SDWO (Hargeisa 15/01/2012) Ururka Somaliland Democracy Watch Organisation(SDWO) ee Fadhigiisu Yahey, Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa si kulul u Cambaareeyay Xadhiga ay Xukuumada Somaliland albaabada ugu laabtey Xarunta Telifishanka Caalamiga ah ee Horn-Cable Tv ku leeyahay Magaalada Hargeysa. Warsaxaafadeed umuurtaasi ku Wajahan oo SDWO kasoo saartay Xafiiska ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa isagoo dhameys tiran waxa uu u dhignaa Sidan:-

“Ururka Ilaalinta Dimuqraadiyada iyo Xoriyatal Qowlka Somaliland ee SDWO waxa uu si adag u cambaareynayaa Gulufka argagaxa leh ee Xukuumada Somaliland albaabada ugu laabtey kuna taxaabtay Masuuliyiinta Tvga qaar ka mid ah , taas oo ka hor imanaysa Xoriyatal-Qowlka Dimuqraadiyada iyo Xuquuqda Aadamaha. Hadii ay xukuumadu ay eedeeyn u hasyo TV ga waxay ahayd in sida sharcigu dhigayo ay dacwad u gudbiso maxkamada ka dibna hadii ay maxkamadu ku qanacdo ay soo amarto xadhiga TV ga, laakiin waxa nasiib darro ah in hawshii maxkamadu qaban lahayd laga soo fuliyo oo amarka laga soo bixiyo madaxtooyada. Waa waxa laga xumaado in wixii Kulmiye uu xukuumadii hore ku caayi jiray mid ka daran ay maanta ku kacaan.
Sidoo kalena Waxay talaabadani dhaawac ku noqoneysaa Geedi Socodka laga filayay Xukuumadan ku soo baxday Doorasho xor ah oo shacbigu ugu codeeyeen boqolkiiba Konton, iyadoo Saxaafaduna mudadii ay Xukuumadani Mucaaridka aheyd ugu hiilisey xuquuqda Aasaasiga u ah in la cabudhiyo doorka Dimuqraadiyada iyo Axsaabta Mucaaridka ah oo ay markaa muuqatey in Awooda Xukuumadda mararka qaarkood loo adeegsado.
Inkastoo aanay Xukuumaddii hore ku dhiiranin in ay qaado Talaabo noocan oo kale ah iyadoo laga warqabo in doorka Saxaafadu kaga dhib badnaa ka ay u adkeysan laadahay Xukuumadani ,Waxaanu mar labaad cambaareyneynaa talaabadan lagu galalafey Xarunta Baahinta iyo Xafiiska Horn-Cable ku leeyahay Magaalada Hargeysa iyo waliba Xadhiga lagula kacay oo aan loo marin sifaha Sharciga ah ee dastuurku jideeyay in loo maro hanaanka xadhiga iyo dacwadaha Xarumaha Warbaahineed, kumana koobna Tvga oo kaliya haseyeeshee, waxa iyana caado noqotey tacadiga iyo dhibaatooyinka lagu joogteeyo Suxufiyiinta iyadoo Suxufiyiin badan la garaacay mudadii Xukuumada Siiilaanyo jirtey qaar kalena xabsiyada loo taxaabay kuwa kalena dacwado looga furey Maxakamadaha dalka.
“Qodobka 32 aad ee dastuurka Somaliland, ayaa fasaxaya xorriyadda saxaafadda oo waxa uu sheegayaa, ‘In muwaadin kastaa qawlkiisa fasax u yahay una soo bandhigi karo qoraal, hadal, sugaan, ama si kaleba.’ Farqada 3aad ee isla qoodobkaasi ayaa caddaynaysa in saxaafaddu ka mid tahay xaquuqdda aasaasiga ah, xorriyadda iyo xaquuqda aasaasiga ahi waa qaar qodobku si cad u faray dhammaanba masuuliyiinta Qaranku in ay u hoggaansamaan, isla markaana la fasiro si waafaqsan xaquuqdda caalamiga ah,”
Si kastaba ha ahaatee, xadgudubyada iyo tacadiyo masuuliyiinta hay’adaha dawladda Siilaanyo kula kacaan suxufiyiinta ayaa durba bannaanka soo dhigay in dalka Somaliland lagu sunto meelaha xagudubyada ugu badan loogu geysto weriyeyaasha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala warbaahinta xorta ah, arrintaas oo u muuqata mid bar madow ku noqota mustaqbalka rajada Somaliland ka sugayso beesha caalamka.
Hadaan saxaafada xorta ahi jirilahayn, xukuumada wax dabri lahaa muu jireen oo cida qudha ee ay iska ilaalisaa waa saxaafada xorta ah oo had iyo jeer soo bandhigta wixii talo guracan ah ee ay masuuliyiinta xukuumadu ku talaabsadaan, maadama baarlamankii la doortay aanu lahayn awood uu xukuumada ku hor istaagi karo.
Ugu Danbeyntii Ururka Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO) Wuxuu ugu baaqayaa, Golayaasha Sharci dajinta dalka, Hay’adaha Xuquuqal insaanka iyo dalalka Dimuqraadiyada kala shaqeeya Somaliland, in ay soo faragaliyaan arintan oo Wax u dhimeysa Nidaamka Somaliland ee dal soo kobcaya oo Xoriyatal Qowlku astaan u ahaa Horurmarka iyo Xoriyada Shacbiga, Waxaananu Xukuumada usoo Jeedinaynaa iyo Madexweyne Axmed Siilaanyo in uu si degdeg ah uga noqdo talaabadan Xoriyadana usoo Celiyo Tvga Madaxa-banaan ee Horn-Cable TV iyo inta xabsiga loo taxaabeyba.
Long Live Somaliland
Guuleed Cabdi Sheekhaash - Gudoomiyaha SDWO
Shiine Cilmi Kaahin - Xoghayaha Guud ee SDWO