|
|
Ilmo aan Hooyo Hadal barini Hadaaq ma dhaafo Qalinkii: Aadan Jaamac Xadi SDWO (London
19/06/07) Ilmuhu marka uu yaryahay intaanu hadalka baran horta wuu hadaaqaa. Ka
dibna waxaa taageero iyo dhiirrigelin hagar la’aan ah siiya hooyada iyo inta
kale ee barbaarintiisa ka qayb qaadata sida aabaha iyo ehelada kale ee hareera
joogta. Markaas ayuu hadaaqii hadal u beddelaa oo erayo la fahmi karo
ku dhawaqaa. Haddiise ilmahaa hooyadii dhashay iyo intii ka agdhoweyd hadalkaba
kala dagaalamaan, weligii halkaa ma dhaafo. Waxa taa ka
dhigan, haddii maanulka ummad hoggaamiyaa dhiirri gelin waayo fikirka iyo
dedaalka aqooneed ee bulshada, horumar lama gaadhayo dalkuna halkaa ma dhaafo.
Maantana waxaa muuqata iska daa dhiirrigeline, in cadaadis iyo cabbudhin xad
dhaaf ah oo aan la garanayn waxa loola gol leeyahay lagula kaco inta tirada yar
ee ilaahay hibada u siiyay fikir iyo farsamo aqooneed oo keeni kara horumar
cusub oo bulshada waxtar u leh. Waxaan
dhowaan dhegaystay barnaamij laga siidaayay idaacad la yidhaa Radio
Waaheen oo internet-ka ka soo gasha, waxa halkaa lagu waraystay nin
dhallinyar ah oo reer Hargeysa ah oo la yidhaa Kayse
Ahmed Jama. Kayse wuxuu
dedaal muddo dheer soo socday, ku gaadhay kana midho dhaliyay inuu abuuro qalab
tiknoolojiyeed casri ah oo u dhigmi kara kuwa maanta adduunkan lagu isticmaalo
ee soo saaristooda kharash aan la qiyaasi karini ku baxo. Qalabkaas oo heerar
kala duwan soo maray, waxaa ka mid ahaa warlaliyaha idaacadda ee loo
yaqaan ‘Radio Transmitter’ nooca FM.
Idaacaddaas oo markii uu tijaabiyay wada gaadhay magaalada Hargeysa. Waxaynu
wada ognahay in idaacaddu ka mid tahay baahiyaha ugu waawayn ee maanta dalkeena
haysta oo weliba muddo dheer la hadal hayey. Waxyaabaha kale ee aan aad ula
yaabay waxaa ka mid ahaa inuu neefta oxygen-ka kala soo baxo biyaha caadiga ah,
isagoon laboratory iyo qalab casriya haysan. Waxa wax lagu
farxo ah in aynu leenahay dad Kayse oo kale ah oo aan weliba intooda badan la
ogayn. Waxaase naxdin leh waxa Kayse loogu abaal guday iyo sida dawladdeena
Somaliland ula dhaqantay. Kayse wuxuu
waraysigaa ku sheegay in markii uu ku guulaystay tijaabinta idaacadda aanu
farxad awgeed seexan habeenkii oo dhan. Ka
dibna maalintii dambe ayaa askar booliis ahi ugu yimaadeen goobtii shaqadiisa,
isla markaana waa la xidhay.
Waxa taa ka sii daran, in markii uu xidhnaa ay saraakiishii booliisku u
sheegeen inaanu wax qalab ah oo dambe abuuri karin, idaacad iyo midkale toona. Waa
yaab….! Askartu ma dalkan iyo
dadkan ayay u shaqeeyaan mise cid kale ayay u adeegayaan oo ay danahooda
fuliyaan? …
Malaha waa ka farsamo xumo uun!!! Kayse wuxuu inoo
sheegay inaanu habeenkii seexan markii uu tijaabada idaacadda ku guulaystay,
aniga qudhayduna maan seexan habeenkii aan warkiisa dhegaystay.
Balse labadayadu waxaanu ku kala duwanayn, isagu farxad buu la gam’i
waayay aniguse waxaan la seexan waayay dareen cadho iyo murugo aan waraysigiisa
ka qaaday. Waxaan filayaa inaanu
Kayse habeen labaadkiina seexan, markan werwer iyo cadho darteed. Anigu aqoon uma
lihi Kayse, weligayna maan arag, laakiinse wuxuu iiga dhigan yahay nin u taagan
qofkasta oo muwaadin ah oo karti iyo aqoon eebe ku manaystay oo waxtar soo
kordhin lahaa oo halkii laga taageeri lahaa, xadhig lagala hortagey. Arrintani waxay i
xasuusisay sheeko aan yaraantii maqli jiray oo odhanaysa ‘Waqtigii Boqortooyada
Ingiriisku ka talinaysay Somaliland ayaa waxa dhacday in nin caqli badan oo
birtume ahi sameeyay qori hub ah oo shaqaynaya.
Ka dibna taliskii Ingiriiska ayaa ninkii qabtay
oo gacmaha ka jaray si aanu wax dambeba u samayn’. Haddaba waynu wada garan karnaa in maamulkaa gumaysigu ujeeddo gaar ah oo weliba qoto dheer arrinta ka lahaa . Balse ujeeddada dowladeenu arrimahan ka leedahay, horta anigu maan garan. Miyaanse ummadani Ingiriiskii ilaa maanta marnaba cabbudhin iyo curyaamin ka dhamaanayn maskaxdana ka xoroobayn. Waa halkii abwaankiiye, ‘Miyaan Geeddi Baaboo arladu gellinna waayeynin.’ Dowladaha
horumarka daneeyaa malyuunaad ayay ku bixiyaan cilmi baadhista iyo sidii loo
maali lahaa loogana biyo dhiijin lahaa dadka Kayse oo kale ah ee lagu tuhmo inay
cilmi iyo farsamo cusub bulshada ku soo kordhin karaan. Innaga kuweenu waxay u
muuqdaan inay horumarka iyo aqoontaba la dagaallamayaan. Talobixin 1. Dawaddu ha magacawdo cid u xilsaaran horumarinta iyo hagista aqoonta bulshada. Ciddaas oo kala badbaadin karta isku dhaca dadka hal abuurka ah iyo hay’adaha nabadgelyada oo iyagu arrinta dhinac kale iska taagi kara. Xafiiskaasi waa inuu xidhiidh wanaagsan la yeeshaa dadka cilmi baadhis ku hawlan si loo xoojiyo waxtarkooda loogana ilaaliyo in cid ujeeddo gaara lihi u soo dhacdo oo la majara habaabiyo si khalad ahna loo adeegsado. Masuuliyiinta qaranka waxaan leeyahay; ha noqonina hooyadaa ilmaheeda hadalka kaga bakhayshay ee noqda hooyo barbaarin wacan oo ilmaheedu la tartamo ubadka caalamka kale ee la qayrka ah. 2. Dadweynaha sharafta leh waxaan ka codsanayaa inay indho gaara u yeeshaan horumarka dadka iyo dalkooda taageerana ka geystaan kolba wixii awooddu tahay af iyo addinba. Waxaad ogaataan in horumarka waddankastaaba ku xidhan yahay hadba heerka aqoonta dadkiisu gaadhsiisan tahay. Sidaa darteed, dhamaanteen waxaa inagu waajib ah inaynu wixii danteena guud ku jirto taageerno wixii hagar daamo keenayana meel uga soo wada jeedno inagoo sharciga dalka iyo ka diintaba ixtiraamayna. 3.
Bahda warbaahinta; waxaan
idinku ammaanayaa dedaalka weyn ee aad ugu jirtaan inaad wararka iyo hadba wixii
dalka ka jira ugu soo bandhigtaan dadweynaha. Waxaan yar dareemaa inaad inta
badan culayska saartaan xagga arrimaha siyaasadda, sidaa awgeed waxaan idinku
dardaarayaa bal inaad xagga horumarka iyo arrimaha bulshadana il gaara ku
haysaan oo aad macaan iyo qadhaadh wixii mudan in la sheego miiska soo dhigtaan,
si dadweynuhu uga marag kaco markhaatina uga noqdaan ka dibna ka garnaqaan. Gabogebo Wiilasheena
gebigood gabdheheena
idilkood
Odayaal gaboobiyo kuwa
weli gurguurtaba
Geesiyada dalkaygow aynu
guusha hananee
Gacmaha is qabsada oo geeddi
socodka wada haga
Midka garasho dheeree danta
guud ilaashiyo
Ka aqoonta gaarka ah guulle
hibo u siiyee
Cilmi baadhis galayee u
gurmaday waxbarashada
Aynu horumar gaadhnee u
gergaara abidkiin Adan Jama Hadi - London, uk adanhadi@yahoo.co.uk
|