SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

انا للة وانا الية راجعون 

INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

انا للة وانا الية راجعون 

TACSI FROM BIRMINGHAM 

Anagoo ah odayaasha iyo dhalinyarada magaalada Birmingham, Waxanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee  marxuum Suldaan Cabdi-raxmaan Sh.Muxumad oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxanu  marxuumka ILAAHAY uga baryaynaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa dhamaanteena samir iyo Iiman inaga siiyo Aami Aamin Aamin. 

Kayse Iman

Ahmed Ali

Faysal Looyar

Cumar Cabdilaahi Yassin

Ahmed Bidaar
Siciid Ibrahim

Axmed Qodax 

Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryeynaa in uu janadii ka waraabiyo

 Kayse Iman

Birmingham

Kaise88@hotmail.com 

انا للة وانا الية راجعون 

Waxa dhawaan  Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Alla ha u naxariistee Oday Gaaxnuug Xirsi Cige oo ahaa oday caan ka ah Deegaanka Hargeysa, anagoo kala ah magacyada hoos ku qoran, waxaanu tacsi u gudbinaynaa Eheladii, qaraabadii iyo dhamaan bulshadii uu ka baxay , ilahay na waxaan uga baryaynaa inuu naxariisti jano ka waraabiyo marxuumka.Samir iyo iimaan ilahay ha inaga siiyo dhamaanteen.

Kayse Iman

Xasan Huriye

Nuur xaaji xuseen

Khadar abdi jamac

 

 

iyo Dhamaan asxaab kale oo faro badan eek u nool magaalada Birmingham , waxay Marxuumka ilahay uga baryayaan inu u naxariisto oo u nuuro xabaasha  

Kayse Iman 

Kaise88@hotmail.com     

انا للة وانا الية راجعون 

Anagoo kala ah dadkan hoos ku qoran :-
 
   1- Maxamuud Daa'uud Warsame.
   2- Saadiq Sh. Ismaaciil Odowaa.
   3- Mowliid Odowaa  Bullaale
   4- Dhamaan Ilmo Odowaa Bulaale
   5- Dhamaan Ilmo Sh.Ismaaciil Odowaa Bullaale
   6- Dhamaan  Ilmo Daa'uud Warsame
  
waxaanu tacsi  u direynaa ehelkii  iyo qaraabadii uu ka geeriyooday  SULDAAN C/RAXMAAN  SH. MUXUMED oo ku geeiryooday xaley Magaalada Hargeysa, waxaanan ilaahay uga baryaynaa inuu Naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumka.
ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxeyna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

انا للة وانا الية راجعون 

Anago oo ah dhamaan ardayda wax ka barata dalkan India waxaanu tacsi u diraynaa Ehelkii iyo Qaraabdii uu ka baxay marxuun suldaan c/rixmaan maxamuud oo ku geeryooday magaalada hargaysa waxayna ilahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka warabiyo ehelkiisii iyo qaraabadiisii samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN AAMIIN
 
 
1: MOHAMED HUSSEIN MUSE
2:CISMAAN IBRAAHIN AHMED HAYBE
3:ABDI AHMED YUSUF
4:FOOZI ABDI ASKAR
5:MOHAMED HASHI MUSE
6:A/fatah Ismail Dahir(caano)
7:Mohamoud Mahamed Shirwac
8:Samatar Yusuf Mohamed
9:Cabdiraxmaan saleebaan xasan (waakiyo)
10:Mohamed Mowlid Xirsi
11:Mustafe Muxumed Hassan
12:Mahamoud X.muse Jamac
13:Cabdikariin saleebaan xasan (kuus)
14:Ayaanle Isa Obsiye
15:Ahmedyasiin sh.Omar Ahmed
16:Mustafe A/laahi Omar(sheekeeye)
17:eng Mahamoud Mahamed Ciise
18:Dahir ismacil madar (nation)
19:Ismail Mahamed Magan(fiihaa)
20: Cabdiqaadir cali nuux (abasinia)
21:Madar cabdi Ma dar (yaasiin)
22:mukhtaar cabdi xasan
 
WAXAY EEBO UGA BARYAYAAN INA JANADA FARDUUSA KA WARAABIYO,EHELKII QARABADII AY KA BAXDAYNA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO AAAMIIN AAMIIN

انا للة وانا الية راجعون 

Hadaanu nahay bahda SDWO.COM waxaanu Tacsi u diraynaa dhamaan ehelkii, qaraabadii, shacbiga iyo xukuumad somaliland ee marxuumiintu ka geeriyoodeen  marxuumiintana waxaan Illaahay uga baryaynaa inuu u naxariisto, ehelkii, qaraabadii iyo asaxaabtii ay ka tegeena samir iyo iimaan ka siiyo - aamiin 

from: greater manchester somaliland youth
to: all somaliland nation


Waxaan dhamaan tacsi u dirayaa anigoo ku hadlaya magaca Walaalaha Sweden dhamaan dadka Somaliland meel kastoo ay joogaan iyo ehelkii iyo qaraabadii ay kaga geeriyoodeen Marxuumiintii ku dhimatay sadexdii qarax ee ka dhacay maalinimadii Arbacadii aynu soo dhaafnay gudaha Somaliland ee lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, xarunta hay’ada UNDP ee Hargeysa iyo Xafiiskii Ganacsiga ee Ay dawlada Ethiopia ku lahayd Somaliland.

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu marxuumintaasi janadii fardowsa geeyo, eheladii, qaraabadii iyo Qoyskii ay ka baxeena Samir iyo iimaan ka siiyo.

greater manchester somaliland youth

Aamiin……………………………….Aamiin…………….Aamiin
 
abdirazaq yusuf kahin---sandhere        (chirman)
saeed hasan abdilahi                           (member)
jama ali mohamoud--jama dhideer      (member)
saeed jama yare                                 (member)
mustafa salaban kahin
abdiraxman jama ahmed
abdi jamac --crew
abdirazaq-- mingista
ahmed dhamac
ali jamac dhiif
abdiqader jama --berberwi
ahmed dhiire
maliki bashi
dahir ali
mohamed salaban
ahmed jigjiga
jama adan cige
abdirashid ahmed noor--askeri
mohamed ali ahmed
mohamed diirya abyan
shiehk abadeer farax
moulid nour --dhagax
abdifatax abdilahi --dhagax
abdikarim mohamed saeed--chanel 4
abdirazaq salaban--dacar
ahmed xasan abdilhi--roog
foud badho-- faratag
ahmed mohamed farax--indhoo
saeed ahmed--boss
xamed
mohamed ali ahmed
mohamed yusuf kahin --carlos
mohamed gadhale
xasan adan --xasan ingres
ali --egad
abdirashid--ciidi
abdiaziz sogale ---Alfas
saeed abib--ilkacas
ahmed--bangole
mohamed cumar--khuderi
ibrhim xamden--shiekha
ahmed abdilahi--baydaren
isxaq osman
abdifatax abdilhi-- baboo
ahmed hindi
ahmed carab
mohamed yasin --diirya
caydross
khadar dhige
shacaban awo ahmed
abdiaziz osman --dhagwyan
abdilahi jamac adan --hoover
and many more----- 

abdi jama

 

Dhambaal Tacsi iyo Canbaarayn ka timid Jaaliyada reer somaliland ee Bristol , UK    

A/salaamu Caleykum wa raxmatulaah, kulan ay isugu yimaadeen Jaaliyada reer Somaliland ee degan magaalada Bristol, waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday qaraxyadii xaqdarada ahaa ee ay ku shahiideen in ILLAHAY (swt) naxariistii Janno ka waraabiyo inagana sabir iyo iimaan inaga siiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdega ILLAHAY siiyo. Aamiin.  

Intaa kadib waxay jaaliyadu si xoog leh u cambaareynayaan ciddii ka danbaysay iyo falalkaas argagaxisadaa ee loogu talo galey in lagu burburiyo deganaashaha Jamuuriyada Somaliland, ugu dambayntii waxay talo ku soo jeediyeen in aad looga foojignaado mustaqbalka cadowga qarankeena ,shacbi iyo xukuumadba.  

Wa bilaahi tawfiiq

 

Jaaliyada Wales - UK

Haddii aannu nahay Jaaliyadda  Somaliland  ee  ku dhaqan Wales  iyo nawaaxigeeda, waxa aannu ka tiiraanyaysannnahay aad iyo aadna uga xunnahay falka argagixisonnimo ee lagula kacay halbawlayaasha Somaliland, isla markaana waxa aannu tacsi wadajir ah u diraynnaa dhammaanba ummadda reer Somaliland  gaar ahaanna qoysaskii ay sida tooska u saamaysay geeridan lama filaanka ahi iyo dhammaanba intii ay ka soo gaadheen dhaawacyadu.

Sidoo kale waxa aannu tacsi taas la mid ah u diraynnaa dadkii reer Boosaasood ee geerida iyo waxyeelladuba ka soo gaadheen falalkan argagixisada ah.

Ugu dambayn waxa aannu kula dardaarmaynnaa ummadda reer Somaliland dhammaanteed in ay u soo jeedaan midnimada,  iskaashiga iyo ilaalinta dadkooda iyo qarannimadooda.

 Gebagebadii waxa aannu leenahay; Samir iyo iimmaan dhammaanteen,  inta xijaabateyna Alle(SWT) godka ha u nuuro, inta dhawaaca ahna Alle (SWT) ha u fududeeyo.  AAMMIIN

 

Wadajir, feejignaan dheeri ah iyo guul – Somaliland.

 

Guddomiyaha Xafiiska /Jaaliyadda  Cabdiraxmaan Axmed Cawed, Agaasimaha Cabdikareem Abdi Aadan iyo hawlwadeennada  kala ah;

Ibraahim Carab Jaamac

Ismaciil Aadan Mire

 

Jaaliyada Canada - Ottawa

Jaaliyadda Ottawa ee reer Soomaaliland waxay uga tacsiyadaynaysaa ummadda reer Soomaaliland, Madaxtooyadda, Guurtidda, Golaha Wakiiladda, Axsaabta Qaranka iyo dhamaan shacbiga reer Soomaaliland falkii waxashnimadda ahaa ee ay ku kaceen, alle uma naxariistayaashii gaystay dhimashaddaa iyo dhaawacaa, ummadda soo gaadhay.

 

Waxaanu ku baraarujinaynaa ummadda sharafta leh inay feejignaato, oo ay meel uga soo wada jeestaan cadowgooda, ka gudaha ku nool iyo ka debedda ka imanayaba ee u eeg.

 

Waxaa ayaan daro ah in maanta qaar muslim sheeganayaa ay haddana dad muslim ah oon waxba galabsan ay kula kacaan falalkaa argagixisoda ah, qaar kale oo u dhashay dalkuna hoosta sacabka uga tumayaan. Waxaan ilaahay uga rajaynaynaa inuu dhibtoodda naga dul qaado, ummadduna dhinac ka wada marto, lana shaqayso aminiga dalka, indho iyo dhagona u noqdaan. 

 

Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Alle caafimaad ha siiyo.  Inagana dhaamteen samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.

 

 

Maamulaha,  Jaaliyadda Ottawa Somaliland Community Services

 

Axmed Xasan Axmed – Quick

 

Ottawa- Kanada

 

www.oslcs.ca

 

Ururka Qoraaga Somalliland

Anagoo ah Ururka Qoraaga somaliland waxaan tacsi u diraynaa dhamaan shacabka somaliland guud ahaan gaar ahaana ehelkoodii, qaarabadii iyo asxaabtii  ay ka geeriyoodeen dadkii shalay ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxyadii lala beegsaday caasimada Somaliland ee Hargeysa. 

Qaraxaas oo aanu uragno mid lagaga soo horjeedo nabadgalyada iyo horumarka Somaliland. Falka noocaas ahi waa fal ay cid kastaaba canbaaraynayso waayo waxa falkaa wax lagu yeelay dad shicib ah oo aan waxba galabsan. 

Waxaan Dawlad iyo shiciba leenahay waa in aad foojignaataan oo aad nabadgalyada sugtaan.

 Maamulka 

Ururka Qoraaga Somaliland
Somaliland Writers’ Association

CONDEMN THE ATROCIOUS TERRORIST ATTTACKS AGAINST SOMALILAN

We, the Somaliland Community in North America, condemn the atrocious terrorist attacks against Somaliland People.   We express our Condolences to all our fellow Somalilanders, who lost their loved ones and with quick recovery to those who were injured.  

We know that Somaliland Community in North America stands ready to support the Somaliland people and ally in this difficult time and beyond.  

We call upon all the people to stand up against hate, violence and terrorism and to fight for democracy, freedom and peace for humankind.   

We believe that all human were created equal with peace and freedom which is Somaliland way.  

We, the Somaliland Community in North America, share and feel the lost of loved ones, and friends of the victims of the terrorist attacks, On Wednesday, October 28, 2008. 

Our Community mourned with you to share your outrage, grief, compassion and resolve. 

THE SOMALILAND COMMUNITY IN NORTH AMERICA ARE WITH YOU IN EVERY STEP FOR PEACE , FREEDOM AND DEMOCRACY. 

LOND LIVE SOMALILAND, LONG LIVE SOMALILAND , LONG LIVE SOMALILAND   

ANIIS ABDILLAHI ESSA

WASHINGTON DC, USA

 

TACSI 
 
Dhamaan ardaydan reer hindiya gaar ahaan Hydarabad waxay Tacsi u dirayaan dadki tirada badna ee ku geeriyooday qaraxi lala beegsaday caasimada S/land ee hargeisa taas oo aanu leenahay ilaahay janadi fardawsa ha idinka waraabiyo ehelkoodiina waxaanu leenahay samir iyo iimaan dhamaan dadka ku waxyeeloobayna waxaanu ilaahay idiinka baryanaa caafimaad .
Hadaba dhamaan bahwaynta reer S/land waxaanu leenahay cadawgiina dhan uga soo wada jeedsada oo ka idinku dhex dhuumanaya dawlada usoo sheega oo ha  laga digtoonaado wax denbe waayo waad arkaysaan oo waxba la inoolama hadhin Ilaahayna waxaanu uga baryanaa wixii S/land jiritaankeeda neceb inuu adhaxda ka jabiyo .   
 
By Hamse Ahmed AwAli (Shabeel)
 Hyd India

Waxaan Aad uga xumahay falalka argagixisada ah ee lagula kacay somaliland Anoo ku Hadlaya Magaca Ururada Naafada Meelkasta oo ay joogaanba, kana soo hadlaya Cariga Ingriiska

Waxaan dhamaan umada reer Somaliland iyo xukuumadeedaba ka tacsiyadaynayaa falalka wuxushnimada ah ee badheedhka tooska ah
loogula kacay umadayda iyo xukuumadayadaba waxnan leenahay samir iyo iimaan ilaahay haynaga siiyo dhamaan intii ku geeriyootay qaraxyadaa
iyo intii ku dhaawacantayna waxanu ilaahay uga rajaynayanaa in Illaahay siiyo caafimaad, qaraxan wuxushnimada ahi maaha maanta mid dadkaas lagu laynayay ee wuxuu ahaa mid qarinimada somaliland lagu duminayay, waxaan xasuusanaa maalintii doorashada wakiilada in iyadana ay fashilmeen qaraxyo noocanoo kale ahi, waxaa inoo cad in si
baaladhan looga soo shaqeeyay loona soo abaabulay mishinkan maanta ka dhacay goobaha ugu mihiimsan somaliland, si kastaba ha ahaatee waxaan diir inaga saarnayn in cadaw ina dabataagan yahay duulimaad ku ah jiritaanka somaliland, hadaba waxaan kula talin lahaa shacbi waynaha reer somaliland inay baraarugaan oo ay ogaadaan in duulimaad lagu
yahay nabad gelyada iyo xasiloonida wadanka, waxaa kale oo aan xukuumada somaliland madaxdeeda sharafta leh ka codsanayaa inaan loo hakin tirakoobka iyo doorashooyinka somaliland,sababtoo ah waxa kali
ah ee laga xun yahay ama duulimaadka lagu yahay waa tirakoobka somaliland iyo doorashooyinka sida nabad gelyada leh ee kaladanbayntu ku dheehan tahay ugu dhaca mar walba, waxaan ku soo gabagabaynayaa hadalkayga inaan loo kala hadhin cadawga somaliland yar iyo wayn Mucaari iyo muxaafidba maanta gacmaha halays qabsado.

By: Nimco Nuur Mooge - UK

BAAQ TACSIYE CANBAAREYN IYO DHIIRI GALIN KA YIMI XAFIISKA SOMALILAND EE FRANCE

TACSI KU SOCOTA  : MADAXWAYNAHA SOMALILAND  MUDANE DAAHIR RAYAALE                                      WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA MUDANE CABDILAAHI  M.DUCAALE IYO

 DHAMAAN SHACABKA  SOMALILAND MEEL KASTOOY JOOGAANBA 

 

Anigoo ku hadlaya magaca Xafiiska SOMALILAND  ee France waxaanu ka tiiraanyaysanahay kana xunna hay hujuumka maanta lagu soo qaaday Somaliland oo ay dad naceb horumarka dalku ku talaabsaday ugaysteen rabaanna   inay is-hortaagaan . Waxaanu si xoogleh u canbaaraynaynaa falkaa qaawan ee sidda mitid-nimada u dhacay oo marnaba loo aaboyeelin , galaaftayna dad aan habayaaratay wax danbiya gaysan . Allaha weyn ayaan uga beryayaa inuu naxariistee janno fardawsa ka waraabiyo

Waxaan aaminsanahay inay  dadka sidda axmaqnimada ugu soo duulay maanta Somaliland aanay marnaba is-hortaagi Karin geedi-socodka iyo horu-marka ay Somaliland ku talaabsatay.  Waxa kaloonu halka kacadaynaynaa inaan ciddina  is-hortagayn cadceeda hadda ka soo ifbaxday dalkan ku yaal Geeska Afrika ee sidda gaarka ah uga dhex muuqda  Qaarada oo dhan .

 

Waxaanu dhamaan ka tacsiyaynaynaa dadkii ku dhintay mashaqada maanta halkaa ka dhacday, allaha weyn ayaan uga beryayaa inuu naxariistee janno fardawsa ka waraabiyo. Dadbaa raba inay kusoo wareejiyaan Somaliland waxa ka holcaya ee ragaadiyay Somaliya si ay markasta uga dhigaan inay Soomaaliland la mid tahey Somaliya inteeda kale. Hase yeeshee  waa wax aan marnaba suurtoobayn .

Waxaanu shacabka reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa inuu Caalmku hadeer ka dharag sanyahay waxay Somaliland qabsatay iyo horumarka ay gaa dhey .

 

Shacabka somaliland waxaan ka codsanaya oo aan ka beryaynaa  inay ilaashadaan midnimadooda, nabadgelyadooda, xasiloonidooda iyo isku duubnidooda.  

 

La Taliyaha kowaad ee Xafiiska SOMALILAND ee France

Mr  Yuusuf Kaariye

Paris FRANCE

 

TACSI KA  SOCOTA  DADWEYNAHA REER SOMALILAND EE  NORWAY

Waxaan cambareynaynaa falkii aadka u foosha xumaa  ee  maalintii arbacadda bisha 29.oktober  lala beegsadey  madaxtooyadda Somaliland, safaaradda Ethiopia ku leedahay Somaliland,iyo weliba xarunta UNDP.

Falkaasi u ahaa mid gardarro cad ah oo loola jeedo in lagu mijo xaabiyo qarranka iyo ummadda reer Somaliland   laguna  baabiyo horumarkeeda nabadeed, oo weliba la  wiiqo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland gebi haanteedba, waxa aanu  u arragnaa in uu ahaa mid dad masaakiin ah lagu laayay , oo ay dad muslinimmada ka fog ay soo abaabuleyn, waxaanu anagoo ka tiiranyeysan arrintaasi tacsi u direynaa dhamaan  qaraabadii iyo heladii dadkii ku geeriyoodey  weerarkaasi fuleynimmadda leh ee lagu qaadey Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu dhamaantayo hiil iyo hooba la barbartaagan nahey dadweynaha reer Somaliland, dawladda Somaliland, xisbiyadda qarranka , ciidanka nabadgelyadda, ardeyda, dhalinyarrada, odeyaasha, haweenka Somaliland. Waxaanu leenahay dadka waxaa ka dambeeyaa ama soo abaabulay ha ogaadaan in aaney qarrinamadda iyo madaxbanaanidda  iyo weliba nabadgelyadda Somaliland aaney waxaba u dhimi Karin

Waxaa tacsidda diriya dhamaan ummadda reer Somaliland ee deggen dalka Norway, sida wakiilka Somaliland u fadhiya Norway, gudoomiyaha jaaliyadda Norway, shaqaalaha xafiiska Somaliland ee Norway,  gudidda jaaliyadda ee Norway, laamaha xisbiyada ee Udub, kulmiye, Ucid ee Norway, odayaasha jaaliyadda, dhalinyarada , haweenka reer Somaliland ee Norway.
Jamhhuriyadda Somaliland guul, cadowgeeduna ha jabo  

Allaa mahad leh

Xafiiska Somaliland ee Norway
SAED Mohamed AMIN
Abdi-kuriya

 

Ururka Dhalinyaradda ee Horseed oo Canbaareeyay Falkii Waxshinimda ahaa lagula kacay Somaliland:-
 
Anaga oo ah Ururka Dhalinyaradda ee Horseed Youth Organization Waxaanu Canbaaraynaynaa Falkii waxshinimada ahaa ee loo gaystay umada reer somaliland ee ku caana maalay nabada iyo degenaanshaha waxaananu usoo jeedinaynaa umada reer somalialnd "Cadawga somaliland wuxuu raadinayaa jaanis kaliya oo uu ku wiiqo waxa aynu qabsanay waxaanay diidanyihiin Gooni isu taaga Jamhuuriyada somaliland waxaa looga baahanyahay Dadwaynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay fiiro gaar ah uyeeshaan cadawgooda iskana ilaaliyaan cidii ay ka shakiyaana usoo gudbiyaan Ciidanka nabad galyada' hadh iyo habeen waxay ku hawlan yihiin sidii ay qas iyo qalalaase uga ridi lahaayeen Dhexdeena waxaa la inooga baahanyahay inaan ka feejignaano dabinada cadawga inaga wada jirkeena iyo isku duubnideena ilaalinayna iskana kaashanayna Cadaw kasta oo dhibaato inoo gaysan kara.
 
Hadaanu nahay Ururka Dhalinyarada ee Horseed ee ka hawl gala Deegaan Gobolka Gabiley iyo guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland waxaanu Tacsi udiraynaa Dhamaan umada reer somaliland anaga oo ka tacsiyadaynayna Geerida ku timi dadkii qaraxyada ku dhintay' waxaananu ilaahay uga baryaynaaa inuu Samir iyo iiman naga siiyo.
 
Horseed Youth Organization
horseedorg@hotmail.com
Gabiley Head Office
 
Ardayda Malaysia
Dhamaan ardayda waxkabarata dalka malaysia gaar ahaan  caasimada dalka ee  kuala lumpur   waxay tacsi udirayaa dakii kunaf waayay weerarkii foosha xumaa ee shalay kadhacay magaalada hargeisa .
ehelkii , qaraabadii asxaabtii iyo dhamaan qaranka soomalilanba ilaahay samir iyo iiman hakasiiyo ayaan leenahay
   waxaanu kula talinaynaa in ay kafoojignaadaan waxyaabaha kale ee la midka ah tan ,meelna ay ugasoo wada jeestaan cadawgooda ku dhexjira shicib iyo dawladba. 
    
    1 guled ahmed omar (guled dhere)
    2 shabcan xasan xashi
    3 yaxye abdi osman
    4 yahye mahamed aw ali (shabeel)
    5 ismail cabdilaahi jamac (ismo)
    6 mahamed ismail essa (xarago)
    7 fuad yusuf axmed
    8 nimcan abdi ali (nimcaan sandheere)
    9 guuleed xasan ganay
    10 axmed cali nuur
    11 mahamed iiman
    12 faysal ali husen
    13 mahamed ibrahin hasan (jananka)
    14 siciid omar hashi (idaacada)
    15 abib dahir tani
    16 khadar mahamed omar (khadar khaan)
    17 hamse macalin adan
    18 cabdiraxman hasan gaas
    19 ismaaciil mahamed husen (indho)
    20 mahamed mahamud omar (xaraf)
    21 liiban aadan cali (mujahidka)
    22 omar mahamed gadiid
    23 hamse fuad aydid
    24 yahye omar yusuf
    25 ibrahin xaji abdirahman
    26 cabdiqadir mahamed baane (qaadiro)
    28 khalid axmed cawl
    29 mukhrar axmed cawl
    30 maxamed faysal cabdi maal
    31 hamse adan xaji diiriye
    32 mahamed mawliid xashi (m jamaal )
    33 cabdifatax hashi ( jeesto)
    34 sahal abdi hasan
    35 axmed daahir cali (axmed guray)
    36 siciid isman hirsi (sico)
    37 guled jamac cali
    38 mubarig hasan hashi
    39 mahamed dayr mahamed (dayr)
    40 axmed dahir cali
    
Baaq ah : Tacsi, Canbaarayn iyo Tageero sida wadajir ah uga yimi, Jaaliyada Norway. 

INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN 
Anagoo ah gudidada Jaaliyada Norway,waxaanu:

1.
Tacsi Qaran udiraynaa Dhamaan Umadda somaliland xukuumada iyo shacabkaba  Hujuumkii iyo weerarkii Axmaqnimadda iyo cadawnimada ahaa ee laga fuliyey Caasimada dalka ee Hargeisa ,waxanan leenayahay Masiibadaa Qaran ilaahay sahal haynagu dhaafiyo samir iyo iimaana ilaahay haynaga  siiyo intii ku dhimatay,wixii ku dhaawacmayna   ilaahay ha  caafiyo..
2. Canbaarayn : Waxaanu si wadajir ah u canbaaraynanaa falkaa axmaqnimada iyo doqonimadu ka muuqato.
3. Taageerida : Waxaanu tageero buuxda u soo diranaa Xukuumada iyo Umada Somaliland.         
Gudida Jaaliyada

JAALIYADA DANMARK

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Danmark Muddane C/khadar Ibraahim iyo xubnaha jaaliyada Somaliland ee Danmark, oday caruur iyo ciroolaba leh dhadig iyo lab. Anagoo ah Jaaliyada Somaliland Danmark waxaan anagoo ka tiiranyaysan falka waxashnimadda ah ee ku dhacey Bulshada  Somaliland Waxan leenahay Samir iyo iimaan.

 
Jaaliyada Somaliland waxay dhaleecaynaysaa qaraxyadaas waxashnimo oo ahaa dhacdo u ka soo shaqeeyay cadowga Somaliland ahana jariimad loogu talo galay in wax lagu yeeleeyo, khalkhalna la galiyo nabadgelyada lagu naalooday ee Jamhuuriyada Somaliland waxananu leenahay: (Umad Illahay leh looma dardaar wariyo).
 
Shacbiga Somaliland waxan faraynaa inay gacmaha is qabsadaan una midoobaan caddowgooda guddo iyo dibadba, ayna foojignoodaan oo tan maanta dhacday ay u noqoto cashar lama illaawaan ah oo ay ka gudbeen. Ogaadana in gurigiinii la idiinku yimid oo waxaad u soo dhimateen una soo dagaalanteen ee halganka dheer aad u soo gasheen waliba aan la idiinka hadhin oo la idiin daba socdo. Ogsoonadana hadanidin foojignaan ood is dhigataan  in ay dhacayso in cadowgu idiinsoo dhuunto oo tan maanta dhacday iyo tukalaba dhicikarto..Illahay ha idin illaaliyee.. (aamiin).. Maamulka Somaliland waxaan faraynaa inuu hayadaha sirdoonka xoojiyo oo xirfadooda iyo tayada waxbarasho ee ay qabaan ama qaateen  uu kor u qaado .
 
Dadkana waxaan ku  baraarujinaynaa in ay iyagu yihiin amaanka qaranka ama Poliskii wadanka ee indhaha fura oo fiiro dheer u yeesha  kana shaqeeya amniga wadanka idinkoon u kala hadhin.. Illahay haydinla qabtee ..(aamiin)
 
Wabillahi Tawfiiq..
 
Posted: Mustafe Dahir Roble (Shaash) Copehagen DK

           

 

 

SOMALILAND DIASPORA ORGANIZATIONS IN ABROAD

October 30th, 2008 

SOMALILAND ORGANIZATIONS IN DIASPORA CONDEMN THE TERRORIST ATTACKS IN SOMALILAND  

We, the Somaliland Organizations in the Diaspora, are dismayed by the terrorist attacks in Somaliland, and we would like to express our deepest sympathies to the families of the victims and to the people of Somaliland in general. We join with all those who clearly condemn this utterly deplorable act of aggression and terror committed against the people of Somaliland. It is heartbreaking that people of Somaliland again become a victim of terrorists. We all know Somaliland have long been trying to heal itself from the indiscriminate killings of its people by Siad Barre regime. These actions are not associated with Islam or the decency of human being. Nothing can justify the indiscriminate killings of an innocent human being. We can clearly see the intentions of these actions as one or all of the following;

1. The terrorists fancy to undermine the independency of Somaliland.

2. The terrorists desire to stop the current democratic actions on-going in Somaliland.

3. The terrorists crave to spoil the current peace in Somaliland so that they can use it as one of the places to launch their terror attacks against Somaliland friends including the West. 

We would like to encourage the international community, the UN, the EU, and the African Union to beef-up the security of Somaliland in order to stop the terrorist’s penetrations in East Africa. Somaliland is last stable place in a trouble region. It is time that UN Security Council should acknowledge Somaliland’s existence, and condemn these recent attacks. The more the Somaliland case is delayed, the more Somaliland’s progress is undermined, and the risk of war escalating across East Africa. The Somaliland case is a true test to the International Community to its commitment to support peace, democracy, and support of people who are willing to go the extra mile to make something out of them-selves. 

Somaliland is a state where the power truly belongs to the people, and the facts are there for everyone to see. It is about time that the International community start rewarding for peace, and Somaliland should be supported, and the African Union should consider to institute immediately the process of resolving Somaliland case. 

The following Diaspora organizations jointly signed this press-release; 

1.      Somaliland Forum (SF)

2.      Somaliland Society Europe(SSE)

3.      Tog-dheer Foundation(TAFF)

4.      NOMAD

5.      West London S/Land Organization

6.      SIRAG

7.      SSUK

8.      SOMALILANDLAW.COM

9.      Somaliland RIKSFORBUND

10.  Somaliland Aid Group

 

Asalaama caleykum,
 
waxaaanu aad iyo aad uga xunahay weerarka qaawan ee lagu soo qaaday dalkii hooyo
iyada oo la adeegsaday tabaha iyo xeeladahaha xag jirka ah ee fuleygu ku dagaalamo ee aan kala soocincadawgiisa iyo caruurta.
 
Ururka  horumarinta soomaaliyeed (Somali Development Agency Inc.) iyo maamulkiisu waxa u tacsi u diraya dadweynaha Somaaliyeed gaar ahaan shicib weynaha reer  Somaliland, Xukuumada iyo qoysaskii, eheladi iyo asxaabtii dhammaan dadka falka qashiinka ah ku geeriyoodey.Ilaahay ha ka waraabiyo dhammaantood janatul farduus.
 
Axmed Goolcade/SDA
Columbus Ohio

 

 

Baaq ah : Tacsi, Canbaarayn iyo Tageero sida wadajir ah uga yimid, UDUB Norway, Ucid Norway iyo Kulmiye Norway. 

INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
 
Aniga oo ku hadlaaya magaca xubnaha, tageerayaasha UDUB Norway
, Ucid Norway iyo Kulmiye Norway waxaanu
1.
Tacsi Qaran udiraynaa Dhamaan Umadda somaliland xukuumad iyo shacaba guud ahaan, gaar ahaana dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay Hujuumkii iyo weerarkii Axmaqnimadda iyo Bahal nimada ahaa ee laga fuliyey Caasimada dalka ee Hargeisa ,waxanan leeyahay Masiibadaa Qaran ilaahay sahal haynagu dhaafiyo samir iyo iimaana ilaahayha innga siiyo intii ku dhimatay,wixii dhaawac ahna ilaahay ha u sahlo.
2. Canbaarayn : Waxaanu si wadajir ah u canbaaraynanaa falkaa axmaqnimada iyo doqonimadu ka muuqato.

3. Taageerida : Waxaanu tageero buuxda u soo diranaa Xukuumada iyo Umada Somaliland.
 
Waxaa soo wada qoray gudiyada laamaha 3 xisbi qaran ee Norway

 
UDUB NORWAY .
UCID NORWAY .
KULMIYE NORWAY
 

 

 

Guddmooiyaha Garabka Haweenka Ucid ee Yurub oo Tacsiyadaysay Qaraxyadii Hargeisa
 
Aniga oo ku hadlaaya magaca garabka Haweenka ee Laamaha iyo xafiisyada kala duwan ee Xisbiga Ucid ee qaarada Yurub, waxaan Tacsi Qaran udiraynaa Dhamaan Umadda somaliland xukuumad iyo shacaba guud ahaan, gaar ahaana dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay Hujuumkii iyo weerarkii Axmaqnimadda iyo Bahal nimada ahaa ee laga fuliyey Caasimada dalka ee Hargeisa ,waxanan leeyahay Masiibadaa Qaran ilaahay sahal haynagu dhaafiyo samir iyo iimaana ilaahayha innga  siiyo intii ku dhimatay,wixii dhaawac ahna ilaahay ha u sahlo.

Ehladii Qaraabadoodu ku Shahiiday weerarkaa Xaq darada ahaa kuwii Fuliyayna Ilaahay Jannada haka waraabiyo,Dawlada iyo Shacabkana waxaan ugu baaqaynaa inay ka hawl galaan sidii Cadaalada loo horgayn lahaa cidii ka danbaysay falkaa foosha xun ee arxan darada ah iyo waliba sidii Amniga loo adkayn lahaa Mustaqbalka ,ugu danbayn aad ayaanu uga xunahay ugana Tiiraanayaysanahay Dhibta soo gaadhay Dalkeena iyo Dadkeenaba, khasaarihii foosha xumaa ee qaraxyadaasi geysteen, waxanaan shacbiga leeyahay meel ha looga soo wada jeesto cadawga Somaliland oo maanta u tafa xaytay duminta qaranimadeena.
 
Marwo Caasha Xuseen Maraykan
Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid ee qaarada Yurub

 

UDUB WALES _ UK

Waxa Hogaanka sare ee xisbiga UDUB WALES dhamaan umada reer Somaliland iyo xukuumadeedaba ka tacsiyadanaynaa falalka aragagixisnimo ee badheedhka tooska ah loogula kacay umadayada iyo xukuumadayadaba waxnanu leenahay samir iyo iimaan ilaahay haynaga siiyo dhamaan intii ku geeriyootay qaraxyadaa intii ku dhaawacantayna waxanu ilaahay uga rajaynayanaa caafimad qab iyo u samir qadarka ilaahay een meelna loo dhaafi karayn

Waxa kaloonu leenahay eheladii iyo qaraabadii dadkii ku qudhbaxay ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo

Aaamiiin

 

KULMIYE UK 

Dhamaan tageerayaasha xisbiga kulmiye ee  qurbajooga ah khasatan qurbajooga Carigga Ingriiska  siiba gudida fulinta, gudida laamaha iyo tageerayaasha guud waxay cambaraynayaan weerarkii qaraxyada argagixisada tacsina u dirayaan dhamaan eheladdii dadkii ku geeriyooday  weerarka qaraxyadda ee lala beeg saday meelaha kala ah:Qasrigga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ,Xafiis ganacsiyeedka dalka itoobiya iyo xafiiska hay‘ada UNDP ee Qaranimada Midowday 

Waxaanu lenahay samir iyo iimaan dhamaan reer Somaliland iyo eheladdii dadka geeriyoday ay ka bexeen,kuwa kale ku dhawacmayna waxaanu illahay uga baryeyna cafimaad dag dag ah .

Weerarkaasina wuxu ah weerar  lagu so qaaday Qaranimada , nabada , gobanimada,xasiloonida iyo geedi socoda dimuqradiyada iyo horamarka ay Somaliland hiigsanayso waqtiga dhaw iyo midka fogba 

Waxaanu ku boorinayna  dadka reer Somaliland  dhamaan axsaabta mucaaridka iyo muxaafidka iyo xukumad iyo shacabiba in ay Somaliland gaadhi doonto waxay hiigsanayso oo ah ictiraaf qaranimo buuxdah iyo horamar dhaqan dhaqaale iyo aqoon bulshanimo oo aayatiin leh 

Waxaanu sido kale xasusinaynaa dhamaan dadka  reer Somaliland in dhacdadan  argagaxiso nimo aanay waxaba yeelikarin  yoolka iyo himilada ay Somaliland hiigsanayso waqtiga dhaw iyo midka fog 

Gabagabadii waxay dhacdadan maanta dhacday tahay baraarujin  una tahay dhamaan reer Somaliland iyo xukumada dahir riyaale oo baryahan dambe nabadsugida nabada qaranka Somaliland  fojugnaanteedu aad iyo u hosaysay oo baryahan dambe ay nabadsugida nabad qarameedku ku jihays neyid  kuna jeeday gudaha iyo axsaabta mucaaridka siiba kulmiye. 

  Alla weyn ninkii aamina awoodleh

 Guul Somaliland , Guul Diwaangalinta iyo Guul  doorashada sosocota 

   Waa Bilahi Tawfiiq  

Gudoomiyaha Uk iyo Yurub Kulmiye

Ibrahim hussein 

 

Jaaliyada Suudaan

ku: dhamaan madaxda jamhuuriyada s/land iyo shabakeeda

ka:  jaaliya rer somaliland  ee ku dhaqan dalka suudaan 

tacsi tiiraanyo

waxaa tacsi  tiiraanyo  leh  udiraynaa  dhamaan  dhamaan dalka iyo dadka iyo eheladii ay  ka geeriyoodeen dhamaan dadkii  ku  nafwayay qaraxyadii foosha  xumaa  ee  kadhacay dalkeena  hooyo

illaahayna waxaan uga baryaynaa inuu naxariis iyo jano dushooda kayeelo;; dadkii  wax  kuyeeloobayna  uu  badal khayrqaba iyo caafimaad ilaahaysiiyo  ; dalkan  uu  illaahy  amnigiisa  illaaliyo  allahu ma aamiin

marlabaad waxaan faraynaa  bulshada rer somaliland  inay  iyagu illaa shadaan oo lashaqeeyaan dhamaan ciidama aminiga iyo ilaalada dalka

marlabaad waxay  dhamaan maamulka  iyo bulshada  kudhaqan dalka  suudan ay katacsiyadaynayaa dhaman dadwayna  rer somaliland meelkasta  oo ay  joogaanba 

xoghayaha jaaliyada s/land :: 

a/riazaak  m  m  hassan 

A/rizak   m   m    

tell: +249923462191

 

FROM: JAALIAYDA DALKA MALAYSIA

Waxaan tacsi udireynaa dhamaanardeydayadan hoosta ku xusani shacbi weynaha reer somaliland gaar ahaan eheladii,qarabadi iyo asxaabtii aay kabaxee dhaman dadkii ku geriyoodey qaraxyadii maanta ka dhacay casimada somaliland ee hargeisa.waxaan kaloo aan cabaareyneyna cid allaaale iyo cidii kadanbeyseey falaalka fawaxishka aah ee lagula kacaay umada reer somaliland.
 
1-  mustafe cabdilahi hurre
2-  najax ismaciil cilmi
3-  yuusuf cabdiraxman jibriil(boqorka)
4-  cabdi jamaal caydiid
5-  axmed adaan ismaaciil..(shadaf)
6-  maxamuud axmed cali...(xuuto)
7-  muuse maxamed raage 
8-  mubarik cabdilahi hurre  (qarxiye)
9-  sahal cabdiraxman jibriil (quule  )
10-khalid c/qadir salax      (wadaad-xabiibi)
11-maxamed cali x.axmed (laaleys)
12-c/qadir maxamed ismaciil (daadir)
13-maxamed yasiin deyr
14- khadar yasiin deyr
15-muqtar nuux cabdilahi.(gadhle)
16-libaan maxamud maxamed
17-maxamed siciid shugri
18-maxamed rashiid  ( torES)
19-maxamed maxamuud c/raxman(biyoole)
20-khalid yasiin deyr
21-cabdirashiid dahir

 

FROM: ARDAYDA WAX KA BARATA INDIA

Anaga oo ah arayda reer soomaaliland ee wax ka barata dalka india gaar ahaan gobolka karnataka magalaadiisa mysore waxaaanu anga oo aad iyo aad uga tiiraanyaysan tacsi balaadhan u diraynaaa dhamaanba shacabwaynaha reer soomaaliland gaar ahaan qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaradyadii foosha xumaa ee ka dhacay magaalo madaxda jsl ee hargaysa, waxaananu illaahay uga baryaynaa in uu janadiisa fardowsa ka waraabiyo isla mar ahaantaana intii ku dhaawacantay in uu illaahay caafimaaad sareecana ugu bedelo aamin.                  

dhinaca kale waxaanu dhamaaba shacabka reer soomaliland u soo jeedinaynaa in ay ka shaqeeyaan nabada iyo feejignaanta dalkooda kana gacan siiyaan ciidamada nabad illaalinta sidii ay u heli lahaayeen gacan ku dhiiglayaasha falkan foosha xun gaystay.                          

 

  1. Ahmed Ismail Aden
  2. Eng. Hassan Osman Tani
  3. Muktar Abdikayd Abdillahi
  4. Yasin  Mohamed Abdillahi
  5. Ahmed Hassan Qabile
  6. Abbas  Ali   Abdillaahi
  7. Kadar   Mohamed (Burco)
  8. Muktar  Mohamed  Abi
  9. Khalil    Mohamed Aw Ali
  10. Sayid   Abdillahi  Elmi
  11. A.Rashid Salah  Hussein
  12. Hussein  Moge
  13. Du`aleh  Abdullahi  Tani
  14. Pro. Ahmed  Aw Nur
  15. Mohamed Hussein (Gabaneh)
  16. A.Rahman Abdillahi Ismail
     
     
    Dhamaan ardayda India gaar ahaan Hyderabad waxay tacsi u dirayaan dhamaan shacabka somaliland

     ku wax yeelobay qaraxyadii sida arxan darada ah loogula kaacay


    Anaga oo ah ardayda reer somaliland ee wax ka barata dalka India waliba gaar ahaan magaalada Hyderabad waxaanu  tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan dadkii ku wax yeelobay weeraradii arxan darada ahaa ee lagula kacay   caasimada somaliland(HARGAYSA) .Somaliland oo ahayd dalalka geeska africa ugu nabada fiican laguna bartay isku duubni iyo wada tashi .caalamkana maanta indihiisu si fiican inoo soo eegayaan

     

    Hadaanu nahay ardayda reer india waxaanu shacbiga reer somaliland ku baraarujinaynaa inay ilaashadaan nabad galyadooda  meelna ay uga soo wada jeestaan ciddii cadaw ku ah ee qaran nimadooda  iyo jiritaankooda wax u dhimayaa.

    Waxa kale oonu ku boorinaynaa inay la shaqeeyaan xukuumada gaar ahaan police ka   iyo cid kasta oo qaranka xil u haya ilaalinayana xasisloonida iyo jiritaanka somaliland
     
     
    Aden  Gehayir (Adan goole)
    C/qani sanyare  sh.cali
    khadar cali maxamed (khadar yare)
    Siciid cismaan cali    (Engineerka)
    Maxamed yusuf  ( m.saami)
    Ahmed Nour
    siciid maxamed cabdi (saayidka )
    maxamed ahmed fure (fure)
    C/qaadir mahdi ismaciil (qaadiro)
    Hamse ahmed  (hamse shabeel)
    c/kariin cismaan (Indho)
    Ahmed maxamed  (saxardiid)
    Hasan osman yousuf
    c/rahmaan maxamed c/rahmaan(philipe)
     
     

From: Ibraahim Adam Salad

Waxaan halkan marka hore kasalmayadhama shacbiga soomalilan melstoo ay jogan saln kadib waxan shacbiga soomaliland ugatcsiyadaynay falakii waxshnimada ha ee ismidaminta ha ee aysameeyendadka wax magartahi    ee bahalaha ah   waxan tacsi udirya daki ku dhintay eheladoodii iyo shacbiga soomalinadba in ilaahay inaga siiyo samir iyo  samir iyo iiman inta dhawacantayna in uu ilhay uga dhigo nabr xaqdaro  lakin kuwa samaywaxan u shegay in shacbiga somaliland ay soo jedan oo ay diiyaryihin  una dul qadan doonin  oo ay kacanbira ku qabadonan cidi kadanbaysay   dadka dii noo diidan nolasha iyo horu marka doomaliland gadhay  waa inan meel ugasoowada jeesana     waxan mrlbada utacsiyadaynaya shacbiga somliland  eheladii iyo qarabadii dfaki dhintay manta ku dhawacaah nailhya ha cafiyo aamim amin  

انا للة وانا الية راجعون 

Hadaanu nahay bahda SDWO.COM waxaanu marxuumka Illaahay uga baryaynaa inuu u naxariisto, ehelkii, qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo - aamiin 

انا للة وانا الية راجعون

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE