SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Sheeko Taxane ah oo tiiraanyo badan

Waxaan u soo joogay dil fool xun oo ka dhacay degmada Cadaadley sanadkii 1988kii

Part 2

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

(July 25/07/2010) Bismilaahi raxmaani raxiim, aan isu kiin sheego marka hore  magacaygu waa Yuusuf Cabdi RoobleWaxaan ku dhashay oon ku barbaaray Hargeysa xaafada Maxmuud haybe ama Ex-Guryo samo.  Waxaan waxka baran jiray dugsigii H/dhexe ee J/daa,uud xaafada iftin.

 

Part 2  (Click Here - Halkan ka akhri qaybtii 1aad hadii ay ku dhaaftay)

 

Waxaanu u ababaxnay xaggaa iyo biyo shiinaha geed deeble iyo horo haadley halkaas oo inta badan
reer hargeysa uga carareen  dagaalada aan kala go 'a lahayn ee hargeysa ka socda kuwaas oo maali
kasta si xidhiidha uga socday hargeysa, waxaanu gaaadhnay meeshii u danbaysay ee dadku ku qaxeen
oo ah horo haadley  waxaanu markaa u sii dhaafnay xagga tuulooyika loo yaqaano ilimaha oo ah laba
ilinta galbeed iyo ilinta bari  waxaanu ka quusanay dadkaanu baafinaynay,   halkaa markaanu marayno
ayuu yidhi ninkaan la socday dib u noqon kari mayo ee aan gaadhno tuulaha loo yaqaano Boocley
oo ku dhaw meesha la yidhaa alaalacadka  waa hargeysa waqooyigeeda waa halka ugu danbey-
sa difaaca SNM.

Markaanu halkaa gaadhnay waxaanu ugu tagnay reer aanu ehelnahay ayaamo ayaanu la joognay maadaama aanu daalanayn oo socod dheer aanu soo galnay, markii aanu nasanay ayuu go'aansanay inaanu socodkayagii sii wadano markaa waxuu doonayaa inaan halkaa cadaadley oo markaa SNM haysato ka tagno ka dibna halkaa waraabeeye oo uu markii hore ka yimi aanu tagno oo gaadhi xaajiyada oo uu lahaa halkaana kaga yimi aanu u tagno,waxa nala raaciyey safar intuu hargeysa  raashin ka soo qaatey u socda xagaa iyo buuraha gacan libaax  waxa laga talaabaa oo la maraa Mesha  la yidhaa kodayare oo dacar budhuq  dhinaca Dhubato ka xiga waa caan qofka wadada maray barbara  sidii wadad(halayo) oo kale ayaa iyadana laga talaabaa 3 ilaa 4 habeenimo.  

Waxaanu u  soconay mudo maalin iyo habeena oo aad ayey u kala fogyihiin Boocley iyo Kodayare intaa wax raashina maan cunin marka horena raashinka ayaa guud ahaan iska daciifa wadanka, si nabada ayaanu u talownay,  wuxuu waagu noogu baryey Buuraha ka xiga Kodayare in yar aanu yara fadhiisanay dhagaxa  dushiisii ayaanu yara jiifsanay daal,haraad iyo gaajo darteed raashinkan aysitaan lama karin karo oo qiiqa iyo iftinka dabka ayaa laga baqanayaa, maraakii cadceedii si fiican u soo baxday ayey nimankaanu la soconay yidhaahdeen anagu waxaanu qabaneyaa meel aanan iminka xasuusan karin oo buurahaa gacan libaax ku taal, anagana waxay noo tilmaameen wado lugeed buuraha ka dhacda oo Cadaadley halkaa ka tagta,waxaanu cadaadley u maraynaa inaanu waxaanu cuno iyo waxaanu cabnaba ka helo oo ku sii nasano iyadoo aanu u haysano in SNM haysato cadaadley hase ahaatee arintu sidaa way ka duwan tahay  Maalintaa Boocley socodka ka soo bilawnay ayaa Caadley Faqash Qabsatey oo war uma hayno  dhulku waa cidlo Intaa aanu soconay cid lamaanaan kulmin.

subaxii makii cadceedu soo baxday ayaa nimankii safarka ahaa ee aanu la soconay noo tilmaameen wado lugeed halkaa ka gasha Magaalada Cadaadley iyaguna dhinacaa iyo buuraha gacan libaax Tuulo ku taala   ayey u dhaqaaqeen waxaanu sii jafno buuraha adagba waxaanu ka dhacnay buurtii waxay nagu qaadatay inaanu buurta ka dhacno mudo maalin ku dhaw casar ayuunu dhinaca hawd xiga uga dhaadhacnay , halkaa waxa ku yaal beero roobaad aad u badan laakiin dhamaan dhulku waa cidlo wax sanqadha malaha marka laga reebo  Cida shimbiraha,cida Daayeerka iyo laamaha dhirta ee is xoqaya, waxay noo tahay  laba maalmood iyo habeen  dad iyo xoolotoona maanaan arag,waa colaad  boqol-kiiba boqola, beerihii laga cararay ayaanu iska dhexmaraynaa   waayo waxa naga luntay wado lugeedii  markaa ma garanayno meeshaan u soconay dhinaca ay naga xigto wa casar  soo gaabanaya,hadii aanu socodka sii wadan lahayn waxa dhinaca hawd naga xiga bannka loo yaqaano (weeraarta) oo ay adagtahay in aanu ka talawno maadaama aanu aad u daalanahay gaajo badanina noo weheliso,geed wayn oo hadhaca oo berkadi ay u dhawdahay aayaanu iska hoos fadhiisanay, cadaadley dhinaca bari ayey naga xigtaa ilaa 5Km  mana garnayno waxaana inta badan magaalada daboola dhir waawayn oo saani markaad ka fog tahay uma muuqato ,anagoo halkii fadhina ayaa waxa dhinaca hawd
naga beegan aanu ka maqalnay Cod rag marka dhulku cidlada yahay hadalka meel fog ayaad ka maqlaysaa  xagyagii aanu jooganay ayaba codkii u soo kacay  mise waaba laba inan oo dhalin yaro   markaa Kacaana da'ahaan, way na salaameen waanu ka qaadnay waxoogaa ayaanu is yara waraysanay waxay na su aaleen xagaanu u socono markaas ayaanu nidhi Cadaadley anaguna cadaadley ayaanu u soconaaa ayey yidhaahdeen,waxay ka yimaadeen reero reermiyiya oo in tay dagaaladii cadaadley ka qaxeen ayey hadana donayaan in magaalada dib ugu noqdaan oo Sheeko,Qaad iyo buuri ayey reer miyigu in ta badan tuulaha u tagaan in meesha dagaal ka dhacay way ogaayeen laakiin anaga noo may sheegin, waxaanu u dhaqaaqnay dhianacii cadaadley cadceeda ayaa sii gaabanaysa waxaanu soconaba waxaanu gaadhnay cadaadley agteeda waxa noo muuqda dadkiimagaalada joogay waa dad wada hubaysan tuute iyo dhar shiciba ayey xidhan yihiin,cadaadley waxa qabsaday ciidankii Faqashata maalintaanu ka soo dhaqaaqney Boocley ayey qabsadeen inamadanina war uma hayaan,hadaba maanaan fahmin waayo ciidanka faqashta waxa la socda Ciidamadii la hubeeyey ee Qaxoontiyada  oo dhar shiciba xidhan  waxay noola muuqdeen Ciidankii SNM inamda ayaa
midka midi Shakiyey oo yidhi walaahi waa faqashtiiye aan ka Yaacno maraasaanu la yaabanay oo aan nindhi
war yaan nalaga shakiyine a baqanin geed hoostii ayaabu galay waanu ka soo saarnay  ayagu wali nama arkaan
markaasaanu xagoodii u dhaqaaqney intay na arkayeen.  
 
 
Inamadii mid kamidi markuu shakiyey ee aanu geedka uu ku dhuuntay ka soo saarnay ayaanu u dhaqaaqnay oo socodkii sii wadanay anagoo xagga magaalada u socona dhinaca koonfur toosan ayaanu kaga nimi magaalada, wax yar markaanu magaalada u soo jirsanay ilaa 500m laakiin aanaan wali fahmin dadkan magalada joogaa ciday yihiin ayey na arkeen ciidamadii Faqashatu, sidaadii naloo arkay ayaaba xabad nalagu soo riday nalagu joojinayo waanu joogsanay hase ahaatee hadalka saani u maqli mayno, markii xabada nalgu riday ayaa dhamaan ciidankii xaggayaga u soo yaacay iyadoo qoryaha xabada dhuunta loo dhigayo oo amaanka lagafurayo qoryaha  waaba nalgu soo dhawaday mise waaba ciidankii faqashta, markaas xaaladayadii way is badashay cadawgaan ka dhuumanaynay ayaan u gacan galnay waxa nalgu bilaabay istaaga,   gacmaha kor u taaga, isa safa iyo dhinac u wada jeesta intaas ka dib ayaa qof waliba wixii uu xidhnaa ama uu sitay laga qaaday dhirbaaxo laad iyo iyo wixii nalala dhici karaayey ayaa nalagala daalay, markii wixii la qadan karaayey la qaatey ayaa qof walba idhaha shaadhkiisii loogu xidhay suunkiina Garbaduub ayaa naloogu xidhay waxa naloo diyaariyey Dil, safiikii ayaanu wali ku jirnaa  mid askarta ka mida ayaa leh inaga fogeeya dhiigooda, horu socda ayey yidhaahdeen anagoo indhaha ka xidhan suunkiina ku garbo duuban waanu dhaqaaqnay in yar markaanu soconay ayey aniga iga reebeen waayo waan ugu yaraa da' ahan  ilaa 14 sano ayaan marka ahaa waxa ii dheeraa diif farabadan oo igu taalay oo da'dayda hoos u sii dhigaysay iyo waqtigayga oon dhamaan,  meelkale ayaa aniga laysoo kexeeyey oon ka fogayn dhinacii ragga loo kaxeeyey,  waxaan maqlay in yar ka dib rasaas xoogan oo mar wada dhacday waxaan gartay in raggii la laayey  mid askartii kamidina wuxuu leeyahay waar hebel rasaastii ayuu naga dhameeyey, aniga cabsi farabadan ayaa igu sii koradhay anigoo marka horeba aad u naxsan oo maskaxdaydu dhawr goor is rogrogtay anigoo dareemaya, waayo marka nafta dil loo sheego waxay gashaa xaalad sakaraad oo kale ah, halkaa ayaa iigu danbeysay oo ninkii aanu inmaabtiga ahayn ahaa (Ciise Muuse Maxamed ciise Reer cabane) iyo inamadii aanu dhexda iskasoo raacnay oo ay ahayd markii iigu horaysa ee iigu na danbaysay waxanay ahaayeen deegaanka cadaadley (Isaxaaq Qaasin).
 
Intaa kadib markii ragii dhinteen ayaa aniga laygu soo ururay iyadoon wali indhaha ka xidhan suunkiina igu xidhan yahay ninba hadal ayuu igu soo tuuraa, xageed waar ka timadeen, qolomaad tahay, waar dila waxba ha waydiininee iyo gujooyin faraban laakiin anigu waan jawaabi kari la ahay markaan kalmad idhaa takale ayaa iga soo bixi wayda waayo waxa isu kay galay naxdin badan, Gaajo iyo   haraad  waa maalintii labaad iyo habeen intaanu soconay ee aanu bilaa raashin ahayn, inyar kadib aya mid askartii kamida layga tagay naga fogee ayey yidhaahdeen markasuu xaggaa ii tukhaantukhiyey qorigiina garabka kala soo degay oo xabada dhuunta dhigay laakiin waqtigaygu muu dhamaan, bal eeg sida ilaahay xaaladayda u badalo, askari ayaaba ka soo qaylinaya dhinaca magaaladu naga xigto waar u kaadi, waar u kaadi ayuu leeyahay isagoo askariga magaciisa ugu yeedhaya markaasuu i joojiyey ilaa uu askarigii na soo gaadhayey markuu na soo gaadhay ayuu ku yidhi isoo raaci Hebel ayaan u gaynayaa, waa nin sarkaala oo aanan magaciisa xasuusan karin ninka lay gaynayaa markaas ayuu i kaxeeyey wali indhaha ayaan ka xidhanahay laakiin suunkii ayaa layga furay waxa lay geeyey askar saraakiila oo hoos fadhiya gaadhi qori saaran yahay oo ah lan kuruusar  gabalka ayaa sii dhacaya,  waa dacalka bari ee magaalada halkay fadhiyaan oo kama foga magaalada markaasuu i waraystay oo wax i su suaalay laakiin waan ka jawaabi kari waayey markuu arkay in hungurigu i qalalay ayuu intuu waysadiisii soo saaray ii dhiibay oo yidhi cab laakiin markaan mar ka baday ayaan biyihii si dirqiya ku liqay markaasaan waysadii u celiyey dabadeedna wuxuu yidhi askari la joogay orodoo Hebel u gee waa ka Kusheenada joogee  oo raashin siidhe, waxa lay geeyey nin jareera oo Ciidanka raashika u kariya  markaasuu in yar oo raashina i siiyey gabalkii ayaa dhacay waa fiid cawl, 

kabo dacasa iyo buste ayey i siiyeen meeshu waa geed wayn oo Qudhaca oo magaalada dhinaca barri kaga yaala talis ayey ka dhigteen oo baabuurta raashinka sida iyo isgaadhsiinta ayaa u taala  in yar hadaan joogay ayaa waxa yimi askartii waajibaadka habeenimo qaadanaysay  kuwii ayaa hadana igu bilaabay su aalo iyo jees jees askarta waxa ka mida nin aanu xaafada ku wada jirnay oo ahaa dhalinyaradii jaamacadaha dhamaysay ee xidiglaha laga dhigay  oo nin aanu isku reer nahay uu Adeer u yahay, aan iftiimiyo siduu adeerka ugu noqday  ninka aanu isku reerka nahay wuxuu la wallalo yahay nin ogaadeena oo xagga hooyo ayey ka walaalo yihiin, maalintii isugu kaayo danbeysayna isagoo gaadhi jiiba wata ayuu xaafada nooogu yimi,  waaban gartayba markaas ayaan ku idhi miyaanad Cali ahayn  markaas ayuu intuu igu soo foorrarsaday yidhi ala ala waa ciyaalkii xaafadayada waar yuusuf bal waran  markaas ayaa culays wayni iga degay oo askartii igu jees jeesaysay iga tagtay,  way baqanayaan oo dhufayska ayey hadhiyo habeenba ku jiraan iyagoo ka baqanaya in rogaal celin ay SNM ku soo samayso, markaa waraysi waanu haleeli waynay wuxuu igu yidhi halkaa ha dhaafin bartaa fadhi askarta kale een ku arag ayaa ku dilaysee sidaas ayuu gabalkii noogu dhacay habeenkiina aan halkii u hoyday. 
 
La Soco Qaybta 3aad:  Halkaa ayey inooga sii socondoontaa sheekadu iyo wuxuu waagu iigu baryo iyo siday xaaladaydu ku danbayso

 

 

Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo hagaaji webmaster@sdwo.com

Waxaan u soo Joogay

Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988

Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE