Waxaan u soo Joogay
Ciidankii
Faqashta ee kantroolka Hud-dusa ee Berbera iyo Buurta Sheekh Dhexdooda oo
jidgoyn noo galay
Waa
Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in
dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare
Qormadan
Waxa inoo soo ururiyey Xirsi
Cismaan- waa warbixintii
Ciise Aw Maxamuud
Waxaa dhici karta inaad istidhaahdo miyuu waashay mise wuu
soowataa, markaad maqasho erayadan,waxayse ahaayeen kuwo aakhirkii naftaydu
kubaxsatay.
Cidna looga sheekayn maayo tacadiyadii faraa badnaa ee ay Faqash iyo Taliskii
mucangaga ahaa ee gabalka loo ridey kuhayeen ,dadweynihii sharafta iyo karaamada
huwanaa ee reer Somaliland tan iyo intii ay ku amar kutaaglaynayeen wadankii
laysku odhan jirey Soomaaliya,kahor intaan subax ooda loorogin.
Waqtiyadaa aan kahadlayo koleyba qofba dhibaatooyinkii faraha badnaa ee ay
daweynaha kuhayeen afweyna bare iyo xulafadiisii maatalayska ahayd xagtimo intay
doontoba haleekaatee kasoo gaadkay ,aniguna kuwaasuunbaan kamid ahaa.
Waxaan ahaa nin adhiile ah oo badiyaa isaga dabqaada goboladii w/galbeed (Hargeysa)iyo
Togdheer halkaasoo midna aan deganaa midna aan badiyaa xoolaha aanu dhoofino
kasoo qaadi jirey ,waqtigaasoo ahaa waqti aad uxaasaasi ah nabadgelyada dalkuna
sii xumaanaysay wadankana sida qashinka loogusoo daadiyey xoogag dhuuni raac ah
iyo ciidamadii jabhadii isa soo dhiibtey ee soo gurya-noqotay kadib markii ay
halgankii ay markii hore u-banbaxeen sii wadi kari waayeen ,waxaan
kahadlayaa waa jabhadii (SSDF)oo markan aad moodo indhaxal loo siiyey in ay
dhibaateeyaan dadkii deganaa dhulkii la odhanjirey ex-woqooyi(Somaliland).Waxaa
kaloo iyana intaa dheerayd ciidamo badidoodu kasoo jeedey oo kuxareysnaa
Cadaadley oo badiyaa kaqdhaaban jirey inta udhexaysa Burco iyo Berbera .
Waxba yaan hadal kugu daaline waxaanu aniga iyo nin aanu saaxiib ahayn adhiguna
naga dhexeeyey kubeeganay goor maqrib ah tuulada Hudusa anagoo usii jeedna
Burco,talo waa ta ilaahe hadaanu isasoo taagney kontoroolkii waxaa daaqada
nagala hadlay askarigii meesha taagnaa oo naweydiiyey wixii macluumaad ah ee uu
nooga baahnaa,anaguna sidii caadada noo ahayd aanu farta kasaaaray .Intii aanu
askarigii lahadlaynayba malaha waa tab laysla yaqaanaaye waxaa waxaa meel
hortayadaa ah kusii libdhay koox askar ah oo aan kuqiyaasay lix ilaa todoba
iyagoo kala raacaya laamiga labadiisa dhinac,anagu burkaba bahal kamaanu filin
soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa Sirmaqabe allow sahan ah.
Hal rabac ah markuu askarigii dhagarta nalamaaganaa meeshii nagu hayey
qiyaastiina uu is yidhi kuwii kale gaadhe meel lagu balansanaa ayuu birtii
nahortaalay naga qaaday socda oo yaan dib idiin arag,ileen waa nin wax maagane
waxaanuse taladaba kudarin inay tii allena maqantahay.
Qadar daqiiqado ah hadaanu kasoconay koontaroolkii waxaa waxaa nahafiyey rasaas
aan loo meel-deyin oo baabuurkii yaraa ee aanu wadaney ugu hoortay sida dhibicda
roobka.Meeshiina waxaa isqariyey Uuro iyo Boodh afarta taayirba waa banjareen
baabuurka muraayadina kuma hadhin,waase mucjisada Eebe e anagii xataa xabadi
nama sanifin waxaase nagu habsadey naxdin iyo schock in mudo ah ayaa hadal
nagasoo bixi waayey jahadii naga qaldantay cir iyo dhul meel nalooga yimina
garan weynay ilaa aanu kuwarhelay niman tuute wata oo nadul tuban kuna
dhawaaqaya manoolyihiin wiciladu.
Hadii ay arkeen inaanu bed qabnona waxaa markiiba nalagu moosay kiisas ay kamid
yihiin inaanu nahay qudhmis birtana aanu xoog kusoo dhaafnay waxaana markiiba
naloo kaxaystay meel kadurugsamn hudusa oodadka lagu cadibo laguna
furto,halkaasoo nnalagaga qaaday wixii aanu sidaney bilaa hadal iyadoo weli aanu
ku eedaysanahay kulmis, qaran-dumis,iyo magacyadii faraa badnaa ee dadka lagu
baadhan jirey.
Baabuurkii aanu wadaney isagu waa kudaayey dib u wadasho maleh hadeer waxay
taagantahay naftayada,waxaana nala kala dooransiiyey inaanu bixino qiimihii
rasaastii nalagu ridey oo badhkeed ifisooyin ahaayeen markasta oo aanu meesha
soo marona hore usoo qaadno kharakii dhiman-waaga iyo inaan dib naloo arag waa
laba daran lagu dooransiiye waxaanu dooranay tahore.
Baabuur aaaga kadhowayd waqtigii nala tacshiiradeeyey hadiiba waxay afarta jaho
gaadhsiiyeen in labadii nin ee baabuurkaa lasocdey dad-aakhiro yihiin.
Waa qadar eebe e sibixii dambe ayaanu anagoo lugaynayna soo galay magaaladii
Berbera oo asxaabtayadii tacsiyaysanyihiin,kaaga darane inigoo waqtigaa aroos ku
ahaa hargeysa ayaa iyadana xaaskaygii xalayba warku gaadhay inaan xijaabtey.
Wixii ilaahay dilaa dhintee waxay noqotay inaan sidii ugu dhaqsaha badnayd u
aado hargeysa maadaama aanay jirin wax war isgaadhsiin ahi .
Maxaad u malaynaysaa markii aan garaacay albaabkii gurigayga ee ay iga furtay
xaaskaygii oo aanad malaysan karin waxa murug kamuuqda wejigeeda
................................!.
Waxay qisadani ku dhacday Ciise aw Maxamuud oo degan Germany
Waxaana kasoo qoray hersi osman/Somalilandpatriots.com
kala soco qaybo kale uu udhigma kuwan www.somalilandpatriots.com
hersi osman osam71@hotmail.com free88sl@yahoo.com
Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd
nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com
ama webmaster@sdwo.com