SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Dhisme laba suuli ah oo laga hirgeliyey xaafada Dhaamka Daami ee Hargeysa iyadoo $300 doolar Jaaliyada Paris  bishii Ramadaan ku soo hagaajisay SDWO

Daawanaayoow waa dadkaagii,  Daawanaayoow waa dalkaagii

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Daawo Madarasada Agoomaha Hargeysa si aad u caawisid

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

SDWO (Hargeisa 28/10/08) Wakaalada wararka ee SDWO ayaa bishii ramadaan soo bandhigtay qaylo dhaano kala duwan oo gaar ahaan ku kala aadanaa labada xaafadood ee dadka danyarta ahi ku dhibaataysanyahiin magaalada Hargeysa oo kala ah Xaafada daami iyo xaafada state house kii hore Hargeysa.

Qaylo dhaanka waxa ka soo kala jawaabay jaaliyadaha London iyo Paris.  Jaaliyada Waqooyiga London ayaa iyagu sdwo soo mariyey lacag dhan $1240 doolar, halka Jaaliyada Bariga magaalada london gaar ahaan xaafada la yidhaah Forest Gate ayaa Siciid Cali Nuur uu ka soo ururiyey lacag dhan $350 doolar oo si toos ah ay ugu shubeen account number looga sameeyay Hargeysa Dahabshiil gabadhii ku daranyaysnayd xaafada State housekii hore oo hore ugu baaqay inay caruurtooda gaajo darteed u qaybinayaan, lacagtan oo la gudoonsiiyey reerkaa dhibaataysnaa.

Dhinaca kale Jaaliyada magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa iyaguna ka soo jawaabay baaqii dhaqaale ururinta ee sdwo uu ku dhawaaqay taasi oo ay jaaliyadu sdwo ku soo hagaajisay $300 oo doolar oo ay ugu talogaleen danyarta ku tabaalaysan xaafada daami oo aan halkan ku soo bandhignay sawiro suuliyo dunsan oo midkiiba ay ilaa 100 qof wada isticmaalayeen.   Waxaana farxad weyn u ah jaaliyada France in lacagtii lagu qoday oo lagu dhisay laba suuli oo cusub oo wax weyn ka qabandoona baahida suuli la,aanta ah ee ka jirtay goobtaas dhaamka daami ee magaalada Hargeysa.

Dhamaan dadkii jaaliyadaha Waqooyiga iyo Bariga London iyo magaalda Paris ee dalka France ee ka qaybqaatay sadaqooyinkan waxaanu leenahay ilaahay ha idinka abaalmariyo.

Suuligii hore ee dunsanaa oo 100 qof wada isticmaalayeen

Hadii aad rabtid inaad hor ilahay u caawisid dadka danyarta ah ee ku dhibaataysan daafaha magaalada Hargeysa fadlan nagala soo xidhiidh emailkan:  Guled@sdwo.com  Halku dhiga  aan ku soo gebogebeynaynaa waa - Daawanaayoow waa dadkaagii,  Daawanaayoow waa dalkaagii.

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa

 

Hoos ka akhri warbixinahii hore sdwo u soo bandhigtay

 

SDWO oo Deeq Raashin ah u Qaybisay Dad Danyar ah oo ku Nool Xaafado ka mida Magaalada Hargeysa + Sawiro

 

Wakiilka SDWO.COM ee Hargeysa Shiine oo $210 doolar gudoonsiiyey qoyskii  danyarta ahaa ee caruurtooda ku baaqay inay dadka u qaybinayaan si ay gaajo uga badbaadshaan + Sawiro

 

 Xubno ka Tirsan Jaaliyadda Reer Somaliland ee Faransiiska  - Paris - oo ka soo jawaabay dhibaato ba'an oo haysata dadka ku dhaqan Xaafadda Daami iyo Jaaliyada Waqooyiga London oo markii labaad deeq lacageed na soo gaadhsiisay + Sawiro

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE