SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 139 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybtii 9aad

Qisada buugan cusub (waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday)

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Qaybtii 8aad waxay inoo joogtay Salma iyo Subeer oo casho isku raacay isna xaal waraysanaya afartii sano ee ay kala maqnaayeen, iyo salma oo xaaladii ay soo martay afartaa sano ee lagu qabay Jarmalka uga sheekaysay, iyo Salma oo weeydiisay bal inuu subeerna iska xaal waramo - Subeer oo hal cabaar ah aamusnaa, si degana u dhegaysanayey doodda iyo hadalada Salma ayaa hadalkii la wareegay, wuxuna yidhi:

Qaybtii 9aad 

 

Salmaay jawaabta su’aashaadu wa mid adag oo aan igu hawl yarayn, laakiin haddii aan isku dayo waxaan ku talo jiraa inaan arrintaa isku dayo waqti dhow, balse waxaan kuu sheegayaa inaanay xageyga ka ahayn arrin hawl yar, waayo way adagtahay sida aad ku heshaa gabadh ku cajibisa oo ay quruxdeeda, dabeecadaheedu iyo dadnimadeedu kugu filaataa, sidaa darteed dareenkaygu wuxu mar walba negi ku yahay inuu arrintaa ka fekero.” 
Salma ayaa Subeer ugu hal celisay: “Subeeroow wallaal maxaad sidaa ugu hadlaysaa, imisa gabdhood oo qurux iyo qiime leh baa magaalada jooga ama hore kuu soo maray.” 
 
Subeer baa isna yidhi:
“Wallaal Salmaay quruxdu ma aha inta muuqata oo qudha ee intaa way ka qoto fogtahay, tusaale ahaan haddii aan dib ugu noqdo sooyaalkii iyo waayihii caashaq ee labadeena ina dhexmaray oo aan tilmaan yar ka bixiyo sababtii ama sababihii ay nafteydu kugu jeclaatay, waxaan odhan karaa miyaan helayaa gabadh samirkaagii oo kale leh, akhlaaqdaadii oo kale leh, dabeecad wanaagaagii oo kael leh, yuhuun wanaagaagii oo kale leh, muuqaal wanaagaagii oo kale leh, waji fur-furnaantaadii oo kale leh, balse aan idhaahdo ma jirto gabadh qurux kugu haysataa.”
 
Subeer oo weli hadalkii sii wata ayaa intuu farta ku fiiqo meel maqsin-yaraha ay fadhiyeen albaabkiisa ku toosan, wuxu yidhi: ”Salmaay waxaas oo dad ahi adiga ayey ku eegayaan oo waxay daawanayaan suurada aan la heli Karrin ee Illaahay kuu sameeyey.”
 
Salma markii uu Subeer ku tiraabay weedhihii uu ku sifeynayey quruxdeeda, waxa dareenkeeda ku dhacay isbeddel, waxayna iyada oo aad moodo inay qajilsan tahay oo hoos u foorarta ku tiraabtay, “Subeeroow wallaal amaanta inaa le’eg iyo sifooyinka tirada badan e aad shaqsiyadayda ku bishay ma lihiye, ma waxaad dooneysaa inaan cirka dhaafo oo aan dhulka cagaha ka qaado, adigana aanan dib kuugu iman.”
 
Salma hadalka uu Subeer ku xusay waayahoodii jacayl, wuxu damqay qalbigeeda, ka dibna intay yara jidhidhicootay, wejigeedana waxoogaa ilmo ah ka masaxday ayay tidhi:
 
“Wallaal Subeerow ma anigaad igu sifeynaysaa qof samir badan oo wanaag badan, miyaanan ahayn qoftii intaad balanteen adiga oo sugaya iska guursatay nin kale, miyaanan ahayn qoftii intay dhooftay aan dib kuu soo xusuusan ee iska ilowday wixii ina dhexyaalay, sidaa darteed koley ma ogi inuu Illaahay waqti dambe oo mustaqbalka ah I gayeysiin doono taariikh wanaagsan iyo amaanta aad I huwisay, laakiin maanta kaa maan muteysan amaan iyo abaal wanaagsan toona.”
 
Hadalkii Salma wuxuu Subeer ugu dhadhamay garowshiiyo waxayna taasi ku noqotay qaadan waa iyo wax aanu filayn, waayo wuxuu is lahaa Salma koleyba way dafiri doontaa wixii gef ah ee ay ka gashay waayahoodii caashaq iyo sidii ay dhinaceeda u liicisay, laakiin wuxuu u arkay hadalka u dambeeyey ee Salma ka soo yeedhay inay qiratay gef weyn iyo meel ka dhac ah, taas oo ay is tustay inaanay u qalmin ammaanta uu Subeer ku billay.
 
Sidaa darteed Subeer isaga oo u jawaabaya Salma wuxuu yidhi:
 
"Salmaay iska dhaaf sidii wax u dhaceen, laakiin aniga waxaad iigu qiimaysnayd xulashi naagood iyo qof loo xusho qofkii ugu wanaagsanaa, balse hadeer waxa igu adag ama igu dhib ah helitaanka iyo u hawl gelida qof dhigaaga ah sidaan horeba kuugu sheegay aniga iyo dumarku waxanu kala nahay laba aan marnaba isku iman karrin, anigoon wax badan odhan adiguba waad ogtahay waxa aan u diidayo in aan mar dambe dib u jaleeco dil dilaacyo badan iyo dibin daabyo xoog ah oo wadnahayga iyo waaxyaha jidhkayga weeraaro ka jeexay, waxan ogahay ama aan idhaahdaa Illaahayow dhibaato haween ha kuugu dambayso intii kaa soo gadhay Salma, hadda wallaal kuma necbi oo waxad iigu jirtaa halka ay iigu jiraan wallaalahay waligayna ma ahi mid ku iloobi doona waayo nolosha ayaa ina walaalaysay, naftayda ayaad ka mid noqotay, ismaad lahayn ka tag, ku maad fekerin ka fogow mana aad is odhan xumee, xadhigiisa goo, balse waayaha adduun ayaa ina kala fogeeyay.

Salma, jawaabta su'aashaasi oo aad iila dheeraatay ayaa waxay tahay haddii aanan marnaba helayn mida aan calmaday horena ugu hungoobay waa in aan u hoggaansanaadaa halka uu Illaahay I mariyo.
 
Salma ma ogi oo ma garan karo ilaa wakhtigan aad tahay gabadha la qabo oo aanu Illaahay isku keen bannayn ayaa waxad moodaa haddana in qalbigayga aanad ka bixin, waxan arkayaa aniga oo ka baxay hawada aynu ku jirno, waxan arkayaa waxaan dadka kale ila arkayn waxan xasuustaa heestii ahayd:
 
Inkastoo Salmi aqal yeelatoo,
Ubad kale dhashoo,Tahay oori nin kale,
Anigoo ogsoon, Kama aamusee,
Waa amar Alee Bal maxay indhuhu
Kaa eegayaan Bal muxuu afkani
Kuu amaanayaa Berigii aad ogayd
Jaceylkaan afkiyo Uurkaba ka jaray
Igu soo noqay  Isagoo mar kale
Oodihii sitoo Aniga I hayaa
Bal maxay indhuhu  Kaa eegayaan
Oo salmaay afkani Kuu amaanayaa
 
Salma hayla yaabin hana odhanin malaha odaygii Subeer wuu soo laba kacleeyay, ma jecli ama maan rabin in aan dib kuu xasuusiyo meelo iyo nabaro aan ogahay in ay ku damqanayaan balse waxa keenay hadalkan iyo in kale oo badanba xaalada aynu hadda ku suganahay oo ah mid haddii Abwaanadu ama hal abuuradu ay helaan u noqon lahayd sheekooyinka sida aadka ah loo xiiseeyo.
 
Salma ayaa hadalka qaadatay, kadibna tidhi:
 
"Subeerow, ma ogtahay in aanu uurku xejin karrin  wixii uu afku rabo, ee ay ka soo fara baxsadaan, waayo aniguba anigoo og in aan ahay oori la qabo haddana waxan ogahay in waayaheenii jaceyl uu ahaa mid xaqiiqa oon la dafiri karayn, sidoo kalena ma aha wax inaga inagu xidhan ama aynu hadda ka talin karno waayo haddaynu tashan karayno hore ayaynu u tashan lahayn, taladuna waa ta Illaahay, inkastoo aanan anigu wax badan odhan karayn oo aan ahay qof dembiile ah haddana waxaan la dafiri karin jiritaanka shayga jaceylka oo ah mid asalkiisu yahay xaqiiq, wallaal ma iloobi doono ilmadii iga daadan jirtay iyo indhahaagii ooyi jiray haddana farxi jiray markasta oo aynu kulano, ma aha wax si dhib yar oga bixi kara qalbigayga erayadii aan beenta ahayn ee aynu rabnay in aynu ku dhisano guri xallaala. waxad kaga duwan tahay wiilasha da'daada ah ayaa ahayd adigoo mar walba ku dadaalayay ama u hawl galayey sidii aad u dhisan lahayd reer ku dhisan run, qofka kula abuurayaana yahay mid kula dheeli tiri kara ama kula qabyo tiri kara guriga aaad yagleelaysid, wallaal waxay inta badan ku burburaan dadku oo aanay is waydiin oo aan imika soo arkay waxa ka mida:

Ninka oo isku arka in uu isagu yahay qofka taladu ka go'do mar walba gabadhana ku yidhaahda wixii aan kuu yeedhiyo uun maqal.
Ninka oo u arka ooridiisa qof qalaad ama qolo kale ah oo ka qarsada inta ugu qiimo badan noloshiisa, isagoon ogayn in ay tahay qasnadii naftiisa, waxaanu mar walba galaa qaxar u horseeda burbur aan kabasho lahayn.
 
Gabadha oo ninkeeda ka dhego adaygta, iska ururisa waxba aan u sheegin wax walba ku halaysa, hiifta, hagar daamaysa, ka ilaalin wayda wakhtiga uu shaqada ka yimaado wixii naftiisa dhibaya iyadoo la saaxiibi wayda odaygeeda, ulana faro-kaciyaari wayda sida wiilkeeda, tusida raxmada faraha badan ee ooridu tusto ninkeeda wuxu ka qayb qataa ama ay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa weyn ee uu reerkaasi u sii jiri kara muddo fara badan.

Haddaba Subeerow wakhtigan aynu hadda joogno, oo aynu isku soo raacnay xog-waraysi iyo bal qof waliba in uu ka waayo waramo waayihiisii nololeed kadib markii muddo afar sannadood ah aynu kala maqnayn haddana waxan dareemayaa in waxoogaa kalgacal ahi I galayo taasoo ay sabab u tahay qalbigaaga nadiifta ah ee aan marnaba is beddelin ee aan dareemin wixii dhibaato soo maray. Wallaalo way yar yihiin dadka adiga oo kale ah, hadday dadku sidaada yihin waxba may xumaadeen, kuma faaninayo Subeerow, ee inta kugu dhacday hadday aniga igu dhici lahayd halkan caawa aynu fadhino waligay kulamaan fadhiisteen markan ugu yarahayna waxan ku kici lahaa aargoosi aan kaaga aargoosanayo ballanka aad igaga baxday iyo dhibaatadii laxaadka lahayd ee aan ku soo gaadhsiiyay adiga iyo reerkiinaba, walaal waxan ahay qof khalijalaysa, waxan ahay qof og in ay dembi gashay, waxan ahay midii aamusi lahahyd tii is qarin lahayd, balse intaasi oo dhan waxan kaga bad baaday niyaddaada nadiifta ah iyo wakhtiga oo aniga ii hiiliyay adigana kaa hiiliyay waxanse ogahay in aad adigu tahay qofka badiyay, aniguna aan ahay qofka khasaaray ee maanta wuxu yeelo garan la'.
 
Subeer ayaa isna u hal celiyey:
 
"Wallaal, hadalkaagan dambe ayaa wuxu yahay mid si weyn u damqaaya nafsadayda waan is ilowsiiinayay, waxan iska dhigayay qof aan dhibaato soo gaadhayn, waxan naftayda u sheegayay in aan la iga guulaysan, waxan naftayda tusayay iftiin aanan arkayn iyo hirar beena balse habeenkan caawa ah waxad moodaa inaad soo afjartay rajadii noloshayda, waxan oga jeedaa, waan fiicnaa oo waan ladnaa oo waan bogsaday ka hor intii aynaan dib u kulmin, waxan aad uga ladnaaday ama aanan dib ugu laabanin fur furitaanka iyo dib u raacida jidkii madoobaa ee marka hore quruxda badnaa, waxan naftayda ku haasaawiyaa in aan anigu ahaa Halyey aan waligii dhiniciisa dhulka la dhigin haddase Salma waxad naftayda u daah furtay in aan ahaa ninka laga guulaystay, la dhibay, u bukooday dartaa, kuu boholyoobay kuu baahday aadse kaga dhaqaaqday gego cidlo ah waan ogahay oo wakhtigaasi wuxu aha mid aynu kala dooranay dhibaatada waalidkeena iyo dhibkeena, waan ogahay oo hooyo Ruun maantaba cagaheeda ayay ku socotaa, aniguna ma dhimanin oo waaniga nool laakiin wakhtiyada qaar waxan qarka u saarnaa in aan noqdo qof waallan, Salma hawl iguma yarayn hadalna iguma jirin haddase waad I aragtaa, haa waa runtaa oo waxa aanan garanayn ilaa hadda tolow maxay indhahaygu kaaga dhaygageen, tolow muxuu afkaygu ugu muhanayaa amaantaada, tolow muxuu uurkaygu kuu doonayaa, tolow muxuu qal-bigaygu kuugu ooyayaa, mooyi sababtu waxay tahay bal adba!"
 
Salma intay hoos u foorarsatay ayey tidhi; "Wallaal, taasi way iska caddahay oo waa calaamadaha lagu yaqaan dareenka wax jecel.''
Subeer iyo Salma waxay miiska isku dhaafsadeen xog waraysi dheer iyo doodo rabitaan ka muuqdo oo googoos ah, laakiin iyaga oo weli xiisa isu qaba oo uu midba midka kale dareenkiisa iyo weedhihiisa sida laydha u cabayo ayey saacadu isku taagtay 11:30 habeenimo, dabadeedna goor dambe ayey saacada is waydiiyeen, waa la eegay, saa waxay ku sii siqaysaa 12:00 habeenimo.
 
Subeer intuu hareerihiisa eego ayuu odhanayaa "Walaal hudheelka waynu ku raagnay waayo waxaynu dhex fadhinay afar saacadood oo dhow dhow, laakiin anigu waxaan moodayey in aynu wada joognay ugu badnaan 30 daqiiqo."
 
Salma intay yar dhoola caddaysay ayaa, iyana tidhi: "Walaal, aniguba kula mid baan ahayoo, waxaan is lahaa imika haddii ay ugu badato waa ilaa 9:00, laakiin waan yaabay markii aan arkay halka ay saacaddu taagan tahay."
 
Hawl wadeenadii hudheelka laftigoodu way yaaban yihiin oo waxay hoosta ka leeyihiin, tolow qoladani meesha miyey u hoyanaysaa, laakiin Subeer oo kor u hadlaya   ayaa yidhi "Walaal biilka la kaalaya"
Dabadeed wiilashii shaqaalaha ahaa ayaa biilkii oo diyaar ah la soo cararay, dabadeedna Salma oo casuumadda lahayd ayaa dhiibtay lacagtii, intaa ka dibna way baxeen.
 
Subeer habeenkaa waxa dareenkiisa ka muuqday xasilooni iyo deganaan badan, taasna waxa laga garanayey sida degan ee uu baabuurka u waday markii ay hudheelka ka baxeen ee ay guryaha u sii socdeen.

Subeer oo isteerinka gaadhiga si miisaaman u haystay hareeraha ayaa milicsanayey muuqaalka Salma oo fadhiday kursiga dhinaca ku haya ee shidhka. Subeer wuxuu Salma ku dejiyey meel albaabka gurigooda u jirta dhawr talaabo, kadibna markii ay Salma albaabkii gurigooda garaacday ayuu Subeer dhaqaaqay.
 
Salma waxa albaabka ka furtay hooyadeed Ruun oo ka wer-wersanayd meesha ay gabadheedu ku raagtay, waxayna hooyo Ruun tidhi: ''hooyo Salma waanu yaabanayn ee xagee baad ku raagtay oo aad waqtigan ku maqnayd."
 
Salma ayaa hooyadeed ugu hal celisay "Hooyo, sownigii kuu sheegay inaan aroos tagayo, imikana arooskii ayuun baan ku maqnaa ee meel kale maan jirin."
 
Laakiin Salma intaa kumay dayn hooyadeed, ee labada dhaban ayey dhunkasho raali gelin ah kaga dhufanaysaa, dabadeedna intay xagga qolkeeda u soo daadihiso ayey in nususaace ku dhow dul joogaysaa oo cagaha u duug duugaysaa.

Hooyo Ruun-se waxay aad ula yaaban tahay farxada caawa ka muuqata gabadheeda Salma, waayo waxay ku aragtay farxad aanay ku arag muddo sannad iyo badh ka badan, laakiin Hooyo Ruun waxay farxadda u qaadatay inay tahay mid ka dhalatay hadalkii uu la soo hadlay inaabtigeedii qabay, waxayna Hooyo Ruun tidhi: "Hooyo Salma Illaahow isu kiin daa  adiga iyo inaabtigaa, illayn haddii uu habeen walba kula soo hadlo sow sidan aad caawa u faraxsan tahay ayaad u faraxsanaan lahayd."
 
Intaa dabadeed Salmi waxay si toosa u gashay qolkeedii iyadoo daartay rikoodhkii u yaalay qolka, balse aan ogayn wakhtigu in uu yahay wakhtigii la seexan lahaa, cabaar ayay iska dhagaysanaysaa cajalado ay ku duuban yihiin heeso kala duwan oo jaceyl ah isla markaana waxa bogeeda saaran sawir uu leeyahay subeer oo ah kii ay wada galeen maalintii ay kala ambabaxayeen kaas oo ahaa mid xasuus weyn qalbigeeda ku reebay.
 
Haddaba bal aynu eegno heesta goortaa u socotay oo ah tan:-

Inan yahow daraadaa
Anfacada ma dayo oo
Dibnaha ma saaree
Sida ilin uu daad maray
Ama ubaxa dayreed
Indhahaa ku doortoo
Qalbigaad dul joogtaa
Dab markaan ka baydhiyo
Imikoon da'daa ahay
Waan ku daawadaayoo
Dadkaan kaa jeclaystee
Haydayrin wiilyow

La Soco Qaybta 10aad

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE