Ka qaybqaado dhismaha masaajidkan ay u dhimantahay minaaradii oo keliyi, taas oo lagu qiimeeyay $4500. Yaan ajarka lagaaga dheerayn, intiina durtaba balanqaadka samaysay waxaan leeyahay ilaahay ha idinka abaal mariyo, halkaad ka soo qaadeena wax ka roon oo ka barako badan ha idiinku bedelo. SDWO Relief Project nagala soo xidhiidh
samafal@sdwo.com
ILaa hada lacagaha la balanqaaday waxay yahiin
$500 Qatar
$500 SDWO
$750 North London
SDWO (Hargeisa 11/02/2010) Tan iyo intii la hirgeliyey hayada Samafalka ee SDWO Relief Project waxa jira dad badan oo ka soo jawaaba kolba mashuurcyada ay SDWO u soo bandhigto in qurbojoogu kaga qaybqaatan barnaamijyada sadaqada ah ee wax lagaga qabanayo baahiyaha kala duwan ee ka jirta Somaliland.
Imaamka Masjidka oo la gudoonsiinayo Marwaxadahii
Deeqdan u danbaysay oo ahayd $250 dollar, ayaa waxa ay naga soo gaadhay gabadh reer Somaliland ah oo degan dalka Austarilia laakiin aan jeclayn in magaceeda halkan lagu xuso marar hore oo badana ka qaybqaadatay sadaqooyin hore oo SDWO soo gaadhay oo la gaadhsiyey goobahii loogu soo talogalay. Deeqdan u danbysay ayay gabadhaasi ugu soo talo gashay in la gaadhsiiyo masaajid laga dhisay xaafada Daami ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah xaafadaha dadka danyartahi ku noolyahiin. Masjidkan ayaa waxa hirgelisay Xaajiyo Cadar oo degan magaalada London ilahay ha ka abaal mariyee.
Marwaxadahii oo aan weli la isku xidhxidhin
Hadaba masjidkan oo marxalado badan soo maray ayaa markii lacagtani na soo gaadhay aanu weeydiinay sheekha waxa ugu muhiimsan ee hada lacagtani u qabankarto. Taasi oo noqotay in baahiweyn loo qabay masjidku inuu yeesho marawaxadaha xiliga kulaylaha la isku qaboojiyo maadama ay Hargeysi aad u kululaato xiliyada kulaylaha.
Waxa masjidka loo soo iibiyey lix marawaxadood oo waaweyn oo ah kuwa dusha laga soo laalaadiyo oo isla markiinaba lagu rakibay sida aad sawirada ku aragtaan. Marawaxadahan ayaa waxa ay wax weyn ka bedelidoonaan in si dhibyar oo raaxaleh loogu tukan karo masjidankan xiliyada kulaylaha ah.
Imaamka masjidkan ayaa aad ugu duceeyay gabadhaas u soo dirtay sadaqada ay u soo garatay masjidkan ku yaala xaafada Daami, isagoo dhinaca kalana baaq u soo jeediyey jaaliyada Somaliland ee qurbajooga ah inay ka qaybqaatan qaybotirida masjidkan oo waxa ugu muhiimsan ee ka dhimani tahay minaaradii masjidka oo aan ilaa hada la helin dhaqaale lagu dhiso. Waxaanu sheekhu aad rajoweyn uga muujiyey in la soo qabyo tiridoono oo loo soo kala dheereyndoono khayrka dhamaystirida inta ka dhiman masaajidkan.
Marawaxadahii oo lagu rakibay masaajidka
Tan iyo intii SDWO Relief Project bilaabay deeqaha lagu soo hagaajiyey ayaa dhan $6255 oo dhamaan la gudoonsiiyey goobahii dadkaas sadaqada la soo baxay ay ugu soo talo galeen. Deeqahaas oo naga soo kala gaadhay London, Manchester, Holland, Finland, France, Denmark, Canada iyo Austaralia. Ilaa hada waxa aan ka qaybqaadan barjaamikan samafalka ee SDWO dadka ganacsatada ah iyo shirakdaha waaaweeyn ee dalka gudahiisa ku sugan oo aanu filayno inay ka qaybqaadandoonan dhismaha yar ee u dhiman masjidkan.
Hadaba hadii aad rabtid inaad ka qaybqaadatid barnaamijkan samafalka ah ee SDWO Relief Project nagala soo xidhiidh
samafal@sdwo.com ama
Guled@sdwo.com oo yaan lagaaga soo dheerayn kheyrka.
Halkudhiga SDWO Relief Project waa Daawanaayoow waa dalkaagii, Daawanaayoow waa dadkaagii