SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

HALGANKII HASHII CURAD HABOWDAY IYO

JACACYLKII KU LAMAANAA

Qore: Axmed Maxamed Yusuf  

Part Four

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Daawo Madarasada Agoomaha Hargeysa si aad u caawisid

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

Sheekadani waa dhacado ka bilaabmatay magaalada Hargeysa dhamaadkii sideetanadkii ku gabagabooday magaalad London.  Sheekadani oo dhexe martay wiil iyo gabadh dhaliyaro ah oo ku kulmay magalada Hargeysa wakhatigii ay ku jireen dugsiga sare oo ahayd xilga ugu macaan nolasha dhalinyarada.  Nasiibdarose waxaa u suurto galin waayay inay wakhatigaasi si wacan uga faa’idaystaan taliskii foosha xumaa ee cadaadiska ku hayay dhamaanba dadkii degaankaasi yar iyo weynba.  Dhalinyardan oo markaas bilaabay bog cusub oo ay u fureen nolashooda, mustaqbal fiicana dhawraya ayaa carqalad uu ku noqday taliskii faqash kaasi oo kala dagaalamay dhamaanba xuriyadii ay ku meel marsan lahayeen mustaqabal haddii ay noqoto waxbarasho, shaqo iyo waliba xoriyada nolola maalmeedka caadiga ahaba. 

Lamaanahan oo uu kala fogeeyay halgankii xaqa ahaa ee dib loogu soo dabaalay hashii maandeeq (Somaliland) ee curad habowday balse dib ugu kulmay oo nasiib isgu tusay magaalada London ee cariga Ingriiska.

Aduun hawl lagma waayo, jacaylna xaasid mawaayow horaa looyidhi.  Xiligan ay dib ugu kulmeen magaalada London waxaa ka taagnaa arimo ayanaan hore wadankii ugu arki jirin oo lagu tilmaami karaya in ay ka mid ahayaan dhaqan gadoonka umada ku dhacay markii loo soo qaxay dalalkan shisheeye, kaasi oo isna carqalad kale ku noqday lamaanaha. 

Hadaba sheekadan oo ah mid aad xiisayn doontaan soona martay marxalado badan waxaan idin leyahay akharis wanaagsan.  

Qaybtii kowaad waxay inoo joogtay (Click Here) 

Qaybtii Labaad

Qaybtii Sedexaad

 

Qaybtii sadexaad waxy inoo joogtay

Daahir isaga subixii waxa kiciyay walaalkii oo doorbiday inay is raacaan maadama oo aanu dugsi jirin salaada jimacahana soo wada tukadaan si uu uga warhayo xaaladiisa warwarkana niyada uga saaro.  Markii salaadii laga soo baxay ayaa Daahir la kulmay laba ka mid ahaa ardaydii lawada xidhay shalay kadibna waa is xaal waraysteen waxaanay ku balameen galbta iyo hotelka unionka. 

Qaybta Afraad 

Galbataasi markay cadeedii qabawday Daahir waxa uu isu diyaariyay inuu u dhaadhaco suuqa oo ay ku balan sanaayeen wiilashii kale, waxaanu ku maray gurigood saxiibkii Mahad oo aanay is arkin ilaa iyo shalay waxaanay ka soo wada baxeen gurigii, markay ku soo dheceen wadad suuqa u dhaadhacda ayaa Daahir u bilaabay sheeko Mahad isagoo uga bilaabay saxiib miyaad ogtahay waxa shalay dhacay, Mahad oo goobta ay marayaan ku xasuustay gabadhii ay kula kulmeen arbacadii ayaa ugu jawaabay ma’inantii ayaad aragtay, waar mayee waxa ka daran ayaa ka danbeeyee dhagayso waxaanu uga waramay sheekadii soo martay isaga iyo ardeydii kale markuu meel dhexe marinayo laguna soo dhawaaday suuqa hoose ayaa Mahad salaamay gabadh ka horeysay oo ay soo gaadheen isga oo aqoon saday inay tahay Deeqa oo ay hore ula kulmeen Daahir ayaa isna gartay markay salaanta ka qaaday dibna u soo jaleecday.

 

Deeqa iyo Daahir labaduba waxay muujiyeen farxad ay ku lamaantahay naxadin taasi oo ay sababtay sida ay u rabeen inay kulmaan iyo kadisada aan midna markaa niyada ku hayn ka kale ama aanu filanayn ee ay u kulmeen iyada oo Daahir ay mashquulisay sheekada uu u bilaabay Mahad, Deeqana waxa mashquuliyay iyada oo ka fakiraysay laba meelood oo ay u socotay kay ku horen lahayd. 

 

Socodkii ayaa la wadaagay sheekadan waa laysku darsaday, Deeqa oo ka faa’idaysanaysa kulankan oo ay filayso inaanu ahayn mid sii dheeranaya maadama oo ay ku soo dhawaatay goobtii ay ka raaci lahayd baska u socoda shacabka oo ay muraad u lahayd ayaa jeclaysatay inay barasho dheeraada ka hesho labada wiil gaarhaana Daahir waxaanay weydiisay dugsiga ay dhigtaan waxaanay u sheegeen inay kala dhigtaan Gacan libaax iyo Maxamuud Axmed Cali iyana waxay u sheektay inay dhigato Faarax Omaar waxa kale oo ay weydiisay maadama oo ay xaafada wada degan yihiin inay jiraan hablo ay la dhasheen iyadoo u raacinaysa kolayba xawalaydaa istaqaanee.  Daahir waxa la dhashay laba gabdhood oo aad u yaryar lakiin Mahad ayaa waxa la dhalatay gabadh uu hal sano ka weyn yahay iskuna dugsi yihiin Deeqa.  

Aad ayay ugu faraxday Deeqa maqalka ay maqashay Fahiima oo ay aad isu yaqaanaan inay walaalo yihiin Mahad waxaanad moodaysay inay baastay imtaxaan adag oo u dhigma kan form foorka, waxanay u ahayd guul ay soo hoysay maadaam oo ay  bartay cid ay kala xidhiidh karto labada wiil oo anay markii hore dhan ay u qaado iyo cid ay ugu hagaagtaa jirin, waxaanay si kaftana ugu tidhi hadaa laydin heli karyaa haddii laydin waayo, Daahir oo kaftan runa isaguna kagaga faa’idaysanya fursadan ayaa raacsday hadaba adiga sidee laguu helayaa haddii laguu baahdo anaga na heshaye waxanay si kaftan ugu tidhi waxaad ku soo biiri doontaan qolooyinka wakhatiyada rawaxaad is hortaaga Faarax Omaar.  Marakay halkaa sheeko marayso ayaa laba gabdhood oo ka horyimid salaameen Deeqa waxaanay kaliftay inay isu taagto gabdhaha halkaan isku nabad galyeeyaan wiilsha iyo Deeqi.  

 

Deeqa kuma raagin gabdhihii wiilashiina waa tageen lakiin waxay ku qanacsanayd warbixinta ay maanta heshay oo ay ugu muhiim sanayd Faahima oo ay aad isu yaqaanaan inay waalaalo yihiin Mahad iyo ogaanshaha dugsiga uu dhigto Daahir oo ay dhigato saaxibadeed Layla.  Daahir oo xiisaha Deeqi ka khafiifay xaaladii kale ee soo martay awgeed ayaa laftigiisu u riyaaqay kulanka labaad ee ay kulmeen isla markaan u rakayay inay iskaga soo dhawaadeen intii hore madaama oo laysku weydaarsady barsho dheeraad haddii laysu baahdan laheli karo dariiqooyin loo mari karo.

 

Wakhatigaasi may jirin adeegyada u fududeeya dhalin yarada xidhiidhka sida mobile tilifoonka iyo emaailka oo hada ah waxyaabaha ugu horeeya ee lays weydaarsado marka lays barto si toosan loogu wada xidhiidho marka laysu baahdo lakiin, wakhatigaasi waxay ahayd in marka la kulmo balan la kala dhigto oo hadii lays waayo ama duruufi soo koradhan lay sugu cadhoodo waa iijaray ama wey iijartay mararaka qaarkoodna ay adkayd sida dib loogu kulmo ama looga soo kabto durufaahaa ay wateen is gaadhsiin la’aantu.

 

Saaxiib Daahir waxaan filayaa inay indhaha iyo dhaguhuba dhankaaga u jeedeen, sida sheekadu u laba dhacaysay iyo dareenka labadiinba idinka muuqadayna waxaan ku sifayn karaa kalkacayl xad dhaafa oo soo ifbaxaya kaasi oo u muuqda mid xuub dhacsaday oo idin wada helay ma midkiin helay taasin waa aragtidayda inkasta oo uu jiray laba habeen hadan xawaare xoog leh ayuu ku socdaa markalana weynu kawada sheekaysan kadibna waxaa la soo galay hudheelka unionka oo Daahir kula balan sanaa labadii ardey ee uu kula kulmay saladii jimacaha.  Waxay soo fadhiisteen miis ay fadhiyeen labada wiil ee ay balan sanyeen Daahir midkamida ayaa u yeedhay ninkii meesha ka shaqaynayay ugana dalbaday laba koob oo shaax ah intii loogu maqnaana waxa mid ka mida ah labada wiil ku wargaliyay Daahir iyo Mahad inay ag fadhiyaan laba eeryal dheere kuwaasi oo loo yaqaanay basaasinta u shaqayn jirtay faqash inna Siyaad.  

Sheeko caadiya iyo kaftan ayay ku cabeen shaaxii kadibna waa ka soo baxeen hudheelkii markay cabaar soo socdeen ayay dareemeen in labadii nin wali daba socdaan waxaanay go’aan sadeen inay kal hadhaan Daahir iyo Mahad gaar ayay isu raaceen labdii wiil ee kalan dhan ayay isu raaceen.  Labda wiil iyo Daahirba waxaa ku dhashay dareen ah in sabata loo daba socdaa tahay arintii shalay ku dhacday taasi oo ku abuurtay warwar.

 

Basaasinta uu adeegsan jiray taliskii faqash ayaa ahaa kuwo caadaystay been abuur had iyo jeer ay ka sameyn jireen dadka si ay ugu hagaajistaan shaqadooda mana ay u kala eegi jirin yar iyo weyn qofka ay maalintaasi damacaan inay jeel ku ridaan waxa ay ka sheegi jireen been aan jirin iyaga oo qarkood odhan jiray haddii aad rabto inaad ka bad-bado kiiska ay abuurteen lacag laalusha bixi haddi kalena waanu ku xidhaynaa taasi oo sababtay in dad badan oo aan waxba galabsan been abuur looga buuxiyo jeelasha iyaga oo had iyo jeerna odhan jiray waxaa lacaayay kacaanka, waxaa laga sheekaysanayay SNM, waxay dhagaysanyeen raadyow halgan iwm.

 

Daahir iyo Mahad waxay go’aan sadeen inay galaan Sagal fiidyow oo ahayd goob lagu daawan jiray filimada dadweynuhun gaar u furtay markii taliska faqash albaabada u xidhay goobihii lagu dhigi jiray filimada ee sinimoogii qaranka iyo kii Oktoobar.  Marka ay maryaan hudheelka orintal ka hortiisa ayaa waxaa sigay oo jiidhi gaadhay gaadhi ay wateen ciidanka koofyad casta oo uu saraanaa qori kuwa darandooriga u dhaca ah magaaladan ku dhex marayay xawaare xooga.  Gaadhigaas oo ka mid ahaa dhawr gaadhi oo ka caan ahaa magaalda ciidanka faqshtuna si axmaqnimo ah ugu dhex wadan jireen magaalada iyada oo anay jirin wax arin degdeg ah oo ay u socdaan kaliyana ay ka ahayd hadidaad iyo inay dareensiiyaan dadka inay waxay doonaan samayn karaan, kuwaasi oo cidii ay jiidhana iyaga qaladka la saari jiray oo ay odhan jireen oogaan ayay ciidanka hakad u galinayeen iyada oo aanay jirin wax hawlagal ah oo ay u socdaan

 

Mahad iyo Daahir nasiib ayaa ka bixiyay inuu gaadhigu jiidho isaga oo Mahadna markii uu ka cararay dhulka ku dhacay jilibka oo diirku xoqmay mooyane waxa kalan nasiib wanaag may soo gaadhin Daahir oo isagu xanaaqay ayaa caayay nimanka askarta ahaa hase yeeshee dariiqa oo dadbadan marayeen awgiis ismay taagin askartu ee inta iyana caytameen ayay xoog ku dhaqaaqeen.  

Mahad waa kacay iyaga oo xanaaqsan ayay u dhaqaaqeen xagii ay u socdeen markay soo istaageen Saga fiidyow oo filimka bilaabmi doona saf loogu jiro ayaa labadii basaas oo wali daba socdaa u yeedheen waxaanay ka diideen inay ka baxaan safka waxanay ku yidhaahdeen halkan noogu sheega waxaad doonaysaan mid ka mida labada basaas ayaa la soo baxay kaadh cadyn ah oo uu ku sheeganyo inuu yahay askari NSS.  Safka oo ay ku jireen dhalinyaro badan oo arday u badnaa ayaa markay ka warheleen nimanka labada wiil raba ayaa intay ku soo urureen labadii basaas iyo wiilasha ku bilaabay oori iyagoo ku dhawaaqaay erayo ay ka mid ahayeen “eeryal dheere eeryaldheere” kadibna waxay baqasho ku riday labadii basaas oo ay kaliftay inay lafohooda la baxsadaan intaan khasaare soo gaadhin.

 

Marakay labadii basaas ka tageen Daahir iyo Mahad waxay isla garteen inay ka tagaan goobta raad sadaana fiidyow kale iyaga oo filanya inay nimankani sida caadada u ah intay soo kaxaystaan askar ay ugu imana doonaan halkan haddii ay sii joogaan waana ay ka tageen Sagal fiidyow mana ay galin mid kale iyaga oo cadhada arimahan isku biirsaday waa labada basaas iyo gaadhiga koofiyad castee ay niyadii ka dileen filim ay dawaadana u dhadhamayn waxaanay u kaceen goob makhaayada oo ay dhalinyaradu ku caweyn jirtay fiidkii wixii warar ka soo kordha halganka SNM tana lagu kala qaadan jiray.

La Soco Qaybta 5aad,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

02483
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan   

 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE