SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

انا للة وانا الية راجعون 

INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

انا للة وانا الية راجعون 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii iyo shacbiga Somaliland geeridii ku timid Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Suldaan Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee Guurtida ah, waxaana uu qayb muhiim ah oo fir fircoon ka soo qaatay Nabadayntii iyo gooni isu taagii Somaliland.

Suldaanku waxa uu muddo dheer ilaahay ha u naxariistee ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa oo maanta lagu aasay.

Madaxweynuhu waxa uu u rajeeyay marxuumka in ilaahay  naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii , qaraabadii  uu ka geeriyoodayna  samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu tacsi tan la mid ah u diray Marxuum Gaaxnuug Xirsi Carwo  oo maanta isna ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, laguna aasay, isaga oo ilaahay uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Alla mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada JSL 

 

انا للة وانا الية راجعون 

Tacsi Tiiraanyo Leh

Siciid Maxamed Ismaaciil (Bidhaan), Mawliid Cabdi Muuse, Mukhtaar Yuusuf Cismaan (Cirro) Xasan Xuseen C/laahi (Keefkeef), Fu'aad Cabdisalaam Xasan, C/fataax Ismaaciil Cali, Yuusuf Jaamac Geelle, Ciise Yuusuf Cismaan, Cabdillaahi Cali Jaamac, Ismaaciil Maxamed Ismaaciil (Bidhaan), Cabdirashiid Dr. Ismaaciil Cali, C/fataax Ismaaciil C/laahi (Yariis), Ibraahim Aw Xasan Ismaaciil, Axmed Xasan X. Cali (Gadhay), Xuseen Maxamed Koosaar, Liibaan Deeq Cali, Mubaarik Cabdi Yuusuf, Xamse Axmed Cali Wacays.

Dhamaan bahda Saxaafadda Somaliland waxay tacsi u dirayaan Marxuum Shire Diiriye Cali oo Shalay ku geeriyooday Magaalada Djibouti maanta lagu aasayo Magaalada Hargeysa, iyo Marxuum Jibriil Bootaan  oo shalay ku kala geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay magaalada Hargeysa. Waxaanay Marxuumiintaas Illaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, iilka neecow qabow iyo naruuro ku siiyo, ehelkii iyo qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin……Aamiin……Aamiin………

انا للة وانا الية راجعون 

 

anagoo kala ah:-
  
   -Farhaan Hassan Arwo
   -Dhamaan Ilmo Hassan Arwo
  - Maxamuud Daa'uud Warsame
  - caaqil Maxamed Axmed Kudhe
  -Khadar Cabdi Dhamac
  -Cheif Caaqil Cismaan Huriye Xandule
  -Cali Muxumed Dhamac
 
waxaan tacsi u direynaa Marxuum Jibriil Bootaan cabdi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa waxaanan ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo aamiin aamiin aamiin.
                

انا للة وانا الية راجعون 

Tacsi tiiraanyo badan, Geerida Naxdin leh ee ku timid: Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke, oo shil baabuur maanta ku geeriyooday (11.11.2008)

Aniga ku hadlaan dhamaan xubnaha iyo tageerashaa Kulmiye Norway iyo jaalida Somaliland ee ku Nool wadanka Norway
Waxaanu Tacsi u diraan, dhamaan ehelkii, qaraabadi, asxaabtii iyo inta ifka ku taqaanay Marxuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke oo maanta shil baabuur ku geeriyooday.
Marxuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke, waxaan ILLAAHAY uga baryanaa Janno fardawsa iyo danbi dhaaf, amiin .
Dhamaanteenba samir iyo imaan.
 
Tacsi ka timid
 
Sulub Warsame
Roble Dahir
Ali Maxamud Jama
Maryan M. Ali
Hussein Hassan Guled
Hassan M. Ali

Hadaanu nahay bahda SDWO.COM waxaanu Tacsi u diraynaa dhamaan ehelkii, qaraabadii, shacbiga iyo xukuumad somaliland ee marxuumku ka geeriyooday.   marxuumkana waxaan Illaahay uga baryaynaa inuu u naxariisto, ehelkii, qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo - aamiin 

انا للة وانا الية راجعون 

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE