SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Gudoomiyah SDWO oo dalka ka dhoofay ka dib markii uu soo gebogebeeyay socdaalkiisii uu joogay mudooyinkanba dalka

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

CLICK HERE -  SDWO RELIEF PROJECTS

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 21/07/2011)  Gudoomiyaha SDWO Guled Abdi Sheekhaash oo dalka ku sugnaa tan iyo 13kii June ayaa ka anbabaxay magaalada Hargeysa isagoo ka duulay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Hargeysa.

 

 

Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ayaa waxa ka muuqata dibu habayn balaadhan oo lagu sameeyay oo dadka ka dhoofaya u dhibyaraynaya inay si raaxo leh oo aan cidhiidhigii hore iyo buuqii lagala kulmijiray madaarka aan lahayn.  Hase yeeshee ilaa hada waxaan wax shaqo ah laga qabanin balanqaadyadii xukuumadan cusub ee ahayd inay balaadhindoonto wadada diyaaradahu ka haadaan(runway) si ay dadka ugu dhibyaraato inay toos uga soo degaan Hargeysa markay ka soo duulaan Imaaraadka ama Saudi Arabiya.

 

Dadku waxay ku qasbanyahiin inay ka soo degaan ama ka duulaan Berbera oo wakhtiga socdaalkooda ku kordhinaysa ugu yaraan 2 saacadood maadama ay wadadu aad u jajabantahay.  Qofkii Djibouti ka wareegaana waa tacab oo u adag maadama diyaarada Hargeysa kaa qaadaysaa ay aad u raaxo darantahay una baqdin badantahay,  waxa lagu qiyaasi karaa raaxooyinka xooga u wareega ee caruurta lagu ciyaarsiiyo oo kale oo hal mar siday u socoto aad moodo inay dhulka ku dhacayso oo ay kolba si degdeg ah ay hoos kuugu dhufanayso.   Maadaama Diyaarada noocan oo kale ah aduunka laga mabnuucay wax waajib ah in xukuumada Somaliland ay joojiso oo aanay u ogolaanin inay yimaadaan Somaliland oo ay dadka dhibtan naxdinta iyo khalkhal gelinta ah ka daayaan,    waxa dhacda sida dumarka qaarkood iyo caruurtu siday u ooyayaan ay Djibouti ku gaadhaan.

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief News Editor

 

 

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE