|
|
Waxaan u soo Joogay Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988 Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare Qormada Waxa inoo soo Diyaariyey Guled Cabdi - London Waxaan u soo joogay dhacdo aniga igu dhacday
oo ku tusaysa xilkasnimo daradii dadkii markaas ka talin jiray Somaliland,
Dhacdani waxay igu dhacday sanadkii 1985 markaas oo aan ahaa 13 jir.
Waxay ahayd goor galab ah ilaa 5tii galabnimo waxaan joogay Fiidyoow aanu
ku lahayn xaafadii u dhaxaysay iskuulkii gacan libaax iyo suuqii ee ku xigtay
sinimaha Hargeysa inkastoo magac xun loo yaqaanay oo berigii hore ay deganaan
jireen qaar ka mida naagaha xunxun ee jidhkooda ka ganacsada. Markaa sidaan kor ku soo sheegay anigoo jooga keligay Fiidyowgayagaa la odhan jiray Alla Aamin oo albaabkuna hoosta iiga xidhanyahay oo aan isku diyaarinayo sidii qaybtii filimada habeenkii aan u furi lahaa 6da fiidnimo ayaa waxaan maqlay albaabkii oo la garaacay. Waxaan markiiba furay albaabkii dibada, indhahaygu markiiba waxay qabteen koox guulwadayaal ah iyo gaadhi laandaroofal ah oo i hortaagan, Markiiba waxa hadal ila soo laacay nin aan horey u arkay oo maalmahaas xamar ka yimid oo la yidhi waxa uu haystaa wakaalada filimada ee gobolada waqooyi, markaa waxa jirtay inuu ninkaas lacag qasab ah doonay inuu ku soo rogo fiidyoowyada oo uu yidhi wixii meesha ka soo baxa 25% waa in isaga la siiyaa, hase yeeshee fiidyoowyaashii Hargeysa ku yaalay oo dhami way ka dhega adaygeen cid bixisana waa la waayey shirkii u danbeeyay ee uu iskugu yeedhay fiidyowyadana cidi kamay soo xaadirin, taasaana sababtay inuu maanta guulwadayaashan soo kaxaysto. Wuxuu gaadhigii soo gaadhay xafaadahii
jeelka agtiisa oo halkaana fiidyoow ku yaalay la rabo in la qabto ninkii hayey,
Markaas baanu ku idhi, hada waxaan ag maraynaa xaafadayadii oo halkan ka dhowe
hooyadeey ii geeya gurigay joogtaa is ay labad kun u bixisee,
Wuxuu iigu jawaabay hooyada markay meeshii kaa weeydo iyada ku soo
helidoonta. Markay ahayd ilaa 7 fiidnimo ayaa wuxuu
ninkii na watay na geeyay saldhigii booliska ee Hargeysa, Askarigii oobiiga
fadhiyey ayuu ku yidhi 8 da qof ha la ii xidho. Askarigii baa ku yidhi taliyahii
kabtan xidhe ayaa jooga isaga oo amrka bixiya mooyee kaa qaban mayno ee u gal
waa ka xafiiskiisa fadhiyee, Wuu na
kaxeeyay waxaanuna u galnay kabtan xidhe, wuxuu ku yidhi taliye nimankan baan
rabaa in la ii xidho sababtoo ah cashuurtii wakaalada filimada ayay diiideen
inay bixiyaan, Kabtan xidhe wuxuu ku
yidhi way buuxdaa meeshu oo meel uma hayo ee markii hore yaa kuu soo qabtay
dadkan aad wadatid, wuxuu ku yidhi ciidn guulwadayaasha ah baan kaxaystay,
markasbuu kabtan xidhe ku yidhi hadaba kuwii kuu soo qabtay meeshooda ha kuugu
xidhaane igala bax. Hadana gaadhigiibaa nala saaray waxaanu afka
naloo saaray wadadii shacabka tegaysay, waa ilaa 8dii fiidnimo, waxa nala geeyay
xaruntii guulwadayaashe ee ka soo horjeeday halkan ay hada tahay madaxtooyada
Somaliland, Askartii gaadhka ahayd baa ku tidhi halkani waa xafiisyo ee meel wax
lagu xidho malahee dadkan meel kale geeya, wuxuu ku yidhi halkan deeyrka uun ha
idinla dhexfadhiyaan waan soo noqonayaaye. Habeenkii oo dhan halkii baanu fadhinay, markay tahay ilaa iyo 12kii habeenimo ee uu ninkii na watayna iska hurdotegay ee uu soo noqonwaayey ayay nimankii gaadhka ahaa yidhaadeen hadii aan caawa idin sii dayno ma balan qaadaysaan inaad beri aroorta soo noqonaysaan, hadii aad soo noqonweydaan ileyn ninkii markii horeba idin soo xidhay wuu garanayaa halkaad joogtaane, waanu balanqaadnay wana nala sii daayey. Sidaas baanan habeenkii gurigii ku tegay iyadii oo meel la iga raadiyo la garanwaayey oo meel walaba la iga soo waayey. Aroortii ilaa 10kii subaxnimo ayaanu soo nqonay iyadii oo ay hooyadeey ila socoto, waxaanu nimid xaruntii guulwadayaashe ee aanu xalay ku xidhnayn waxa xaga danbe ee dayrka fadhiya ninkii na soo xidhay oo buug shati ah sita, si uu labablabadii kun ee ganaaxa ahaa uu u urursado, Waxoogey yar oo hanjabaad ah ka bacdi lacagtii baanu bixinay, waxa isna meesha jooga odey weyn oo aan ku qiyaasay ilaa iyo 70 jir, ninkiibuu ku yidhi ganaaxan aad naga qaadaysaa muxuu yahay, Markiiba waxa halkan ka soo booday guulwada na agtaagnaa markaas buu dhirbaaxo aad u xanuun kulul indhaha kaga dhuftay odaygii, odaygii baa ciirciiray oo dhici gaadhay markaasbuu degdeg dhulka u gadhiistay. Ninii lacagta naga guranayey baa yidhi xunkaas oo miidhan ba laga fadhiy laayey, waar xidha xunka, halkii baa dadkii meesha joogay ay baryo galeen in odaygan weyn ee dada ah la iska sii daayo. Hase yeeshee aa laga diiday odaygiina halkiibay maalintaas kula hadheen. Sheekadan waxaan u soo qaatay dhibta iyo ku tumashada shacbigu yaraan iyo badniba inaay ahayd mid taxane ah oo aad maalin walaba la kulmaysay.
Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com
|