Waxaan u soo Joogay
Xasuuqii dooxa mako dur duro
Hargeisa 1988julay
Waa
Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in
dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare
Qormadan
Waxa inoo soo Diyaarisay Ayaan Nuur
Salaan dhamaan reer som/landka sharafta mudan hadaan wax idiinka taatabto
xasuuqii ka dhacay malko durduro 1988 julay maalintii mujahidiinti snm ay
so galeen dalka hooyo oo waaga ahaa waqooyi galbeed cimrigaygu wuxuu
ahaa 13jir waxa dhacday inaan la qaxnay gabadh hooyaday ay saxiib ahayeen
oo caruur warsan galaiya lahayd aya kula talisay hooyaday inaanu u qaxno
dhinaca faqashta oo ay ugu sheegtay iany nabad tahay kagana nabad galayno
diyarada iyo madafiicda ka dib inta waa qadar alee hooyaday way
yeeshay iyadoo anaga no danaynaysa ilayn wa hooyo uune waxba yaan hadalka
dheerayne waxanu u qaxnay xaafada la yidhaa isha boorama ee iminka
jaamacada hargeisa ku taalo anigo iskaba murugaysan oo sida
dadkayga madafiicda loola dhacayo aad uga xun ayaan galab
waxaan arkay dad fara badan oo u yaacaya dhinaca buurta isha boorame
ninkii yaqaan ba yaqaanw mesha u ku yaalo masaajidka isha boorama kadib
dadku waxay eegayaan dhinaca galbeedka oo qoraxdu ka sii dhacayso xiligaa
ila 5.30 meelaha qiyaas waxaan ka yabanahay waxay dadkuu eegayaan wax i
miuuqdana ma arko cala iyo xaal waxaan isku dayey inaan wax arko dhinaca
buurtaa ayaan koray waxaan arkay arkay dad koox koox u
urursan oo xabad lala dhacayo aniyo hooyaday waan is eegnay hooyaday
sidii bay gacanta igu so qwabatay una soo cararnay xaga gurigii aan ku
soo qaxnay walahi baan ku dhaarte cadawadaan u qaaday faqasha maalinta ila iminka
halganka dalkayga dhinacaygaaan ka wadaa
wa bilahi towfiiq
Ayaan Nuur
asraar_30@hotmail.com
Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd
nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com
ama webmaster@sdwo.com