ka dhacay ama xaladihii lala soo maray markii ay maalin wiig ama
bilba ay jireen, ma ogyihiin in cadaw guryahoodii diyaaraddo iyo
madaaficii ku weerayay kana qaxiyay, ma ogyihiin qaarbadan oo ka mid aha
ubadkaa 20 jirsaday oo aan nasiib u yeelan inay arkaan walidkood in faqash
xasuuqday mase ogyihiin guud ahaanba halgankii dib loogu xoreeyay dalkeena
aynu wada jecelnahay ee Somaliland.
Kadib markii shabkada SDWO ay ku
samaysay baadhitaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in dayarbadan oo u
dhaxaysa 20 – 25 sandood aanay waxbadan ka ogayn halkankaas qiimaha iyo
qadrinta mudnaa, 60% ayaa garanya urura SNM iyagoon ka bixin Karin
tafaasil dheeri ah halgankii 70% cadawgii faqash iyo xasuuqiisii waxba
kama oga waxa kaliya oo ay ogyihiin xamar doonimayno lakiin ma jirto
sababa badan oo ay ku diidyaan magaalooyinkay naga dumisay iyagaa is
cunaaya iwm mooyaana. Maanta
marka uu sidaa yahay wiilkii ama gabadhii halganka la dhalatay maxaynu ka
filaynaa kuwa ka danbeeya.
Hadab waxaa is weydiin leh haddii ay
xukumada hada iyo kuwii ka horeeyabay ay ka gaabiyeen inay halkankaasi si
lama ilaawaana u xusan dadk shacabiga ah oo ay dhibtu inta badan soo
gaadhayna ma lamidbaa, maxaa sababay in jiilka dabe ee dalkan u hadhay ay
uga warqabi waayaan sabaha kalifay dib ula soo noqoshada xurnimada dalka.
Haddii arinku sidan ku sii socdana oo maalinba tariikh lasii
lumiyana halkankii iyo mujaahidiinta nafdooda u waayay godabaa laga galay
wixii ay u dhinteena waa halbacaad lagu lisay.
Axmed Maxamed Yusuf - SDWO News Desk -
London