SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Waxaan u soo Joogay

 

Intii lay gumayn lahaa geeribaan ka dooratay

Qaybtii Sedexaad 

Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare

Qormadan Waxa inoo soo ururiyey X waa warbixintii Muj. (Yuusuf Xasan (xiimaaye)  

Part 3

Waa nin hadii damiir laawe jiro horyaalka qaaday, waa been-masheege loo carbiyey cabudhinta dadka, inta sabab uu lahaa saqdhexe muska lagala dhacay tiro laguma koobo.

Waatii lagu kala calaf-qaaday xeradii Birjeex mujaahidiintiina dib ugu gurteen dhinaca woqooyi iyo galbeedka magaalada si ay dib isugu soo habeeyaan kadib markii ay gelelefeen xeryihii dulinka.
Waatii oday saleebaan oo haweenaydiisii ilaa saakaba dhawraysay sheed kasoo muuqday waxyar kadib haduu gurigiisii soo gaadhayba waxaa mid-mid ugusoo ruqaasaday jiiraankii iyo karaja qaba inay warar dheeraada oo kusaabsan wixii xalay ilaa saaka taliskii faqash iyo mujaahidiintii SNM kala qabsaday oo dabcan lawada jeclaysanayo inuu warkiisu xaga guusha ubato,sidiibaanuu u waramay oday saleebaan isagoo kudheeraaday wuxuu indhihiisa kusoo arkay iyo wixii uu xogo kasoo uruuriyey dhulkii uu ilaa saaka soo dhex qaadayey.

Wuxuu hadalkiisii kubilaabay in xalay wacdaro kadhaceen gebi ahaanba talisyadii iyo xeryihii magacyada kala duwan loola baxay ta ay kasinaayeense ay ahayd in  dadka lagu gumeeyo, lagu cabudhiyo, lagu gumaado, laguna saqiir-suujiyo oo uu xalay isagu goob joog u ahaa qaarkamida oo markay xamili waayeen xabadii mujaahidka cadhaysan sida awrta uyaacay qaarkalena markay dareemeen in lagusoo maqanyahay goobihii ay ka amar-kutaaglaynjireen sii baneeyeen iyagoon xabadba ridin kuwaasoo uu kaxusay gacankudhiiglihii daaquudka ahaa ee gen.Morgan.Sida quruxda badan ee uu uxarakaysiinayey oday Saleebaan sheekada waxaabaad moodaysey inuu dagaalka kaqaybqaatay;waxaananse taa ula yaabin waa umad ay kabadatay tacadiga iyo dhibaatada ay kuhayeen afkudhiiglayaashii dalka ka ariminayey.

Dadka oday Saleebaan sida aadka ah uga guraya waxaa hormuud u ah habar Jinaw oo aad ujibaysan afar mujaahid oo ay dihateyna gulufka mujaahidiintu soo qaadeen lasocdaan.
Halkaa markay botorinayso ayaa halmar dadkii meesha tubnaa wada aamuseen qaar kamid ahina uholadeen dhaqaaq waa lays eegay dareenbaa dadkii kusoo dhexdhacay ,oday Saleebaana halmarbuu sheekadii joojiyey isagoo jeedaalo aan farxadi kamuuqan si himbiriirsi ah isha dadka kakor lalinaya.

Ninka laga cabsaday ee laga giigay waa indha buur ,waa xiniinyaha ilaahay qabay u adeega taliska maatalayska ah waa nin ninkuu qoonsado ay hoy unoqoto xeryaha dhabarjebinta hangashta godka iyo meelihii kale ee loola kici jirey ninkaan guulwade siyaad iyo noolowda badin ,waa beenmasheege aad ugu xidhan kuwa wax halaajiya,inta miskiin uu sababtiisa ahaa habeenmadow muska lagala dhacay een dib loo arag cidi tiro kuma hayso ,waa kuwa loo carbiyey in dadka lagu cabudhiyo , waa nin hadii damiir-laawe jiro horyaalkeeda haysta ,waa noocii ay kusoo baxday malaha qofkaa hebelyaale dhiigaa tuubo lagaga nuugey,waanin aanay qaban xeer jajabka ehel tol iyo xigto toona ,waanin aan asxaab iyo eheltoona aaminin,way caday inhadii uu wargeliyo kuwuu wargelinjirey oo maantana qiil uhaysta inay siday doonaan utakrifalaan golahan sharafta leh ee oday Saleebaan khudbada xiisaha leh kawado habar Jinawna kasaxafiga tahay aan cidi kasaydhayn, markaa waa gartood inay si ay naftoodu kaba qaadkaa aan  kalxishoota lahayn iyo sharkiisa kabadbaadiyaan intii ay kabadbaadin karaangolahana lagu kala dareero.

Waxyar kadib waxaa meelaan dheerayn kasoo baxay koox ciidama kusheegii faqashta ah oo aad uraran hadiibana guryahaa lagu kala yaacay iyadoo hadana intaa dhaq-dhaqaaqooda lala socdo waayo inay adiga kuusoo galaana udhow,inta aan ka ahayn oday da ahaa oo gurigiisa kuhor weysaysanayey radio yar oo uu bbc-da kadhegaysanayeyna agtiisa yaalo waxy toos  usoo  abaareen  odaygii oy waxyar kadib isasoo dul tubeen waxay weydiinayey lama garanayo waxaanse xasuustaa in mid kamid ah faqashtii uu qaatay radio-gii odayga ag yaaley isaguna intuu si dhibleh kusara joogsadey dhinaca kale kula dhegey radiogii  waa lays gun-gundhiyey kadib markii odagii kafuqi waayey radio-gii wuxuu alla uma naxariistihii boobdoonka ahaa labeegsaday odaygii birmageydada ahaa dhirbaaxo aan qof inuun dadnimo kujirtaa uquudheen oday da,daa jooga oo uu lagagabay .Qaadan waa uu odaygii uqaadanwaayey inankan uu awoowga labaad unoqonkaraa ula badheedhay ayuu intuu radiogii kadhuftay gacantii go,daygii kuhaystey madaxa kasaaray,jawaabtii odayga usoo noqotayna waxay ahayd in mid kale oo garabtaagnaa tacshiirad kugembiyo,horena socodkoodii isaga sii wataan sidiiyoon waxbaba dhicin ,wuxuu ahaa oday todobaatanka kor udhaafay oo goblan ah ehelo badan oo soo booqan jirteyna maxasuusto intaan garanayo.

Isla habeenimadaas waxaa gurigayagii soo garaacay kuwo kale iyagoo aad uraagsanaya inta albaabka laga furayo wadnahaa afka nayimi naxdinbaa nagu bahardaadsatey yaase dan kaaleh wixii ay heli karayeen ayay hore uqaateen intii ay guriga baadhanayeena waxaa nagu socotey hanjabaad goodi caga juglayn ,waxay nagusoo ururiyeen qolkii fadhiga oo mid kamida loo xilsaaray inuu qori nala dultaagnaado halka afarkalena gurigii xaga kale urogeen,waxaan weli lasii yaabaa waxa wadankaas ciidan- kusheeg u ahaa ee anagoo waagaa caruur ahayn kanoogu weynina 13 jir ahaa qori nalagu hayo iyadoo waxayagiina xoog lagu qaadanayo kaasaanuu ahaa caqliqii 20 sanadood dalkii wixii la odhan jirey Somalia lagu maamulayey .

Habeenkaasi wuxuu ahaa mid aad ucabsi badan sanqadhii baxdaba waanu sasayney ilaa waagu daalacayna il iyo baal isumaanu keenin in kastoo bililiqaysiga iyo baadhashadu aanay habeen iyo maalintoona kala lahayn hadana caruurnimadaa malaa koley cabsi dheeraada habeenkii iska leh kuwanina waxay nagu noqdeen cirfiido iyo waxyaalihii nalagu cabsiin jirey oo nagu rumoobey galabtii dambe waxaa qori baasuuke ah laqabadsiiyey makhaayad aan aad nooga durugsanayn oo dad aan yarayni kujireen oon qof kabixin waxa keliya ee sebenka loo qabadsiiyeyna uu ahaa in laba dhalinyaro ah oo meel taagnaa ucarareen xageeda markay arkreen koox faqasha oo kusoo socota.

Dhiiladii way sii cuslaatay meydadkana waxaa lagu aasaa daaradaha guryaha waxaa dadkii go,aansadeen inaan fadhi dambe sii ool ee lagaboxo xaafadan oo loo wareego dhanka SNMtu haysato iley koley waa inoo dhimashee wixii aan jidka dhexe laga  helin inta badan iyo baaqigaa hadhi.


waxaa kasoo min-guuriyey md.mj.hersi osman sxb-da safka-hore /Somalilandpatriots.com

la soco qaybaha dambe ee "intii la i gumayn lahaa geeri baan ka door biday" oo uu inoo werinayo Mj. (Xiimaaye)

Waxaa ka soo min-guuriyey Hersi Osman/Somalilandpatriots.com

 
 
frankfurt am main germany
 

 

Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE