SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland

SomalilandNews.Net


Contact us

Hay,ada Samafalka  ee SDWO oo Maalintii Ciida ka horeysay raashinkii Fidirga u qeybisay qaar kamid ah Danyarta iyo Agoomihii ay Umada u soo bandhigtey

 

waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa

samafal@sdwo.com

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Fikirka Akhristayaasha - Click here to publish your own article

Please do not email your article as it will not be published

 
 
 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

Hargeisa 12/08/2013)  SDWO.COM - SomalilandNews.net)  Haayada Samafalka ee SDWO Relief Foundation ayaa waxay Maalintii Ciida ka horeysay u qeybisay Raashin isgu jira, Daqiiq, Bariis, Sonkor iyo Waliba Saliid qaar kamid ah Danyarta dalka gaar ahaan kuwooda nugul ee aan haysan ehel u adeega.   Tani iyo intii SDWO Relief  Project ay bilowday hawlahan Samafalka ayaa tirada guud ee deeqah na soo gaadhay ay gaadhaysaa $21551.00

Deeqdan raashinka ayaa ahaa Fidridii naga soo gaadhay Qaar ka mid ah jaaliyada ku nool magalada London. Haayada SDWO oo Bishii barakada badneyd ee Ramadaan Fulisay Mashaariic dhowr ah sida Iftaar socday 29kii cisho ee Bishii Ramadaan oo dhan, Ciidsiinta Agoomaha iyo Rajeyda, Qeybinta Deeqaha Raashinada ayaa waxay u soo tabinaysaa dhamaan wallaalaha muxsiniinta ah ee kaalinta dahabiga ah ka qaatey hirgalinta himilada haayada Sawiro muujinaya Sadaqadii ay la baxeen siday u gaadhay dadkii loogu talo galay.

Haayada SDWO oo markasta jecel Transparency ayaa waxay ujeedadeedu tahay sidii ay u qancin laheyd dadka xidhiidhka dhow la leh isla markaana daneeya iney ka qeybqaataan Barnaamijyadeeda Samafalka.

Maaha markii u horeysay ee Haayadu fuliso Mashaariic noocan oo kale ah balse waxaa jiray kuwo noocan oo kale ah kana miisaan iyo muuq weynaa. Waxaanu si qiimo leh ugu mahadcelineynaa dhamaan umada Islaamka ah ee ka soo qeybqaadatey Barnaamijkan kheyriga ah anigoo idinka mahadcelineyna sida wanaagsan ee aydun ugu soo jawaabteen yeedhmadayadii. Haddaanu nahay Maamulka, Madaxda, iyo waliba Masuuliyiinta kale ee Haayada waxaanu Alle idinka baryaynaa Janadiisa inuu idiinku deeqo - aamiin

Halku dhiga SDWO Relief Project: Daawanaayoow waa dadkaagii, Daawanayoow waa dalkaagii
 

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo deeqaha, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO & SomalilandNews.net  Chief Editor

Email: Guled@sdwo.com

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE