SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Dahabshiil oo Tababar u soo Gebogabeeyay Qaar ka mid ah Shaqaalaheedaž

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 21/06/2010)  Tababar muddo shan maalmood ah u socday qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Xawaaladda lacagaha ee Dahabshiil oo ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada shirkaddu u qabato macaamiisheeda, ayaa xalay la soo gebogabeeyey.

Tababarkan oo ay ka qaybgaleen in ka badan 40 shaqaale ah oo isaga kala yimi dhammaan laamaha shirkaddu ku leedahay gobollada Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, waxa muddadii uu ssssocday lagu baray tallaabooyin shirkaddu ku dardargelinayso adeegyada ay u hayso bulshada iyo weliba kor u qaadida baahiyahooda iyo raaligelintooda


Tababarka oo ay bixinayeen macalimiin khubaro ah, waxa ka qaybgalayaasha lagu siiyey casharo aad u muhiim ah oo lagu bixinayey qalabka tiknoolajiga casriga ah, kuwaas oo la xidhiidha qaababka shaqaaluhu u daryeelayo macmiilkiisa, isla markaana u raaligelinayo.

 

Xaflad xalay lagu huteelka Maansoor oo tababarkani ka socday, kana qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee shirkadda Dahabshiil, ayaa lagu soo gebogabeeyey tababarkaasi oo ka qaybgalayaashana lagu guddoonsiiyey ablaamarino.

 

Isku-xidhaha gobollada ee shirkadda Dahabshiil Mr. Axmed Cabdillaahi Caynaanshe oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnqay shaqaalaha tababarka ka qaybgalay oo uu tilmaamay in muddadii uu socday ay muujiyeen xil-kasnimo dheeraad ah, isla markaana si buuxda uga faa’iidaysteen muddadii uu socday.

“Tababarkan oo ahaa mid aad u muhiim ah oo wax badan shaqaalaha ka qaybgalay ka faa’iidaysteen, waxaan rajaynayaa inuu noqdo kii inoo furfura tababaro kale oo badan, waayo waynu garanaynaa tababarada noocan ahi faa’iidada ay leeyihiin,” ayuu yidhi Mr. Caynaanshe,

Mr. Maxamed Cismaan oo ku hadlayey afka shaqaalaha tababarka loo soo gebogabeeyey, ayaa mahadnaq ballaadhan oo uu u jeediyey shirkadda Dahabshiil, madaxda iyo macalimiinta casharada siinaysay kadib, waxa
uu ku tilmaamay tababarka ay qaateen mid la mid ahaa casharo jaamacadeed oo aad u qiimo badnaa. “Tababarkani waxa uu ahaa casharo jaamacadeed, annagana Ilaahayha naga dhigo kuwii ku camalfal, waana
ammaano nala saaray in aannu gaadhsiino shaqaalaha kale, ammaanadaasna Isha Allaahu waanu fulinaynaa,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Cismaan.

Ugu dambayntii waxa tababarkaasi soo gebogabeeyey Maareeyaha shirkadda Dahabshiil Mr.Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo hadal uu u jeediyey shaqaalaha tababarka loo soo xidhay ku dheeraaday ujeedadii tababarka ay ka lahaayeen, faa’iidada ka soo baxday iyo ballanqaadyo cusub oo uu siiyey.

Maareeyaha shirkadda oo ka hadlayey sababta tababarkan noocan ah shaqaalaha loogu qabtay, waxa uu yidhi, “Tababarkan oo uu gundhig u ahaa daryeelka macmiilka, waa mid aad u muhiim ah, raggiina halkan
joogaa waxaad tihiin safiiradii qaabilayey macaamiisha ee ka wakiilka ahaa shirkadda, waayo raggayaga madaxda ah isma aragno shaqaalaha ee idinka ayaa la kulma, sidaa daraadeed waxaannu diyaar u nahay in aannu
kor u qaadno aqoontiina lagu xoojinayo daryeelka macmiilka iyo horumarka shirkaddaba.”

Maareeyuhu waxa uu shaqaalaha Dahabshiil u ballanqaaday inay joogtayn doonaan tababarada noocan oo kale ah ee kor loogu qaadayo aqoontooda, isagoo tilmaamay in tababaradaasi aanay ku koobnaan doonin magaalada
Hargeysa ee caasimadda, balse meelo kalena ay rajaynayaan in lagu qabto. Waxaana ge bogabadii xafladaas waxa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey tababarka la siiyey.

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE