SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 140 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybtii 12aad

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Qaybtii 11aad Waxay inoo joogtay Subeer, oo aad uga werwersan sida qotoda fog ee uu aabihii uga soo horjeedo Jacaylka marlabaad hadana dhexmaray Salma, habeenkaana muu seexan oo kolba dhan buu isku rogayey oo heestan baa maskaxdiisa ku soo noqnoqonaysay:
 
Marbuu kuu wanaajiya
Wakhtiguu kuu hiiliyaa
Wallaakii kaa dhigaa
Sidii waqal kuu da'aa
Marbaad kala weecataa
Waayuhu cadow kuu noqdaa
Wacdiga aad aadmiga fartaa
Marbuu wadhi kuu dhalaa
Adduunyooy waalaleeye
Adduunyooy waayo badan
Werwareeg maanigaa ku idhi
Fartiyo wadnaha
Fartiyo wadnahaan  isku hayaa

Qaybtii 12aad 

Subeer galgalashada sariirta dusheeda waxaa u dheer sida aanu u haynin garowshiiyo xaga reerkooda ah waayo dhammaan reer Dhamal dhinac ayay ka soo wada jeedaan oo marnaba xasuustooda kama maqna sidii foosha xumayd ee ay Salmi yeeshay waxayna noqotay arrin lagaga sheekaysto xaafadaha jaarka iyo aqalada u dhow dhow, mar marka qaar hablaha ayaa kaftanka lagaga helaa oo dhalinyarada ay isku dhow yihiin ayaa ku dacaayadeeya arrinta ku dhacday Subeer si kastaba ha ahaatee habeenkaasi wuxu ahaa mid Subeer aan weligii soo marrin xataa markii ay ku dhacday arrintii Salma. Odaygii Dhamal sidiibuu ku adkaystay saddexdii cishona way dhamaadeen Subeerna wuxuu u sheegay Salma inuu aabihii arrinkii ishortaagay isla markaa Salmi lama yaabana waayo arrintan iyada ah marka hore khaladkeeda oo dhan odayguna wuxuunbuu ka daba socdaa eed hore oo ay gashay hurgumooyin, murugooyin iyo xusuus badan leh mawjado bad wayn oo iska soo daba noqonaya waxa sida dhibica roobka ugu da’aya maskaxda Salma waxa uu ku danbayn doono aayaheedu waayo dhinac way ka soo amba baxday oo inaabtigeed way ka soo qaadatay warqadii halkii ay u soo qalab qaadatayna way usuuro gali wayday waxaanay ku noqotay argagax iyo filan waa fajac aduun ayaa u dhamaaday quruxdii, dhaldhalaalkii iyo dheehii ay kala timi Germany waxa ka qaaday kalmada oday Dhamal oo u dhigmaysay xageeda in Nukliyeer lagu dhuftay,

Hadaynu eegno Subeerna waxba ma samayn karo arrinta waa laga faro maroojistay hore ayaanu talo kuu siinay mar hore ayaad wakhtigaagii qaadatay mar labaad yeeli mayno in aan kugu xidhxidhno guriga dhexdiisa erayadaasi waxay ka mid yihiin kuwa joogtada u ah Subeer ee aan marnaba dhagaha looga duwin Salmi sidaan hore u sheegnay ma laha saaxiib ay u sheegato dhibaatooyinka la soo dersa ama ay kala tashato waxa u saaxiib ah labadeeda waalid iyo Subeer xaaladu waxay noqotay mid aan meel laga soo qabto lahayn Xaaji Abtidoon oo ah Salma aabaheed waxa uu la yaaban yahay waxyaabaha waayadan danbe ku soo kordhay inantiisa wuxuu u soo galaa iyadoo guriga fadhida oo wax akhrisanaysa haddana huruda wuxuu u yimaadaa iyadoo isu jawaabaysa oo matalaysa qaabkii loo qancin lahaa odayga dhalay Subeer ayaamuhu kala daran wakhtiyadu kala xanuun badan, xaaladuhu kala qalafsan, xiliyaduna kala adage waa maalin Axad ah saacadu waa tobankii subaxnimo waxa la joogaa suuqa waxa iska soo horbaxay labadii waalid ee kala dhalay Subeer & Salma waa Dhamal & Abtidoone

Dhamal wuxuu ugu talogalay inuu u sheego in Abtidoon ka qabsado ama uu u sheego inantiisa inay ka waantowdo sidii ay u heli lahayd wiilkiisa Abtidoon waa nin degan, waa nin dhibaatada aduunku dhinacyo badan kaga timid markiisii horena u dhashay dulqaad iyo samir faro badan Dhamal ayaa bilaabaya hadalka waxaanuu leeyahay “Abtidoon inaadeeroow, waxaan ergo kaaga ahay inta aan dadku isku keen maqlin inaad iga qabsato gabadha aad dhashay waayo waxa jirta dhibaato soo jiitamaysay muddo shan sano ku dhaw oo u dhaxaysay iyada iyo wiil aan dhalay mudadaa intaa leeg wiilkaygu imika ayuunbuu yahay qof caafimaad qaba xataa wuxuu gaadhay heer aan geeyo goobaha dadka waalan iyo meelaha lagu dabiibo kuwa la yidhaahdo waa la derderay waxaan uga socdaa arrintan waan ogahay oo sheekada inantaada wiilkayga ayaa aad iiga dhergiyay adiguna kolay wiilkayga taariikhdiisa sidoo kale ayaad uga dheregsan tahay markaa waxaan kaa doonayaa qaabkii iyo sidii aynu u furdaamin lahayn arrintan” inta uu hadlayo Dhamal Abtidoon si wanaagsan oo dhug leh ayuu ugu fiirsanayaa hadalada ka soo burqanaya ee hanfiga ka kulul mase aha nin waxaasiba dhibayaan waxa uu ogyahay sheekadu sida ay tahay wuxuu ogyahay waxaanuu ogayn odaygan kale wuxuu ogyahay in dhamal inankiisu uu ka qariyay waxyaabo badan oo aanu ula sheekaysan sida xaqiiqdu tahay wuxuu dareensan yahay inay arrintani tahay tii uu yeeli lahaa qof kasta oo waalid ah oo ilmo dhalaa waayo cidna lama jecla ubadkooda dhibaato iyo waxyeelo wuxuu ugu jawaabay “Hadalkaad itidhi inkastoo uu yahay mid aan halkan ku haboonayn hadana waan kaa qaatay oo qof la yidhi ilmahaaga iga qabso dee wax kale oo uu yeelaa ma jirto inantaydu kuu iman mayso wiilkaaga way nabad gelinaysaa waxaadse balan iiga qaadaa adiguna inaad inankaaga ka adkaanayso oo uu ii daayo gabadhayda” markuu intaa yidhi ayuu Dhamal hadalkii ku soo noqday waxaanuu yidhi “Haddii aynaan is yeelyeelayn labadeena ayaa reerkan taladiisa leh aniguna inankayga waan aqaanaa sidaan u qabsanayo adiguna waad taqaanaa gabadhaada sidaad u celinayso” Abtidoon isagoo aad uga xun  uga murugoonaya, tiiraanyaysan ayuu ugu jawaabayaa,

 “Wakhtigu waa goor xun soddon sanadood ayanu jaar ahayn mudadii ugu badnayd ee aynu wada hadalnayna waa maanta manay fiicnayn inaynu ku hadalno wax karaahi ah aniga xagayga cafi ayaad iga tahay gabadha aan dhalayna aniga ayaa wado marinaya laakiin waxaad ogaataa ubadka wakhtigan jooga in ay yartahay inta waalidkood adeecdaa wiilkaaga waan aqaanaa waxaanuu ka mid yahay inta yar ee aqbalaysa hadalka waalidkiisa anigana inantaydu waa sidoo kale waxanan odhan lahaa hadal taagtaagan la inooga wanaagsan aan isusoo noqono rogrogno hadalka talada hadba gees ka eegno wixii laga maarmi waayo aynu markaa ku dhaqaaqno bir laguma gooyo talada qasabna maaha in la bedeli waayo go’aan soo baxay waxase dhibtu tahay labada ubadka ah waxyeelada soo gaadhaysa aniguna maanta ayaan u sheegayaa gabadhayda waanad mahadsantahay” sidii ayaa lagu kala dhaqaaqay odaygii Dhamal dhinicii tukaankiisa ayuu kicitimay halka Abtidoon uu ku sii socdo Masaajidka oo mudadii ay wada taagnaayeen waxa soo dhawaatay salaadii Duhur markuu tukaday ee uu gurigii soo gaadhay ayaa wuxuu damcay inuu u sheego ballanta uu la soo galay ninka dhalay wiilka ay inantiisa is jecel yihiin intii aanuu hadalkiiba bilaabin ayaa waxa albaabka soo garaacaya gaadhi hayadeed oo sida warqad lagu dalbanayo Salma inay u soo shaqo tagto xafiis ka mid ah kuwa magaalada oo qolo ay isku asxaab ahaayeen markii ay dibada joogeen madax ka yihiin sidaan horeba u sheegnay waxay shahaado sare ka haysataa cilmiga maamulka iyo maaraynta waxaanay aad ugu wanaagsantahay oo ay mudo ku shaqaynaysay Arkiifiyada iyada oo gooni u baratay qaabka iyo sida loo ilaaliyo faylasha iyo waraaqaha sirta ah waxa kale oo loogu yeedhay mashruuca waxa wada oo qayb ku leh wadanka Jarmalka waxaana loo baahan yahay qof afkoodii yaqaan oon ahayn intan madaxda ah intii aanuu uba sheegin hadalka Abtidoon ayay Salmi soo fadhiisinaysaa qoladan sharaab ayay u shubaysaa aabaheedbay is baraysaa dabadeedna sidiibay ku tagayaan waxay ku mashquushay Salmi warqadan shaqada oo ah tii koontaraaga iyo midi loogu bushaaraynayay inay heshay shaqada inkastoyna dalbanin haddana way u baahnayd waayo wakhtiyadan danbe waxay ku ahayd guriga kali oo markan diyaar ayay u tahay inay gasho shaqada.

Abtidoon markuu arkay farxada inantiisa ka muuqata ayaa wuxuu ka xishooday inuu u sheego arrinkii ay isla soo qaateen Subeer aabihii waxaanuu go’aansaday inaanuu ka nixinin gabadhiisa curad wuu iska dhaafayaa waa la iska qadaynayaa qof walibana qolkiisii ayuu u hurdo tagayaa halka maalintaa reer Dhamal ay u ahayd maalin aad u adag murugo badan aqalkuna buuq iyo sawaxan isla oogsaday Subeerna istaagay talo kale ma yeelayo oon ahayn Salma oo la ii dhiso Dhamalna istaagay wax kastaa haday dhacayaan kuuma suuro galayaan aabaheedna waanu isasoo aragnay waan u sheegay inuu iga qabsado inantiisa isla markaa adna waxaan ku farayaa haddii aad ubadkayga tahay inaad faraha ka laabato gabadhaa kasii darane labadii hablood ee la dhashay waxay la safan yihiin aabahood oo ninkii Subeer ahaa ma haysto wax garowshiyo ah waxay sidaa ahaataba ayaaniba ayaan ayay u sii dhiibaysaa wakhtigu nacasaysanaa waayuhu kaa badin ogaa walaalkaa mar  ay ku tahay waxayntu mar fiicanaa Subeer kama go’i karo oo gooni ugama tagi karo reerkooda waayo aabihii kaligiibuu dhalay reerka isagaa ka masuul ah mana laha dhaqanka dhalinyarada wakhtigan oo maaha nin aabihii ku hal celin kara aamusnaantiisii faraha badnayd canaantii oday Dhamal dhego hadalkii hablahooda iyo dhoole ka qosolkii dhalinyarada ay jaarka yihiin ayaa dhaygag ku noqday oo marnaba Subeer kama soo kabanayo hantaaqada gaadhay hadaynu dib ugu noqono Salma markay furtay warqadii loogu keenay warqada xafiiska isla maalintii ku xigtayba waxay u shaqo tagtay xafiis hayadeed kaasoo mushahar wanaagsan looga qoray inkastoonay iyada ujeeddadeedu ahayn diyaarna u ahayn shaqadan hadana si ay iskaga mashquuliso, isku ilowsiiso ayay u yeeshay wax kasta oo ay kaga bixi karto ama kaga badbaadi karto bad weyntan kaaga darane awal hore marka ay Salmi u dirto taleefan guriga reer Dhamal si fiican oo soo dhawayn leh ayaa looga qaban jiray maxaase iska bedelay isagoo jooga ayaa lagu yidhaahdaa ma joogo xataa waxa la sooo gaadhay heer ay hablahoodu ku yidhaahdaan gabadhyahay telefoonka gurigayaga noo daa dhibaatooyinka jacaylka, dhirbaaxooyinka xanuunka kulul ee ka yimaada dhanka waalidku waa dhib ku saa’id ah inta is calmata iyo inta is caashaqda

Markaan dhan kale ka eegno aabuhu ama waalidku ubadkiisa wuxuu la jecelyahay inay maraan ama noqdaan kuwa ugu nolosha wanaagsan oo nina ma ogola in ilmihiisu meel halow, heedo daw iyo camal la’aan la taagnaado gidaarada waatane hadaba yaa isu afgaran doona waalidiinta iyo jacaylka Salma subixii waxay baxdaa todobada maalintii waxay soo noqotaa saddexda galabnimo Subeer inkastoo aanay reerka kala xidhiidh furan oo aanuu dayro ahayn haddana uma aha habluhu sidiisii hore ogowoo waxa bar-bar socda dhawr hablood oo aabihii iyo hablahoodu ay soo arkeen mudadii uu isagu ku maqnaa Salma Hodan waxay ka mid tahay hablaha quruxda badan ee ay soo aragtay mid ka mid ah labadaa gabdhood ee la dhashay, gabadhaa Hodan inkastoo aanay gaadhayn halka Salma waxaadse moodaa hablaha wakhigan joogay inay tahay midii lagala bixi lahaa Hana oo ay walaalo yihiin Subeer ayaa waxay Subeer ku khasbaysaa inay is barto dabadeed goor galab ah ayay la balantay wakhtigaana Subeer wuxuu joogaa qolkiisa oo wuxuu u diyaar garoobayaa inuu u soo baxo dibada waxa albaabka ka soo galaya gabadha Hodan oo siday u labisan tahay aad moodo qolyihii Model xayasiin jiray Hana lafteeda ayaa in badan kor iyo hoos u eegtay markii ay ka furtay albaabka waa la soo socday waxa la yimi qolkii fadhiga cabaar yar ka dib ayay Hana u tagtay walaalkeed iyadoo u sheegaysa inay rabto inay isbarto gabadh ay saaxiibo yihiin Hana iyo Subeer walaalnimada ka sokow way isaga dhawaayeen reerka intooda kale markaa waxaan odhan karnaa waa qofka kaliya ee wakhtigan ku dhiiran kara Subeer una sheegi kara dhibaato kasta oo dhaca wuu soo baxay waxaanuu u soo dhaqaaqay qolkii fadhiga wuxuu markiiba isha qac ku siiyay gabadhan aan gabdhaha la midka ahayn gabadhan qaabka ilaahay uu u dhigay uu gaar uga yeelay kuwa kale gabadhan qof kasta oo arkoodaa aanuu marnaba ka jeedsanahayn in yar kadib ayuu ku hakaday albaabka hortiisa dabadeed isagoo sidii xishood u hadlaya ayuu odhanayaa “waa la idin salamay” hablihii guriga ku jiray ayaa mar kaliya ka wada qaadaya waxaana loo raacinayaa “soo soco Subeeroow”

Inkastoo Subeer qalbigiisu meel ku jihaysan yahay inkastoo cidina aanay bedeli karin go’aanka adag ee uu qaatay inkastoo aanuu wakhtigan arkayn wuxuu kaga digo rogto ama uu ku duro Salma hadana markuu fadhiistay meeshii ayaa Hana intay kacday waxay u sheegtay in gabadhani tahay Hodan oo ay isku iskuul yihiin imikana ay dhameeyeen waxbarashadii isla markaana rabta inay waxbarasho dibada ah u aado isbaridu ehelkeeda halkay ka soo jeedo halkay degen tahay iyo faahfaahin badan oo kale ayay isu raacisay sidoo kalena waxay ku tidhi Hodan wiilkan aad arkaysaa waa ka keliya ee waxa ilaahay dad uumay aanu ka eegano waa indhahayaga waa qalbigayaga waa aayahaga waa iftiinkayaga waa ka keliya ee inta ilaahay ka sokoysa aanu u noolahay waa walaalkay oo aanu jecelnahay aan kuu soo daadajiyee waa Subeer intaa markay tidhi ayuu Subeer aad u qoslay waxaanu ku yidhi walaashii “anigoo ogsoon waxa aynu isu nahay anigoon inkirayn inaan ahay iftiinkii aqalka anigoon hilmaansanayn inaan ahay aayihiinii walaashaydaan jeclaayeey marna isma lahayn Hana intaasoo faalo ah ayay kaa bixin doontaa waadse ku mahadsan tahay sida aad isku kaaya bartay aniga iyo Hodan walow wakhtigan ay Hodan ku jeedo dhinaca TV-ga oo uu ka socdo filin musalsal ah” Hana ayaa waxay tidhi “waan idiin soo yar laabanayaaye” inantu yay dareemin cidlo sidaan hore u sheegnay Subeer maaha aftahan waa nin afgaaban oon aad u furfurnayn waa nin mar walba jecel inuu raali galiyo qof kasta isla markaa wuxuu ku odhanayaa “walaal Hodan horta barasho wanaagsan, waxase ka fiicnayd maalmo ka hor ama bilo inaynu is baran lahayn waayo waxa jirtay wakhti aan xanuunsanayay oo aan u baahnaa dhakhtar iga badbaadiya khatarta aan ku suganahay anoon kuu duur xulayn kuuna dul marayn hadalna kuu dadayn waxaan kuu sheegayaa waxaan ahay nin xaas leh balse reerkoodu aanay la ogolayn gabadha uu rabo” Hodan sheekada way la socotaa laakiin waxaa ka yaabisay waxaan ahay nin xaas ah waxay la soo booday “walaal goorma ayaad ismehersateen gabadha sawkuwan reerku aadka kuu jecel maxaa idin dhex yaala” wuxuu yidhi hadaan xaqiiqda kuu sheego ma guursanin wali laakiin waxba kama dhaco guurka arinka aan imika ku jiraa hadaan kaaga waramo sooyaalka taariikheed iyo jaranjarada uu soo maray jacaylkaygu waxa laga yaabaa inaad u garaabi doonto ee waxaan ku waydiiyay adigu ma inanbaad tahay, miyaa lagu qabaa mise imikaad qalqaalinaysaa” isagoo qoslaya ayuu intaa isu raaciyay 

Hodan waa gabadh furfuran kama ay xanaaqin ama uma ay qaadan xumaane waxay ku tidhi “kolay waxaan ahay korkayga ayay ka muuqataa la ima qabo guurna marleyba gabadhi waa tii u joogta iyadoo ka daba joogta kalmadii ahayd ma qalqaaladeedaad ku jirtaa waxaananse garanayn goorta iyo wakhtiga uu igu qaadan doono” wuxuu u sheegay ma haysataa cidaad jeclayd, ma sheekaysataa hadaad sheekaysatadan ma is jeceshihiin qofka aad la sheekaysato waa kaaf iyo kala dheeri waa maan baray iyo maan bilaal waa gudcur iyo maalin halka ay kala taagan yihiin gabadhani waxay u soo qalab qaadatay isaga isaguna waakan waydiinaya cidii ay la sheekaysanaysay Hodan ma odhan karto adiga ayaa doonaa inaan kula sheekaysto waxayse si sarbeeb ah ugu sheegtay in uu wakhtigeedu dhaw yahay iyadoo ku kaftamaysa calaf waa halkiisee caashaq ayaa i haleelay waxaanse garan la’ahay qofkaan jeclaa qof kale oo uu jecel yahay si aan ugu sheegana ma garanayo maba dhaadana Subeer qofka la jecel yahay ee qofka kale jeceli inuu isaga yahay wuu soo booday wuxuuna ku yidhi “walaal waxaasoo miidhanbaa ka dhacaya adduunka ha u badnaadeen raguye waxaad arkaysaa hablihii oo sugaya iyo iyagoo iska sheekaysanaya ama iskala qabsanaya cid kale arrintu se waa mid guracan oo anigu qudhayda dhibaato jacaylbaa Hodaneey dhabta aan ku haystaa ma dhigo hurdada dhinac habeenkii maalintii waan ka go’ay dhadhansigiiye dhulka waxaan u joogaa dhimasho iyo nolol dhexdoode dhigay caruuray dhaleen oy dhabta ku hayaane anigana dhibaato jacaylbaa dhinacayga taal oo dhulku wuxuu ila wareegaa marka aan maqlo dhudi warkeeda isagoo geeraraya ayuu ku yidhi walaal haddii dadka oo dhami isu ogaan lahaayeen jacaylka waxba ma xumaadeen ee dhibtu waxay ka dhacaysaa qof qof wax u ogi ma jiro labadii qofee isdoortana waxa la kala dhex dhigaa dad kala dila oo waxa loo kala sheegaa waxa aan jirin hadaad cid kasta ka badbaado waxa laga yaabaa inaanad ka badbaadinba qaraabadaada” wuxuu sitaa Subeer oo uu soo durkinayaa wakhtigaa rikoodh wayn ma daawanayo TV-ga laakiin cajalad heeso xul ah ayuu ku yar ridanayaa waxaanay ahayd heestaasi midan:

Cisho roobka oo da’ay
Iyadoo ay ciid tahay
Dhirtu caadadeedii
Carfi gaara leedahay
Oo cidhifka reeraha
Ubax caynba cayniyo
Is cidhiidhshay kaymuhu
Dhalintunaa ciyaartiyoo
Cadaloolaka fiidkii
Ku cawaysay sheekada
Cindi ha isku keen simo
Caafimaadku noloshiyo
Calaf ha isku keen simo

La Soco Qaybta 13aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE