|
TACSI: MARXUUN Cali Mohamed Guulled
 
Audio: Dhegayso - Tacsidii iyo hadaladii laga jeediyay Xabaasha dusheeda aaskii Marxuum Cali Maarshaal
Umada Somaliland maanta halyey ayaa ka tagey oo geeri ayay u fadhidaa, geeri naxdin leh, ilaahay samir iyo iimaan hanaga wada siiyo oo marxuumka ilaahay janatul fardowsa haka waraabiyo AAMIN AAMIN:
DR Abdilaahi Ahmed Guled (Independent Medical Research Cosultant London) Mr Mohamed y Balayah ( The African Developmen Bank Tunisa) Mr Guled Abdi Mohamed ( Chairman SDWO London) Mr Abdi-Risaq H Balayah (UCLH London) Mr Abdi Fataah Siciid Ahmed Guled ( Wakiilka Somaliland ee IRELAND) Mr Mowliid Y Balayah (USA) Mr Khadar Abokor Abdilaahi (London) Prof. Ahmed Abdi Dacar (Sweden) Mr Hariir Hirsi Adari (London) Mr Yussuf Hussen Abdalle (London) Mr Khadar Y Balayah (Canada) Mr Abdi Mohamed Good ( The Nethrland) Mr Ismail Awll ( Oxfam Novib The Netherland) Mr Abdikariim ismail Kaahin (Somaliland Walles Community "Cardiff") Mr Najiim Hassan hashi ( The UNDP Somaliland Hargiesa) Mr AbdiRashiid Abdirahman Aw Hassan ( Omoud Iniversity Somaliland Hargiesa) Mr Abdirashiid Abdi Mohamed (London)
Dhamaan waxay Tacsi Tiiraanyo leh udirayaan Qosykii iyo qaraabadii iyo Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Cali Maxamed Guuleed (Cali Maarshaal) oo manta shil baabuur ku geeriyooday magaalada berbera
Marxuumku wuxuu ahaa nin aad u qiimo badan, aduunyo la lagdamey oo lagdey, wuxuu ahaa halyey, mutacalin ah, mabd’a adag, wax waloo uu haystey u hurey ahalkiisa, dalkiisa iyo umadiisa.
INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
inaa ilaahu wa inaa ilaahu raajucun waxan halkan ka tacsiyadaynayana marhuun Ali Mohamed goulled (ali marshaal) ale how naxareetee dhaman bahweynta reer somaliland ee uu ka geeriyooday halyeyga ali mohamed guuleed (ali marshaal) aniga oo ku hadlaya magacayga Aniis ali yusuf iyo ka laanta bariga fog east far of London ee kulamiye iyo dahaman dalinayarada reer somaliland ee east london dadka hoos ku xusan dhaman tood waxa tacsi u dirayan geerida naxdinta leh ee ku timi reer somaliland iyada oo ilaahay inoo balan qaaday nafkasta in ay dhadhaminayso muudka oo ay ina wada hurantahay waa lagu kala horaynayae hadana maalinba ta tagan baa naxdin teeda leh markas aad baan uga uga naxnay geerida gudoomiyaha doorashada gobolagda galbeed ee xisbiga kulmiyee ilaahay waxan uga ra jeynaynaa in uu ka waraabiyo janadii fardowsa samir iyo iimaana inaga siiyo reerkiisii iyo inagaba Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin 1.jama ahmed hasan ( jama qaylo)(gudoomiyaha laanta bariga fog ee london) 2.mustsfe buureed 3.abdi ahmed fadhiyare 4.jama mohamed adan (jama keli) 5.farhan waqaf 6.A/hakim abdi badhaf 7.A/laahi ali yusuf
INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Waa geeri naxdin leh, ilaahay samir iyo iimaan hanaga wada siiyo oo marxuumka ilaahay janatul fardowsa haka waraabiyo AAMIN AAMIN:
ALI GOWDAN HUSSEIN (NEDERLAND)
ABDI SHUKRI HUSSEIN ''
KHALID ALI ''
MOHAMED AHMED' ''
Haji Ali
Inaa Illaahu Wa Inaa illaahu Raajicuun
Hadaanu Nahay Dhamaan Jaaliyada Somaliland ee Kunool Waqooyiga CarigaIngiriiska Bristol Waxaanu Tacsi udiraynaa dhamaan Eheladiih uu kageeriyooday iyo Dhamaan umada Somaliland Meelkasta oo ay joogaanba Murxuun Ali Guuleed (Ali Marshal) , ilaahayna waxanu uga baryaynaa in uu ka waraabiyo Jana Fardoosa. Waxaanu leenahay Qoyskii uu marxuun Ali Marshal kabaxayna dhamaantood, Samir iyo Iimaan. AAmiin, AAmiin, AAmiin 1. Xuseen Axmed Caydiid (Gudoomiyaha Kulmiye Bristol) 2.Axmed Ciise 3.Cabdi Gamuute 4.Mustafe xaashi 5.Cumar Siyaad 6.Ciise Maxamuud Caydiid 7.Kayse cabdi cali wayd 8.Xasan Cali Wayd 9.Maxamed Xaashi Bacado 10.Maxamed siciid 11.Maxamuud Mawliid 12.Maxammed Cali xaydar 13.C/raxmaan Quule 14.Khaliil adan 15.Cumar Aw cabdi 16.Maxamed cumar siyaad 17.Maxamed Koosaar 18.Mustafe Cbadi qays 19.C/qaadir Maxamud Dage 20.Mahdi Ibrahim xasan 21.Jamaal Cali xuseen 22.Yusuuf Maxamed Arbay 23.Xasan Cabdi cabdilaahi 24.Maxamed Cabdi Faahfaahle 25.C/risaaq Quule xasan 26.Xasan Maxamed cabdi dhoore 27.Jaamac maxamed Yurub 28.Cali mawliid 29.C/raxiim Ibraahim 30.C/qani raabi Maxamed Cali Xaydar Bristol
INAA LI LAAHU WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Ujeeddo: Tacsi Maxamed Guuleed (Cali Maarshaal), From Ucid & Kulmiye Norway
Gudida labada Laanmood ee kala UCID Norway iyo Kulmiye Norway waxay tacasi tiiraanyo leh u diryaan Ehliyadii iyo dhamaan umada Somaliland meel kasto oo ay joogto, Geeriyada ku timid Marxuum Cali (Maxamed Guuleed (Cali Maarshaal), oo ahaa guddoomiyaha ololaha ee xisbiga KULMIYE, oo shil baaruur ku maanta ku geeriyooday.
Marxuumkanka oo maalinta shil gaadhi kula dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa isaga iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, oo iyagana uu soo gaadhay dhaawac.
Waxaanu Eebo uga baryaynaa innu janadii fardowsa ka waraabiyo marxuumka, sida oo kale dhammaan qoysaskii, ehliyadii, qaraabadii iyo xisbiga Kulmiyeba uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Aamiin Aamiin Aamiin
Abdihakim Ismail , Gudoomiyha Ucid Norway
Sulub Warsame, Gudoomiyah Kulmiye Norway
Inna Lilaah Waa Inna Ilayhi Raajucuun"
Sida xaqiiqdu tahay maanta waxay u tahay Somaliland maalin murugo iyo naxdinba leh. Waa maalin xaqii EBBE ku yimid geesi ka mid ahaa kuwa dadka reer Somaliland loogu jeclaa, waa maalin u ka baxay reer Somaliland halyay dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ahaa.
Waa maalin la wada geeriyaysanyahay, hadaba anaga oo ah Jaaliyada xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan, waxaa si aad ah noo taabatay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Cali Muxumed Guuleed ( Cali Maarshaal) oo ahaa xubin naga mida ah.
Marxuum Cali Guuleed, isaga oo dalka Maraykan ku haysta shaqo iyo nolol fiican oo aan warwar lahayn ayaa hadana ka doortay inuu dalkiisii hooyo si rasmi ugu noqdo si uu wax ugu taro uguna faa’ideeyo khibradiisa iyo aqoontiisaba, waana waxyaabaha mustaqbalka aynu ku xasuusan doono Cali Guuleed.
Waxaanu halkan ka tacsiyadaynaynaa hooyada, ubadkii, oridii, ehelkii, xigtadii, saaxiibadii iyo dhamaan shacabka reer Somaliland geerida naxdinta leh eek u timid marxuum Cali Muxumad Guuleed. Waxaanu ILLAAHAY uga baraynaa marxuumka inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo dhamaan ehelkii iyo shacabka reer Somalilandna samir iyo iimaan ka wada siiyo, aamiin.
Xubnaha Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye
Waqooyiga Maraykan
Inna Lilaah Waa Inna Ilayhi Raajucuun"
Afhayeenka Beesha AKISHO, Ahna Lataliyaha Dhanka Arrimaha Diinta ee Ururka HIDDA DHAWR, Sh C/wahaab Sh Xassan Gole, ayaa issagoo ku hadlaaya Magaca Beesha iyo Ururkaba waxa uu Dhambaal Tacsiya u dirayaa Qoyskii Qaraabadii iyo Dhammaan Ummadda Reer Somaliland ee uu ka baxay Cali Guuleed (Cali-Maarshaal) oo Maanta gaadhi kula gaddoomay meel u dhaw Magaalada Berbera, Waxaanay Marxuumka Ilaahay uga baryayayaan inuu Jannadii Firdawsa ka waraabiyo, Eheladii iyo Dhammaan Intii uu ka baxayna Samir iyo Iimaanba kasiiyo. Aaamiin Aamiin Aaamiin.
TACSI TIIRAANYO LEH Anigoo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste),xaaskayga iyo caruurtaydaba waxaanu halkan TACSI tiiraanyo leh uga diraynaynaa guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar ahaanna Qoyskii- ehelkii -qaraabadii -Xisbiga Kulmiye iyo dhamaanba asxaabtii,anagoo uga dacsiyeynayna geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Ali Guuleed(Ali Maarshaal ) oo dhowaan ku geeriyooday shil baabuur. Ali waxaanu ILLAHAY uga baryaynaa in uu naxariisti JANO ka waraabiyo intii uu ka geeriyoodayna SAMIR iyo iimaan ka siiyo,inta dhaawaca ahna waxaan ILLAAHAY uga baryaynaa in uu caafimaad buuxa siiyo. AAAMIIN AAAMIIN AAAMIIN Abdi M.Saleiman(Mingiste)
TACSI: Somaliland Community Center In Alberta,Canada
waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan geerida naxdinta leh ee ku timi Gudomiyaha ololaha dorashooyinka ee xusbiga kulmiye, (Mujahid Ali Mahamuud Gulleed, Ali Marshall) oo saka ku geeriyoday shill gaadhi oo ka dhacay gudaha Somaliland.
Waxaan tasiyadaynayna Ehelkii iyo Qarabadi uu ka geeriyoday marxunku iyo Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Ahmed Mahmed Mahamuud silanyo,Guddida fulinta ee xusbiga kulmiye iyo dhamaan tagerayasha xusbiga kulmiye debed iyo gudaba iyo xildhibanada labada Gole iyo dhamaan reer somaliland meel kasta oo ay jogaan.
waxaan marxuunka ilahay uga baryayna in ilahay janadi fardusa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo imaan inaga siiyo, Amiiiiiin Amiiiiiiiin Amiiiiiin.
Mujahidinta shilka ku dhawacmayna waxaan ilahay uga baryaynaa in ilahay cafimaad degdeg ah siiyo, Amiiiin Amiiiiiiiin Amiiiiiiiin.
Gudomiyaha Somaliland Community center in Alberta,Canada.
Bashe Elmi.
Inna Lilaah Waa Inna Ilayhi Raajucuun"
Anaga oo ah gudiga laanta kulmiye iyo taageerayaasha kulmiye ee magaalada bristol. waxaan tacsi u diraynaa eheladiiiyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum cali muxumed guuleed(cali maarshaal) iyo bahaweynta kulmiye, oo aanu leenahay dhamaantii samir iyo iimaan alla ha inag siiyo.
magacyda xubnaha bristol
1-cumar cabdilaahi buuni 2-xuseen axmed caydiid 3-cabdi daahir camuud 4-maxamed bacado 5-Axmed cismaan 6-maxamed cumar ilyaas 7-cawl xaaji xasan 8-cismaan cali (cismaan jeeble) 9-maxamed cabdi maxamed 10-xasan maxamuud (xasan dhidhig)
Geeridu waa Xaq,waana loo dhashaa qofna dhaafimaayo!!!
Anigoo ku hadlay magaca dhamaan bahweyant uruka samalka ee Almis Welfare Association Waxaanu halkan tacsi tiiraanyo leh uuga diraynaa islamarkaana aanu ka tacsidiyeynayaa dhamaan shicib weynah reer Somaliland gaar ahaan qurba jooga reer somaliland meel ay joogaanba, Eheladii, Ubadkii , Oridii, Gacalkii, Xigtadii, Saaxiibadii iyo Xisbigiisii meel ayjoogaanba geeridii naxdinta lehayad ee ku timid marxuum Cali Muxumad Guuleed ( Ali Maarshaal). Waxaanu ILLAAHAY uga baraynaa marxuumka inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo dhamaan ehelkii iyo shacabka reer Somalilandna samir iyo iimaan ka wada siiyo, Aamiin,Aamiin
Abdi Ali Mahdi
Almis Welfare Association
Inna Lilaah Waa Inna Ilayhi Raajucuun"
Ardayda Somaliland ee wax ka barata Dalka Sudan waxaay tacsi uu dirayaan Xisbiga Kulmiye Eheladii iyo Qarabadii uu ku baxaay Iyo dhamaan Umada Somaliland oo dhan Geeridii Naxdinta Lahaayd ee Ku timid Gudoomiyihii Ololaha dorooshiyinka Xisbiga kulmiye ee Galbeedka Somaliland Cali Marshal Guleed oo Maanta Ku geeriyoodaay Shil Baabuur Waxaanaan Ilahaay Ugu baryaaynaa Inuu Naxriisti Jano ka waraabiyo marxuumka Sabir iyo Imaana ka siiyo dhamaan Umada somaliland, Amiin Amiin Amiin. Eng: Maxed Ismail Abokor Dr:Hamse Ali Hussein Dr: Ahmed Aided Osman Hashim Abdiqani ismacil C/laahi Cise Heybe Fouad Abdisalam Hassan Haji Mawlid Muse Odowa Shucayb Xuseen C.laahi Ismaaciil C/laahi Cabdi Maxed Yuusuf Cali Eng: Maxed Maxamuud Cumar Aadan Daahir Cabdi C/casiis qorane Cabdifataax Ibraahim Maxed C/raxmaan C/laahi Dr: Fadxi Maxamud Heybe Liibaan ismaciil Cali Khadar Yaasiin Dhamaan ardeydan iyo ardey kale oo badan , ilaahey waxaa marxuumka uga beryayaan in uu janadii ka waraabiyo marxuumka inaga samir iyo iimaan inaga siiyo
Inna Lilaah Waa Inna Ilayhi Raajucuun"
ANAGOO AH DHALINYARAD MAGALAD HARGEISA WAXAANU TACI U DIRAYNAA ALLA HA U NAXARIISTEE AQOON YAHAN CALI GULED ( MAARSHAAL ) OO MAANTA KU GEERIYOODAY DULEEDKA MAGAALDA BERBERA EE XARUNTA GOBOLKA SAXIL WAXAANU MARXUUNKA ILAAHAY U GABARYAYNAA IN UU JANADII FARDOWSA KA WARAABIYO IN TII SHILKAA KU DHAAWACAN TAYNA UU ILAAHAY U FUDUDEEYO QOYSKII UU KA BAXAYNA WAXAANU LAANAHAY ILAHAY HA IDINKA SIIYO SAMIR IYO IIMAN XISBIGII UU KA BAXAY EE KULMIYE ILAAHAY HA IDINKA SIYO SAMIR IYO IIMAN AAMIN AAMIN AAMIN
MAGACYADA DHALIN YARAD
CABDIWAHAB ADAM AXMED
CABDIFATAAX MUXIYADIIN CAREEF
CABDILAAHI ADAN CABDILAAHI
MOHAMED OMAR ABDULAHI
SALEBAN CABDISITAAR DUBAD
CABDINASIR YUSUF BULXAN
JAMAC ABDI JAMAC
MUSTAFE MOHAMED ABDULAHI
SICIID MOHAMED MOHAMUD DABAARE
XASAN CUMAR CABDILAHI
CABDIBASID CABDIRAXMAN AHMED
RIDWAAN MUXUMED CABDI
MOHAMED IBRAHIM ABDI SAYLICI
YASIN CABDILAHI IBRAHIM
CABDIRAXMAN CALI ADAN
GUD.D.DARAS. FOOSI AXMED ROOBLE
IYO DHALIN YARO KALE OO BADAN
INAA-LILAAHI WAINAA-ILEYHI RAAJICUUN.
Dhamaan Jaaliyadda Reer Somaliland ee kudhaqan dalka K/Africa guud ahaan, waxey tacsi udirayaan eheledii, qarabadii iyo Qaranka Somaliland uu kageeriyodey ALLE ha unaxariistee Marxuum Cali Guuleed Cali (Cali Marshaal), waxaaney ilaahey ugabaryayaan in uu naxariistii jano kawaraabiyo, eheledii iyo umadda reer Somaliland sabir iyo iimaana kasiiyo.
Alla ha u naxariistee muj Cali Marshal wuxuu ahaa nin qaali ah oo kageeriyoodey qaranka Somaliland, marwelba waxaa laguxasuusandoonaa halgankii uu usoogaley dhismaha iyo kobcinta qaranka Somaliland iyo dadweynaha kunool qaranka Somaliland ey ku reereeyaan dimuqraadiyad iyo nabadgelyo iyo horumar, waxaaney jaaliyadu rajeynayaa in rajadii uu qabey marxuumku shacbiga, Somaliland ey xaqiijindoonaan.
Rabi ha unaxariisto Cali Guleed Cali, ha unuuro xabaasha, iilka naacow udguun iyo hakusiiyo naruuro. Amiiin...Amiin...Amiin
Gudiga Fulinta ee Jaaliyadda R. Somaliland ee K/Afrika.
E-mail: cossah@gmail.com
Johannesburg
South Africa
Sympathy Letter to Fallen Hero Ali Gulaid Ali’s family and Somalilanders at large
I was deeply saddened to hear of comrade Ali Marthal’s sudden death and I would like to express my very sincere sympathy to the family and all Somalilanders on behalf of Community of Somaliland in Southern Africa.
Ali Marshal was regarded as a great leader, committed for a change that takes place in Somaliland, I had worked closely with Ali in 2004 on International Media Campaign for the cause of Somaliland, a project initiated by Somaliland forum. Indeed Somaliland has lost a great man.
May the Almighty grant Ali Marshal Jannatul Firdowz, and may Allah give a speedy recovery to those who injured in the unexpected car accident .amin amin amin
Our thoughts and Du’aas are with his family at this sad and difficult time.
Sincerely - Saeed Furaa- Media Relations Officer
Community of Somaliland in Southern Africa (COSSA) Johannesburg South Africa
TACSI SOMSALCO waxay tacsi u diraynaa Qaysika,Qaraabadiii iyo shacbiga Somaliland Geerida ku timid Marxuum Mohamed Ali Guuleed ( Ali Marshaal ". Inta ku dhawcantay shilkaana waxan Eebba uga baryeyenaa in uu caafiyo SOMSALCO waxay ilaahay uga baryeysaa inuu Jannada Firdawsa ka waraabiyo marxuunka Qoyska,Qaraaba u ka tegayna iyo Shacbiga Somalilandna Eebba ka siiyo samir iyo iimaan Aaamiin Sahra Hassa SOMSALCO
|