SDWO (Kuwait 26/03/08) Jaaliyada
Somaliland ee Kuwait ayaa casho sharaf u samaysay gudoomiyaha SDWO – (Somaliland
Democracy Watch Organisation) – Mr Guled Cabdi Sheekhaash oo haatan
booqasho gaaban ku jooga dalka Kuwait.
Ka
bilow bidix: Mustafe Xasan, Guled(SDWO), Sulayman Gudoomiye, Xasan ku
xigeen
Xubnaha cashada ku qaabiley
Gudoomiyaha SDWO waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Kuwait Sulayman
Xaaji Firdhiye, Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Xasan Xaaji Colhaye iyo
xubno kale oo ay ka midyahiin Mustafe Sulub Jaamac, Maxamed Qawdhan,
Mustafe Xassan iyo Rashid

Bidix:
Gudoomiye Sulayman - Midig: Gudoomiye ku xigeen Xassan
Cashada ka dib waxa
halkaas warbixin kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada
Kuwait Sulayman Xaaji Firdhiye iyo Gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Xassan
Xaaji Colhaye oo ka warbixiyey waxqabadka jaaliyada.
Sida uu ka dhawaajiyey Gudoomiye Sulaymaan jaaliyadani waxay soo
jirtay tan iyo 1982 oo ay qayb weyn ka qaadatay halgankii dheeraa ee SNM
markii Somaliland lagu dhawaaqay 1991kiina ay isku bedeshay magacan hada
ay sidato ee Jaaliyada Somaliland ee Kuwait.

Jaaliyadu dalkan Kuwait iyo dalkii hooyaba waxqabadkeedu wuu ka muuqdaa
xaga dalkan Kuwait gudahiisa jaaliyadu waxay had iyo jeer caawisaa dadka
dhibaato kala kulma xaga sharciyada dalkan sida ciqaamadaha iyo
fiisooyinka dalkan lagu joogo. Jaaliyadu waxay leedahay koox fanaaniin ah
oo la yidhaah Naasa Hablood oo qalabkii musiga oo dhan ay jaaliyadu u
dhamaystirtay, gudoomiyahu
waxa uu sheegay in jaaliyadan ay mabnuuc ka tahay qabyaalada iyo siyaasadu.

Xaga waxqabadka dalkii hooyo
gudoomiyahu iyo gudoomiye ku xigeenku waxay shaaca ka qaadeen inay
jaaliyadani tahay ta ugu waxqabadka badan marka la eego jaaliyadaha
dibadaha ka dhisan oo dhan, waxaanu tusaale u soo qaatay waxqabad aad u
balaadhan oo jaaliyadani gacanweyn ka geysatay suurtagalnimadeeda oo ay ka
mid yahiin inay ku guulaysteen iyagoo adeegsanaya hayadaha gargaarka ee
dalkan Kuwait in dhakhtarka Hargeysa lagu kordhiyo oo laga dhiso shan qol
oo ah qaybaha qaliinka oo casriya una dhigma dhakhtarada caalamiga ah oo
qalabkiisii oo dhami u dhanyahay qaybahan oo uu madaxweyne ku xigaanku
xadhiga ka jaray bishii August ee 2007, iyadoo lacag dhan $400 kun oo
doolar ay ku baxday mashruucan. Waxa kale oo jaaliyadu u qorsheysan in
dabayaaqada bishan March ay diraan 170 haamaha ay ku jirto walaxda loo
yaqaan Ogsajiinta oo lagu qalabayndoono dhamaan dhakhtarada dalka oo dhan
iyo qalabkii ogsajiinta dhalinayey ee dib u buuxinayey marka ay haamahani
dhamaadan oo aan oo loo baahandoonin in haamo ogsajiin ah dibada looga
keeno dhakhtarada dalka oo dhan. Waxqabadka Jaaliyadu gobolada dalka oo
dhan way wada gaadhay sida laba dhakhtar oo ay hada ka wado magaalada
Burco, Qalab ay leeyihiin
magaalooyinka Borama iyo Ceerigaabo ayay jaaliyadu dirtay wiigan
gudahiisii. Gudoomiyahu waxa
uu sheegay in dhamaaan waxqabadka iyo xidhiidhka jaaliyada ee dalka
gudahiisa uu wakiil uga yahay
Cabdiqaadir Xaashi oo ah mulkiilaha Maansoor Hotel ee Hargeisa oo hore uga
mid ahaa jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Kuwait.

Gebogebada gudoomiyahu waxa uu
jaaliyada Kuwait iyo guud ahaanba reer Somaliland oo dhan u soo jeediyey
in la isku duubnaado oo marka hore nabadgelyada la ilaaliyo meel kasta oo
la joogaba, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi waxaan sadexda
xisbi qarana u soo jeedinayaa inay ixtiraamaan dastuurka dalka u yaal oo
la raaco wixii lagu heshiiyay oo aan hadhow dooroshooyinka la isku
qabqabsan.

Gudoomiyaha SDWO ayaa u garaabay
warbixintii jaaliyada Kuwait kuna raacay inay jaaliyadani tahay jaaliyada
ugu waxqabadka badan xaga hormarinta dalkii hooyo isla markaasna ay
haboontahay in loo aqoonsado laguna tixgeliyo waxqabadkaas balaadhan ee ay
muujiyeen.
Guled Cabdi Sheekhaash
SDWO
News Desk - Kuwait

Ka
bilow bidix: Rashid, Mustafe, Guled, Xasan iyo Maxamed Qawdhan

From Left:
Rashid, Mustafe Xasan, Mustafe Saleban, Maxamed, Sulayman Xaji iyo Xasan
Xaji








Long Live Somaliland