SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Ilmo aan Hooyo Hadal barini Hadaaq ma dhaafo

Qalinkii: Aadan Jaamac Xadi

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

SDWO (London 19/06/07) Ilmuhu marka uu yaryahay intaanu hadalka baran horta wuu hadaaqaa. Ka dibna waxaa taageero iyo dhiirrigelin hagar la’aan ah siiya hooyada iyo inta kale ee barbaarintiisa ka qayb qaadata sida aabaha iyo ehelada kale ee hareera joogta.  Markaas ayuu hadaaqii hadal u beddelaa oo erayo la fahmi karo ku dhawaqaa. Haddiise ilmahaa hooyadii dhashay iyo intii ka agdhoweyd hadalkaba kala dagaalamaan, weligii halkaa ma dhaafo. 

Waxa taa ka dhigan, haddii maanulka ummad hoggaamiyaa dhiirri gelin waayo fikirka iyo dedaalka aqooneed ee bulshada, horumar lama gaadhayo dalkuna halkaa ma dhaafo. Maantana waxaa muuqata iska daa dhiirrigeline, in cadaadis iyo cabbudhin xad dhaaf ah oo aan la garanayn waxa loola gol leeyahay lagula kaco inta tirada yar ee ilaahay hibada u siiyay fikir iyo farsamo aqooneed oo keeni kara horumar cusub oo bulshada waxtar u leh. 

Waxaan dhowaan dhegaystay barnaamij laga siidaayay idaacad la yidhaa Radio Waaheen oo internet-ka ka soo gasha, waxa halkaa lagu waraystay nin dhallinyar ah oo reer Hargeysa ah oo la yidhaa Kayse Ahmed Jama. 

Kayse wuxuu dedaal muddo dheer soo socday, ku gaadhay kana midho dhaliyay inuu abuuro qalab tiknoolojiyeed casri ah oo u dhigmi kara kuwa maanta adduunkan lagu isticmaalo ee soo saaristooda kharash aan la qiyaasi karini ku baxo. Qalabkaas oo heerar  kala duwan soo maray, waxaa ka mid ahaa warlaliyaha idaacadda ee loo yaqaan ‘Radio Transmitter’ nooca FM. Idaacaddaas oo markii uu tijaabiyay wada gaadhay magaalada Hargeysa. Waxaynu wada ognahay in idaacaddu ka mid tahay baahiyaha ugu waawayn ee maanta dalkeena haysta oo weliba muddo dheer la hadal hayey. Waxyaabaha kale ee aan aad ula yaabay waxaa ka mid ahaa inuu neefta oxygen-ka kala soo baxo biyaha caadiga ah, isagoon laboratory iyo qalab casriya haysan. 

Waxa wax lagu farxo ah in aynu leenahay dad Kayse oo kale ah oo aan weliba intooda badan la ogayn. Waxaase naxdin leh waxa Kayse loogu abaal guday iyo sida dawladdeena Somaliland ula dhaqantay. 

Kayse wuxuu waraysigaa ku sheegay in markii uu ku guulaystay tijaabinta idaacadda aanu farxad awgeed seexan habeenkii oo dhan.  Ka dibna maalintii dambe ayaa askar booliis ahi ugu yimaadeen goobtii shaqadiisa, isla markaana waa la xidhay.  Waxa taa ka sii daran, in markii uu xidhnaa ay saraakiishii booliisku u sheegeen inaanu wax qalab ah oo dambe abuuri karin, idaacad iyo midkale toona. Waa yaab….!  Askartu ma dalkan iyo dadkan ayay u shaqeeyaan mise cid kale ayay u adeegayaan oo ay danahooda fuliyaan?    Malaha waa ka farsamo xumo uun!!! 

Kayse wuxuu inoo sheegay inaanu habeenkii seexan markii uu tijaabada idaacadda ku guulaystay, aniga qudhayduna maan seexan habeenkii aan warkiisa dhegaystay.  Balse labadayadu waxaanu ku kala duwanayn, isagu farxad buu la gam’i waayay aniguse waxaan la seexan waayay dareen cadho iyo murugo aan waraysigiisa ka qaaday.  Waxaan filayaa inaanu Kayse habeen labaadkiina seexan, markan werwer iyo cadho darteed. 

Anigu aqoon uma lihi Kayse, weligayna maan arag, laakiinse wuxuu iiga dhigan yahay nin u taagan qofkasta oo muwaadin ah oo karti iyo aqoon eebe ku manaystay oo waxtar soo kordhin lahaa oo halkii laga taageeri lahaa, xadhig lagala hortagey. 

Arrintani waxay i xasuusisay sheeko aan yaraantii maqli jiray oo odhanaysa ‘Waqtigii Boqortooyada Ingiriisku ka talinaysay Somaliland ayaa waxa dhacday in nin caqli badan oo birtume ahi sameeyay qori hub ah oo shaqaynaya.  Ka dibna taliskii Ingiriiska ayaa ninkii qabtay  oo gacmaha ka jaray si aanu wax dambeba u samayn’. 

Haddaba waynu  wada garan karnaa in maamulkaa gumaysigu ujeeddo gaar ah oo weliba qoto dheer arrinta ka lahaa . Balse ujeeddada dowladeenu arrimahan ka leedahay, horta anigu maan garan.  Miyaanse ummadani Ingiriiskii ilaa maanta marnaba cabbudhin iyo curyaamin ka dhamaanayn maskaxdana ka xoroobayn. Waa halkii abwaankiiye, ‘Miyaan Geeddi Baaboo arladu gellinna waayeynin.’

Dowladaha horumarka daneeyaa malyuunaad ayay ku bixiyaan cilmi baadhista iyo sidii loo maali lahaa loogana biyo dhiijin lahaa dadka Kayse oo kale ah ee lagu tuhmo inay cilmi iyo farsamo cusub bulshada ku soo kordhin karaan. Innaga kuweenu waxay u muuqdaan inay horumarka iyo aqoontaba la dagaallamayaan. 

Talobixin 

 

1.      Dawaddu ha magacawdo cid u xilsaaran horumarinta iyo hagista aqoonta bulshada. Ciddaas oo kala badbaadin karta isku dhaca dadka hal abuurka ah iyo hay’adaha nabadgelyada oo iyagu arrinta dhinac kale iska taagi kara. Xafiiskaasi waa inuu xidhiidh wanaagsan la yeeshaa dadka cilmi baadhis ku hawlan si loo xoojiyo waxtarkooda loogana ilaaliyo in cid ujeeddo gaara lihi u soo dhacdo oo la majara habaabiyo si khalad ahna loo adeegsado. Masuuliyiinta qaranka waxaan leeyahay; ha noqonina hooyadaa ilmaheeda hadalka kaga bakhayshay ee noqda hooyo barbaarin wacan oo ilmaheedu la tartamo ubadka caalamka kale ee la qayrka ah.

 

2.      Dadweynaha sharafta leh waxaan ka codsanayaa inay indho gaara u yeeshaan horumarka dadka iyo dalkooda taageerana ka geystaan kolba wixii awooddu tahay af iyo addinba. Waxaad ogaataan in horumarka waddankastaaba ku xidhan yahay hadba heerka aqoonta dadkiisu gaadhsiisan tahay. Sidaa darteed, dhamaanteen waxaa inagu waajib ah inaynu wixii danteena guud ku jirto taageerno wixii hagar daamo keenayana meel uga soo wada jeedno inagoo sharciga dalka iyo ka diintaba ixtiraamayna.

 

3.      Bahda warbaahinta; waxaan idinku ammaanayaa dedaalka weyn ee aad ugu jirtaan inaad wararka iyo hadba wixii dalka ka jira ugu soo bandhigtaan dadweynaha. Waxaan yar dareemaa inaad inta badan culayska saartaan xagga arrimaha siyaasadda, sidaa awgeed waxaan idinku dardaarayaa bal inaad xagga horumarka iyo arrimaha bulshadana il gaara ku haysaan oo aad macaan iyo qadhaadh wixii mudan in la sheego miiska soo dhigtaan, si dadweynuhu uga marag kaco markhaatina uga noqdaan ka dibna ka garnaqaan. 

 

Gabogebo 

Wiilasheena gebigood

gabdheheena idilkood

        Odayaal gaboobiyo

kuwa weli gurguurtaba

        Geesiyada dalkaygow

aynu guusha hananee

        Gacmaha is qabsada oo

geeddi socodka wada haga

 

        Midka garasho dheeree

danta guud ilaashiyo

        Ka aqoonta gaarka ah

guulle hibo u siiyee

        Cilmi baadhis galayee

u gurmaday waxbarashada

        Aynu horumar gaadhnee

u gergaara abidkiin  

 

Adan Jama Hadi - London, uk

 adanhadi@yahoo.co.uk

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE