SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland

SomalilandNews.Net


Contact us

Hayada SDWO Releif Project oo $300 doolar gaadhsiisay gabadh danyar ah oo ku nool xaafada Daami ee Hargeysa oo loogu dhisay suuli

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Fikirka Akhristayaasha - Click here to publish your own article

Please do not email your article as it will not be published

 
 
 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

Hargeisa 23/05/2013 (SDWO.COM - SomalilandNews.net) Hooyo Deeqa oo maalmo dhaweyd aanu ku baahinay Shabakada Sdwo isla markaana la il darneyd suuli la,aan ku haysatey deegaankeeda oo ku yaal xaafada Sheikh Nuur ee Magaalada Hargeisa ayaa waxaa masuuliyad gaar ah iyo gurmad deg deg ah korka u ritey qaar kamid ah Akhristayaashayada sharafta badan ee ku kala sugan daafaha dunida.  18ka March ayaa $100 doolar  ay u soo dirtay Deeqa Jaamac Maxamud oo degan magaalada Oslo ee dalka Norway, sidoo kale Barkhad oo gacanta hawsha dhisida suuliga ku hayay ayaa noo sheegay in $100 doolar oo kalana soo gaadhay isagoo hawshii dhisida suuliga ku bilaabay labadaas boqol.
 
 
Suuliga ayaa qabyoobay oo u baahday albaab, tarbiistii iyo rinjigii,  Ilaahay ha ka abaal mariyee waxa ka soo jawaabay muwaadin degan dalka Fransiiska oo na soo gaadhsiiyey lacag sadaqo $300 ah oo uu soo ururiyey.   Waxa wax aad loogu farxo ah in akhristayaasha ku xidhan SDWO.COM ay guud ahaanba u soo dayac tireen dhisme kaamil ah oo qurux badann.   Suuligan loo sameeyay Hooyo Deeqa ayaa hadda noqday mid wada anfaca dhamaan jaarkeeda oo u badan dad danyar ah. Suuligan ayaa waxaa uu noqday suuli ka dhaxeeya dhamaan bulshada danyarta ah ee deeganka kaas oo ay u wada aayeen una duceynayeen cid kasta oo kaalin ku laheyd
 
 
Hooyo deeqa oo la soo gaadhsiiyey lacag dhan 300$ loogana soo diray wadanka France ayaa waxaa $150 kamid ah loogu dayac tiray suuligeeda oo qabyo in mudo ahba ka ahaa sidaad ku aragtaan sawiradan baaqigiina $150 waxaa gacanta laga galiyey hooyo deeqa. Hooyadan ayaa waxay duco aad iyo aad u weyn u soo tabineysaa dhamaan umada Islaamka ah ee gargaarka ka geysatey dhismaha Suuligan oo hadda noqday mid wada anfaca dadka.
 
 
Shabakada SDWO.COM oo ay mataanayahiin SomalilandNews.net waxay qeybteeda Samafalka ee SDWO Relief Project idinka codsaneysaa ineydun ka soo qeybqaadataan dhamaan Barnaamijyada Samafalka ah ee ay idin soo tabiso kadibna ka daalacataan jawaab ku faraxad galisa.
 
 
Maamulka Madaxda iyo Masuuliyiinta Shabakadduba waxay si Sharaf milgo iyo Maamus huwan ugu mahadcelinayaan dhamaan dadkii ka soo qeybqaatey dhismaha Suuligan waxaanan Alle uga baryeynaa inuu Miisaanka xasanaadka ah idin saaro.
 
Marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray suuligan oo hada dhamaystirmay
 

SDWO and SomalilandNews.net -  News Desk - Hargeisa

 

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo deeqaha, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

 

Daawanaayoow waa dadkaagii, Daawanaayoow waa dalkaagii

 

 

 

SDWO Relief Foundation oo deeq lagu soo hagaajiyey gaadhsiiyey hooyadii danyarta ahayd ee u baahnayd in suuli loo qodo

Fadlan Alle Dartii Suuli ma uugu dhisi kartaa Hooyo Bukta oo Suuligeedi ka dumay

 
Hargeisa 18/03/2013 (SDWO.COM - SomalilandNews.net) Hayada Samafalka ee SDWO Relief Foundation ayaa gaadhsiisay $100 doolar oo ay soo dirtay Deeqa Jaamac Maxamud oo degan magaalada Oslo ee dalka Norway oo ay ugu soo talogashay Hooyo Deeqa Max,ed Nuur oo kamid ah Danyarta Magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada Sheikh Nuur sidoo kalena ah Hooyo la daalaa dhacaysa xanuun isla markaasna suuligii ka dumay oo suuli la,aan haysay mudo hada bil gaadhaysa.
 
Dhinaca kale Barkhada Jamac oo aanu ku hagaajinay lacagtan ayaa noo sheegay in $100 doolar oo kalena ay soo gaadhay oo isaga lagu soo hagaajiyey. Barkhad ayaa noo sheegay sida sawirada ka muuqata inuu markiiba $200 ku bilaabay hawshii dhisida suuliga loo qodayey ee loo dhisayey reerkan danyarta ah ee aan haysan suuli, ka dib markii uu koogii hore ka dumay. 
 
                 Dhismaha cusub ee suuliga                                             Markii hore iyo burburkii suuliga
 
Suuligan ayaa qodidiisii iyo dhismahiisiiba dhamaystirmay, waxa qudha oo ka dhiman albaabkii iyo in gidaarka la tarbiiso, waxaana lagu qiyaasay inay ku kacayso ilaa $150, hadaba akhriste hadii aad rabtid inaad ka qayb qaadatid nala soo xidhiidh Samafal@sdwo.com   -  Telfoon Numberka Hooyadan laga heli karo oo ah: 4706411
 
Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo deeqaha, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com
 
 
 
 
 
 
Hooyo Deeqa Max,ed Nuur oo kamid ah Danyarta Magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada Sheikh Nuur sidoo kalena ah Hooyo la daalaa dhacaysa xanuun ka asiibey uur ku jirta kaas oo u saamixi waayey iney kacdo barbar badan oo jidhkaana ku hayya ayaa dhamaan umada islaamka ah ee daafaha dunida jooga ka codsaneysa iney u soo dhisaan Suuli ama Kiniif, kadib markii suuligeedii ka dumay kaas oo aaney cidina waxba ku noqon.
 
 

Iyada oo Xaafada Hooyo Deeqa tahay xaafad dhagaxu aad uugu badan yahay oo marka laga qodayo Suuliyadana dhib badan lagala kulmo ayey hooyo deeqa mudo ka badan 20 cisho laadahay suuligii ay gali laheyd, waxaana hooyadan haysata duruuf dhaqaale oo u saamixi weyday iney iskeed u sameysato.
 

Hooyadan oo aad uula dhiban suuli la,aanta haysta ayaa mar aanu booqaney noo sheegtay sida ay uugu duceyn laheyd cid kasta oo ka soo caawisa dhismaha suuligan. oo aan kharash badan oo sidaas ah ku kaceyn.
 
 
 
waxaanay hooyadu tidhi:

Waxaan dhabta ku hayyaa duco oo waxaan faraqa uugu shubayaa ciddii Alle dartii suuligaas iigu soo dhista.

Haddaba akhriste haddii aad wax ku darsaneyso Suuligan dhismihiisa kala xidhiidh:

Telfoon Numberka Hooyadan laga heli karo oo ah: 4706411.
 
 
Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo deeqaha, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO & SomalilandNews.net  Chief Editor

Email: Guled@sdwo.com

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE