SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

12kii August 2007 waxa Jaamacada Hargeysa ka qalinjebiyey dufcadii 4aad oo ka koobnayd 132 Arday oo kala bartay culuumta diinta, sharciga iyo maaraynta 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Daawo Ardaydii Qalinjebinaysay iyagoo hoolka xafladu ka dhacaysay soo gelaya oo baanbayduna music so dhoweyn ah u tumaysa

Click Play bottom ka si aad u daawan kartid

 

 

Dufcadii 4aad oo ka qalinjibisay Jaamacada Hargeysa 

 

SDWO (Hargeisa 12/08/07) Waxa maanta Jaamacada Hargeisa ka qalinjebiyey dufacadii 4aad tan iyo markii la aasaasay Hargeisa University sanadkii 1998kii. 

Dufacadan 4aad ee maanta ka qalinjebisay jaamacada Hargeysa waxay isugu jireen sedex qaybood oo min afar sano soo dhamaystay oo kala ah Qaybta Barashada Macluumaadka diinta (Islamic Studies) oo ay ka qalin jebiyeen 7 arday oo dhamaantood ahaa hablo, Qaybta  Barashada Sharciga (Law) oo ay ka qalinjebiyeen 27 arday iyo Qaybta Maamulka iyo Maaraynta (Business Studies) oo ay ka qalinjebiyeen 93 arday.

 

Maanta Ardayda qalinjebisay 37 ka mid ahi waxay ahayeen hablo (Gabdho),  Waxa aad loola yaabay markii 7dii arday ee ka qalinjebisay barashada culuumta diintu wada noqdeen hablo oo laga waayey wax rag ah oo dhinaca diinta ka qalinjebiyey maanta taasina waxay ku tusaysaa dadaalka ay haweenku ugu jiraan waxbarashada cilmiga diiniga iyo maadigaba iyo ka qaybqaadashada dibudhiska dalka.

 

Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qaybtay hoolka weyn ee Jaamacada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay dad gaadhayey ilaa kun qof oo ka kala yimid daafaha kala duwan ee dalka somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa, Waxa halkaas ugu horeyn ardayda ku soo dhoweeyay oo salaan sharaf siiyey ciidamada baanbayda oo music aad looga helay halkaas ka tumayey.

 

Dadka halkaas ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa xubno ka socday golaha wasiirada, golaha wakiilada iyo guurtida, masuuliyiinta labada xisbi ee mucaaridka Kulmiye iyo UCID, Wasiirkii hore ee arimaha dibada Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa iyo Maclimiinta, Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka Hargeysa iyo martisharaf kale oo badan.

 

Waxa halkaas hadlo kooban ka jeediyay gudoomiyaha Jaamacada Cabdi Haybe oo wax ka taabtaabtay horumarka ay jaamacadu ku talaabsatay iyo halka ay higsanayso, Waxa kale oo iyana halkaas ka hadlay sedex arday oo ka kala tirsaanaa kuliyadahii maanta qalinjebinayey, intaas ka dib waxa lagu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye – Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyadoo markii lagu soo dhoweynayey halkaas laga sheegay in ay jaamacadu dhexdhexaad ka tahay dhinaca siyaasada sidaas darteed cidii hadlaysaa ay u madaxbanaantahay inay afkaartooda si kalsooni leh uga dhiiban karaan, dhinaca kalana waxa la yidhi iyadii oo dooroshooyin inagu soo dhowyahiin xisbiwaliba wuu u madaxbanaanyahay inuu olalahiisa siyaasadeed iyo waxa uu dalka u hayaba uu halkan ka sheego.

 

Siilaanyo inkastoo uu yidhi maanta arimobadan oo siyaaasada ka hadlimaayo waxyaabo badan oo qaladana halkan ka sheegimaayo, wuxuu yara duur xulay waxyaabaha u qorsheysan inay wax ka qabtaan hadii la doorto, oo ay ka mid tahay buu yidhi in la sii xoojiyo dimoqraadiyada, xoriyada uu qofku ku hadli karo, ka hortaga xabsiga aan macnahalahayn, musuqmaasaq, waxyaabaha kale ee uu sheegay inay waxa ka qaban doonaan waxa ugu horeeya buu yidhi xaga waxbarashada iyo horumarinta haweenka.

 

Waxa isagna lagu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID – Mudan Faysal Cali Waraabe oo si xamaasadleh halkaas uga hadlay isagoo ku bilaabay marka hore waxaad igaga raali ahaataan inaan idinka eryay Madaxweynahii iyo ku xigeenkiisa oo sanadkii hore aan idhi balanqaad la kaalay markaad imanaysaan sanadka danbe, laakiin maan filayn inay baxsadaan oo ay kaba soo qaybgeliwaayaan xafladan qaaliga ah, Faysal wuxuu ka hadlay ajandahooga siyaasadeed hadii ay dalka hogaamintiisa gacanta ku dhigaan, waxaana ugu horeeyabuu yidhi xaga waxbarashada, waxaanu yidhi ninka macalinka ahi wuu ka mushaaharobadan doonaa ka wasiirka ah, waxa aan ka hortegidoonaa afarjeeblayaasha, musuqmaasaqa iyo cadaaladarada.

 

Waxa habayaraatee aan halkaas ka soo qaybgelin cid metelaysa xisbiga UDUB inkastoo jaamacadu sheegtay in lagu soo casuumay, halkaasna waxa aad loogu ooriyay UDUB markii meesha laga waayey, 

Dadku waxa kale oo ay aad uga xumaadeen markii laga waayey madaxdii sare ee xukuumada Daahir Rayaale Kaahin, Xukuumada waxa metalayey dhawr wasiir oo kala haaa, Wasiirka Wershedaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiir ku xigeenka Cadaalada.  Dhamaan sedexdan wasiirba waxay halkaas ka jeediyeen hadlo kooban oo ay ka yara muuqatay inay xukuumada ka difaacayeen qudbadahii xisbiyada mucaaridku maanta ay meesha ka jeediyeen oo aad loogu sacbiyey.  Waxa kale oo aan isna madasha ka soo qaybgelin oo la tebay wasiirka waxbarashada iyo ku xigeenkiisba halka uu ka joogay agaasimahii guud ee wasaarada waxbaashada.

 

Waxa isana halkaas ka hadlay wakiil ka socday shirkada telefoonada Telesom oo ku balanqaaday inay 10 arday Jaamacada ka bixindoonaan, sidoo kale inay jaamacadaha ka bixindoonaan 5ta arday ee ugu saraysa imitaanaadka dugsiyada sare,  waxa kale oo ay balanqaadeen inay dhamaan ardayda maanta qalinjebisay ay siindoonaan simcard ka telefoonada oo lacag la,aan ah,  waxa kale oo halkaas iyagana laga sheegay shirkado kale oo badan oo iyagun u balanqaaday Jaamacada inay ardyada qaarkood ka bixindoonaan. 

 

Xafladan oo aad u dheerayd oo bilaabantay sagaalkii iyo badhkii subaxnimo waxay soo gebogebowday kowdii duhurnimo.

Ciidamada Baambayada oo ay haatan ka mid yahiin hablo dhaawr ahi

 

Guled Cabdi Sheekhaash

SDWO Hargeisa

SDWO News Desk

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE