SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 
Hay,ada SDWO Relief Project oo markii labaad danyarta u qeybisay deeq Raashin ah

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 09/10/2011)  Haayada Samafalka ee SDWO (SDWO Relief Project) oo kamid ah haayadaha wadaniga ah ee sida tooska ah uuga hawlgala Somaliland isla markaasna saldhigeedu yahay carigaasi ingiriiska ayaa maanta markii labaad u qeybisay deeq raashin ah qaar kamid ah danyarta degan xaafada State House ka ee magaalada Hargeisa.  Deeqdan ayaa ka mid ahayd deeq gargaar ah oo SDWO ka soo gaadhay Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska.
 
 
Deeqdan raashinka ah oo isugu jirta Bariis, Daqiiq, Sonkor iyo Saliid, ayaa waxay qeybinteedu ka dhacday xarunta dhexe ee Ururka Horumarinta dhalinyarada somaliland (Hyda) qeybinta deeqdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta ururka Hyda, maamulka xaafada, wakiilada sdwo ee somaliland, saraakii ka socotey dawlada, iyo sidoo kale G/xigeenka xuquuqul insanka qaranka somaliland.

 

 

Haddaba waxaa ugu horeyntiiba madasha ka hadlay Agaasimaha Ururka Hyda Mr. Khaalid Aadan Cabdi jaylani waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqey Haayad sdwo oo uu ku tilaamey mid hormuud ugu ah ururada dalka dhinaca samafalka waxaanu si gaar ah amaan uugu soo jeediyey Gudoomiyaha haayada sdwo Guled Cabdi Sheekhaash iyo dhamaan umada islaamka ah ee ku soo deeqday raashinka mucaawimada ah.

 

 
Dhinaca kale waxaa isaguna madasha ka hadley G/xigeenka Komishanka Xuquuqul insha Qaranka Somailland Mudane: liban Ismael Max,ud waxaanu ku nuuxnuuxsaday waxqabadka sdwo ee bulshada somaliland isaga oo sheegay inuu aqoon dheer oo buuxda u leeyahay maamulka haayada sdwo kana dharagsan yahay waxqabadkeeda dhinaca samafalka dadka danyarta ah ee reer somaliland, Liban ayaa dhinaca kale sheegay iney wada shaqeyn fiican ka dhaxeyso sdwo iyo komishanka xuquuqul insanka qaranka maanta uu ku faraxsan yahay inuu markii labaad kala soo qeybgalo qeybinta raashinka dadka danyarta ah isagoo yidhi mashruucan wajigiisii kowaad waxaa laga fuliyey xaafada daami kana waa kii labaad.
 

 

Xassan Max,ed Abdalle  oo ku magac dheer xassan waraabe cade oo isna dhinaciisa ka hadlay madasha isla markaana ah wakiilka swdo ee somailand ayaa waxaa uu sheegay fariin uu ka siday gudoomiyahooda Mudane: Guiled Abdi Sheikh taas oo isugu jirtay mahadnaq iyo dardaaran ku socda bulshada Islaamka, xassan ayaa waxaa uu isna u mahadnaqay ururka dhalinyarada ee Hyda oo iyagu xilgaar ah iska saaray soo ururinta dadka danyarta ah ee raashinka loo qeybinayey isagoo yidhi waa wajigii labaad ee mashruuca. 
 

 
Max,ed Hussein Dhabeeye oo isna kamid ah hormuudka ugu cad cad dhalinyarada somaliland xoogna ugu ololeeya arimaha samafalka iyo dhinaca ciyaaraha ayaa waxaa uu isna dhinaciisa mahadnaq u soo jeediyey dhamaan maamulka sdwo gaar ahaan gudoomiyahooda Guled oo uu ku tilmaamey shaqsi waxqabad fiican leh.
 

 
ugu danbeyntiina waxaa la gudo galey qeybinta raashinka iyadoo si rabash la,aan ah loogu qeybiyey dadkii tabaaleysnaa waxaanad maqlaysay erayo duco iyo dardaaran leh oo ka imanaayey dhinaca dadka raashinka la siiyey iyagoo sare uugu dhawaaqayey Guuleyso Guuleedow Jannada Allena gal Guuleedow.

Jawiga qeybinta raashinka ayaa ku dhamaaday jawi fiicnaan iyo farxad leh,
 

 

 

 

 

Barkhad Jama Hirsi 

 
 

Hadaad rabtid inaad caawimo ka geeysatid oo bangiga aakhiro wax sii dhigato nagala soo xidhiidh  samafal@sdwo.com ama guled@sdwo.com

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief News Editor 

 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE