SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 
Ka qaybqaado Deeqaha SDWO Relief Project
 
Gabadhii Yareyd ee indha iyo dhagaha la,ayd ee gebutay oo markii 3aad kaalmo lacageed la gaadhsiiyey
 
Fadlan Alle Dartii ku caawi Gabadh ku dhalatay Indho la,aan Dhaga la,aan dabna ku dhacday
 
samafal@sdwo.com
Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

 

 

Xasuuqii Jazeera

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 08/10/2011)  SDWO Relief Project ayaa markii sedexaad $200 oo doolar gudoonsiisay hooyada la dhibaataysan inanteeda yar ee Hodan Cabdi oo ah gabadh ku dhalatay indho la,aan iyo dhego la,aan oo dab ay ku dhacday darteed dhaawac culusi uu ka soo gaadhay lugta, isla markaasna maadama ay ahaayeen reer danyar ah oo buul yar ka degan xaafada daami loo waayey wax dhakhtar lagu geeyo ka dibna uu namaberkii aad u balaadhay oo infuction galay. Hase yeeshee ka dib deeqahii SDWO loo soo mariyey iyo kuwii toos loogu diray reerkanba waxa ay suurto gelisay in gabadhan yar la dhigo dhkhtar lagu daweeyo.
 
 
Deeqdan sadaqada ah ee u danbaysay ayaa naga soo gaadhay Cabdi Xuseen oo degan dalka UK ka dib markii uu sawiradeeda uu ku arkay sdwo.com oo uu u adkaysan kariwaayey dhibaatada ay la kulantay yartanyari.  Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu ka abaal mariyo sadqadaas uu u soo niyaystay gabadhanyar ee dhibaataysan.   Tan iyo dhawrkii week ee u danbeeyay caawimooyinka SDWO la soo mariyey ee aan gudoonsiinay reerka ayaa dhan $600 doolar oo naga soo kala gaadhay Austrailia, Norway iyo UK.
 

Cliclk Here - SDWO Relief Projects

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

 

Daawanaayoow waa dadkaagii,  Daawanaayoow waa dalkaagii

 
 
 
Gabadhii Yareyd ee indha iyo dhagaha la,aanta aheyd oo Hospitalka Manhal la dhigay iyo Deeq lacag ah oo la gudoonsiiyey
 
SDWO (Hargeisa 29/09/2011) Hodan Cabdi oo ah gabadh yar oo ku dhalatey indho la,aan iyo dhago la,aan isla markaana dhawaan shabakada sdwo qeybteeda arimaha gargaarka dadka danyarta ah u soo bandhigtey akhristayaasheeda ayaa waxaa la soo gaadhsiiyey deeqo lacageed oo uuga yimid daafaha dunida,
Hodan ayaa waxaa ka
 heleelay lugteeda midig dab sababey iney isku dhagaan seedaha lugaheeda kadib markii subax hore oo hooyadeed u doontey biyo ay ku dhacday gir_gire dab ah oo yaal aqalka hortiisa.
 
 

Hodan oo aan waxna maqlin waxna arkin ayaa dhib badan kala kulantey dabka ka haleelay lugta waxaana loo qaadey Hospitalka Manhal ee Magaalada hargeisa ayaamo kadib markii deeqda lacagta ah la gaadhsiiyey, haddaba wakiilka SDWO Relief Project Mudane Xassan Waraabe Cade ayaa shalay ugu tagay Hospitalka dhexdiisa isagoo soo indho indheeyey xaalada caafimaad ee hodan deeq lacag $200 ahna gaadhsiiyey oo Deeqa Caydiid iyo Sabaax Caydiid oo degan dalka Norway ay ugu soo hagaajiyey Samafalka SDWO.
 
 
Hooyada gabadhan yar ayaa waxa ay si mug leh ugu mahadnaqdey cidkasta oo qeyb ka qaadatey gar_gaarka loo fidiyey waxaanay Alle uuga bariday dhamaan wallaalaha islaamka ah ee soo caawiyey inuu aafada aduunka ka badbaadiyo Aakhirana Jannadiisa galiyo.

 
SDWO News Desk - Hargeisa
 
 
 
Deeq lacageed oo SDWO gudoonsiiyey Hooyada la cadiba ilmaha yar ee indhaha iyo dhegaha la,a ee dadka ku dhacday
 
SDWO (Hargeisa 25/09/2011) Ambassador ka SDWO Relief Project Xasan Waraabacade ayaa $200 oo doolar gudoonsiiyey hooyada dhashay Hodan Cabdi  Cali oo ah gabar yar oo 16 jir ah oo indho, la,aan iyo dhego la,aan ku dhalatay oo lug si xun uga gubatay,  sida sawirka hoose ka muuqata daaweyn la,aan darteed ay lugtii noqotay hilib qaydhin oo kale oo aad ka naxayso markaad aragto sawirkan hoose.  Ilaahay ha ka abaal mariyee lacagta waxa na soo gaadhsiiyey niman dhalinyaro ah oo ka tirsan jaaliyada Dalka Austrailia  oo hor ilaahay ugu soo sadaqadaystay markay arkeen sawirada aan indhahu xamileyn inay sii eegaan.  Ilaahay ha ka abaal mariyo.
 
Waxa kale oo jirtay iyaguna deeqo lacageed oo kale oo reerka la gudoonsiiyey wiigii la soo dhaafay.  Xasan ayaa waxa uu noo xaqiijiyey in lagu guulaystay in yartii yarayd dhakhtarka la dhigo si looga daweeyo dhaawaca foosha xun ee ka soo gaadhay dabkii ay ku gubatay.
Hadaba dhamaan umdaa somaliya qofkii raba inuu ka qaybqaato taakulaynta reerkan danyarta ah ee la dhibataysan ilmahan yar ee indhaha la,a ee sida xun u gubtay,  please email noogu soo dir Samafal@sdwo.com.  Waxaanu kuu balanqaadaynaa in waxii aad noogu soo hagaajisid aan toos ugu gudbindoono sawiradana halkan ku soo bandhigno.  Hadii aad jaceshahay inaad toos ugu gudbisana waxaad kal xidhiidhi kartaa  Tel: 4083333
Hooyga reerku ka deganyahay magaalada Hargeysa
 
 
 
 
 
SDWO (Hargeisa 13/09/2011) Waxaan aheyd subax aroornimo ahi isla markaana jawigu wacan yahay kadib markii iyadoo lagu jiro ayaamahii shuwaalka aan salaad hore xamaamteyda saxaafada ku qaatay dhabarka iyadoo ujeedadeydu aheyd inaan u kuur galo xaaladaha nololeed ee dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka danyarta ah ee degan qaar kamid ah xaafadaha magaalada hargeisa,

wakhiga aan socdaa waxa weeye wakhti aan tukadey salaadii subax jawiguna yahay mid aad u dagan dhagaheygana ay ku soo dhacayeen dhawaqa shinbiro kala nooc ah oo dul saaran geedaha iyo goobaha xaafadaha aan dhex lugeynayey inta aan socday oo dhan waxay indhaheygu qabanayeen guryo daranyo iyo diif badan ka muuqato isla markaana ka sameysan maryo iyo qoryo la isku geeyey kaas oo hadda lagu magacaabo Buul.

aniga oo kamaradeyda ku sawiraaya goob aad qalbigeyga u damaqday ayaa waxaan maqlay dhawaaq cod dumar ah oo yeedhaya waan baala daymooday oo waxaan arkey qof dumar ah waxaanan dareemay cida ay la hadlaysaa inaan aniga ahay waxaan isku dayay inaan u dhag raariciyo waxaaney u soo dhaqaaqdey dhinacayga muda yar kadibna way ii timid waxay i waydiisay waxaan kamarada u wato iyo waxaan xaafada ka rabo? waxaan isku dayey inaan ka dhaadhiciyo inaan suxufi ahey oo aan ka shaqeeyo website kalmada website ayey hore u fahmi wayday ugu danbeyntiina waxaan ku guuleystay iney fahanto waxaan ahey,

waxay i waydiisay su,aal ah wallaal dadka tabaaleysan ma taakuleysaan? aniga oo Alle ajar ka raba inta ay awoodeydu tahayna ku xisaabtamaya ayaan uugu jawaabay haaa, waxay i tidhi waxaan wallaal haystaa gabadha yar oo aad u dhibaateysan ee maad ila soo eegi kartaa? waxaan ku yidhi haa waanan is raacnay intii aanu jidka ku sii jirnay wax hadal ah oo na dhex maray muusan jirin waayo waxaan aad uula yaabanaa dhibta taal xaafada iyo daranyada ka muuqata deegaanka waxoogaa kadib waxaan soo gaadhney aqalkii gabadha oo buul ah waxaanay igu tidhi iska fadhiiso iyadoo ii soo dhigtay caagad laakiin maan fadhiisan ee waan iska taagnaa, waxay gashay buulkii waxaanay soo saartey gabadh yar oo lugta ka guban isla markaana sida xayawaanka u dubaaxineysa waan naxay oo waan qalbi takhtakhay.

waxaan waydiiyey su,aalo badan laakiin tii uugu horeysay ayaa aheyd maxaa gabadha helay?

waxaanay tidhi: wallaal gabadhan aniga ayaa dhalay waa 16 jir waxay ku dhalatay indho la.aan iyo dhago la,aan dhib badan ayaa iga haysata Allle qadarkiisa laakiin ma diidayo waxaana hadda iigu daran nabarka ku yaal oo damaqsho badan iyo dhib badan ku haya,

waxaan waydiiyey nabarku maxuu yahay se siduu u haleelay?

waxay tidhi: maalin dhaweyd oo aan biyo soo dhaaminaayey ayey jiidhay qor ku yaal aqalka kadibna way dhacday waxaanay lugta la gashay girgirihii dabka bartaas ayaanu nabarku ka soo gaadhay.

haddaba akhriste waxaan sheekadaa dheer u galay si aan idinku soo gudbiyo wallaasheenaa dhibaateysan ee gargaarka deg dega ah u baahan Alle sw uumuu waayin mana kari waayin inuu u dhameystiro xubnaheeda gabadhan yar laakiin cida lagu eegayaa ee la rabo iney wax ku qaataan waa inaga.

waxaanad sawirataa habeen kaliyaata haddii lagaa qaado maqalka iyo araga noloshaadu nooca ay noqoneyso se maxaad u maleynaysaa qof cimrigiisu ceynkaas ku bilaabmay? gabadhan yar ayaa waxa ay u baahan tahay waxtar joogto ah oo aad mihiim uugu ah caafimaadkeega iyo daryeelkeega nololeed iyadoo guriga ay u hoyataa aanu munaasib ku aheyn qof iyada oo kale ah

akhristayaashayada sharafta badan ee ku kala nool daafaha dunida waxaanu si sharaf iyo karaamo leh uuga codsaneynaa iney u soo gargaaraan soona caawiyaan gabadhan yar oo magaceeda la idhaahdo: Hodan Cabdi Cali iyagoo kala soo xidhiidhi kara Telfoonka: 4083333. Hargeisa Hargeisa Somaliland, 

wixii Alle dartii aad u bixiso waxaad ka helaysaa isaga

 

Cliclk Here - SDWO Relief Projects

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

 

Daawanaayoow waa dadkaagii,  Daawanaayoow waa dalkaagii

 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE