SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Waxaan u soo Joogay

Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988

Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare

Qormada Waxa inoo soo Diyaariyey Osman M. Ali Gazali 

 

Sheekadan waxa nooga sheekeeyay nikii ay ku dhacday oo ahaa nin reer miyi ah. magaciisa waxa layidhaa Ciise Xirsi waxanu ahaa nin hore u soo maray tababar askarinimo. oo waxa uu ka mid ahaa ragii 1977-kii la raafay kadibna miyigii ayuu iskaga noqday markii uu dagaalkii xabashida dhamaaday ee 1977-kii.
 
Ciise Xirsi waxa uu daganaa miyiga gobolka Togdheer, dagmada Oodwayne tuulo ka tirsan miyigeeda, taas oo layidhaado Jeenyalaaye. waxay u dhaxaysaa Harosheekh iyo Xaaji Saalax.
 
waxa uu yidhi sidii lagu yaqaanay askartii kaligii taliyaha Khaasatan kuwa tuulooyinka waxay ka bixi jireen tuulada kadibna waxay cagta marin jireen dadka reer miyiga ah ee agagaarka.
 
Goor galab ah aniga, xaaskayga iyo gabadh aan dhalay oo guriga joogna ayaa waxa noo yimi 4 nin oo faqash ah. kadib waxay ku yidhaahdeen aqalka gala xaaskaygii iyo inantaydii. anigana waxay igu yidaahdeen orod oo iska tag. taas macnaheeda hore ayaanu u maqalnay haddii aanu nahay bulshada halkaas daganayd oo waxa weeye way fara xumaynayaan dumarka. waxan ka codsaday inaan guriga waysadayda kala soo bixi karo waanay ii ogolaadeen.

 

kadib waxan go`aansaday inaan laayo oo qori ayaa buulka iigu xasaysan. buulkii ayaan galay kadibna qorigaygii ayaan buulka yacaygiisa kariday, waa xaga dambe. Dabadeedna waan iska soo baxay anigoo waysadaydii sita. si deg deg ah ayay aqalkii isugu shubeen afartoodiba ayaga ood moodo inay wax kala boobayaan. Ana aadyar ayaan buulkii xagiisa dambe ka wareegay oon qorigaygii boodhka ka afuuftay. Dabadeedna nimankii oo marfuranaaya oo reer dagay lamoodo ayaan ula soo galay, oo aan mid kaliya qorigiisu diyaar u ahayn. Afartoodiiba waan isasaaray isla galabtiina waxaan u guuray hawd oo xuduudka ayaan ka talaabay isla habeenimadii.
 
Ninka qisadaasi ku dhacday waxa uu ahaa Ciise xirsi oo hada deggan Tuulo hawd ku taal oo la yidhaa Ceelbaxay.
 
Waxa idiin soo gudbiyay, Osman M. Ali Gazali 

 

Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE