SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 138 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybtii Afraad (Part Four)

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

 

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 Qaybtii Sedexaad  waxay inoo Joogtay Salma oo aabaheed u sheegay in la siiyay inaabtigeed Mursal, iyo Salma oo qaaday heestii Hadal waalid ma diidi karo, habaar adag buu dhalaa, Hayeeshee ma yeeli karo, Jacaylkuna way hayaa, hadii arin igu habsaday, Xagaan talo kaga hagaaga.
Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

 

Gabadhii Salma, waxay feker la ceeryoontaba waxay aakhirkii talo kaga ururtay inay arrinta kala tashato hooyadeed. Salma waxay soo dul fadhiisatay hooyadeed Ruun oo uu hadalkuba dirqi ku yahay.
Hooyo Ruun hore ayaa sheekada loola socodsiiyey oo way ogtahay, isla markaana odayga ayaa talo ka waydiiyey, wayna aqbashay. Salma, iyadoo ay indhanaha ilmo ka hibitiqaysa ayey dul kadaloobsatay hooyadeed, ka dibna intii aan Salma hadal ka soo bixin ayey islaantii  tidhi: “hooyo maxaa kugu dhacay ee aad la ooyaysaa”, ka dibna Salma deg deg hooyadeed uguma jawaabin ee cabaar ayey oohintii ku sii negaatay, balse wax yar ka dib ayey u bandhigtay sida wax u jiraan oo ay uga warantay xaaladeedii hore iyo arrinta cusub ee dhinaca aabaheed kaga soo korodhay.
 
Waxayna hadalkeeda ku soo gebo gebaysay: “hooyo arrintayda maxaad kaga talin lahayd.” Salma halkii ay ka eegaysay garowshiiyo iyo in ay ka arragti duwan tahay odayga Aabaheed ayaa Hooyadeed waxay u soo qadintay “hooyo arrintaada waanu wada go’aaminay aniga iyo aabahaa, sidaa ayaanuna kuugu talinay, oo ay dantaada iyo dantayduba ku jirtaa”.
Salma diidmo daayoo maxaa tidhi, kuma soo celin karto hooyadeed oo dhulyaal ah oo ay weedhahaasi dirqi kaga soo baxeen.
 
Sidaa awgeed, ma jirto wax kale oo ay yeeshaa, waxaynse ciirsatay oohin iyo muraara dilaac, waxayna habeenkii ku dhamaysatay feker iyo oohin, balse waxay go’aansatay inay Subeer uga waranto arrinta soo korodhay iyo halka ay xaaladi marayso.
 
Habeenkaa inkasta oo ay Salma oohin iyo labo boglayn ku dhamaysatay, Subeer wuxuu ku dhamaystay farxad iyo rayrayn, waayo xaaladiisu waxay ka dhigan tahay nin himiladiisii si kama damabays ah u gaadhay, reerkoodana wuu ugu bushaareeyey arrinta, dhinaca kalena gabdhihii ay Subeer walaalaha ahaayeen waxay isla habeenkaa go’aansadeen inay laga bilaabi berito ku dhaqaaqaan hawshii uu diyaargarowga aqal galka Subeer.
 
Sidaa darteed, waxay habeenkaa u ballameen in berito guriga laga bilaabo hawl qur-qurxin ah, oo la mariyo rinji iyo nuurad, ka dibna laga beddelo gogosha baaliga ah oo lagu xidho gogol cusub.
 
Reer Dhamal, oday, Islaan iyo gabdhoba waxay talo ku gaadheen in aanu wiilkooda madiga ah ee indhaha u ahi aanu ka fogaan, ee uu guriga ay degan yihiin wax ka dego oo qayb loo banneeyo.
 
Salma waxay habeenkii oo dhan labo bog laysaba hirtii waaberi oo ahayd abaaro lixdii subaxnimo ayey ka soo kalahday aqalkoodii si ay Subeer u gaadhsiiso arrinta ku soo korodhay ka dibna intay gurigii Subeer reerkooda is agtaagtay ayey u yeedhay gabadh yar oo ay Subeer walaalo yihiin, waxayna ku tidhi: “walaal Subeer iigu yeedh”, ka dibna gabadhii yarayd intay Subeer ku garaacday qolkii uu hurday ayey u sheegtay inay gabadhi doonayso oo ay banaanka u taagan tahay.
Subeer waa maalintii ugu horaysay ee ay gurigooda hortimaado gabadh doonaysa tan iyo intii uu garaadsaday, ka dibna isaga oo hoosta iska waydiinaya “talow, waa ayo gabadha saaka ku doonaysaa ee weliba soo jarmaaday” ayuu debedda u soo baxay si uu ugu tago gabadha doonaysaa.
 
Markii uu Subeer guriga debedda uga baxay ayaa gabadhii ugu waynayd hablaha Subeer walaalihii, waxay tii yarayd ee Subeer toosisay ku tidhi: “yaa u yeedhay Subeer, xagee buu qabtay” cunugta yar waxa la yidhaahdaa Hoodo, waa 10 jir, waana qof caqli badan, waxayna walaasheed u sheegtay inuu Subeer u tegay gabadh doonaysa, oo guriga dhiniciisa taagan.
Subeer markuu arkay inay gabadha doonaysa tahay Salma aad buu ula yaabay, waxaana intii yarayd ee uu ku sii socday maskaxdiisa ku soo dhacayey boqol wax iyo boqol arrimood, wuxuuna hoos isu waydiinayey “tolow, Salma ma reerkiibay islaayeen oo waxa lagu maagay xalay xagee baad qabatay, mise Islaantii hooyadeed ee buktay ayaa geeriyootay, cajeb!! Tolow, maxaa dhacay oo Salma soo kallihiyey”.
 
Subeer markii uu Salma isla soo taagay, wuxuu ka codsaday inay guriga u raacdo oo ay qolkiisa wax isku waydiiyaan balse way diiday inay guriga u raacdo oo ay qolkiisa wax isku waydiiyaan ka dibna waxay si deg deg ah ugu soo qadintay ujeedadii ay u socotay, iyadoo uga warantay arrintii ku soo korodhay iyo sidii ay wax u dhaceen iyo halka ay xaajo maayso, isla markaana waxay Salma hadlkeeda ku soo khatintay inay arrintu marayso meel aanay waxba ka qaban karrin, waayo kama hadhi karto hooyadeed oo dhulyaal ah oo aan cid iyo ciirsi kale lahayn, umana badheedhi karto inkaarta labadeeda waalid ee aan iyada mooyee ubad kale ifka u joogin.
 
Subeer waxay arrintu, ku noqotay war dhiilo leh, wuxuuna galay jawi murugo leh iyo xaalad walbahaar leh.
Salma markii ay sheekadii Subeer uga dhacday, iyada oo aan hadalkii weli ka bixin ayey Subeer u sheegtay inay deg deg u noqonayso, iyadoo ka cudur daaratay inaanay hadda diyaar u ahayn hadal waqti badan qaata, taas oo ay sheegtay inay ka baqayso in gurigii laga tabo, waxay markaa hadalkeeda ku soo afjartay “walaal intani war gelin ayuun bay iga ahayde, waa inoo galabta iyo halkii aynu isugu iman jirnay”.
 
Dabadeed Subeer ma gelin wax hadal ah wuxuuna si murugo leh u yidhi “waayahay walaal waa inoo shanta galabnimo iyo goobteenii”, ka dibna waa la kala dhaqaaqay ninkii Subeer isaga oo cago jiid ah ayuu gurigii dib ugu noqday, ka dibna intuu maqsinkiisii galay ayuu hosta ka xidhay, wuxuuna isku dul tuuray sariirtiisii dabadeedna wuxuu cabaar dhegaystay hees jacayl ah oo ay midheheeda ka mid yihiin 

Cakuye hawl adduun badanaa

ma cidla ciirsilaan fadhiyaa
cir kaa dheer dhul kaa dheer
caways ma kuu dudaa
way igu ciirsantee taladu
cayn wareegsatee
aniga culaysbaa I saarane
allow ciilka iga bixi
callool xumaadayoo
xalay baa gogoshu I cuntoo
cartamee sidaan u cadibnaa baa
cadceedu soo baxdee
ma hayo carfigii qalbigoo
ma hayo indhihii aragoo
nin caydh ahi weligii
 ceeb kama fogaadee
caaway u darantee
xaggee baan cuskadaa
 
Run ahaantii Subeer markii uu heestaa dhegaystay waxa ku sii siyaaday walbahaarkii haystay, waxaana damqaday nabaro hor leh. Subeer, waxa la soo gudboonaatay sheeko dhiilo leh, waxayna xaaladiisu gaadhay meel aan laga sheekayn karayn, wuxuuna hoosta ka xidhay qolkii uu seexan jiray oo xataa uma soo kicin quraac.
 
Goor dambe oo ay saacadu ku dhowdahay abaaro 12-kii duhurnimo ayey gabdhihii Subeer walaalihii is waydiiyeen sababta uu Subeer saacadan la jiifo, oo way yaabeen, ka dibna gabadh ka mid ah habilihii walaalihii ayaa Subeer albaabka ku garaacday, ka dibna wuu ka furay, waxayna waydiisay “walaal maxaa kugu dhacay ee aad waqtigan la jiiftaa, miyaad xanuunsanaysaa”.
 
Subeer wuxuu walaashii ugu jawaabay “walaal waxoogaa xanuun ah ayaa i haya, markaa idaaya waan iska jiifayaaye”.
Waxaa u cunto ah oo uu ku habayaa halbawlayaasha wadnahiisa ee hibanaya waxaanay helayn heesaha ay qaadaan qaar ka mida fannaaniintu kuwaas oo aan odhan karno waxay ka mid yihiin dhaawac tirida ama dhaymaha nabarada amase dakharada uu jaceylku gaadhsiiyo qof, xilligana waxa u baxaysa heestan:-
 
hadaan aawadaa hibooy,
naftaydii hanqaarantoo,
hawaawiga caashaq,
iyo hammiga igu sii kordhaan,
armaad hodadaamadii haween,
weligii lahaa hadhowto la soo baxdaa,
heshiishkaba daadisa,
intaan hawshaasi dhicin,
xagee arrinkeenu noqon,
bal aan hadalkaba jaree,
maxaa adi kula haboon

 

La Soco Qaybta Shanaad

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

 

 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE