SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Wacdarihii Xaflad balaadhan oo lagu soo bandhigayey  Daraasad ku saabsan Guurka Iyo Nolasha iyo Shirkada SOMTEL oo la gudoonsiiyey 4 Shahaado Sharaf oo kalla duwan

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 07/10/2011) Xaflad ballaadhan oo lagu soo bandhigayey daraasad laga qorey Boog-la magacbaxay Guurka iyo nolosha ayaa lagu qabtay Hotelka Imperial ee magaalada Hargeysa,munaasibadda xafladdaasi lagu soo bandhigayey barnaamijkaasi oo ay waxaa malagalisay shirkadda Isgaadhiinta Somtel Waxaana kasoo qayb galley Mareeyaha Shirkada SOMTEL Cawil Saalax,Marwo Faadumo Siciid,Wariye Maxamed Waji,Cabdinaasir Axmed Ibraahim oo ah qoraaga Buuggaas,Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Somtel Cabdinaasir Cawad Muuse,boqolaal dhalinyaro ah oo ka kalayimid ururrada bulshada,Jaamacadaha Magaalada Hargeysa.

 



Dhalinyaradda ka soo qaybgashay kulanka madashaasi oo isugujiray Wiilal iyoo Hablo matalayey lafdhabarta bulshada Somaliland oo ah dhalinyarada ubaxa dalka waxaa sis weyn looga dareemayey inay u riyaaqsanaayeen barnaamijka lagu soo bandhiga madashaasi maadaama uu diiradda saarayey guurka iyo nolosha mustaqbaldkooda oo ah labada shay ee ugu mihiimsan aayahooda dambe.

 



Cabdinaasir Axmed Ibraahim oo halkaa ka hadlay waxa uu ka waramay ujeedada loo qabtay bandhigga sheekadan waxaanu ku sheegay inay ka damebeysay daraasaddaasi markii ay u soo baxday caqabadaha faraha badan ee ragaadiyey hormarka dhalinyarada Somaliland.

 



“daraasaddan waxaa nagu qasbay inaanu samayo markii aanu arngay baahihaya farabadan ee hortaagan guurka dhalinyarada Somaliland waxaanu Qoraagu bandhigga sheekadaasi ku soo daray dhalinyarada ay  ka soo uruuriyeen daraasaddaasi iyo tiradooda waxaanu sheegay inay la kulmeen tiro dhan 268 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo  intooda badani falan qeeyeen siyaabaha ay ku sababeeyeen caqabadaha ka hortaagan inay horey u guursadaan waxaanay dhalinyaradaasi si isku dhaw ugu wada jawaabeen caqabadaha ugu badan ee hortaagan guurkooda inuu sabab u yahay cunidda Qaadka.



“markii aanu fikirkooda ka soo qaadnay dhalinyarada aan tiradooda idiin sheegay waxay noo sheegeen inay sabab u tahay guurkooda dib u dhacay cunidda qaadka iyo kharashka kale ee farahabadan ee ku baxay guriga iyo waxa la dhigayo” ayuu yidhi qoraaga sheekada guurka iyo nolosha “hablaha waxaan waydiinayaa madasha fadhiya gabadha loo dhigo sariir laga keenay dibadaha miyey ka quruxbadan tahay gabadha loo dhigo mid lagu sameeyey dalka Somaliland” ayuu yidhi qoraaga sheekadaasi.



Qoraaga buugaasi waxa uu sheegay meelaha ay dhibaatadaasi guur kooda qaaliga ahi sidaweyn u taabatay inay ka mitahay magaalada Burco ee gobalka Togdheer “dhibaatada ugu weyn ee na haysataa waxay tahay gabadhii aanu guursada is nidhaano waxaa naga qaada oo nagala hoos baxay inamo lacago farabadan sito oo ka yimaadda dibadaha” sidaa waxaa yidhi wiil dhalinyaro ah oo ka mida dhalinta reer Burco sida uu qoraagu sheegay “qiimaha lagu duubo xafladda Arooskaasi ee Kameraddu waxay ku kacaysaa $180 waana shay kaliya oo kamida kharashaka guurkaasi” ayuu yidhi qoraaga sheegakadaasi.



“650 hablood ayaan la kulmay oo aan waydiiyey inay jeclaan lahaayeen inay arooskooda hudheel ku dhigtaan iyo inay meel kale oo caadi ah ku dhitaan” ayuu yidhi dhanka kalana waxa uu sheegay inuu soo waraystay 300 oo hablood isla markaana uu waydiiyey inay jcelaan lahaayeen inay guursadaan nin lacag leh iyo in kale waxaanu sheegay inay badankoodu jeclaan  lahaayeen inay guursadaan nin lacagleh” ayuu dhi Cabdinaasir Ibraahim.



Dhanka kalana waxa uu sheegay markii ay hoos u eegeen qiimaynta dhaqaalaha kaga baxaya dhalinyarada cunidda qaadka celcelis inay sanadkii gaadhayso meesha ugu hoosaysa $24000 “waxaan la lakulmay  203 dhalinyaro ah oo ka tirsan Jaamacadaha gaar ahaan magaalada Hargeysa waxaanay intooda badani sheegeen inay jcelaan lahaayeen inay ku guursadaan dada 25jirka” ayuu yidhi Cabdinaasir Ibraahim.



Qoraaga buugaasi waxa uu sheegay inuu soo baadhay dhawaan dhibaatada guurka dalka Jabuuti waxaanu sheegay inay boqolaal hablood gaadheen dada 35jirka iyaga oo aan guursan sababtuna ay tahay iyaga oo dalabaadka guurkooda ku salaynjiray inay ku aqlgalaan guri la dhigay alaab qaali ah balse ay hadda hoos ugasoo  dageen dalabaadkii noocaasi ahaa.



Cabdinaasir waxa uu sheegay inay daraasaddaasi ku soo qaadeen waraysiyo ay la soo yeesheen dadka reer guraaga ah waxaanay u sheegeen inay jecelyihiin inay guursadaan xiliyada ay roobabku da’ayaan ee ay barwaaqada kujiraan “dadka Somaliland waxay u qaybsan yihiin laba kooxood midi waxay guursataa xiliga roobka iyo barwaaqadu jirto waana dadka reer guuraaha ah qaybta kalana waa dadka reer magaalka ah oo waxay guursadaan intooda badani bilaha  June iyo July.



Qoraagu daraasadda uu halkaasi ku soo bandhigay waxaa ka muuqatay maciishadda nololeed iyo sida ay isu badashay taasi oo illaa xad aad u qaaliyowday gaar ahaan quutul daruuriga iyo kirada guryaha “waxaanu soo ogaanay dhibaatada ugu weyni inay ka jirto dhanka maciishadda oo aad u qaaliyoda iyo kiradii guryaha oo sare u kacday”



“markaad gabadha guursanayso ama ay ay gabadhu wiilka guursanayso waa inay is waydiiyaan horta adiggu goormaad hinaastaa,haddii aan is khilaafno mawaxaad jeceshay inaan inagu dhexdeena heshiino oo khilaafaadkeena xalisano mase waxaad jeceshay inay dadkale ina heshiisiiyaan” ayuu yidhi qoraaga sheekada guurka iyo nolosha Cabdinaasir Maxamed Ibraahim.



Qoraaga buugaasi waxa uu sheegay  inay daabacaadda shirkadda Somtel ka caawisay isla markaana ay uga soo baxday kaalin muhiim ah taasi oo uu sheegay markii uu u soo bandhigay inay inay ka caawiyaan shirkadaha kale iyo masuuliyiin ka mida xubnaha xukuumadda “waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Shirkadda Somtel oo iga caawisay daabacaadda buuggan markii ay iga dhaga adaygeen shirkada kale iyo qaarka tirsan masuuliinta xukuumadda oo aan u soo bandhigay codsigayga”




Maareeyaha Shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay ka shirkad ahaan dhiiri galinayaan dhalinyarada iyo arrimahooda gaar ahaan guurka “annagu ka shirkad ahana waxaanu dhiiri galinaynaa dhalinyarada iyo guurka” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi “guurka dhibaatada ugu weyn ee hortaagani waxay tahay iyada oo aad loo qaaliyey si aan ummadaha kale ee jaarkeena ah u gaadhno waxaan soo jeedinayaa inaan hoos  u dhigno qiimaha guurka iyo kharashaadka  ku baxay ee farahabadan” ayuu yidhi madaxa shirkadda Somtel  oo iyadu maal galisay barnaamijkaasi.

 



“dhalinyarada gobalka Sool shirkadda Somtel waxay u bixiyeen ku guurso” ayuu yidhi Cawil Saalax taasi oo uu ula jeeday qiimaha jaban ee ay dhalinayradu ka helikarayaan Telefoonada Shirkadda Somtel” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi,dhanka kalana waxa uu sheegay inay shirkad ahaan diyaar u yihiin inay halkaa ka sii wadaan caawinta arrimaha bulshada gaar ahaan dhalinyarada horumarintooda.



Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Faadumo Siciid Ibraahim oo xafladaasi hadalo isku jira duco,dardaaran iyo mahadnaq kajeedisey ayaa umahadnaqdey Somel kaalinta dheerigellinta ee fiican ee ay kaqaadato hrumarinta bulshada somaliland.


Faadumo Siciid waxaay sheegtey in hambalyeyneyso inanka daraasada soo bandhigey oo sifiican usoo bandhigey darasadani.

waxaaney dhallinyaradii xafladaasi kasoo qayb galley ku gubaabisey iney xiijiyaan dalkood xaga waxbarashada sidoo kalana waxay kasheekeysay qiimaha guurka wanaagsan leeyahey iyadoo dhallinyradii usheegtey iney guurku yahey furaha nolsha,waxay ilaahey uga baraidey in dhallinyarada mustaqbal wanaagsan siiyo.


sidoo kalle waxaa halkaasi kahadley XASAN WARAABACADE oo kamid ah qurbajoog Somaliland isagoo halkaasu kaeediyey erayo isku jira mahadnaq iyo dheeri gellin sidoo kalle waxaa uu difaacey in Qurbajoogu aaliyeeyeen guurka.

 



Abwaan Cabdiwaaxid oo ah nin dhalinyaro ah oo halkaa ka hadlay waxa uu ka sheekeeyey guurkii horo iyo dhaqankii Somalidii hore,waxaanu sheegay inaya kamid ahaayeen dhabar garaaca iyo kuwo kale oo loo siticmaalijiray waxaanu halkaa ku soo bandhigay sheeko ay si weyn ugu dhoolo cadeeyeen dhalinyaradii madashaasi gaar ahaan sheeko dhex martay nin geeljire ah oo ka soo jeeda beesha Salaxlay iyo gabadh ka soo jeedda degmada 26june ee magaalada Hargeysa.



Abwaan Cabdiwaaxid oo ah nin aanay bulshadu horey  ugu badar saaxadda gobalka Hargeysa waxa uu halkaa Ku  soo bandhigay sheekoon ku saabsan  guurka iyo dhaqanka Somalida kaasi oo ay dhalintii madashaasi si Weyn ugu qosalka iyo sacabka dhinaca isgu dhufteen.



Sidoo kalle waxaa xafladaasi kahadley wariye waji,iyo xubno kalle oo kasheekeyey guurka iyo arimo kalle
Gaba gabadii xafladdaasi waxaa shahaado sharafkalla duwan oo tiradoodu dhameyd 4 shaado sharaf lagu  Gudoonsiiyey Shirkada Somtel.  kaalinta muuqata ee ay ku leedahay hormarinta bulshada gaar ahaan Ghalinyarada iyo ka jawaabidda jabinta caqabadaha ku xeeran dhalinyarada.

Axmed MaxamedShaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeisa Somaliland

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

Email: Guled@sdwo.com

 

                                 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE