SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

SDWO.COM oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Dad Danyar ah oo ku Nool Xaafado ka mida Magaalada Hargeysa

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

SDWO (Hargeisa 29/09/08)- Shebkeda wararka ee SDWO.COM ayaa deeq raashin ah u qaybisay dad danyar ah oo ka mid ah dadka ku nool xaafadaha State House iyo Balliga Daami ee magaalada Hargeysa.  

Deeqdan oo ahayd lacag ka timi jaaliyada reer Somaliland ee degan Waqooyiga magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ka soo jawaabtay baaq qaylo dhaan ah oo shebekadu ku soo bandhigaysay tan iyo bilowgii bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana lacagtaas oo lagu soo hagaajiyey Wakiilka shabakada wararka SDWO Mr. Shiine Cilmi Kaahin uu ku soo iibiiyey raashin loo qaybiyey labaatan qoys oo ku kala nool labadaa xaafadood, kuwaas oo qiimayn hore ay u sameeyeen dad mutadawiciin ah iyo koox weriyayaal ahi lagu ogaaday baahida dhabta ah ee haysata. 

Raashinka qoysaskaa danyarta ah loo qaybiyey oo isugu jira noocyada kala duwan ee raashinka quutal-daruuriga ah Sonkor, Bariis iyo saliida cuntada lagu kariyo oo si siman oo cadaalad ah loogu qaybiyey, oo qoyskiiba la siiyay shub sonkor ah, shub bariis ah iyo caagad saliida,  isla markaana aannu wax buuq ahi ka dhicin. 

Dadka jaaliyadda reer Somaliland ah ee iyagu lacagtan sekaatul-fidirga ah soo ururiyey oo ka mid ah dadka sida tooska ah ula socda mareegta SDWO.com, ayaa waxa lacagta ay na soo gaadhsiiyeen ay dhammayd $ 630, taas oo kadibna aannu ku iibinay raashin si dadka masaakiinta ahi oo isagu jirta sakaatul fidrigii iyo sadaqooyinba oo ah lacagta maanta lagu soo iibiyey raashinkan loo qaybiyey dadka danyarta ah ee ku dhibaataysan xaafadaha ka tirsan magalaada Hargeysa. 

Dadka danyarta ah ee raashinka loo qaybiyey ayaa iyaguna si weyn ugu farxay deeqdaas, iyaga oo sheegay inay farxad iyo rayn-rayn kala qaybgeli doonaa walaalahooda muslimiinta ah maalinta ciidda. Waxaanay dadkaasi si weyn ugu mahadnaqeen shabakada SDWO iyo xubnaha jaaliyadda Waqooyiga London ee ku soo sadaqadaysatay lacagtaas.

Geesta kale Gudoomiyaha Guud ee SDWO.COM Guled Cabdi Sheekhaash oo aannu khadka telephone-ka ka kula xidhiidhnay isaga oo jooga magaalada London markii aanu deeqdan gudoonsiinaynay dadka ku darxumaysan daafaha magaalada Hargeysa, ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan ee looga soo jawaabay qaylodhaantii ay shabakada SDWO ka faafisay dadka danyarta ah ee ku nool meelo ka mid ah xaafadaha Hargeysa. 

“Jaaliyadaha Waqooyiga London - Click here iyo Paris -Click here) ayaa hore qaylo dhaanka uga soo jawaabeen oo ay soo gaadhsiiyeen SDWO $610 doolar.  Deeqdan hada la qaybinayo oo ah $630 doolar waxay ka timi  jaaliyada Waqooyiga London oo horena gacan ugu geysatay qoys sabool ah oo degan xaafada state house-ka Hargeysa. Tan iyo dabayaaqadii bishii August isu geynta lacagta lagu soo hagaajiyey SDWO.com ee la gaadhsiiyey meelahii loogu talogalay waxay tahay $1240 doolar,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SDWO, waxaannu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi; “Waa nasiib-daro in dadkeenu aanay u baranin inay iyagu wax is taraan marka loo eego dadka ku tabaalaysan duleedka muqdisho oo dadkoodu sadaqo joogta ah la dabataaganyahiin, sida aannu kala socono universal TV oo soo bandhiga lacago badan oo kumanaan doolar ah wiig walba oo dadka qurbaha joogaa ay walaalahooda dhibaataysan ugu soo deeqaan. Xataa dadkeena ayaa qaarkood wax ay bixiyaan iska daayoo igu yidhaahda dadka xaafadahaas degan ee aad wax u ururinayso ma isku qabiil baad tahiin, markaa dadkaa waxaan odhan lahaa qabiil if iyo akhiro waxba kuu tarimaayee hor Ilaahay uga qaybqaado taakulaynta dadka danyarta ah ee ku dhibaataysan xaafadaha Hargeysa iyo dhammaan dalka oo dhan, Ilaahay iyagana wax umuu waayin inagana si gaara inamuu dherginine in la isku naxariisto ayaa la isku keen eegayaa. Weliba iyadoo lagu jiro bishii barkaykaysanayd ee Ramadaan ayaa si aan dadka ugu fududayno, waxaanu nidhi sadaqo haba bixin hadii aad rabtide, Fidrigii Ilaahay kugu waajib yeelay ku taakulee dadka dhibaataysan iyadoo SDWO.COM ay soo booqdaan in ka badan 40- 50 kun oo qof maalin walba ayaa hadana dadka ka soo jawaabay qaylo dhaantaasi ay ku egyahiin dhawr iyo tobanka  qof ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin. 

 Axmed Maxamed, Mukhtar Taysa, Yusuf Caawiye, Guled Cabdi, Mohamed Nuur, Maxamed Xasan (Qalinle), Mustafe Xasan, Siciid Axmed, Khadar Abokor, Abdilahi Abokor, Abdilatif  Xuseen, Kayse Iimaan iyo Amran Dahir. 

Guddoomiye Guled Cabdi Sheekhaash waxa isaga oo u mahadnaqaya dhammaan dadkii qaylodhaantaa ka soo jawaabtay uu yidhi; “Waxaan halkan aad ugu mahadnaqayaa dhaman dadkii ka qayb qaatay gudbinta sadaqadan oo aan leeyahay ilaahay ha inaga abaal mariyo dhaamnteenba, Waxa kale oo si gaar ah aan ugu mahadnaqayaa wakiilka SDWO.COM - Shiine Cilmi Kaahin oo u kacay kuna dadaalay inuu jaaliyadaha u soo bandhigo dhibta runta ah ee ka taagan ee haysta danyarta Hargeysa, waxaanan leeyahay ilaahay ha kaa abaal mariyo.” 

Shiine Cilmi Kaahin SDWO News Desk  - Hargeysa

sirshiine@yahoo.com

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE