SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Waxaan u soo Joogay

 

Intii lay gumayn lahaa geeribaan ka dooratay

Qaybtii Labaad 

Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare

Qormadan Waxa inoo soo ururiyey Xersi Cisman waa warbixintii Muj. (Yuusuf Xasan (xiimaaye)  

 

Waxaa beenoobey hal-ku-dhigyadii khayaaliga ahaa ee faqash iyo dirkeedii nafta ku maaweelin jiray markay dadka intooda wax-ma-garatada ah la hadlayeen.


Waxay inoo joogtey iyada oo weli xeradii Birjeex mujaahidiintii SNM iyo ciidamo-ku-sheegii Faqash dagaal ba'ani ku dhex marayo weli waxaa goobtaa ku soo qul-qulayaa faqashtii gurmadka ahayd oo waxay tawaangi, jiibab iyo hub culus ku soo dal-dalayaan aanad malaysan karin tiradooda halka dhanka mujaahidiintana inkasta oo aanay wadanin hub tiradaa iyo xadigaa leh tiknikona hadalkeedaba daah, waxaan ka ahayn baabuur landkrusero ah oo inta kurta laga jaray qoryo la saaray hadana marba marka ka dambaysa ay sii kululaynayeen dardarta weerarkooda  waayo waxay ku xisaabtamayeen ayaaba ahaa waxa faqashtu sidato inay intay ka qabsadaan dib ugula dagaalamaan taas oo una muuqatay in mujaahidiintii SNM waxbadani uga suurta galeen.

Ku dhawaad abaaro sagaalkii subaxnimo ayaa xeradii Birjeex meelo badan dab ka qabsaday waxaa markiiba bilowday in meelihii hubku ugu kaydsanaa faqashta la gubo oo qaraxyo ka dhacaan labadii ciidana dib u kala gurtaan marbana marka ka dambaysa waxaa sii yaraanayey rasaastii laysu adeegsanayey oo noocyada dhawaaqa iyo waxyeeladooduba aad u kala duwanayd .Dadka qaarbaaba u abtirinayey qorigii dhacaba na lahaa kaasi waa qori hebel iyo wax lamida.Ciidamo-kusheegii gabbalkoodu dhacay ee faqash ee dhirbaaxada mujaahidku soo daan-daamisay waxay dib ugu soo gurteen Stadiomka, xaafadii iftin, Siinaay iyo wixii la halmaala iyagoo markiiba sidii caadadu u ahayd cadhadii kula dhacay cidii soo hormarta shacbiga iyo xaafadihii aaga ka dhawaa iyagoo wixii dhaqaaqaba tacshiirad huwinayay ,dadku se wax kaloo ay kafilanayeen baan jirinba. Kala yaacaay baa ka dhacday qof walina wuxuu afka saaray halkii ay naftiisu badbaado ka filaysey.

Aniga iyo saaxiibadayna orod baanu jaanta rogney xagaa iyo xaafadihii xataa meesha aanu hada joogno iyo xaafadahayagii oo ay u dhexayso masaafad door ahi maaha ammaan laysku halayn karo oo meel walba ciidan goosan ah oo ilaa xalay dib uga soo guranayey foranta ayaa suurta gal ah inay seked walba kaaga hor yimaadaan. Yeelkadeedee hortaa-banaan iyo allaa wakiil ah ayaanu iskaga soconaa.

Si kasta arinku ha ahaadee subaxaa waxaa beenoobey sheekooyinkii khayaaliga ahaa ee faqash iyo dirkeed nafta ku maaweelin jireen dadkana ku beer laxawsan jireen intooda wax magaratada ah markay oryateeshinada ka faanayaan "waa afar inan oo injirleh beri baanu soo qabqabanaynaa, ordoo soo celiya intaananu meydkooda idiin keenin ma idinla tahay inay hargeysa iyo meel kale toona soo geli karaan" iyo wax la mida oon nuxur iyo nasteexo midna lahayn.Waxaa dhabowdey erayadii gabaygii Gaariye ee ahaa wixii lays dhacsiiyiyo bagay dhicisay beentii bagaa laysu jilib dhigay bagaa dhuunta laysmudey madhacsade nin ii qabey madhuldhece ma ii qiray,bagaa ina dhalbaasoow dhulkiiyoon tin laga jarin xaaqinkii dhamaad yidhi, allaylehe dhegxumadii dhugatana hadaacdee bagaa rag uga dhiidhiyey, hubka dhuunta ka onkoda iyo dhagarta miinada bagaa dhabar adaygiyo dhenged loogu babac dhigay, nin dhardhaaran jireybaa dhuuniga la waayiyo dheriga u darsanayee marhadaanan dherg qabin dheglaydaan ku shubay waa dhankastaba halagu qado.

Waxaanu sii guclaynaba waxaanu nabadqab ku  soo gaadhney xaafadihii dadku sibay isugu ururursan yihiin waxaad moodaa in rajadu sii xumaanayso waayo waxaa loo qaatayba in mujaahidiintii laga xoog roonaaday oo magaalada dib looga saaray  ilaahow riyo nooga dhig taasina mayay noo dambaysay, waxaanayse magaalada dhinacani ka warhayn in dhanka kale xoryahay oo damaashaad iyo farxad iyo rayrayn aan la qiyaasi karini ka aloosan tahay ileyn cid isu talaabaysaa ma jirto oo isu socod majiree, allahayoow maxay noqon!.

Wadaad aanu jaar ahayn oo Weris la odhan jirey waxay ilaa saakaba ku il goday dariiqa xaafadayada yimaada oo ay ka jeedaalinaysay bal inuu ka soo muuqdo odey Saleebaan oo seygeeda ahaa ilaalona ka ahaa xalay meel u dhow miiska saraakiisha oo ilaa hada aan raq iyo ruux meel lagaga waramo la garanayn aadna ugu dib dhacay waqtigii ay uga baratay inuu subaxdii yimaado hadoo gelin dambe ahna rajadiisii inuu nool yahay gabaabsi ku dhowdahay waxay gaaf wareegaysaa xaafadaha jaarka iyada oo leh tolow kii oday ahaa geeri iyo nolol muxuu ku suganyahay,dadkuna iyagoo ka ilaalinaya inay rajo dhigto ugu caqli celinayaan wuu iska iman doonaaye inuu meelahaa rasaasta kaga gabadaa dhici kartee hawerwerin.

Gooray casargaab tahay ayaa waxaa soo muuqday oday Saleebaan oon cidiba nolol ku tirinayn wuxuuna soo kordhiyey war lagu diirsaday oo marlabaad soo nooleeyey rajadii sii gabaabsiga ahayd ee riyadii xalay dadka u bilaabantay in faqash laga xoog roonaaday iyo inaan mujaahidiintii magaalada laga saarin:

la soco qaybaha dambe ee "intii la i gumayn lahaa geeri baan ka door biday" oo uu inoo werinayo Mj. (Xiimaaye)

Waxaa ka soo min-guuriyey Hersi Osman/Somalilandpatriots.com

 
 
frankfurt am main germany
 

 

Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE