|
|
JACAYLKII RAJO BEELAY IYO RIYADII KA HOREYSAY Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun Waa buug cusub oo uu qoray C/raxmaan Maxamed Guun sheekadan waxaan u hibeeyey bahda sdwo.com oo run ahaantii qayb wayn kaqaatay sheekadii hore ee xishoodka hablaha iyo xanuunka jacaylka oo ay halkan ka akhristeen 28kun oo qof. Waa sheeko dhab ah oo dhacday waxaanad in badan ka arki doontaa ama ka korodhsan doontaa waayo aragnimo laga yaabi lahaa inay kugu dhacdo mar haddaanad hore u soo marin. Ma jiro qof kaligii ku guulaysta halganka adag ee nolosha haddii aan midka kale dhinaca la haynin
Qaybta Koowaad
Waxa intiinii la socotey aanu kasoo sheekeyney hordhaca buuga cusub ee jaceylkii rajo beeley iyo riyaddii ka horeysey kaasoo ay ku duugan yihiin qisooyin aad u cajiiba waana tan bilowga qisadu: -
Baahida
iyo wax laaanta amase dan yaraantu maaha mid ku dhaafisa calafkaaga waxaan
uga socdaa Ramla waxay ahayd
Gabadh yar oo aad u qurux badan kana dhalatey Reer Sabool ah oo aad u liita Ramla waxay degganayd
xaafad ka mida kuwa Hargeysa ugu nolosha hooseeya waxa intaa u dheereyd may heli jirin nolol maalmeedkeeda oo dhameystiran waxay la joogtey habaryarteed oo hooyadeed hoos uga yarayd isla markaana uu qabey odey qaadaa ma dharge ahi waxa uu ka shaqeyn jirey shaqooyinka kuuliga waxaanu Aabo u yahay laba Hablood oo dada Ramla hoos uga yar qoyskan shanta qof ahi waxa lagu tilmaami karayey iney yihiin mid ka mida kuwa ugu saboolsan waxay deggan yihiin aqal soomaali aan lahayn albaab laga galo oo xidhma hase ahaatee waxa u albaab ah daasadaha caano niidooga oo laysku kab kabey xaga sarena waxa ka saaran mid ka mida bacaha ay bixiso Hayadda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR sidaas oo ay tahay kama foga badhtanka magaalada wakhtigaana waxa laga ag dhistey guryo aad u qurux badan goobta ay degan yihiin iyaga iyo ilaa 300 oo qoys oo dan yar ah guryaha dadka ladani waa teel teel oo markaas ayey soo degayaan Ramla waa gabadh yar oo aad u firfircoon hase ahaatee aan nasiib u helin iney gasho Dugsi waxbarasho duruufo dhaqaale awgeed waxaaney sababtey in saddexda habloodba baxdo iyo dhacdo ay yihiin guri-joog halka hooyadood ay waxoogaa khudrad ah ku iibiso meel aan ka dheereyn deegaanka ay degan yihiin sabanku waa mid dadka hantida lihi ay ku mameen dhul boobka oo ay jecelyihiin in ay dulmiyaan boqolaal qoys oo dan yar ah waana intii aan la sameyn ama aan la kordhin labada xaafadood ee Maxamed Mooge iyo Sheekh Nuur xaaladu waa xaalad colaad kasoo doogasho ah dadkuna inta badan isuma gudbaan oo weli laysma dhex gelin hase ahaatee qofka dan yarta ahi meelkasta oo uu ka galo daruurigu wuu u doonanayey sidaan horeba usoo sheegney waxa soo degey oo dhistey meel 20 talaabo u jirta reer gabi ahaantiiba ku maqan debedda gaar ahaan dalalka Yurubta waxaaney halkaa ka bineeyeen aqal 10 maqsin ah iyo dayrkiisii oo beero qurux badani ku yaalaan xaafadu waa shacabka Hargeysa gaar ahaan dhulkii ka caaganaa in la dhisto wakhtigii Dawladii hore hadase loo isticmaalo dhismayaal dan gaara oo ciddii awoodaaba dhisatey guriga waxa degen gabadh iyo nin Ethiopian ah oo ilaaliya kuwaasoo ay ku balamiyeen reerkii lahaa. Sannad ka dib waxa dhacay wiilkooda curad oo la yidhaahdo Nuux soona dhameystey waxbarasho Jaamacadeed oo sare ayaa heley shaqo laga baafinayey Somaliland taasoo ahayd in uu mashruuc Qaramada Midoobey fulinayeen ka noqdo Madax Nuux wuu ku guuleystey hanashada shaqada inkasta oo lacagta lagu qaatey aaney badneyn hadana wuxuu xiiseynayey in uu dalkiisa dib ugu noqdo maadaama isagoo laba jir ah laga kaxeeyey Afka Soomaaliga aad uma yaqaano hase ahaatee maaha nin u baahan in loo turjumo Nuux waa wiil dhalinyaro ah oo dadiisu tahay 28 jir waxaanuu ku jiraa wakhtigii ugu wanaagsanaa noloshiisa sababo badan awgood wuxuu kacaa aroorta hore oo waxaa qaada gaadhiga shaqada isagoo soo noqda markey saacadu tahay 2:30 galinka dambe malaha asxaab badan oon ahayn kuwa uu la shaqeeyo iyagana waxaa isugu dambeysa markey wada joogaan xafiiska Nuux inta badan wuxuu ku mashquul yahay qoritaanka hawl-maalmeedka xafiiskiisa iyo gelida internet-ka oo markaa ku cusub Somaliland markan guriga waxaa u jooga inan shaqaale ah oo wey ka tagtey gabadhii Ethiopian-ka ahayd Hibo oo ah qof aad u dabeecad wanaagsan waxay u diyaarisey dhamaan cuntadiisa iyo dharkiisa waxay shaqada timaadaa 6:00 subaxnimo waxaanay ka rawaxdaa 7:00 habeenimo waxay degan tahay meel aan ka dheereyn guriga ay u shaqeyso Hibo maaha qof aad u af dheer oo leh asxaab badan keliya waa mid ku eg shaqdeeda oo aan dhanaba u dhaafin, keli ahaanshaha ay maalin oo dhan kali ku tahay joogitaanka guriga ayaa ku noqdey caqabad ama mid ay dareento dhibaato xoog badan inkastoo Nuux uu dareensan yahay in Hibo keli ku tahay guriga hadana wuxuu mar walba isku dayaa inuu ula dhaqmo sida walaashii oo wuxuu ku maaweeliyaa TV-ga iyo filimo ay xiiseyso si ay u ilowdo keli ahaanshaha muddadii hore oo dhan Hibo wey ku cidlootey joogida gurigan waxaaney ka xishooneysaa in ay cid kale soo kaxaysato oo uu ku arko ninka guriga degani hase ahaatee maalmihii dambe ayaa Ramla yar wakhtiyo dhowr ah waxay usoo doonatey biyo ay wax ku karsadaan halkaana waxaa ka dhacdey in ay is bartaan Hibo iyo Ramli waloow ay daahaan kala weyn yihiin hadana waa laba qof oo si fiican isu soo fahmaya maalinba maalinta ka dambeysa, Hibo wey jecleysatey la joogitaanka iyo imaatinka ay Ramli u imaneyso waxaanad moodaa iney ku nafisayso mudada yar ee ay ka qaadaneyso biyaha gabadha Hibo waxay aad ula yaabtey edebta uu illaahay siiyey inanta yar ee Ramla, Ramla sidaan la socono wakhtigan ay u timid habaryarteed waxaa dhimatey hooyadeed iyadoo markaa jirtey laba sanno Aabaheedna gabadh kale ayuu ku guursadey Kililka shanaad ee Ethiopia oo warba kama hayo nolosha gabadha yar ee uu dhaley Ramli wey ogsoon tahay xaalada nololeed ee ku xeeran taasoo ah mid aaney geesnaba usoo marin raaxaysi iyo farxada xooga ah ee ay haystaan hablaha qayrkood ahi, ma qaawana oo wey xidhan tahay dhar hase ahaatee waxa ka muuqda arrad aada oo waxaa laga yaabaa inaaney lahayn wax ka badan laba badladood hadana mar kaliya ma arkeysid iyadoo leh ama xidhan dhar usag ah waa waxyaabaha aadka usoo jiitey Hibo ee ay uga soo dhaweysatey gabdhaha yar yar ee ay jaarka yihiin Ramli markey u timaado Hibo waxay kala hadashaa oo qudha danta ay u leedahay halka Hibo rabto iney lasii joogto oo ay usheekeyso si ay ugu noqoto wehel inta badan wey diidaa iney la joogto wakhti aada maadaama ay u weyn tahay saddexda carruura ee guriga jooga islaanta u habaryarta ahi wey ku kalsoon tahay iney ka adag tahay shaqada guriga oo ay awood u leedahay iney u kariso hadba wixii ay maalinkaa helaan xaaladu sidii maaha baryahan dambe oo odeygii labada hablood ee kale dhaley wuu itaal dareeyey waxaanu kasoo dhacay guri uu dhisayey in badana wuxuu jiifaa aqalka dhexdiisa raadinta noloshooduna waxay keli ku tahay habaryarteed oo habeen iyo maalinba la kacaa kufeysa sidii aaney u qadi lahayn. Haddana illaahay uma xuma oo ma ayaan darna mana waayaan waxay cunaan iyo waxay cabaan toona iyadoo ay sidaa tahay ayaa Nuux wuxuu arkey maalin maalmaha ka mida isagoo shaqada ka yimid gabadha yar ee kasii baxaysa gurigiisa una sii jeeda geesta galbeed ee cadceedu u dhacayso maalintaa wuxu ku habsaamey shaqada oo saacadu waa illaa 5:00 galabnimo Ramla yar waxay sidataa caagad biyo ah oo ay dhowr jeer dhexda la sii joogsatey culeyskeeda eegmada uu ka bogtey Ramla Nuux waxay ula ekaatey sawir aanu beryahaa arag shucaaca cadceeda ee wakhtiga gaaba ah ayaa ku dhacay timaha jilicsan ee Ramla oo falaadhaha cadceeda ayaa kasoo dhex tafaya wuu la miraaqoodey eegmadeedii inkastoo aaney goortaa gelin dareen jaceyl iyo xiiso toona hase ahaatee waxaad moodaa in uu la yaaban yahay qaabka iyo sida illaahay u sameeyey inanta yar ee ay jaarka yihiin, iska gal gurigiisii oo wuxuu la hadlayaa goortan Hibo isagoo weydiinaya cidda ay tahay inantani waxaana dhex martey sheekadan.
Waan
arkaayoo waxa kaa baxday gabadh yar oo aanan hore u arag ee maxaad isku
ahaydeen, Hibo iyada oo ka xishoonaysa ayay Nuux ugu celisay walaal, waa
gabadh yar oo miskiin ah waana reerka ina ag deggan ee danyarta ah, waxaanan
siiyaa mararka qaarkood biyaha oo waxa jooga guriga iyada iyo laba hablood
oo da ahaan ka yar, Nuuxoow hadaad ogtahay nolosha ay ku nool yihiin iyo
xaalada ay ku sugan yihiin waxa kuu kordhi lahaa cibro-qaadasho waayo baxdo
iyo dhacdo caruurtaa yar-yari labadooda waalid suuqa ayay ku maqan yihiin
inkasta oo beryahan dambe Odaygii uu dhulyaal yahay oo aanuu shaqo tagin
mida yar ee imika iga baxaysay ayaa reerka u ah gaashaan qaad, Nuux isaga oo
aad ula yaaban hadalada qiirada leh ee Hibo ayuu ku yidhi waxaan jeclaan
lahaa in aad wakhti hore ii sheegto si aan u caawiyo una siiyo wixii aan
kari karo, maadaama aanu jaar nahay, iyaga oo hadalkii haya halka ay taagan
yihiina tahay barxada wayn ee guriga Nuux ayaa waxa soo noqotay Ramla oo soo
celisay weelkii ay biyaha ku qaadatay, markii hore Nuux kamuu bogan
wajigeeda hadeerse si wanaagsan ayuu u arkaa, marka isku dhaceen indhahoogii
deg-deg ayay dib ugu noqotay iyada oo ka xishoonaysa kana baqanaysa ninka
aanay waligeed arag ee guriga leh, waxaanay cabbaar taagnayd albaabka hore
ee guriga, intaa kadib waxa u soo baxday Hibo oo kasoo qaaday alaabtii ay
siday una sheegtay in aanay wax dhibaato ahayn imaatinka ay imanayso gurigan
maadaama waxay u imanaysaa yahay dan, Nuux mudadii la wada hadlayay isagu
wuxuu iska galay makhsinkiisii maydhasho iyo cunto kadib wuxuu shitay
Rikoodh wayn oo ay ugu duuban yihiin heeso badan oo Soomaali ah maadaama uu
inbadan ka maqnaa dalka aad ayuu u xiiseeyaa heesaha dalkiisa markan wuxuu
riixay badhanka rikoodhka waxana u soo baxday heestan ood moodo inay
sifaynayso Ramla:
Aynigeeda
dumar iyo
Asageed
ka mudaneey
Afara
suxul ka rooneey
Edebtiyo
xishood iyo
Asluub
lagu hagoogyeey
Inantii
wacynaydee
Illaahay
sammeeyee
Soomalida
ahaydee
Kaa
dayran eedoo
Kaa
awdan ceeboo
Idin
Alla intaadiy o
Halka
aad ku nooshahay
Adduunyadu
ma gaadhee
Ubixii
dalkaygiyo
Indho
kuushiibaad tahee
Inantii
arligaay
Aragii
wadankaay
Iftiinkii
dhulka hooyiyo
Ubixii
wadankaay
Il
iyo cawri laaw
Aadmibaa
u sharaf badan
Allee
wuxuu sameeyay
Habkii
ugu sareeyaay
Udug
iyo udgooneey
Ehelkeeda
quruxdaay
Ilayskii
cadceedaay
Afar
iyo tobnaadeey
Olol
iyo hilaaceey
Kaa
dayran eed oo
Kaa
awdan ceebiyoo
Aragiyo
horjoogiyo
Arladaad
ka maqan tahay
Labada
amaan iyo
Astaanbaad
ku leedoo
Ubixii
dalkaygiyo
Indho
kuushiibaad tahay
Inantii
arligaay
Il
iyo cawri laaw
La socoQaybta Labaad Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun
Email: guun2003@yahoo.com
|