SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 
Ka qaybqaado Deeqaha SDWO Releif Projects
 
Masaajidkii uu soo bandhigay SDWO Relief Project ee u  baahanaa Dayac_tirka iyo Gogasha lagu tukado ee ku yaala magaalad Burco oo la goglay lana qurxiyey
Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

 

CLICK HERE -  SDWO RELIEF PROJECTS

 

Xasuuqii Jazeera

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Burco 20/08/2011) Masaajidka Madiina oo ka mid ah masaajidada Magaalada Burco gaar ahaan xaafada Madiina oo ramadaanta horaanteedii Webka Sdwo u soo bandhigey Akhriyaashiisa sharafta badan iney dayac tir iyo gogol dhig ku sameeyaan ayaa waxaa si qurux badan uuga soo jawaabtey qaar kamid ah dadka Somalida ee inta badan jecel wanaaga iyo waxtarka goobaha iyo guryaha ay ku haboon tahay, waxaanay gogol dhig iyo dayactir dhinaca bilicda Masaajidka ahba ku sameeyeen Masaajidka Madiina. 

Now (Sawirka sare)     Before (Sawirka hoose) Subxaanalaah

dadka kheyrkan qiimaha badan Alle waafajiyey ayaa ka gaabsadey in magacdooda lagu soo daabaco bogga shabakada laakiin ay mihiimadoodu tahay iney ku helaan oo kaliya raali ahaanshaha Alle iyo jannadiisa, bishan barakeysan ee aynu ku jirno ee Ramadaan ayaa ah bil inta badan dadku u kala dheereeyaan una tartamaan wax Allaale iyo wixii kheyr ku jiraba si ay Alle uuga helaan badalkeeda oo kheyr qaba.

Masuuliyiinta Masaajidkan oo iyaga si toos ah loogu soo hagaajiyey dhaqaalaha lagu dayactiraayey Masaajidka oo ka hadlaaya dareenkooda iyo dadaalka ay dadku u sameeyeen masaajidka ayaa waxa ay ugu horeyn duco aan la soo koobi karin uugu duceeyeen dadkii dayactirka ku sameeyey Masaajidka iyagoo Alle uugu baryey inuu Jannadiisa uugu goglo sida ay Masaajidkan uugu gogleen, dhinaca kalena waxa ay amaan iyo duco u soo jeediyeen webka Sdwo iyagoo ku amaanay dadaalka dadka dayacan iyo doorkiisa kheyrka uu ka qaato waxaanay maamulka iyo shaqaalaha sida mutadawacnimada ah uugu shaqeeya umada uugu baryeen inuu iyagana Alle kheyrkaas kheyrkiisa siiyo.

ugu danbeyntiina waxaa masaajidka dayactirkiisu ku soo beegmay wakhti ay dadka islaamka ah intiisa badani u diyaar garoobayaan habeenada danbe ee kheyrka badan kuna jira bishan barakeysan ee ramadaanta.

dhinaca kale waxaa duceynaya oo farxad iyo duco weyni ka muuqatay dadka musaliinta ah ee ku cibaadeysta masaajidkan iyagoo u ducaynayey dadkii dayactirka iyo dadaalka u galay masaajidka.
guud ahaan bilicda Masjidka iyo gudihiisa ayaa ah kuwo aad u qurxoon.

Now (Hadda) - Waa Sawirka Sare        Before - Waa Sawirka hoose 

Sawirada hoose waa intaa aan la gogline ee maasaajidku bilaa gogosha lagu tukan jiray

 

Cliclk Here - SDWO Relief Projects

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

Daawanaayoow waa dadkaagii,  Daawanaayoow waa dalkaagii

 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE