SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 141 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybtii 13aad

  Share on Facebook .

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Qaybtii 12aad Waxay inoo joogtay Subeer, oo oo heestan dhegaysanaya:
 
Cisho roobka oo da’ay
Iyadoo ay ciid tahay
Dhirtu caadadeedii
Carfi gaara leedahay
Oo cidhifka reeraha
Ubax caynba cayniyo
Is cidhiidhshay kaymuhu
Dhalintunaa ciyaartiyoo
Cadaloolaka fiidkii
Ku cawaysay sheekada
Cindi ha isku keen simo
Caafimaadku noloshiyo
Calaf ha isku keen simo

Qaybtii 13aad   Share on Facebook  Share on Facebook  Share on Facebook

 
Heestan markay maqashay Hodan iyo kuwo kale oo la mid ah oo uu u sheegayo ama aad garanyso in loo tiriyay qof loo diidan yahay qof kale balse aanu ka samrayn ayay waydiinaysaa waxaanay odhanaysaa “ma ogtahay Subeeroow in dhalinyaradu intooda badani kugu xamato inaad tahay cilmigii wakhtigan inaad caashaqaba adigu abuurto inaad aabo u tahay oo aad anba qaaday ama itijaah wanaagsan u samaysay habka dhalinyaradu maanta u mari lahayeen guurka waayo ma jiro wiil shan sano ku dhawaad sagaya gabadh laga yaabo markay timaado inay isbedesho amase waxa ka sii daran gabadha la guursaday ee la soo qabay eed ilaa hada jeceshahay walaal jacaylkani waa kaa sidee? Waayo da’ yarteenu aad ayay arintaa uga faaloodaan, u falanqeeyaan mana arag wali garowshiyo aad adigu leedahay markii hore way wanaagsanayd oo inantu dhib kasta way la soo dersi kartaa laakiin markan danbe mar haday guri gashayba waxay ahayd inay ku adkaysato ninkeeda iyadoy waliba igu maqaalo tahay in wakhtigii aad kala maqnaydeen aanuu wax war ah ama waraaqo ah ka heli jirin marleyba anigu walaashaa saaxiibadeed waa walaashaa waxaanan kuu jecelahay sida wiilkayaga oo kale” waxay ku qarinaysaa inay erayadan ay tirisay uu u qaato qaar ay kaga diyaarsanayso inuu xageeda u soo jeenjeedhsamo Subeer lugaha ayaa isu dul saaran wuxuuna ku fadhiyaa kursi fadhi ah oo nooca dhaadheer ah dhabanka ayuu gacanta ku hayaa waxaanuu si aada u dhagaysanayaa hadalada Hodan dhinacna wuxuu ka fekerayaa halka ay ku danbayn doonto arrintii isaga iyo Salma Hana mudadan dhan banaanka ayay iskaga maqnayd intay doonaysayna way heshay oo mar haday labadoodii u kala dhex baxday waxaad moodaa inay ku guulaysatay arrin ay in badan ka soo shaqaynaysay halkaa marka ay marayso sheekadu ayay u soo galaysaa waxaanay ka cudur daaranaysaa maqnaanshaheeda iyadoo ku sababaysay inaan guriga inani la joogin inankooduna gabadh u keeni waayay markaa keli aan ku noqday hawshii guriga oo dhan halka Muna oo ah ta ka wayn ay ku maqantahay waxbarasho balse aanay u furfurnayn sida Hana oo kale,

Subeer ayaa ku odhanaya “sheeko aad dhistay iyo arin aad qorshaysatay ayaa isugu kaa beegmay waxbana ma laha ee ninba waa mare adiguna markaaga adkayso” intaa markay is dhaafsadeen ayay ku odhanaysaa “walaal Subeeroow malaha inanta si fiicanba ugumaad sii sheekayn, dee Hodaneey inankayagu wuu xishood badan yahaye ka raaleehaw haddii mudadii aad la joogtay aan wax hadal ah oo badan dhankiisa kaaga iman” waxayse hilmaansantahay in meelo fog-fog la isla gaadhay oo sheekaduba si quruxbadan isugu duba dhacday Hodan ayaa ugu celinaysa “Subeer idinkaa gooni ka dhigaye maaha nin gooni ah agtiisana u malayn maayo inuu yahay mid lagu cidloonayo maba dareensanayn mudada aad iga maqnayd ee aad iga maqnayd ee hadalkaaga ayuunbaan ku soo baraarugay haddii aanad noo iman lahayna maan ogaadeen goorta waayo Subeer waa qof Illaahay isu raaciyay karti uu ku hadli karo, aftahanimo iyo isagoo hibo u leh inuu ka dhaadhiciyo waxa uu rabo qofka uu daanayo laakiin arrintu waxay ka dhigan tahay dhibaatada Subeer ayaan reer Dhamal si aada ugu dhug yeelanin ninkanina nidar ayuu galay adigoo walaashii ah oo u dhawina wax badan kalama socotid waxa ka sii daran heesta wakhtigaa ka socota rikoodhka hoos yaala ood moodo inay ka turjumayso waayaha Subeer waxaanay ahayd heestu sidan:

Waxay dani keentay iyo
Kalgacal ila durkoo
Dad iyo duunyoba ka go’ay
Waxbaa daris ii noqdee
Dugaagaan weheshadaan
Dulmeerayaa kaymahoo
Halkaad iga daydaydiyo
Halkaan degay kala durkeen
Illaahbaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Doorashada caashaqa ka daa
Anoon dooda iyo deeq
Dagaal la iga badinahayn
Dareenkayga aad ogtahoo
Jacaylbaan la doodayaa
Janooy halis daaqayee
Dabkaana adaa shidayee
Halkaad iga daydaydiyo
Halkaan ka durkee
Illaahabaa deeq baxshee
Dulmiga caashaqa ka daa
Digashada caashaqa ka daa
 
Hana ayaa odhanaysa “walaal Subeeroow aniga waxba heesta ha ii dalacin jacaylka ku haya iyo dhibtiisa waan ogahay waxaanse ogahay khaladna ha igu ahaatee qofka aad jeceshahay inaanay ahayn mid aad intaasoo dhan isu khasaariso ama naftaada u dhibto anigu maanta beerkayga hadii la yidhaa u saar walaalkaa waan kuu saarayaa mana jiro adduunyada cid aan eegto oon adiga ahayn waan ku khasbanaa waxaad jeclaato inaan kula jeclaado laakiin walaal waxaan xusuusnahay halkaad ka soo baxday heerka aad taagnayd iyo halka aad maanta marayso oon ahayn kuwo isku dhaw anigu hal habeen in dhibaato kula soo deristo oo aad seexan waydo waxay iila mid tahay boqol maalmood oo aan soo jeedo” Hani marka ay hadalkaa leedahay indhaheeda ilmo ayaa ka socda waayo waxa damaqday heesta uu u galiyay taas oo uu ka dhigayo in walaashii dulmiyayso caashaq dhab ah oo jira.

Subeer ayaa intuu istaagay ku yidhi walaashii “walaal waan dareemayaa oo waxaad u aragtaa in aan heesta adiga kuu galiyay laakiin waxaad ogaataa dunida oo dhan ayaa iska wada sidaa ah adiguna in aanay jirin cid aad iga jeceshahay anba waan ogsoonahay”, way isu dhagaysanaysaa Hodan mudada ay wada hadlayaan labada walaalaha ahi oo ugama banaana meel ay ka soo gashaa Hana ayaa inta ay soo kacday walaalkeed labada dhaban ka dhunkatay waxaanay ku tidhi “anagu hadaan reerkeena nahay waligayo waxaanu kula jeclayn waxaad jeceshahay waxaadse eersataa cidii aad jeclaatay waayo haddaanu kuu diidi lahayn anagaa khaladka lahaan lahayn maxaanu yeelnaa adiga oo soo taagan ayay nin iska guursatay” Subeer hadalkaasi wuu ka cadhaysiiyay wuxuuna ku yidhi “miyaad ogtahay sababta kaliftay guurka Salma maka war haysaa inaan ahay ka ku qalqaaliyay in nin kale guursado ma u qaadanaysaa ka ku faraxsanaa in la guursado wakhtigaa inaan aniga ahaa ma malayn karaysaa sababta aan waxaasoo dhan u yeelayay? Waxa jirtay arrin aan idinka qariyay rabina inaan hadana sheego oo soo dhex gashay aniga iyo gabadha aan is jeclayn qof walibana wuu yeelayaa haddii ay la soo dersi lahayd arrintani” Hodan marka ay halkaa marayso sheekadu saacaduna tahay sideeddii habeenimo ayay odhanaysaa “dee labadiinan walaalaha ahi idinkaan ka dhicin kuwo is jecel ee aniga talow gurigayagii yaa i gaynaya” wakhtiga waa la isku beegay oo Hana muddadan oo dhan waxay ugu sheekaynaysay Subeer in goor sheegtu sii jiidato wakhtiguna sii fogaado si uu Hodan u noqdo qofka kaxaynaya waxaanay ogtahay in marka ay isku keliyaystaan kolay kaftan dhex mari doono waxaanay la soo booday “oo walaal maanad ogayn in gaadhigii Subeer albaabka inoo yaalo ma inagaa ahba cid ka werwerta qofkii ina qaadi lahaa aan iska sheekaysano ee hadalka inoo wada hana inoogu soo koobina” intay kacday ayay mar labaad waxay u soo qaaday laba koob oo sharaab ah iyo keeg ay iyadu guriga dhexdiisa ku samaysay oo muddooyinkii danbe ee Subeer cuntooyinka kale ka soomay,

 Hana ayaa ahayd qofka gacanteeda wax ku siin jirtay isla markaana waxay u samayn jirtay waxyaalo yar-yar oo ay iyadu samayso intii ay maqnayd ayay Hodan ku tidhi Subeer “arrinta ku qabsatay miyaanay ahayn ama noqonayn mid aad iska iloobi karto hadaad hesho waxaad ku ilowdo waxaan dareemayaa waalidkaa, walaalahaa iyo caayiladiina oo dhami way ka soo horjeedaan guurka gabadhaa adiguna ma noqon kartid mid gooni u baxa anigoon ka hadlayn dhinaca dhaqaale iyo isku filaansho balse kaa tusaalaynaya xaga isku xidhka xaafadiina” Subeer inta uu yar dhoole cadeeyay ayuu ku yidhi “maanta oo ay magaalada joogto iska dhaafoo iyadoo la qabo oo nin kale oori u ah ayaan jecelahay hadeerna waan jeclahay waanan jeclaan doonaa” erayadaasi waxay ku yihiin dhib iyo karaahi inanta Hodan ah waayo waxay damacsan tahay inay wax u furfurmaan oo Subeer ka soo dabco halka uu taagan yahay markii ay dhamaysteen cabitaankii iyo cunitaankii keega ayaa waxay u balamayaan in ay amba baxaan waxaana la soo istaagay albaabka hore ee aqalka oo uu ku jiro gaadhigu Hana ayaa ka furaysa albaabka hore iyadoo sii macasalaamaynaysa niyadana u dejinaysa walaalkeed Subeer Hodana ku leh “inankayagu yaanu cidlo naga dareemin” waa la soo dhaqaaqay markii dhexda la marayo ayay Hodan soo jeedisay in maadaama ay wali fiid tahay magaaladana in badan aanay arag in badan oo ka mid ah uu soo tuso Huteel Ambasador oo wakhtigaasi isagu ahaa mid cusub sidii uu ka yeelay wuuna geeyay way soo daadaawadeen sharaabay ka soo cabeen waana soo noqdeen marka ay marayeen isgoys wadada dhexdeeda ah ayaa waxa ka soo horbaxay Salma oo la socota gaadhigii shaqada oo wakhtigaa habeenimo dib ugu noqotay xafiiska Salma gaadhigu kuma cusba iska dhaafe isaga e lanbarka gaadhiga ayay sheeda ka taqaanaa waxa la isku soo gaadhay goob ishaaro ah waanay is barbar galeen iyadoo Salmi rabta inay Subeer salaanto nasiib darro dhinaca Salma waxa soo xiga Hodan oo sidaan horeba u sheegnay wakhtigan u lebisan si aan hore loo arag daaqada ayay kala hadashay si uu muraayada u dejiyo Hodan ayaa soo jeedinaysa Subeer waxa aanay ku odhanaysaa “gabadhbaa leh daaqada dejiya ee maxay inooga baahan tahay” wuu soo jaleecayaa waxaana indhihiisa qabanaya Salma naxdin, farxad, amakaad, af kala qaad, anfarii, werwer, walaac, shaki iyo dareemo badan oo kale ayaa mar kaliya maskaxdiisa ku kulmaya waxaanay Salmi iyada oo qoslaysa oo qudheedu u qaadan la’ gabadha la socota Subeer ku odhanaysa “Walaal waa wado waxaanse doonayaa inaan kula soo hadlo caawa ee sideebaa wakhtigu kuu yahay” markaa adigu waxa galay dareen shaki oo waxay is leedahay wiilkii Subeer ahaa wuu leexday waxaana ka soo dhaadhacay hadaladii faraha badnaa ee waalidkii ku lahaa sidoo kalena markay kala dhaqaaqeen ee ay Salmi hoyatay waxay ugu tagtay guriga aabaheed oo daarada fadhiya una diyaar ah inuu u sheego farriintii uu soo faray oday Dhamal cabaar ka dib markay cashaysay ayuu u yeedhayaa waxaanuu leeyahay 

“Aabo maalintii dhawayd ee aad shaqada heshay waxaan diiday inaan kaa nixiyo waayo hadalo aad u xun-xun ayaa iga soo gaadhay ninka dhalay inankii Subeer ee aad ii sheegi jirtay aabo waad ogtahay nin oday ah oo gabadh dhalay soddogna ah anigu ulama dhaqmin sidii uu iila hadlay balse aabo odaygaasi wax alaale wuxuu iila hadhay ma jirin” wuu u sii waday hadalka oo wuxuu u gaadhsiiyay in xitaa odayga Subeer dhalay ku yidhi “inantaada naga qabo oo ha ii nabad geliso wiilkayga telefoonka gurigaygana yay soo garaacin” cajab!!! Waxaad moodaaba in wax isku beegbeegmeen inantii Salma aabaheed si wanaagsan ayay uga qaadatay hadalkii waxaanay ku yidhi “aabo horena ceeb kuugumaan keenin maantana ha iga filin inaan kuu keeno wax qayrkaa ku hoos marinaya” Salma aabaheed wuu ku soo kacay ayuu madaxa ka dhunkaday oo uu ku yidhi “aabo duco ayaan kugu ogahay waxaad ogaataa in aanad waligaa iilanayn waxaad ogaataa inaan waxba kaa xumaanayn ha hilmaamin hana iloobin in aniga iyo hooyadaa mar walba aan kula daba taaganahay duco” intaa kadib Salmi waxay u dhaqaaqday dhankii qolkeeda si aada ayay u fekertay manay fekerin mudadii ay joogtay sidii caawa u fekertay waxa isu qaban la’ hadalka aabaheed, Subeer iyo gabadha la socota, telefoonka guriga ee lagu dhigayo, iyo hadalo ay dhalinyaradu ku soo tuurtuurayaan, dabcan waa gabadh ugub oo aad u qalbi jilicsan mana aha qof marka hore u dhalatay waji adayg iyo is adkayn waa laga dareemayaa dhibaato kasta oo la soo derista kadib waxay go’aansatay inay si toos ah ugu tagto Subeer soona waydiiso waxyaabaha is bedelay iyo hawsha hada socota waxay kor u qaaday Tilifanka nooca loo yaqaan Mobile-ka maadaama aan ka kale ee guriga laga qaadayn way garaacday markuu arkay lanbarkeedii ayuu si deg-deg ah u qabtay waxaanuu ku yidhi “Walaalo Salma bal iska waran maxaa kugu dhacay baryahan, maxaa laguu waayay maxaad ku mashquushay maxaad igu ilowday ma shaqadii aad heshaybaa mise hooyaa xanuunkii ku soo kordhay” intuu cabaar qoslay ayuu ku yidhi “Salma anigu ismaan lahayn intaasaad kala maqnaanaysaan” Salmi intan uu hadlayo mar kaliya jawaab may celin waanay dhagaysanaysaa markuu dhamaystay ayay ku bilowday “Walaalkayoow waa adduunyo waa hadhkaa labadiisa galin waa madow iyo cadaan waa farxad iyo murugo waa abaar iyo barwaaqo waa oohin iyo qosol waa amakaag iyo ashqaraar ma diidani inaan noqdo mid aad kaga baxday ama aad kaga aar goosatay gef hore oo ay samaysay balse waxa isu kay qaban waayay hadalkaaga macaan wajigaaga furan iyo qalbigaaga sida kale u shaqaynaya waxa u qaadan waa igu noqotay inaan ogaado inaad leedahay saaxiibad kale taasoo aanay cidina ii sheegin hada ogowoo kuumaan diideen waan kugu hambalyayn lahaa waan kuu soo dhawayn lahaa laakiin sidaad yeeshay marnaba ma yeeleen maxay kaa taraysaa maxaadse igu yeelaysaa maxayse kuu kordhinaysaa intood gabadh qurux badan soo qaadato inaad gaadhiga aan saaranahay barbarkiisa soo istaajiso maxay kaaga badan tahay miyaynu se ahayn walaal laba ay ka dhaxayso arrimaha noocaas oo kale ah kuma seexan habeena kuma toosin aroorna hadimee Subeer meel baa i damqata beerkaa i olola bogaa i daloola haddii aan arko dhib aad leedahay dhaayuhu ma farxaan aragaaga la’aantii ma galo shaqo ilaa aan arko sawirkaaga ma seexdo habeenkii ilaa aan dhagaysto hadalkaaga halaaga, jabka, jiribka, qalalaasaha, qulubka hagardaamada, hantaaqada iga go’day mudada aan kuu sheegayay waxaan ilaahay ka baryayaa inaanuu waxba kugu yeelin anigana uu iga caafimaadiyo walaal waad ogaysoo markii aan dhibaatada galay markii aan falka sameeyay markii aan fakiyay jacaylkeena markii aan ku cidleeyay anigu waxaan ahaa qofka mar walba taagni inaan adiga kuu go’o hase ahaatee adiga ayaa iga diiday oo igu yidhi yeel hadalka waalidkaa maanta waxaan marayaa meel aanay marayn xataa dadka waalan walaal waxaan ka xishoonayaa dhalinyarada waxaan dhibsanayaa cid kasta oo isku keen taqaana waxaan ka cabsanayaa qof kasta oo ii yimaada aniga oo is leh tallow muxuu ku waydiin doonaa Subeeroow haday kula sahlan tahay aamuska aad aamustay inanta aad raacday go’aanka reerkiina eed aqbashay waxaad ogaataa in aan waligay ahaan doono Salma oo Subeer u joogta adiga ayay kuu taalaa sida aad ka yeelayso naftayda aayahayga iyo mustaqbalkayga” 

Subeer mudadaas oo dhan aad ayuu u fekerayaa waxaana ka dhaadhici la’ meeshan ay ula dhaqaaqday iyo halka uu joogo wuxuu is barbar dhigayaa isaga iyo waalidkii sida ay isku yihiin iyo hadalada gacalisadiisa garaadkiisu ma xuma nin maan gaabana maaha markiisa horena uma dhalan inuu ku degdego hadalada qaar maskaxdiisuu baadhayay wuxuu ka soo minguuriyay wuxuu ugu jawaabi lahaa ama uu kaga jaahil tiri lahaa sida iyo qaabka ay u qabto Salmi iyo halka uu isagu taagan yahay Subeer wakhtigan wuxuu ka soo noqday Hodan oo uu soo dhigay oo waatii Salmi ku aragtay isagoo sida cabaar ayuunbuu guriga joogaa wuxuu ku yidhi “Walaal moobilka dabkaa uga dhacaya waxaad soo garaacdaa laynka guriga” dabadeetana sidii bay ka aqbashay wuu dhigay telefoonkii Salmi waxay soo tijaabisay inay garaacdo laynka hore ayuu ugu soo gali waayay qofka marka shaki ku jiro ama uu meel ku maqan yahay ama niyadiisu meel ku jeedo wax waliba waxay isu tusaan dhinaca kale markiiba waxay isu rogtay ama ay isa siisay oy maskaxdeeda galisay ogaanbaa telefoonka laynka loo xumeeyay iyadoo ku daashay ayuu goor danbe Subeer telefoonka kor u qaadayaa show dhinac ayaanu si haboon uga saarnayn wuu garaacay Salma oo aad u cadhaysan ayaa qabatay “Hallow markay tidhi” ayaa wuxuu ugu jawaabay “Walaal raali ahaw waan dareemayaa oo waad cadhaysan tahay hase u qaadan waxa aan u kasay in badan ku sii daahi maayo oo arrin ka wayn arrintan ayaa ina dhex taala waxaan doonayaa inaan kuu sheego in aanay gabadh aan la sheekaystaa waxaan doonayaa inaad ogaato dookhaygu inuu adiga yahay waxaan doonayaa inaanan ogayn dunidaba inay dumar kula mid ahi ku uuman yihiin waa nasiib darro waa ii ayaan daro waa ii masiibo waa ii niyad jab waa ii karaahi waa la iga adkaaday adna waad ii raacday waxaan ku jiray dagaal waxaan galay dhufays adiguna cadowaga ayaad barbarkooda soo istaagtay hadaad adigu hooyo iiga baxdid barigii ogow anigu inaanan ilowsanayn inaan ahaa qofka go’aanka lahaa waxba ha igu celcelinin ha igana dhigin qof iloobay abaalkii dhexdeena anigu wali sidiibaan kuu ahaaye wax igu kordhay mooyaane inaba jacaylkaygii waxba iskama bedelin balse waxa yaab ka joogaa sidaan kaaga dhaadhicinayo horta way u martay oo way u suuro gashay waana fursad la ila helay waayo sida wax iskugu soo beegmeen ayaa dareemayaa laakiin isma lahayn niyadana kuma hayn qalbigaygana kumay jirin Salma ayaa kuu soo raaci doonta ama kuu maqli cid kale haddaan kuu sheego hadalkaba haddaan kuu cadeeyo waxa jira haddaanan waxbaba kaa qarin oon halkiisa ugu tagno waad ogtahay oo reer Dhamal ilama kaa rabaan waxaanay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan yihiin sidii ay iigu dooni lahaayeen gabadh kale balse haddii aan ka yeelo arrintanina maaha inay adiga ku shaki galiso waayo qofka ay haysataa waa aniga cid laga rabo in uu ka soo baxana waa Subeer adiga waxaan kaa sugaa waa samir iyo dulqaad inantan aad aragtay iyo kuwo kale ood arki doonto iyo qaar laguu sheegi doono iyo kuwa hadeerba laguu sheego wax ka jira ma jirto qalbigayguna waa mid midkuna waa Salma” Salma cabaar ayay aamustay mar waxay is tidhi waad khaldantay marna waxay is leedahay waad saxsantahay markay eegto hadaladii aabaheed iyo gabadhii ay ku aragtay Subeer niyadeeda waxaa ku soo dhacaysa in Subeer khiyaamaynayo oo waxa uu u sheegayaa tahay maaweelin iyo maslaxaad uu ku maslaxayo iyada ee aanay jirin wax kale oo ka hooseeya waayo hadaladii xaaji Abtidoon iyo gefkii Dhamal ayaa waxay noqdeen laba meel laga maro aanay jirin marna Salmi waxay is leedahay Subeer waad ku geftayoo isagoo kuu maqan oo waalidkii ay cadaadis saareen ayaad adiguna iyagii u raacday oo waadigan waxaanu qabin dusha ka saaray ee ma haboonayd oo ma wanaagsanayd mase qurux badnayd inaad hubiso intaanad hadalka odhan intaas oo hadal ah iyada uunbaa niyadeeda iska leh Subeer wuu yaaban yahay waxay la aamusan tahay waxaanuu ku yidhi “Walaal ma kugu dhibaataa hadalkaygu miyaad daalan tahay oo waan kaa dhigaa telefoonka miyaan khaldanahay oo may ahayn in aan intan kula hadlo bal ii sheeg sida wax u jiraan” 

Salmi waxay ku soo baraarugtay hadalada cadhada ah ee uu Subeer telefoonka kaga soo leeyahay waxaanay tidhi “Alloow sahal ammuuraha walaal kuma nicin kumana nici karo naxlina kuuma qaadine waxaan ka fekerayay aayaheena mustaqbal waayo waxyaabo badan ayaa isu kay qaban la’ mar laybana waxaan u baahnahay inaan sida ugu dhakhsaha badan  kuula kulmo oo hadayna caawa noqon habeen danbe aanay shaafin ha dhayalsanin oo ha u qaadanin inaan iska leeyahay hadalka xaalkeenu meel adag ayuu marayaaye waxaynu u baahanahay inaynu wax isku ogaano meel wax isla dhigno dhibta meesha ka saarno inaad ii maqantahay aan ogaado adna aad ii ogaato inaan adiga kuu joogo intase ka horaysa xaaladeenu waxay ahaanaysaa mid cakiran oo dhinac walba ka soo oodan” Subeer wuu ka aqbala ballantii oo wuxuu yidhi “Habeen danbe todobada ayaan kuugu imanayaa halkii aan iskugu iman jirnay hadalka dadku leeyahayna marlay maaha inaad ii maqasho imikana walaal waad mahadsan tahay ee waa inoo iyo berito igalana soo hadal Mobilkayga habeen” wanaagsan ayaa la is yidhi wakhtigaa Hodan waxay telefoon kula hadlaysaa Hana waxayna uga sheekaynaysaa inay arkeen gabadhii Salma oo ay isku aragtay iyaga oo wada socda si xuna uga gubatay Hana yar aad bay u qososhay waxaanay tidhi “Waa intii aan doonayay gabadhaasi mar uun ha aragto in wiilkayagu uu raadsan karo gabadh kale balse aanuu iyada oo keliya ku indho beelin Subeerbaa debeda u soo baxay waxaanuu maqlayaa qosolka Hana wuxuu ugu soo galayaa qolka isagoo waydiinaya waxay intaa ku faraxday waxayna ugu jawaabaysaa “Walaal waxaan sheekaysanaynay inan aanu saaxiib nahay oo nin soo doonayay la yidhi gabadh kale ayuu u fadhiistay markaa sheekadaasaa nagu noqotay dhako faar” Subeer waa iska daacad mana dhaadana oo aad uma eegin ama kama filayaba in cida faraha lagula jiraa ay tahay isaga intuu isna la qoslay ayuu iska soo baxay waxay daarada iskaga hor yimaadeen odaygii u aabaha ahaa oo soo rawaxay waa la isa salaamay balse wax salaan dhaafsiisan la isuma yeelan dhinaca kale Salma markii ay wada hadlayeen Subeer waxa dhagaysanaysay hooyadeed maqlaysayna wax kasta oo ay is lahaayeen waxaanay ku odhanaysaa “Hooyo waan idin maqlayay adiga iyo wiilkii aad ii sheegi jirtay hadalada idin dhex yaalay manaan garan arrimahan is bedelay iyo waxa sababay inuu muddada intaa leeg dhinaca kale ugu wareejiyo maskaxdiisa waxaanse kuu sheegayaa weli inan yar baad tahay waan maqlayay calaacalkaaga iyo in aad ku tidhi naftaydu adiga ayay kuu xidhan tahay waxaan hooyo kuu sheegayaa waayeelbaa wax la waydiiyaaye inanku kama tagana ama marnaba ma dhaafayo  sheekada aabihii waxaana ku khasab ah in uu yeelo inantii uu aabihii u keeno hooyo kuma lihi diid kasoo hor jeedso ama hada ka noqo go’aankaaga balse waxaad ku qabsataa niyadaad in qofku bina aadmi yahay isna bedeli karo” intaa marka ay is yidhaahdeen ayay Salmi hooyadeed ku odhanaysaa “waan iska seexanayaa waanan qaatay waanadaada” maalintii labaad goor ay tahay 11 subaxnimo ayaa waxa iska soo horbaxaya gabadha ay Subeer walaalaha yihiin ee Muna oo ka wayn Hana iyo Salma oo wakhtigaa la socota gaadhi aan ahayn kii Hayada balse iyadoo degdegsan awgeed u soo kaxaysatay gaadhigii masuulka xafiiska ay ka shaqayso Muni waxay meel dhaw ka arkaysaa Salma oo la qoslaysa darawalka gaadhiga laakiin ma garan karto  mana oga waxay is leeyihiin way iska soo dhaaftay gurigooda ayay soo gaadhay waxa sheeko la qabsaday Hana waxay ugu bilowday “miyaad maanta ogtahay waxaan soo arkay gabadhii Salma oo suuqa la maraysa nin shaw Hanaay inankan aynu walaalaha nahay gudcur ayuu gudayaa ee gabadhaniba uma jeedo waanay ku dul sheekaysataa isagiina waadigaa arkayoo iyada mooyaane cid kale indhihiisu ma qabanayaan”.

 Inta aynaan haddaba sheekada sii wadin ayaa waxaan u sheegayaa akhristeyaasha iyo dhamaan dhalinyarada, waayeelka iyo waxgaradka akhrista sheekadan in ay jiraan dad aan iyagoon is arag la kala dilo oo loo kala sheekeeyo midba midka kalena waxaanuu ahayn looga sheego waxaa badan oo dhacda goor walba hebel oo aanuu aqoon u lahayn inuu ka sheekeeyo hebel kale isagoo ku sifaynaya sifayaasha ugu xun-xun ee qof lagu tilmaamo odhan kari mayo ma aqaano qofkaa ama haddiiba uu yaqaano qofkaasi waa qof wanaagsan wuxuuse xooga saarayaa sidii uu burush u sii marin lahaa aayaha danbe ee noloshiisa oo dhan anigu kolay qof ahaan ma garan karo ahmiyada ugu jirta iyo faa’iidada uu ka helayo balse waxaad moodaa in ay ku faraxsan yihiin dadka intooda badani wax ka sheega iyo kala dilida dadka is jecel oo waa kii fanaankii lahaa

Dad hadaad is qabataan
Ileen waad la doodaa
Dugaagoo ku weerara
Yurbaa lagu dabaalaa
Duufaanka xooga leh
Waa laga ducaystaa
Shay kasta oo nafta u daran
Waxbaa lagula daalaa
Balo waxaa ugu digo kulul
Damiir xume jacaylbaa
Daandaasi badanaa
Waa dira diraalee
Intuu hore u dabar jaray
Duqii qays ahaa kow
Ku daaroo cilmina labaa
Inuu cudur da’ wayn yahay
Qofkuu helo dawoobayn
Danbi miyuu ka leeyahay
Anaa doorka waayuhuu
Daraygiisa ma i sudhay
Naftu… naftu maygu duduucdaa
Ayana ma iga durugtaa
Inaan doona mooyee
Miyaan dibed ku hoydaa
Danba miyaan
Miyaan diirba naxayaa

La Soco Qaybta 14aad  Share on Facebook  Share on Facebook  Share on Facebook

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE