SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Dad kamid ah Danyarta Hargeisa Oo Shabakada SDWO Qeybteeda Samafalku gaadhsiisay Deeq Lacag ah

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Fikirka Akhristayaasha - Click here to publish your own article

Please do not email your article as it will not be published

 
 
 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

SDWO (Hargeisa 05/08/2012)  Shabakada Wararka iyo Arimaha Samafalka ee SDWO (SDWO Relief Foundation) ee qeybteeda samafalka aya gaadhsiisay deeq lacaga ah qaar kamid ah danyarta dalka gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalad Hargeisa.

Deeqdan lacagta ah oo soo sadaqo ah waxa na soo gaadhsiiyey ilaahay ha ka abaal mariyee Axmed Cilmi Kaahin oo degan Maraykanka oo kamid ah Akhristayaasha Shabakada SDWO.COM ayaa waxay ka danbeysay kadib markii dhawaan Shabakadu soo bandhigtay Sawiro muujinaya baahida haysata qaar kamid ah danyarta Hargeisa kuwaas oo u baahan waxtar iyo kaalmo iyo in la afuriyo.

Haddaba waxaa ka soo jawaabey Ninkaas kheyrka badan shaqaystay isagaoo SDWO Relief Foundation soo gaadhsiiyey lacag dhan 150$ boqol iyo konton dollar, lacagtaas ayaa noqotey mid loo qeybiyey sadex qoys oo kamid ah qoysaskaas danyarta ah kuwaas oo kala ahaa Hooyo Indhool ah, Hooyo Goblan ah oo aan awlaad haysan, iyo Hooyo Haysata Gabadh indha la,aan iyo Dhaga la,aan ku dhalatay.

Sadexdan qoys ayaa si aad ah ugu duceeyey Muwaadinka sadaqadan la soo baxay iyagoo Alle uuga baryey inuu jannada ku Abaalmariyo.

Qoysaskan iyo kuwo kale oo badan ayaa dhamaantoodba u baahan kaalmo iyo gacan qabasho fiican

waxaanan ka codsanaynaa dhamaan Akhristayaashayada Sharafta badan iney sadaqada la baxaan bishan barakeysan ee Ramadaana ka faaiideystaan, sidoo kalena ay wax soo taraan dadkooda tabaaleysan.

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com ama Telfoonkada kala ah: 4083333/

SDWO - Xafiiska Samafalka ee Hargeysa

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

Email: Guled@sdwo.com

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE