SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Wakiilka SDWO.COM ee Hargeysa Shiine oo $210 doolar gudoonsiiyey qoyskii  danyarta ahaa ee caruurtooda ku baaqay inay dadka u qaybinayaan si ay gaajo uga badbaadshaan

Duruufaha Qallafsan ee Nolosha danyarta iyo Damqashada Jaaliyadaha Dibadda

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Caawi Reerkan Gaajadu la deristay

 

Daawo Madarasada Agoomaha Hargeysa si aad u caawisid

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

Wakiilka SDWO.COM Shiine Cilmi Kaahin oo la sawiran reerka danyarta ah

Caawi Reerkan Gaajadu la deristay

Click Here for more information

Hargeysa (SDWO 26/08/08)- Muddo bil ka hor ah ayey ahayd markii qoys danyar ah oo degan xaafadda isku raranta ah ee State House ee magaalada Hargeysa oo ka kooban toddoba carruur ah, hooyadood iyo aabahood ay go'aan ku gaadheen inay carruurtoodii dadka u qaybiyaan oo ay u soo bandhigaan, si ay uga badbaadiyaan inay geeri ay sababto gaajo iyo wax hayn la'aan haleeshay

Sawirka qaar ka mid ah caruurta qoyskan oo shaah iyo roodhi isku cunaya - Maanta ugu yaraan waakuwaa roodhida ku qadaynaya, ka dib caawimooyin ka soo gaadhay jaaliyadaha dibadaha ee u dhashay somaliland

Hooyada qoyskan oo magaceeda la yidhaa Xaliimo Cismaan Dagaal ayaa go'aankan ay ku doonayeen inay carruurtooda u qaybiyaan dadka waxay u sheegtay suxufiyiin waqtigaa hawlo shaqo ka waday xaafadaas, kuwaas oo iyaguna si xilkasnimo ku jirto bulshada ugu bandhigay. Waxaanay arrintaasi keentay in ay u gurmadaan qoyskan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa oo lacago caawimo ah ugu soo hagaajiyey xawaaladaha dalka.

Lacagahaa ay loo soo diray qoyskan waxay ka badbaadiyeen xaaladdo halis ah oo ay ku jireen, waxaanay ka badbaadisay carruurtoodii inay qaybiyaan, waxa kale oo loogu dhisay guri ka kooban qol jiingad ah.

 

Muuqaalka Dhismaha sandaqada ah ee loo dhisay qoyska

Xaaladda adag ee dhaqaale xumada macaluusha qarka u saartay qoyskan, waxa kale oo u sii dheer Aabaha qoyska oo waqtigan u jiifa xannuun haleelay oo aannu ka shaqaysan Karin.

 

Haddaba, waxa caawimadii lacageed ee ugu dambaysay qoyskan la siiyey shalay, taas oo ahayd lacag gaadhaysay $210 (laba boqol iyo toban dollar) oo ay iska ururiyeen shakhsiyaad muwaadiniin ku dhaqan dalka Ingiriiska, gaar ahaan Waqooyiga London, waxaanay lacagtan ku soo hagaajiyeen Guddoomiyaha  SDWO Guuleed Cabdi Sheekhaash iyo Yuusuf Caawiye oo ku sugan London. Lacagtan waxa qoyska danyarta ah ee dhibaataysan guddoonsiiyey Wakiilka shabakadda wararka SDWO ee magaalada Hargeysa . Shiine Cilmi Kaahin.

Wakiilka SDWO.COM Shiine Cilmi Kaahin oo gudoonsinaya $210

Hadii aad jeceshahay inaad hor ilaahay uga qaybqaadato taakulanaynta danyarta aan cidina u maqnayna ceelna u qodnayn, waxaan kaa cosanaynaa inaad nala soo xidhiidho guled@sdwo.com or (sdwouk@yahoo.com) 

Iyadoo ay jiraan xaaladdo adag oo sicir-barar iyo dhaqaale xumo ay sabab u tahay shaqo la'aanta baaxadda leh ee jirta oo noqday duruufo qallafsan oo is barkan oo ku habsaday dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan danyarta aan haysan cid ay gargaar ka helaan Alle mooyee, ayaa haddana waxa kaabiga innagu soo haysa bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo maalmo keliya uuni inaga xigtaa.

Duruufahan adag ee dalka jira ee ay salka u yihiin sicir-bararka ku yimi raashinka daruuriga ah ee la quuto iyo shaqo la'aanta aan xadka lahayn oo bilihii u dambeeyey maalinba maalinta ka dambaysa ka sii darayey, ayaa waxay dhaxalsiiyeen bulshada inteeda badan inuu soo foodsaaro faqri iyo gaajo haleela dadka miyi iyo magaalaba, gaar ahaan dadka danyarta ah ee horeba u ahaa qaadaa-dhergaha maalina hela maalina waaya, iyada oo marar badan laga dayriyey xaaladdooda nololeed, isla markaana dad mutadawiciin iyo hay'ado wadani ahi ka bixiyeen qaylo-dhaan ku wajahan in dadkaa loo gurmado.

Sicir-bararka iyo dhaqaale xumada ku habsatay dalka waxa shacbiga Somaliland u sii raacay oo wehel u noqday duraafahaa qallafsan heshiis dhoofka xoolaha nool ah oo ay xukuumaddu la gashay maalqabeen Sucuudi ah oo magaciisa la yidhaa Saleebaan Al-jabiri, kaas oo dhigaya in keli uu ku ahaado sayladaha iibsiga xoolaha nool, isla markaana uu isagu dhoofiyo oo aanay jirin cid kale oo muwaadin ama ajanebi kale ah oo xoolo dhoofin kartaa. Waxa laga warqabaa in xoolaha nooli ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka Somaliland, kuwaas oo ka ganasigooda iyo manaaficaadsigoodaba ay ku tiirsanayeen malaayiin qof oo muwaadiniin ahi, iyada oo ay gebi ahaanba uu istaagay xaamiga suuqyada ama sayladaha xoolaha lagu kala iibsado, arrintaas oo dhalisay in boqolaal qof oo ku noolaa iibka dhoofka xooluhu ay maanta shaqo la'yihiin, isla markaana waxa istaagay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee muwaadiniinta ka baayac-mushtaraynsa dhoofka xoolaha oo aanay jirin wax ay dhoofiyaan hadda.

Arrintan waxay dalka ka dhalisay muran xooggan oo dhexmaray xukuumadda iyo ganacsatada kooto-diidka ee muwaadiniinta ah, kaas oo gaadhay xadhig lala beegsaday Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada, waxaana dhexdhexaadin laga galay aakhirkii ay keentay in xoolo dekeda ku xayirnaa la fasaxo wadahadalna la furo, inkasta oo aan la ogayn halka wadahadaladaasi ku dambeeyeen.

Haddaba, dadka aad u fara badan oo danyar ah ayey xaaladdahaa adag ee ishuwani khatar ba'an gelisay noloshoodii, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi si ay u badbaadaan waxtar iyo gacanqabasho ula ciirsadeen bulshoweynta oo inyar oo ka mid ah uu wax loo taray, balse intoodii badnayd aanay jirin cid u maqan iyo cid ka warhaysaa toona.

Shiine Cilmi Kaahin SDWO News Desk - Hargeysa

sirshiine@yahoo.com

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE