|
|
Waxaan u soo Joogay Jebintii Jeelka Madheera ee Duleedka Hargeysa Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare Qormadan Waxa inoo soo Diyaariyey Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin - Alpho
Qaybtii Labaad Anigoo tix galinaaya codsiyo faro badan oo iiga yimid dadkii akhristay maqaalkii taariikhiga ahaa ee jabintii jeelka madheera waatan qaybtiisii labaad. jabintii
jeelka 05- 06- 88 Madheera. Qaybtii 2aad. Waxa
maalintaa soo gabo-gaboobay, kun, afar boqol iyo kow iyo lixdan maalmood ( 1461
) oo u dhiganta afar sanno iyo laba maalmood oo aanu gacanta ugu jirnay aniga
iyo saaxibaday taliskii siyaad barre, mudadaasi oo kun, sadex boqol iyo sagaal
iyo sodon maalmood ( 1339 ) oo ka mid ah una dhiganta sadex
sanno iyo badh aanu ku jirnay jeelka madheera. 03- 10- 1984. Haddii
waaga uuni uu baryay taariikhduna ay tahay ta kor ku xusan ee sadexdii oktoobar
kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetankii, ayaa waxaa naloo qaaday dhankaa
iyo maxkamaddii badbaada dalke ee hargaysa. Taasi oo sagaal iyo labaatankii
sibtanbar lagu dhagaystay dacwad lagu soo oogay sideed iyo toban arday oo aan ka
mid ahay, gabayaaga weyn ee caalka ah waa cali xasan roodhiile'e ( cali banfas )
iyo cabdi dhamac oo ahaan jiray markii hore nin ganacsade ah. Maxkamadda
iyo agagaarkeeda ayaa ahaa mid aad iyo aad amaankeeda loo xoojiyey, ciidamaduna
ay sida ayaxa u daadsan yihii meelo maxkamaddaba ka durugsan, halka wado
kasta oo maxkamadda soo gasha iyo maxkamadda hareeraheedaba loogu wareejiyey
beebeeyo. Waxaa
maxkamadda hor tubnaa dad aad u tiro badan, halka maxkamadda gudaheeduna uu
ahaa mid buuxdhaafay. Haddii
aanu wax yar uun fadhinay ayaa waxaa soo galay gudoomiyihii maxkamadda
badbaadada dalka waa maxamuud geele yuusufe iyo labadiisii ku
xigeen. Waanu istaagnay dhamaantayo, haddaanu nahay eedaysanayaashayadii iyo
hadday noqoto dadkii u yimid dhagaysiga xukunkayaguba iyo hadday noqoto todoba
qareen oo na difaacayayba, markii geele iyo saaxiibadii ay fadhiisteena waanu
fadhiisanan. Geele:
maxkamaddu way furanrahay waxaanan idiin sheegayaa in maxkamaddu haddii cid
ay xukunto aan la ooyi karin, haddii cid ay sii daysana aan la mashxaradi karin. Haddii
geele uu intaa hordhac uga dhigay xukunkiisiina wuxuu hadana raaciyey: fadhigii
ay maxkamadda badbaadadu yeelatay bishii sibtamber sagaal iyo labaatankeedii
waxay maxkamaddu dil toogasho ah ku xukunta eedaysanayaasha kala ah. 1-
cabdirisaq sheekh ibraamim kooshin. ( dil toogasho ah ) 2-
yuusuf maxamed ciise ( dil toogosho ah ) 3-
cabdiraxiim maxamed baaruud ( dil toogasho ah ) 4-
cabdi ismaaciil maxamuud ( dil toogasho ah ) 5-
axmed sheekh ibraahim sheekh cumar ( dil toogasho ah ) 6-
maxamed baashe aw cali ( dil toogasho ah ) 7-
cabdi dhamac caabi ( dil toogasho ah ) . Haddii
magacyadaasi aanay afka geele ka soo wada bixin, ayaa waxay dadkii maxkamadda ku
jiray oo dumar u badnaa ay la oogsadeen hoogayoo ba'ayeey iyo qaylo mar
qudhaata buux dhaafisay qolkii maxkamadda tin ilaa cidhib. Maxkamaddu
siday idiin sharaftay halloo sharfo oo uu laba, sadexjeer ku celiyay maxamuud
geele yuusus una yidhi si adag oo dadka baqo kalisayna wuxuu raaciyey: sagaal
arday oo kale oo uu ku xukumay xabsi daa'in, sadex arday oo kale oo uu ku
xukumay min sadaex sanno iyo cali xasan aadan ( banfas ) oo uu ku xukumay shan
iyo toban sanno oo xadhig adag ah. Isla
markiiba waxa maxkamaddii laga dareeriyey dadkii ehelka, qaraabada, asxaabta iyo
shicibka ahaa anagana waxaa nalagula boobay katiinado. Wax yar ka dibna waxaa
nalagu guray gaadhi madoobe dheere ah oo ay dhinacyada ka saaran yihiin
ciidamadii siyaad barre ee daraawiishtu, halka ay ciidamada milatariga iyo
tiknikadooduba ay xagga hore iyo xagga danbaba nooga daadihinayeen. Waxaa nala
soo mariyey wadada marta dhakhtarka hargaysa dabadiisa anagoo u haysana in
nala gaynaayo jeelka hargaysa, waxaanuse garannay in nalagu wado meel kale
markii baabuurtii ilaalada ahayd iyo kii nasidayba ay jeelka xawaare ba'an ku
dhaafeen cagtana saareen dhankaa iyo wadada laamiga ah ee berbera u baxda,
iyadoo markaa maskaxdayada ay ku soo dhacday in nala gaynaayo madheera amma
labaatan jirow oo aan sheeko uun ku maqlay ahaydna halka ay ku xidhnaayeen
kooxdii la odhan jiray ufo. Waxaanu
xaqiiqsanay in nala gaynaayo madheera markii baabuurtu nagala leexatay tuulada
abdaal, iyadoo inta u dhaxaysa abdaal ilaa jeelka ay ciidamo milatari ahi
tallaabo takllaabo u daadsanaayeen. Wuxuu gaadhigii na siday galay gudaha jeelka
halka kuwii ilaalada ahaa ay albaabka hortiisa nagaga hadheen, waxaana nalagu
wareejiyey askartii iyo sarkaalkii haystay jeelka madheera. Waxaa
naloo qaybiyey laba kooxood waa kooxdayadii dilka ahayd iyo kooxdii kale ee
xadhiga ahyde, waxaana nalaga furay katiinadihii maxkamadda nalagaga soo xidhay
iyadoo naloogu badalay mid kale oo la yidhaa dhafoor maroodi taasoo ay isticmaalaan askarta jeelku.
Waxaa isla markiiba todobadayadii dilka ahaa loola cararay qaybta dilka ee loo
yaqaan " qabta " qaybtaasi oo loo sii maro lix albaab oo soo kala
horeeya iyo albaabka u danbeeya ee qolka aad ku xidhantahay. Waxay ka koobnayd
sideed qol oo afarba dhan ka soo jeedaan iskana soo hor jeeda waxayna ahayd
meel madaw, fool xun, uskag badan isla markaana aad arkaysay qolalka ay ka
koobantahay oo ay ka soo jeedaan dad raamaystay, waxaanay maalintaa u horaysay noola
ekayd ammaba ay ahayd meel yaab iyo argagax badan. Tiraba labaataneeye qof
oo kujiray ayaa wakhtigaa badhna soo taagnaayeey albaabada qolalka oo garaa' id
ahaa badhna soo kada loobeen, waxaana markii askartii nawaday iyo kuwii gaadhka
ahaaba naga baxeen, lana kala baxnay buste buste nala siiyey nala hadlay nin
weyn oo gadh weyn lahaa lana odhan jiray sheekh ismaaciiil carab, ninkaasi oo
ahaa nin baayac mushtari ah dukaan weyna ku lahaa magaalada hargaysa kaasoo ay alla
ha u naxariistee aadan shiine ilmaadeer ahaayeen sida aanu markii danbe
ogaanay. Sheekhu wuxuu naweydiiyey intayada saraakiisha ah iyadoo maxaabiista
iyo askartaba loogu sheegay in la keenayo niman saraakiila oo snm ah lana soo
qab- qabtay, waxaanuse u sheegnay inaanu ahayn arday dhiganaysay dugsiyada sare
ee magaalada hargaysa. Waxay
maalintaasi ahayd maalin arbaca ah, isla jimcihiina waxaa noo yimid dad
boqollaal ah oo ka koobnaa shacbi weynaha magaalada hargaysa, waxaanay
maalintaasi noo ahayd maalintii noogu horaysay dad shicib ah muddo sadex bilood
ah oo aanu ku xidhnayn qaybta lix iyo tabaatanaad amma fooqii loo yaqaanay fooqa
gaani. Subaxnimadii maalintaasi ilaa gabal dhiciina waxaanu fadhinay xafiisyada
hortooda halkaasi oo marba koox shicib ahi nagu soo booqanaysay, waxaanay dadka
badiduusu ahaayeen kuwo indhahooda ay ilmadu ka da' ayso iyagoo waliba
sidaa doonayay inay anaga noo calool adaygaan, qofkastaana wuxuu noosheegayey
ingaani loo tagay oo saamaxaad naloogu maqanyahay, waxaanse wasuusanayey tuduc
ka mid ah gabay uu lahaa cali banfas oo ahayd " aabaha ha saamaxo la
leeyahay, waa orgamihiiye " . Dilkii
u horreeeyey ee alle ha u naxariistee caano boodhe iyo kuwii ka danbeeyey. Hadii
aanu ku jirnay labo wiig dadka qofkii noo yimaadaana noogu bushaaraynaayo sii
dayntayada, dadkii dilka ahaa ee aanu qabta ugu tagnayna ishoodii is badashay ka
dib markii nooc wal oo raashin ah oo naloo keenaba aanu qayb tooda siino, aanad
arkaysay dadka wajiyadooda oo soo diiraya iyo xataa meeshii oo dhaq-dhaqaaqeedu
batay, yaa duhurnimadii maalin arbaco ah waxaa soo galay qabta askarigii
maalintaa meesha haystay iyo dhawr askari oo uu wato. Wuxuu is hortaagay
alaabkii garaa' idka ahaa ee mid ka mid ah qolalka qabta oo uu ku jiray nin la
odhan jiray caano boodhe, askarigaasi oo sadex xadhigle ahaa lana odhan jiray
muuse kuu kuu. Muuse
kuu kuu: waar mee caano beedhe. Caano
beedhe: waa i kan. Muuse
kuu kuu: waar bal dharkaaga cad xidh oo soo bax waxaan u malaynayaa
inuu viisad kuu yimide. Isagoo muuse sii furaya albaabkii qolka uu caano boodhe
ku jiray. Caano
baadhe: ( 00 ilaahay ha u naxariisree maalintaa maalin ka hor timaha iska
sii xiiray, cidiyaha iska sii guray isla markaana xidhnaa dharkii caddaa ee
dilka ) . Waar ina mari viisadna noomuu imane waa nala qaadayaaye. Maalinta
arbacada iyo maalinta jimcuhu waxay barigaa ahaayeen maalin ay maxaabiista
qaraabadooda amma asxaabtooduba ay soo booqato halka markii danbe maalinta
jimcaha uun laga dhigay, maalinta arbacaduna waxay ahayd maalinta la qaado qofka
la dilayo, iyadoo sharciyan ay u qornayd qofka in la qaado lana geeyo meeshii
laga soo xukumay si maalinta khamiista ah todobada subaxnimo loogu fuliyo
dilka toogashada ah. mar
haddii la soo celin waayey garanay in caano baadhe la qaadaye, waxaanuse
is leenahay naftana ku sasabaynaa saw ma dhici karto in meel kaleba oo
qaadaa, waxayse runi runteed tagtay markii gaadhkii subaxnimadii khamiista ahayd
soo galay noo sheegeen in saaka todobadii subaxnimo caano beedhe
lagu toogtay magaalada burco sidaasina uu sheegay warkii sideeda subaxnimo ee
radio muqdisho. Waxay maalintaasi kaga duwanayd maalmihii danbe, waxay ahayd
maalintii noogu horaysay ee nin aanu meel ku wada jirno lagu fuliyo
xukun dil ah, waxaanay ahayd maalin ka naxdin badan maalmihii danbe oo raggu uu
isku badalakay gasariir qofka la qaadayana la odhan jiray " waa wax
yar baanu kaa danbaynaynaaye waa inoo aakhiro iyo qabriga " maalintaasina
waxay ahayd maalin nin waliba intuu quraanka ka yaqaanay sodon goor kor iyo
hoosba u akhriyey. Dilkii
alle ha u maxariistee cabdilllahi dheere Iyo
yuusuf. cabdillaahi
dheere wuxuu ahaa nin u dhashay jiida gabiilay ilaa alaybaday, waxaanu reerkoodu
ahaa beeralay. Cabdilllaahi waxaa loo iman jiray labadii biloodba mar,
maalintaasina waxay ahayd maalinta noogu warka dagaalada amma snm ta badan. Waliba
waxaanu u jeclayn maalinta cabdillaahi dheere ay hooyadii u timaado, iyadoo
cabdilaahi hooyadii ahayd war galeen waliba ku darsatay dhiirranaan iyo baqasho
la'aan aanay ka baqan jirin askarta dhinacyadeeda tuban. Waa
maalin arbaco ah waana maalmahaa hore ee ay isku jireen dadka qaadistooda iyo
soo baaqashadoodu, waa goor duhur ah waxaana noo yeedhay cabdillaahi dheere iyo
nin kale oo markaa qabta wax yar uun nagula jiray, waxaanay ahayd wakhti ku
beegan kalkii cabdillaahi loo iman jiray. Waxaa nalaga kaxeeyey cabdillaahi
iyo yuusuf iyadoo sidii caadada u ahayd askartu markii hore ku
kaxaysan inay u malaynayaan in cidi u timid, cabaar haddii cabdillaahi iyo
yusuufba naga maqnaayeena waa la soo ciliyey iygoo askarina daba socoto. Waar
cabdillaaci ma hooyaa kuu timid mise cid kale, ayaa mar qudhaata ka soo kala
yeedhay dhawr qol oo maxaabiistii ku xidhnay ay albaabka taagnaayeen. Waar maye
kii kalaa yimid iyo kee iyo kii kale dee, ayay hadana is dhaafsadeen cabdillaahi
iyo laba nin oo kale oo cabdillaahi ay isku qol ahaayeen, ugu danbayntiina wuxuu
cabdillaahi sheegay in dilkoodii uu barrito yahay laguna yidhi soo qaata
gogoshiina barritaa laydin tooganayaaye. Iyadoo wakhtigaasi ay ahayd wakhti ay
qadadayadii bisishahay ayaa waxaanu ka hodsanay askartii maalintaa gaadhka
haysay in aan nimanka gaajo lagu kaxayn ee la sii qadaysiiyi, haddii ay si
wanaagsan u qadeeyeena waxaa qalkii aan ku jiray isasoo hortaagay yuusuf isagoo
na weydiistay inaanu xabad sigaar ah u shidno. Siintii yuusuf aanu xabad sigaara
siinay una shidnay iyo dhaqaaqii uu naga dhaqaaqay in yarna uu naga sii maqnaa,
ayuu nagu soo noqday yuusuf oo xabaddii sigaarka ahayd ka bakhtiday. Waar bal ii
shida hadana xabaddii sigaarka ahayd wey iga bkhtidaye oo malaha waan yar
sakatiyaye ayuu hadana yuusuf si geesinimo ah noogu yidhi, anagoo aad ula
yaabnay ninkaa iyo calool adkaansiisa uu xaalidiisa ku tilmaamay mid fudud oo
sakati ah.si wanaagsan ayaanu u sii sagootinay cabdillaahi dheere iyo
saaxiibkii yuusuf anagoo ilaahay uga barinay inuu ka yeelo kuwii naftu si dhib
yar oon silic lahyn uga baxdo. Dilkii
alleh ha u naxariistee saaxiibkaygii arbaca turubka i baray waa caddeeye'e
iyo ninkii jilaaga ahaa ee la odhan jiray dhucda iyo maxamed faroole. La
soco qaybta sadexaad iyo wixii dhacay jebintii jeelka madheera ka dib maalinta
axada ah haddii eebe idmo.
Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin Abdirisaq alpho. Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com
|