SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 139 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybtii 10aad

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Qaybtii 9aad waxay inoo joogtay Salma oo Markii ay guriga ku soo laabatay habeenkii ay hotelka ka soo wada casheeyeen Subeer, oo markii ay guriga soo gashayba iyadoo saqdhexe ah heestan dhegaysanaysa:
 

Haddaba bal aynu eegno heesta goortaa u socotay oo ah tan:-

Inan yahow daraadaa
Anfacada ma dayo oo
Dibnaha ma saaree
Sida ilin uu daad maray
Ama ubaxa dayreed
Indhahaa ku doortoo
Qalbigaad dul joogtaa
Dab markaan ka baydhiyo
Imikoon da'daa ahay
Waan ku daawadaayoo
Dadkaan kaa jeclaystee
Haydayrin wiilyow

Qaybtii 10aad 

 

Cabaar kadib ayaa Hooyo Ruun ay u soo baxday xaga bannanka waxaanay maqlaysaa dhawaaqa heesaha ka shidan qolka ay inanteedu gasho iyadoo yaaban si aayarana u socota ayaa waxay waydiisay "Hooyo maxaa xilligan ku soo jeediyay miyaad xanuunsanaysaa mise farxadii ayuun baa kula fogaatay."

Salma ayaa hooyadeed ugu hal celisay: " Hooy maya ee xannuun ima hayo."
hooyo Ruun ayaa tidhi, “Cajeb!!” oo u dhaqaaqday in ay  salaadeedii iska tukato, laakiin markii waagii saani u beryey ee dadkii oo dhammi soo toostoosay ayey Salma qolkeedii debedda uga soo baxday, iyadoo ay indhuhu casaan-dartii xinjir dhiig ah u egyihiin, ilayn waa qof xalay oo dhan soo jeeday oo aan mar keliya il bidhiq isku siine, sidaa darteed markii ay quraacatay ayey qolkeedii dib ugu noqotay oo seexatay.
 
Subeer isagu dhinaciisa habeenkaa si degan ayuu u seexday, subaxdiina wuu shaqo tegay oo meheradahoodii ayuu kala maamulayey.
 
Subeer waxa ku taagan ballantii ay aabbihii Dhamal isku ogaayeen ee ahayd inuu si dhakhso ah gabadh u soo xusho, ka dibna loo dhiso, laakiin wakhtigan xaadirka ah Subeer jawaabtu waa ka diyaar, wuxuna doonayaa inuu aabbihii u sheego inuu soo xushay Salma.
 
Hase yeeshee odayga laftiisu dhinac buu baadidoon kaga jiraa oo wuxu intaa baadhaya gabadhii uu wiilkiisu guursan lahaa, haabkana kuma hayo inay mar kale soo noqotay sheekadii Salma, sidaa darteed isla habeenkii ay Subeer iyo Salma foodda is dareen ee uu Subeerna hoosta ka go’aansaday inay Salma tahay gabadha uu soo xushay, ayuu odayga aabbihiina gabadh kale soo xulay, gabadhaas oo uu dhalay nin ay odayga saaxiib yihiin, waxa uu Subeer Aabbihii doonayaa inuu wiilkiisa ku wargeliyo inuu gabadhaa u soo dooray, isna uu la soo sheekaysto arrin guurna la soo dhammeeyo.
 
Subeer iyo aabbihi gelinkii hore oo dhan fursad isuma ay helin, laakiin waxay isa soo raaceen xiligii qadada ee ay soo rawaxayeen, dabadeena odaygii Subeer aabbihii, wuxu go’aansaday inuu fursadaa oo ay labadooda keliya yihiina uga faa’iidaysto, una sheego arrinka, wuxuna oday Dhamal hadalkiisa ku bilaabay:
 
“Aabbo Subeeroow muddo badan ayay qaadatay intii aan kaa warsugayey ee aan is lahaa ikhtiyaarkiisa gabadh ha ku soo heloodo, ismana aan lahayn waqtigan wiilkaagu kelinimo ha ku soo gaadho ee waaan ku talogalay inaad maanta oori iyo ubadba yeelato, haddii Eebbe idmo oo aad barbarkayga degto, laakiin Aabbo taa waad la raagtay ee bal ka warran haddii aad talada igu soo wareejiso oo aan gabadh anigu kuu soo xulo, wallow aad dhowr goor oo hore igu diiday hablo aan kuu soo xulay.”
 
Subeer ayaa hadalkii la wareegay, wuxuna ku jawaabay:
“Aabbo taasi ma xuma, laakiin haddii aan awl hore baadidoonka ku raagay oo aan magaalda ka la’aa gabadh I cajabisa, hadeer waan helay waxaanse u baahanahay inaad Aabbo muddo bil ah isiiso, waayo gabadha aan soo helay ee I cajabisay waxay magaalada joogtay labo toddobaad oo keliya oo debedda ayay ka timi, sidaa darteed muddadaa bisha ah ayaan kaga boganayaa sheekadeeda ee ii ogolow Aabbe.”
 
Odaygii Dhamal ee Subeer Aabbihii, wuxu taa kaga jawaabay
“Aabbo Subeeroow, taana waan kaa aqbalay, intaadan hadalkan I odhana, waxaan siday arrin kale oo aan ku soo tashaday, laakiin hadda waan la noqday taydii, waxase loo joogi doonaa gabadha aad ka heshay ee aad na horkeeni doonto, tolow mid aan dunida hore loogu aragbaa.”
 
Subeer aad buu ugu farxay jawaabta Aabbihii siiyey iyo sida uu codsigiisa uga aqbalay, iyadoo uu Subeer Aabbihiina yahay oday aad u jecel wiilkiisa, taas oo keentay inuu marwalba u yeelo sida uu rabo.
 
Labo maalmood markii ay Subeer iyo Salma kala maqnaayeen ayay maalintii saddexaad Salma telefoon u soo dirtay Subeer, waxayna ku wargelisay inay heshay warqadii furiinka oo uu Mursal u soo diray, gacanteedana ay soo gashay warqadii ay muddo dheer ku taamaysay.
 
Subeer aad bu ugu farxay warkaa, ka dibna wuxu Salma uga warramay sheekadii dhexmartay isaga iyo Aabbihii Dhamal, wuxuna yidhi: “Salmaay wallaal odayga Aabbahay waxaanu ka wada hadalnay arrin guurkayga ku saabsan, taas oo uu odaygu igu yidhi, Muddo dheer baan kaa warsugaynay ee bal ka warran haddii aan anigu gabadh kuu soo xulo, laakiin waxaan u sheegay inaan gabadh soo arkooday, balse aan u baahanahay muddo bil ah in la iga warsugo, taas oo aan odayga ka codsaday inuu bishaa iga aqbalo, taana odayga aabbahay wuu iga yeelay.”
 
Markii u Subeer gabadhii Salma uga warramay sheekadii dhexmartay isaga iyo Aabbihii, taas oo ay Salmana dhinaceeda si fiican u fahamtay, ayaa la go’aansday in la qabsado ammin iyo goob arrintaa lagu gorfeeyo. Waxayna isla qaateen in labo habeen ka dib la isu yimaado, goobta ballantana waxa laga dhigtay isla hudheelkii habeenkii hore lagu kulmay, iyadoo uu Subeer ku tiraabay, inuu casuumadda maanta isagu qaabilayo, halkii ay habeenkii hore wax casuuntay Salma, dabadeedna waxa hadalkii lagu soo gebogabeeyey waa inoo hudhaalkaa iyo ammintii habeenkii hore oo kale.
 
Salma ilaa hadda Aabbaheed iyo Hooyadeed uma ay sheegin inay Mursal kala dhaqaaqeen oo uu warqadeedii iyo meherkii ay ku lahaydba u soo dirtay, laakiin hadda ayay go’aansatay inay u sheegto, wayna ku dhaqaaqday oo waxay isla markiiba la kulantay labadeedii waalid.
 
Salma waxay labadeeda waalid ugu timi iyagoo wada jooga barxadda hore ee daaradda gurigooda, halkaas oo  ay iskaga sheekaysanayen labada waalid.
 
Xaaji Abtidoon iyo Ruun oo ah Salma labadeeda waalid waa labo qof oo aad isu jecel, sidaa darteed marka aad aragto waxaad moodaysaa inay yihiin labo qof oo imika is aroosay.
 
Xaaji Abtidoon iyo Ruun, marka aad eegto dhaqankooda muxubada iyo rabitaanku hadheeyey, markaa aad eegto kaftanka iyo sheekooyinka xiisaha leh ee ay is dhaafsanayaan, marka aad eegto dareenka farxadeed iyo boholyawga aan xadka lahayn ee ay isu hayaan iyo guud ahaan marka aad eegto sida ay isugu muraaqoonayaan, ma moodaysid inay yihiin laba qof oo is qabay 25 sannadood in ka badan, waxaadse moodaa inay ku jiraan toddobaadkii u horreeyey ee aqalgalkooda.
 
Inkasta oo ay Xaaji Abtidoon iyo Ruun weligoodba ahaayeen dad aad isu jecel oo aanay noloshooda marna dhex marin isqabad iyo calool xumo, haddana tan iyo intii ay Ruun ka soo noqotay Jarmalka waxaa muxubadoodii weliba degal fadhiga ahayd sii buunbuunisay yididiilo hor leh oo hadhaysay dareenka Xaaji Abtidoon, taas oo ka dhalatay caafimaad qabkii ay la soo guryo noqotay Ruun, waayo Xaaji Abtidoon markii uu arkay Islaantiisii Ruun oo lugaheeda ku talaabsanaysa, caafimaadkeeduna taam yahay, waxay taasi  ku noqotay farxad lama filaan ah iyo nasiib wanaag aanu hore u arag, iyadoo uu Xaaji Abtidoon maalintaa ka caafimaaday yididiilo xumo iyo culays nololeed oo uu ku sugnaa in ku dhow 17 sannadood oo uu la baxaadegayey marwadiisa Ruun oo 7 sannadood ka dib aqalgalkoodii uu halleelay xannuun laxaadka ka fadhiisiyey.
 
Hase yeeshee Xaaji Abtidoon, wuxu duruufaha adag ee 17-ka sannadood haystay kaga soo gudbay samir iyo dulqaad, wuxuna markii uu Illaahay ka kor qaaday culayskii haystay tukaday salaatul shukri.
 
Marwo Ruun maaha qof garasho liidata oo meel dhow wax ka eegta, sidaa darteed si fiican ayay u ogtahay dhibaatadii uu odaygeedu la soo maray iyo sidii yaabka lahayd ee uu ula soo kifaaxay, uguna samray waayihii adkaa ee uu kala kulmay xannuunkeedii, isla markaana Marwo Ruun waajibka dumarnimo ee uu odaygeedu mar walba ku leeyahay ka sokow, waxay si fiican isu tustay abaalka dheeraadka ah, ee uu odaygeedu ku leeyahay, taas oo ay nafteeda ku qancisay inaanu koleyaba ahayn wax ay nolosheeda guddi karto sidii uu ula dhaqmay ayaamihii xannuunkeeda, laakiin waxay go’aansatay inay habeen iyo maalinba qalbiga ku hayso abaalka magaynada ah ee uu odaygeedu ku leeyahay.
Sidaa darteed Marwo Ruun, waxay nafteeda u sheegtay oo meel iska dhigtay inay goor walba la taagnaato raaligelin dheeraad ah iyo fadhiga oo ay ugu shaqayso, wanaagna ay odaygeeda hadh iyo habeen ku soorto.
 
Salma waxay soo duljoogsatay labadeedii waalid oo ay u socoto sheeko xiisa lihi, aadna isugu mashquulsan oo aan cid kaleba u baahnayn, laakiin Salma si ay u dhexgasho dareenka labadeeda waalid axay ku dhexdarsatay ereyo kaftan ah oo ay ka mid yihiin, “Aabbo iyo Hooyo miyaad ilowdeen inaad keligay I dhasheen ilaa saaka mar qudha ii maydaan yeedhine, dee malaha waad I nacdeenba.”
 
Ruun iyo Xaaji Abtidoon ayaa marqudha ku wada dhawaaqay “Alla sidee baanu kugu nici karnaa miyaanad beerkayagii ahayn, waxa ubad carada buuxiyeyna kelidaa ayaanu dhalay oo Illahay nasiiyey, ee ma wax la naco ayaad tahay, isla markaana wax noo dambayn doona mooyiye ilaa hadda nagama aad galabsan xumaan iyo nacaybtooyo midna. Ta kale anaga oo ku xamdi naqayna Illaaha na kaa siiyey, haddana miyaanu ognahay inaanu Ubad kale dhali doono, sow imika keligaa ma haysano wax ubad ah, sidee baanu kuu ilownaa ama kuu nacnaa gabadhayadiiyeey”.
 
Salma intay qososhay ayey labadeedii waalid ugu hal-celisay “Aabo iyo Hooyo waan iska kaftamayaaye, waan ogahay inaad keligay i dhasheen oo aydaan horena ii ilaawin, haddana i ilaawayn, aadna aad ii jeceshihiin, wax kastana aad ii qabateen”.
 
Salma markii ay intaa tidhi ayey hooyadeed dhinaca aabeheed ka xigo mooyaane dhinaca kale ka soo fadhiisatay ka dibna Salma, iyadoo aabaheed ka yara xishoonaysa ayey intay hooyadeed hoos ula xanshaashaqday ku tidhi: “hooyo arrin yar baan doonayaa inaan kuu sheego”.
 
Laakiin Salma, iyadoo aan arrintiiba sheegin ayey hooyadeed Ruun intay kor u hadashay tidhi: “hooyo arrinta aad ii sheegayso horta aabahaa u sheeg waayo koleyba ka qarrin maayo oo hadhow baan u sheegayaaye ee hadaba u sheeg”.
 
Salma oo aad u xishoonaysa ayaa iyana tidhi: “ee hooyo maxaad ii khashiftay haddii aan kula faqay oo aan hoos wax kuugu sheegay”.
 
Hooyo Ruun ayaa hadana tidhi: “hooyo aniga iyo aabahaa inta yar ee dumarnimada ah mooyee isku mid baanu nahaye waxaad keligay ii sheegi lahayd noo wada sheeg oo aabahaa waxba ha ka qarsan ilayn midigtaadii iyo bidixdaadii ayaanu nahaye”.
 
Mar hadii uu faqii fashilmay gabadhii Salma lagama maarmaan bay ku tahay inay arrinta sheegto, iyadoo ay aabaheed iyo hooyadeedba dhegaysanayaan.
 
Sidaa darteed, Salma iyadoo ay odaygii iyo islaantiiba si fiican u dhegaysanayaan ayey sheekadii bilowday, waxayna tidhi:
 
“Aabo iyo Hooyo hadii aan idiin sheego arrinta aan idiinka socday ee aan doonayo inaan idiin sheego, waxay tahay aniga iyo inaabtigay Mursal waxaanu isla gaadhnay inaanu kala tagno oo aanu is-furno, sidaa darteed labo maalmood ka hor ayuu ii soo diray warqadii iyo lacagtii meherkayga oo wada socda oo aan soo qaatay, markaa Aabo iyo Hooyo sidaa u ogaada, inaanu aniga iyo Mursal nahay oo keliya Ilmaabti ee ay meesha ka baxday isqabidii”.
Hooyadeed iyo Aabaheed ayaa mar keliya ku kulmiyay kelmada ah "miyaanay inaga dhexayn in aynu wada tashano oo aynu wax is waydiino, mise goonibaad isaga tashanaysaa oo wax kasta keligaabaa go'aansanaya, adiga oo aan wax yarna nala socod siin."
 
Intaa markii ay odayga iyo islaantu soo tuureen ayey aamuseen, iyaga oo la fejecsan hadalka gabadhooda ka soo yeedhay, dabadeedna Salma oo aan garowsan hadalada waalidkeed ka soo baxay ayaa u jawaabtay labadeeda waalid, waxayna tidhi:
 
"Aabo iyo hooyo, anigu haddii aan taladayda raacayo oo aanan waxba idin waydiinayn maanta kama aynu wada hadaleen Mursal iyo qadiyadda na dhextaal, waayo maalintii aad Mursal, I siiseen waxaanu heshiis kama dambays ah oo guur isla gaadhnay wiil aan muddo dheer sheekaysanaynay aanuna is jeclayn oo la yidhaahdo Subeer, laakiin taladii aad iigu taliseen ayaan raacay oo aan ka hor iman kari waayey, markii ay arrintaasi ila soo gudboonaatayna waxaan isu eegay xaqa iyo jacaylka waalidkay, aniga oo weliba si gaar ah u tixgelinayey duruuftii ay hooyaday waqtigaa ku sugnayd iyo jacaylkii aan u qabay wiilkii aanu guurka ku heshiinay, dabadeedna aniga oo raacaya taladiinii, waxaan duhur cad ka dhaqaaqay wiilkii aanu axdiga iyo aaminka wada galay, waxaanan go'aansaday inaan maro halka ay waalidkay iigu taliyeen, laakiin laga soo bilaabo maalintii aad Mursal, I siiseen waxay naftaydu ku sugnayd qulub iyo calool-xumo, dhibtaas oo dhanna waxaan naftayda u gaadhsiinayey qiimaha ay iigu fadhiyaan iyo ixitiraamka ay iyo xaga culus ee ay igu leeyihiin labadayda waalid waxaanan naftayda ku qanciyey ma helaysid aabo iyo hooyo laakiin waad helaysaa wiil aad guursato, sidaa darteed waa in aad u go'daa dhinaca waalidkaa, sidii ayaanan idiinku go'ay oo aan taydii u tuuray, tiiniina u raacay. Hase yeeshee maanta waxaan joogaa Illaahay mahadii, mar haddaan ku guulaystay laba arrimood oo ay naftaydu jeclayd, kuwaas oo kala ahaa: in aan helo hooyaday oo caafimaad qabta oo lugaheeda ku talaabsanaysa iyo inaan helo warqadii, iyadoo ay naftaydu ahayd mid ku dhex jirta nolol biime iyo karaahiyo ah, waayo waxaan oori u ahaa nin aanay naftaydu rabin."
 
 ayey Salma ku soo xidhay hadalkaa dheer ee ay ugu jawaabaysay labadeeda waalid.
Labada waalid intii ay Salma hadlaysay waxay u dhegaysanayeen si taxader leh oo mar qudha eray kama soo bixin waayo waxay fahamsanaayeen inay gabadhoodu ku hadlayo wax xaqiiqda ku fadhiya, laakiin markii ay Salma hadalkii ka baxday ayaa aabaheed hadalka qaatay, wuxuuna yidhi:
 
"Aabo sida aad u hadashay way na damaqday, waanuna ka xunahay dhibta naftaada la soo kulantay ee aad ka sheekaysay, anaguna hadalkii aanu ku nidhi waanu kaa raali galinaynaa. Ta kale aabbo waxaad sheegtay inaad muddo afar sannadood ah ahayd qof mariid ah oo aan dhimasho iyo nolol midna ahayn, laakiin aabo maxaad mar hore taa noogu sheegi wayday, kugu maanu daawaneen dhibaatada'e?"
 
Hooyo Ruun oo iyana tiiraanyo darteed ilmo ka hibitiqayso, isla markaana dareensan inay iyadu tahay qofka ay Salma nafteeda u dhiibatay, ayaa hadalkii qaadatay, waxayna tidhi:
 
"Hooyo Salmaay haddii aanu ognahay inay xaaladaadu sidaa tahay, marna kuguma aanu khasabneen Mursal iyo qof aadan rabin toona, laakiin inkasta oo aanan marna mooganayn sida aad noo jeceshahay iyo ixtiraamka waalidnimo ee aad noo hayso, haddana maanta ayuun baan anigu ogaaday inaan dhalay gabadh qiimo badan oo garasho badan, mana aan filayn inaad mustaqbalkaaga oo dhan aniga ii bur-burinayso, balse hadal iyo dhamaan wixii dhici lahaaba dhace'e maxaanu hooyo hadda yeelnaa oo aanu kula qabanaa."
 
Salma ayaa haddana hadalkii la wareegtay waxayna ku bilowday: "Aabo iyo hooyo waad mahadsan tihiin, dhibta aan idiin galayna waa wax aad xaq iigu leedihiin, laakiin intaasi waxay iga ahayd xusuusin iyo waayo waran."
 
Salma way sii wadatay hadalkeeda, waxayna tidhi: ''imikana aabo iyo hooyo, waxaan doonayaa inaan mustaqbalkayga ka shaqeeyo oo aan guursado nin ay naftaydu raali ka tahay laakiin wiilkii aa idiin sheegayey ee ay naftaydu ka heshay magaalada ayuu joogaa, dabadiina cid kale naftaydu ma jeclaan, welina igama bixin rabitaankiisii, intii aan dalka ku soo laabtayna salaan  wax ka badan isu maanu dhaafin, waxaase lay sheegay inaanu weli guursan. Sidaa darteed marka aan u waayo-waramo haddii ay dareenkiisa iiga muuqato in aanu dib u yab-yabi karno wixii naga burburay afar sannadood ka hor, waxay naftaydu raali ku tahay wiilkaas oo qudha in aan nolosha la wadaago ee idinkuna aabo iyo hooyo sidaa igu ogaada."
 
Salma marka ay hadalkan leedahay waa mar ay iyada iyo Subeer wax isla soo meel dhigeen oo ay iyana diyaar tahay Subeerna dhiniciisa diyaar u yahay, laakiin labadeeda waalid ayey sheekada u sii bislaynaysaa, waxayna ka sii afeef-dhiganaysaa in aanay labadeeda waalid mar dambe ka hor iman rabitaankeeda.
 
Xaaji Abtidoon ayaa odhanaya, "aabo gartaye, maxaad nooga baahan tahay, mase na tusaysaa wiilka aad sheegayso ee ay naftaadu raalida ka tahay."
 
Salma ayaa iyana aabaheed ugu hal celinaysa "aabo arrinta qaybna anigaa  leh, qaybna waxbaad ku leedihiin, markaa halkii aad kaga talo geli lahaydeen weli may gaadhine aniga iga war suga."
 
"Haye" ayey labadii waalid yidhaahdeen, dabadeedna Salma way ka dhaqaaqday labadeedii waalid, iyaga oo weli fadhiya daaradii ay ugu timi ee ay ku sheekaysanayeen.
 
Markii ay Salma ka dhaqaaqday ayey Xaaji Abtidoon iyo islaantiisii Ruun isku jeesteen, waxayna isu tusaaleeyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada ay u geysteen gabadhooda ay keligeed ubad leeyihiin, dabadeed Xaaji Abtidoon oo islaantiisa la hadlaya ayaa yidhi: "marka Illaahay khayr kula damco, ubadka badan iyo midka keliya isku si buu kuugu barakeeyaa, bal imika eeg gabadheenu nafteeda waxay u haligtay dhibtii adiga ku  haysatay sidii wax looga qaban lahaa, waxaan leeyahay Illaahay taa meel roon ha mariyo, khayrna ha siiyo."
 
Hooyo Ruun ayaa iyana tix buraanbur ah oo duco ah, la hiyi kacday, waxayna tidhi:
 
Cawo kuma haleelo hooyo,
Oo laguma ciilo weligaa,
Cimrigaagu noqoy kii cisi leh,
Alla kuma celiyo
oo curad raagta noqo,
Cawo iyo nasiib
caadil kuugu deeq,
Ha car-caraafin oo
rays cagaha la gaadh,
Illaah baan kuu cugtee
 caano iyo guri nabdoon,
Cudooneey hooyo khayr ku waar

La Soco Qaybta 11aad

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE