SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybta Koowaad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Hordhac:

Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl,maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista kadegay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore in badan u maqashay qays iyo layla, ceebla iyo cantar, cilmi iyo hodan kuwaas oo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan"?

Qaybta Koowaad

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qisadan  waxay lamid tahay ama ay meelo badan uga eg tahay kuwa dhaca maalin walba balse aan da,yartu in badan u dhugyeelan.
 
Waxaa iswaydiinleh marka hore waa maxay  sababta  marar badan keenta in qof lahayste u ahaado midkale oon abtirsiimo kadhaxayn ,kana awood waynayn  imisaad aragteen wiil ama gabadh waqtigu kahiiliyey oo hoos jooga mid uu nasiibku la jiro iyadooy sidaa tahay wa meerto duniduyoo waxaa layidhi (aduunyooy waalaley aduunyooy waayo badan maxaad waagii baryaba wacdaro gaara leedahood  uwanaagsan tay wiil midkalena waabay suniyo uwalaaqausaa dhunkaal) .

Hadaba jaceylka ayaa sidiisaba lagu tilmaamaa ilma aragtay u gudba unugyada dhiiga iyo xubnaha kale ee jidhka wuxuu u fidaa sida ay u fidaan laamaha geedaha cagaaran marka ay helaan biyo iyo qorax ku filan. Wuxu ka abqaalmaa ilmada ka timaada mataanka marka hore uu haleelo hadiiba aanu labadoodaba asiibin, geedkan jaceyl ayaa noqda mid qaaadha oo laamihiisa dib ula noqda haddii ay lamaanuhu isu hayn waayaan niyad saafiya ama ay wada hanan kari waayaan halganka adag ee nolosha.

 

Cida keliya ee ka badbaada khasaaraha iyo dhibaatada murugada badan waa kuwa garta qiimaha jaceylka iyo sida loo xanaaneeyo, waxa lamaanahaas lagu tilmaamaa in ay ka gudbeen ama utalaabeen geesta kale nolasha,kuwaas oo ah kuwa kaliya ee bulshada dhexdeeda ugu karaamada badan hadaba qiimayn iyo darasad lugu sameeyey tirada ku guulaysata ama ka adkata waayaha adag ee soo waajaha ayaa noqotay mid aad uga yar tirada lamaanaha aan usoo gudbin wareega labaad ee nolashooda kuwaas oo loogu yeedho ama noqda qaar aad dushooda ka garato sida ba an ee ay uga siibteen salaanka nolasha  sidaas oo ay tahay qoladan lafti goodu waxay uqaybsamaan laba oo kala ah shaqsigii keenay kala hadhka iyodhalan dhoolka ay hadeer kusugan yihiin iyo mid lagaba yaabo inuu helo waxa inta badan bulshadu utaqaano nabsibaxa oo isagu inyar kamuuqaal roon ka jabiyay wacadkii dhex yiil Oo inta badan isagu isku maaweeliya heesaha jacaylka ah ee kahadla nabsiga sida(gacaladaydaay hadaad igoso gami mayo wiilkale hadaad garabkasaartee balgudoon geeridayda gabadhyahay)

hadaba sida uu qabo caalim sare oo ka faalooda jaceylka wuxuna yidhi:

"Mar waxa uu jaceylku ku bilaabmaa aragtida mar qudha sidii uu abwaankuba ulahaa (balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beerma)
Marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is ag joogay muddo aad u dheer oo xataa laga yaabo in mid waliba ka kale ogaa arrimihiisa ama  ahel ahaa  oon loo filayn inuu kadhex dhasho jacaylku Tusaale (hibooy inaabti  haduu hilibkaygu kuguyaal ama uu habeen qudha kaa galay hunguri haka aamusine nafta baas lahadaloo haasaawi galab qudha",
 
Caalimku isagoo hadalkiisa sii wada wuxu yidhi jaceylku wuxu u baahan yahay mariin ama arad bax. In badan baa markaa isweydiisay, oo jaceyl arad baxa sidee buu odhanayaa miyuu xidhanayaa oo waa qof, balse tolow ma arki kartaan jaceyl arad baxay?

Su'aashan isagoo sii faahfaahniya ayaa wuxu yidhi: "ha moodin arad baxa jacaylku inuu yahay dhar la xidho  ee waxaa jira dadka is jecel ee waliba muddo meel wada deganaa waxay mar mar u baahdaan inay isu soo xiisoodaan tiiyoo aanu xiisahaasi ahayn mid marka hore cadho lagu kala tagayo balse uu yahay sida xagaagii oo kale oo loo dalxiis tago meel aan ahayn halkaad degenayd soo noqodkiina waxaad la soo guryo noqonaysaa buu yidhi idinkoo sita jaceylkiinii hore mid ka cusub oo aad moodo in uu hada bilow yahay haddaba marka aynu intaa ku dhaafno sida iyo qaabka  ay jacayladu u kala baxaan waxaa iyana meesha ku jirta oo u baahan in layara dul istaagno oo aynu inyar iftiimino  faa iidada jacaylka amase qiimaha ugu roon ee laga helayo shaygan isaga ah uma baahna bay ila tahay inaad mudo ka sii fakarto jawaabta su,aashan oo ah midhaha jacaylku waa (UBAD) waxa kale oon daah inaga saarnaynayn in in badan oo dhalinyaro ahi ogtahay maanta sida uu yahay waxa uu yahay iyo waliba qaabka  ama habka looga bogsoodo  marka hore, marka xiga iyo ugu dambayntaba taasoo sida laysku raacay dawadiisu tahayLamaanaha oo is hela Waxaad moodaa inynu kudheeraanay sharaxa iyo macnaha balaadhan ee uu xambaarsan yahay jacalku.

Hadaba bal aynu u soo noqono qisadeenii ahayd(xishoodka hablaha iyo xanuunka jacaylka)  qisadan sida uu magaceedu muujinayo waa dareen ka dhashay laba qof oo is jecel midkood kii kalena la qaatay balse waayuhu kala fogeeyey, waqtigu kala kaxeeyey, iswaayey in badan walbahaar jaceyl iyo werwer ku noolaa. Waa qiso ka turjumaysa sida waalidku aanu mar marka qaar ama inta badan aanu u tixgelin jaceylka iyo rabitaanka ubadkiisa gaar ahaan  gabdha oon lawaydiin waxa ay rabaan cida ay calmadeen balse qoorta looga galiyo nimaanay waligood is arag isku da ahayn is dooran.

Waa qiso in badan ka hadlaysa sida ugu haboon ee aad ku gaadhi karto guul marka aad rabto in aad jaceylkaagu noqdo mid waara oon wiiqmin.
 
Waa qiso xambaarsan inta aad ka tabayso jaceyl iyo waxa uu ka kooban yahay waxaad kala kulmi doontaa runtii meelo badan oo aan hubo in aad is odhan doonto malaha waa adiga qofkani.

Waa qiso muddo dheer laga shaqaynayey waxayna ka mid tahay Buugaagta faro ku tiriska ah ee lagu daabacay dalkeena, inkastoo jaceylku uu yahay waxa sababay in la qoro buugan haddana waxaad odhan kartaa ama u qaadan kartaa sidii cashar oo kale, waayo naftaa u baahan in wax badan ay  ka ogaato macnaha erayga jaceyl. Anigoon rabin in aan wax badan  idiin hordhaco haddana qisadani waxay kaga duwan tahay kuwa kale oo badan iyadoo ah mid la jaan qaadaysa waqtiga aynu joogno iyo da yarta hadeer.

Waxay kubilaabmatay qisadan lamagac baxday Xanuunka jacaylka iyo xishoodka hablahu  Sidan:

Subeer waa wiil madi ah oo reerkooda ugu weyn, waxayna wallaalo yihiin laba gabdhood oo hoos uga yar.
Subeer waxa uu had iyo goor dhegaystaa heesaha ka sheekeeya arrimaha caashaqa, wuxuuse si gaara u xiisayn jiray heeso ay ka mid yihiin “Baalgoray” oo ka mid ahayd heesaha jaceylka ah ee uu qaadi jiray Alla ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan.

Subeer waa wiil gaaban, midabkiisuna waa madow dhallaal  widh-widhaya, waana nin aftahan ah oo ka mid ah dadka balaaqada hadalka hodanka ku ah, wuxuuna ka shaqayn jiray meherad weyn oo ganacsi ah, meheradaas oo uu Aabbihii leeyahay waxa uu aha xiisaabiye.

Subeer ma ahayn dhalinyarada ay balwada jaadku labo diblaysay, sidaa darteed maalmaha aanay shaqo u oolin waxa uu raacaa dhalinyaradda asxaabtiisa ah.
Subeer da’diisu waa dhawr iyo labaatan jir, wuxuuna noqday bulshada uu la nool yahay, gaar ahaan da’diisu nin si weyn ula falgalay.
Subeer, wuxu muddo keli nool ahaadaba, maalintii dambe ayuu isha ku dhuftay gabadh ku nool guri ka mid ah guryaha udhow meherada uu ka shaqeeyo.
Gabadhaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Salma, waxayna wax ka barataa Xarun laga barto maamulka iyo maarayanta.

Salma waa gabadh dhinaca quruxda aad loo majeertay oo uu midabkeedu yahay casaan dahabiya.
Salma ninka ama qofka quruxdeeda dheehda wuxu xusuusanayaa gabadhu uu ninka Abwaanka ahi ku sifeeyey heesta la magac baxday (Indho-deeralay) oo ay midhaheeda ka mid ahaayeen.
 
Dumar ugu filrooneey,
dayax shan iyo tobanaay,
dahab lagu masaalaay,
da’da tii toddoba iyo toban
gu’ga loogu darayeey,
indho deeralayeey.
 
Salma waxay ahayd gabadh midabkeeda casaanka ahi sida tiriigga u widh-widhayo, dhinaca ooga haddii aad kor u milicsato waxay ahayd gabadh dheer oo aad qotonkeeda moodo laan hareeri ah oo qumaati u baxday.

Waxay ahayd gabadh dhismaha jidhkeedu kala baxsan yahay oo ay xubin kasta oo jidhkeeda ka mid ahi ay sideeda kuu cajabinayso, haddii ay tahay dhexda dhuuban ee taako qabatayga ah, haddii ay tahay gacmaha jalaqsan ee xaadda leh, haddii ay tahay adimada qotoma ee kubku buuxo, haddii ay sanqoorka dheer ee cawaandiga ah tahay, haddii ay tahay suniyaha isku jooga, haddii ay tahay indhaha balacsan oo aad cad caddaankooda ku indho daraandarayso timaha jileec iyo madow dhaafay oo labada garab ka kala dhacayaba, waxa ay ahayd mid xubnaha jidhkeeda qurux lagu manaystay.
Salma Aabbaheed, waxa la odhan jiray Abtidoon, hooyadeedna waxa la odhan jiray Ruun, isla markaana Abtidoon wax ubad ah, wuxuu leeyahay Salma oo keliya. Hooyo Ruun markii ay Salma dhashay waxay ahayd 17 jir.  

Hase yeeshee hooyo Ruun, waxa jeer dambe heshay taws xun, ka dib markii uu dhinaca bidix kaga dhuftay xannuunka faaliga loo yaqaan, waxayna noqotay bukaan jiif guriga lagu daweeyo.

Hooyo Ruun Saacad–Saacad goob dawo ama dakhtar la gaynayo mooyee, inta badan waxay jiiftaa aqalka oo waa dhul yaal.
Sidoo kale Salma Aabbaheed Xaaji Abtidoon, waxa aad u culaysiyey Xannuunka Islaantiisa oo ahayd Marwo uu jecel yahay.
Sidaa awgeed Xaaji Abtidoon, waxa mashquuliyey la tacaalida xaaladda Caafimaad ee ooridiisa Ruun iyo korinta gabadhiisa  curad ee Salma, taas oo keentay inuu Xaaji Abtidoon marna ka shaqeeyo daawaynta iyo dul-jooga marwadiisa, marna ka shaqeeyo nolosha qoyskiisa.

Salma waxay ahayd gabadh aan mar qudha lagu qaban ama lagu arag meelo joog joog iyo dibed wareeg, waayo marka hore waxay ahayd gabadh akhlaaq wanaag iyo dhawr-sanaan shakhsi ah Eebbe ku manaystay, mar labaadkana waxa isu barkaday hawsheeda waxbarasho iyo dhibaatada gurigooda dhextaal.

Salma ma ahayn gabadh dhalanteed ku nool sida gabdho badan caado u ah ee waxay ahayd gabadh is fiican u dareensan dhibta iyo rafaadka qoyskooda  haysta.  Sidaa darteed marka laga yimaado hawsha guriga ee mar walba badyaal u ah.

La Soco Qaybta Labaad

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Email: Webmaster@SDWO.COM

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE