|
|
Waxaan u soo Joogay Intii lay gumayn lahaa geeribaan ka doortay Waa markii u horaysay ee ay indhahaygu qabtaan mujaahid u soo diyaar garoobey inuu la xisaabtamo faqash kana hantiyo xuduntii hurgumada iyo xayndaabkii ciqaabta loo deyrtey ( Xeradii Birjeex ) Hargaysa
Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare Qormadan Waxa inoo soo ururiyey Xersi Cisman waa warbixintii Muj. (Yuusuf Xasan (xiimaaye) Qaybta Koowaad
Waqtigu waa saqbadh waxaa da,aya roob aan sidaa u
weynayn oo da,ayey ilaa maqribadii shalay waa galab jawiga
hawadu aad u wanaagsanyay wejiyada daka waaweynse waxaa ka muuqda jawi
murugo iyo farxad hadba mid isu rogaya waxaa intii maalma ahba dadku isugu
ur-ururayaan xayn-xayn, waxaa la maqashiisanyahay in magaaladii Burco ay
qabsatay SNM.Waxaase iska cad in Faqash ay qaadi doonto falalkeedii argagixiso
ee ay dadka kula dhici jirtey maalinta ay ku dhacdo dhirbaaxo ay soo
gaadhsiiyaan ragii rag ahaa, maantana kaba daranoo waxaa lag eba-gebeeyey dhul
iyo magaalooyin dhan oo ay xaaraan ku haysteen. Ilaa shalay casar gaabkiiba
waxaa kacaa fadhiisanayey diyaaradaha dagaalka oo dabaadeed ku libdhayey
dhinaca koonfur-galbeed ee magaalada Hargeysa ,waxaa marba marka ka dambaysa
soo xoogaysanayey gariirkii soo bilaabmay galabnimadii shalay daku waxay
saadaalinayaan in sidii caadadu u ahayd ay Faqash soo faadhumaysanayaan waxaa
iyana kolba ka baxaya dalcadii eribootka Hargeysa daraasiin baabuurta
ciidamada ah oo aad u hubaysana iyo ciidamo aad u tiro badan oo u sansaan eg
inay meel u gurmanayaan. Alahayow maxay noqon!
Waxba yuu hadalku ila sii durkine qiyaastii gooray tahay labadii habeenimo wuxuu marba marka ka dambaysa gariirkii madaafiicda iyo hugunkii rasaastu soo dhawaadoba waxaa dagaal culisi ka qarxay galbeedka magaalada meel qiyaastii ku beegan Boqolljire hadii in mudo ah meeshii laysku haystey waxaa laysula kacay xagaa iyo Geed-deeble waxaa lafuushanaa saqafyada aqalada cidii ay u suurtoobaysaa dadka qaarana waxaa bay usii dhawaanayaan xagaa iyo meelaha sida fiican wax looga arki karayey . Wadaad jinaw layidhaa oo aanu jaar ahayn oo ka mid ahayd dadkii aadka u jibaysnaa waxay ilaa shalayba hoosta ka boobaysey yaasiinka iyadoo ku celcelinaysay ilaahow cadawgayaga jebi - illaahayoow noo hiili illlaahoow hubka faqashta biyo ka yeel ilaahayoow goblan habadin inamadaa u soo hiloobey inay hoygoodii iyo hooyooyinkood wahabka ka dulqaadaan, waxayse jinaw moogayd in hubaashii ay hooyooyin badani goor horeba goblameen qaar kaloo badanina goblami doonaan gar bayse u lahayd inay tusbaxa rogto saa afar wiil oo ay dhashay ayaa laba ka mid ahi caawa hargeysa ku soo wajahan yihiin halka laba kalena ka mid ahaayeen kuwii sadex casho ka hor burco galay oo geeri iyo nolol waxay ku dambeeyeen aanay garanayn. Markii la kala gartay geed iyo ruuxna waxaa laysugu yimi taliskii ugu weynaa ee faqash ku dhaadanaysey waa xirada loo yaqaan "Birjeex". Mudo saacado ah markii laysku haystey xeradaasna wuxuu xaal u ekaaday in lagu kala hagaagay gurmadka ciidamada faqashtu wuu iska soo daba dhacayaa habar jinawna markay aragto faqash gurmad ahba waxay xaabsataa tantooma ciid ah oo intay xagooda usaydho tidhaahdaa "alla idinma soo nabad celiyo" "xabada mujaahidku idinma seegto "iyo hadalo lamid ah. Dadku kala nasiib badane goor ay barqadii tahay ayaa xaq-u-dirirkii SNM dib isugu urursadeen xaafadihii idaacada, Goljano iyo wixii ka dambeeyey jeelkii weynaa ee hargeysa anaga iyo habar jinawse waxaa nasiibku noo qadaray inaanu noqono qaar weli kusii hoos jira Maatalayskii shalay oo loogusii daray karbaash, waa wax lamalaysan karo waxay maaganyiin iyo cida ay ka jari doonan dhirbaaxooyinkii kululaa ee mujaahidku ku dhuftay iyo cabudhintootii oo ciilkaambi u raacay. Waxaa durba bilaabmay dib usoo gurashadii ciidankii faqash oo umaaqda qaar u adkaysan la' gumuca mujaahidka xataa waxaa la arki karayey qaar dirayskii ay wateen meel ay kusoo bixiyeen aan la garanayn oo durba shicibka dhinac ka raacay iyo qaar kale oo meelay qoryohoodii kaga waramaan aan garanayn, bal adba!. Rasaatii dhacaysey waxay noqotay teel-teel xaafadahayagiina waxaaa gaalaa-baxaya faqash raxan raxan u socota oo baydadsan meel ay u socdaan iyo meelay ka socdaan toona aan garanayn jaah-wareersan ka muuqato cabsi fara badan, baydadsan, didsan,argagaxsan oo cidii ka hortimaadana tacshiirad huwinaya magaaladiina u wada noqotay SNM. Durba waxaa bilaabmay fadhataysigii guryaha faraxumayntii hablaha iyo fantayntii bulshada ee caadada u ahaa taliskii faqash. Subaxaasi wuxuu ahaa subaxii u horeeyey ee aan sheed fog ka arko mujaahid naftiisa u haneeyey inuu u huro dalkiisa oo ku jira xarbi taariikhi lama ilaawaana leh ,waa subaxii u horeeyey ee indhahaygu qabtaan mujaahid u soo diyaar garoobey inuu la xisaabtamo ciidamo-ku-sheegii faqash oo si aan gabasho lahayn tilaabo tilaabo ugu siqaya inuu ka hantiyo xuduntii hurgumada iyo xaydaankii ciqaabta faqash u deyratey (Birjeex) oo aanu ka daawanayney kur yar oo u dhaxaysa badhka iyo birjeex. la soco qaybaha dambe ee " Intii lay gumeynlaa geeribaan ka doorbiday" oo uu inoo werinayo Md. Mj. Yuusuf Xasan (xiimaaye) oo uu fadhigiisu yahay Viena Austria.
waxaa kasoo min-guuriyey hersi osman
frankfurt am main germany
Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com
|