SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 142 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybtii 14aad

  Share on Facebook

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Qaybtii 13aad Waxay inoo joogtay heestaa Dad hadaad is qabataan Ileyn waad la dodaaysanaya, Dugaaga oo ku weerara yurbaa lagu dabaalaa, Duufanka xooga leh waa laga ducaystaa, Shay kaste oo nafta u daran waxbaa lagula daalaa, Belo waxa ugu digo kulul, Damiir xume Jacayalbaa Dandaansi badanaa: ...

Qaybtii 14aad   Share on Facebook

Waxa  Waxa Ku jira tuduca heestan fanaankii waynaa alle ha u naxariistee Axmed Mooge Liibaan erayo badan oo kaga hadlayay dira diraalaha iyo dookha, jacaylka wax kastana inaad iska qaban karto balse aanad u jilib dhigi karin qof aad jeceshahay oo damiirkiisa la soo bedelay lana yidhi qofkan kale dan kaama laha way adagtahay sidaad uga daadajiso inaad jeceshahay haddaad oydo hadaad heesho hadaad geeraarto iyo hadaad geeraarto halkii uunbuu isagu taagan yahay waayo waxaa layidhi been fakatay run ma gaadho maahmaahdaas oo xaqiiqdii ah mid dhab ah goortay gaadhaana waa goor lagu kala tagay waxaan uga dan leeyahay een uga soo araartay tuducan waxaan ogahay dhalinyaro badan oo iyaga oon is dilin is dhaliilin is dhibaataynin is nicin kala fogaanin loo kala sheekeeyay oo midba midka kale u haysto wax aanuu ahayn waxaanan uga jeedaa bulshadu ha u baraarugto gaar ahaan dhalinyaradu indhaha ha kala qaado oo ilaa ay xumaan ku arkaan qofka waa inaanay qaadan waxa looga sheegayo haddii kale wax idiin dhismaya wax idiin hagaagaya horumar aad gaadhaysaan reer aad dhisanaysaan ubad aad yeelanaysaan arrin idiin toosaya iyo wakhti aad iska celinaysaan midna ma jiro waxaad ahaanaysaan la haysteyaal lagu haysto wax yar waayo tadawurka horumarka la gaadhay ayaa wuxuu kuu sahalayaa maanta inuu qofka kaaga dhigo waxaanuu ahayn haddii aanad hubsanin haddaba soo ku khaldami maysid waxaan xusuustaa nin aanu saaxiib ahayn ayaa maalin walba wuxuu ka cawdaa waxaanuu ahayn oo lagu sheego maalintii danbe ayuu igu yidhi “ninyahow maxaan yeelaa” anaga iyo dhalinyaro faro badan oo kale ayaa kula talinay inuu sheegto ama ogolaado waxa lagu sheegayo waxay noqotay arrintii markay muddo socotay in la waayo dabadeedna ay isku dhacaan labadii dhinac ee kale dhibaatooyinka hortaagan dhalinyarada ee hagardaamada ku ah ayay kaw ka tahay dira diraaluhu sida abwaankuba sheegayo
Dadba yaan isku diidin
Laba dookhu is raacshay
Kalgacayl isku doonay
Yaa ugu deeqa wanaaga
Yaa daneeya jacaylka
Teeda yaanuu darnaanin
Isna tiisa daryeela
Iyagoo iyyagoo isku duuban
Dadab yaa iskugu hooyoo
Ducada aan kala raagin
Alloow yaa dun xariiraa
Dhul barwaaqo dhexdiisa
Kaymo doogu hadhaysmay
Darmada ugu balaadhsha
Yaa durduursha samaanta
Damaashaadka arooska yaa
Abwaano u doonaa
Ilaa diigu ciyaayoo
Daakiraayo wadaadku
Fanaaniinta dalkoo dhan
Yaa u diyaarsha cawayskaa
 
  Share on Facebook
 
Aan dib ugu noqono sheekadeenee inkastoo ay si xoog ah iskugu direen reer Dhamal lamaanaha Salma & Subeer haddana dhanka kale reerka ay ka soo jeedo Salmi iyagu faraha lamay soo galin xaaladu meesha ay marayso waxa kaliya ee ay i waydiiyeen waa inay ka waraystaan caafimaadka inanka wakhtiga ay hawshooda dhamaysanayaan waxa ka dhiman iyo sidii ay wax ula qaban lahaayeen waxay sidii ahaataba maalintii danbe ayaa odaygii Abtidoon ee dhalay Salma oo u adkaysan la’ sida foosha xun ee loola dhaqmay inantiisa uu u yeedhay inantii uu dhalay ee Salma iyo ooridiisii waxaanuu u bilaabay ama ku tiraabay hadalo intooda badan yihiin tiiraanyo iyo xumaan uu ka tirsanayo magaalada uu degen yahay wuxuu ku yidhi “Waxan maqaaxiya iyo nawaaxigii aan joogay lagaga sheekaystaa sheekada Salma iyo Subeer arrintanina haday sii socoto waa mid aad u fool xun oo u baahan in la soo afjaro markaa mar hadaad I horfadhido inantaydiiyeey waxaan caawa kaa rabaa laba arimood midkood waa ta hore ee inaad wiilkii aad jeclayd keento ood guursato kuna soo doono inaad faraha kala baxdo oo aan sheekadaasi mar danbe iyo wakhti danbe soo noqnoqanin hadaad arrintaa qaadan waydo anigu aabo magaaladan daraadaa ayaan uga baxayaa waayo uma adkaysan karayo sheekada, dacaayada iyo hadalada dal qaafka ah ee la isla dhex marayo aad uma diidani oo waligeedba inani wiil jeclaan jirtay ama wiil gabadh jeclaan jiray qasabna maaha inay mar walba isu helaan sida haboon ee ay doonayaan waxaase maanta maraya magaalada wax aynaan u dul qaadan karayn oo reer Abtidoon ku ah lafjab cid kastaana waxay ka sheekaynaysaa sida uu uga aargoosanayo wiilkaasi gabadheena mudadii uu odaygu hadalka waday hooyo Ruun iyo Salma labaduba way dhagaysanayaan wax hadal ahna kumay darsan balse markii danbe ayay Ruun la wareegtay hadalkii waxaanay tidhi 

“Hadalka aad ku hadlaysaa maaha been mana aha in aynu dhagaha furaysano oynu iska dhigno cid aan waxba maqlayn waxa aad maqlayso dhamaantayo waanu ognahay waliba waxyaabo badan oo aanad adigu ogayn ayaan aniga iyo inantaydu kaaga xog ogaalsanahay waxaase la yidhi Hubsiimo halbaa la siistaa ee ma eegnaa inuu wiilkani la qabo arinkan reerkooda iyo inkale odaygii Abtidoon intuu aad u soo booday uu soo hinqaday ayuu yidhi “Waa sax waana wax loo baahan yahay laakiin waa in ayna inala dhaafin labada maalmood ee soo socda ogowoo waa kuwii ballansanaa Salma iyo Subeer inaanay telefoon ku kala dhergayn ee ay isu yimaadaan ballantuna waxay ku began tahay habeenkan odaygu hadlayo habeenka ku xiga mar keliya ayaa odaygii iyo islaantu waxay jaleeceen dhinaca Salma oo ah qofka wax laga sugayo waayo iyada ayaa u tagaysa Subeer kana keenaysa war cad intay hoos u foorarsatay oy run ahaantii khajishay ayaa iyadoo gorada laalaadinaysa ay ku tiraabtay “Aabo iyo Hooyo waan ogolaaday waanan u tagayaa habeen danbe habeenka ku xigana aniga ayaad iga taqaanaa war cad iyo siday xaajadu ku dhamaanayso ama waxay noqon sidaa aad sheegaysaan oo reerkooduu raaci ama wuxuu noqon doonaa nin aniga ii soo go’a oo aanu is guursano” Ruun oo runtii ahayd islaan aad u maskax badan ayaa waxay tidhi 

“Hadda waxaad ku darsataa tirada in wiilku madi yahay reerkooduna ka maarmayn inta colaada reerkaasi jirtana wax kuu hagaagayaa aanay jirayn markaa marka aad la hadlayso Subeer ha ula hadlin sidii qof leh reerkiina ka soo go’ ama qof leh keligay iga dooro reerkiina waxaadse tusaalaysaa waayaha jira wakhtiga lagu jiro iyo xaaladu halkay marayso sidaad iiga sheekaysay Subeer waa nin caqli badan wuu kula qaadan doonaa oo wax badan kugu diidi maayo waxaadse ka dheeraataa in labadiina dhexdiina laga shaqeeyo oo la isku kiin diro” Salma intay hooyadeed iyo aabaheedba macasalaamaysay ayay gurigeedii dib ugu noqotay waxa guriga u dhex yaala compter uu ku xidhan yahay internetku markaa way furtay bogoskeedii waxa ku jira ugu yaraan soddon fariimood oo ay soo direen dadyow kala kaan kaan ah oo aanay midnaba iyadu garanayn waxyaabaha ugu badan ee laga hadlayo waxa ka mid ah sababta ay ugu ciyaarayso wiilka miskiinka ah qaar kalena waxay leeyihiin jacaylka ku hayaa waa khiyaali oo maba jeclid Subeer waxaadse tahay gabadh raacda lacagta oo waadigii barigii horeba ka guursaday ninkii debeda ka yimid inkastoo ay adduunyadu dhib badan tahay waayuhuna xanuun kulul yahay ayaamuhu kala daran yihiin qofna qof uma oga qoomamada iyo qoonta ku taala haddii ay ogaan lahaayeen in inta badan jidhkeeda ama gebi ahaan nafteeda ay u hibaysay Subeer kuma idhaahdeen erayadan ay u soo qoreen. 

Salmi kamay daalin inay wada akhrido dhamaan maasayjyadii loo soo dhigay waanay dhamaysay waxa ugu yaab badnaa mid uu soo qoray nin magaciisa ku sheegay C/laahi Nuur oo uu leeyahay gabadhyahay marka hore salaan marka xiga ilmada yaxaaska ee aad ku beer laxawsanayso ninka miskiinka ah ee aan dhibta gaysan miyaanad ka baqayn in ay adiga ku danbarsato oo ay kugu dambayso maxaad adiga oo aan jeclayn isaga dhigaysaa qof jecel mase ogtahay inuu leeyahay gabadh aad u qurux badan oo ay nolosha wadaagaan meel wanaagsana u marayso sheekadu waxaan kuu sheegayaa hadaad khajilayso waxay ahayd inaad magaalada iskaga dhoofto hadaan anigu adiga ahaan lahaana marnaba igamay suurowdeen inaan ku noolaado meesha ama goobta aan ku sameeyay gabood falka noocan ah isagoo u soo qaadaya hees jacayl ah

Waxa aan la dhacayaa
La dheeldheeliyayaa
Waa dhaawacaagee
Lafta dheer ee dhabarkiyo
Dhagahaa I culusoo
Dhaqdhaqaaqi maayee
Dhaayihi jacaylkoow
Waan kaa dhur sugayaa
Ha iga dhicin
Habeen ha iga dhixin
Ileen waa dhibtaydee
Waxa aan la dhuubtee
Dhuunigiina iga jaray
Waa dhibaatadaadee
Dhiigaygii baad tahay
Aan ku dhaadanaayee
Soo yara dhawaw
Dhaayihii jacaylkoow
 
  Share on Facebook
 
Mar heestaasaas oo kale ayaad u soo qori jirtay ayaad habeen iyo maalin waxaad u keeni jirtay bushqado faro badan oo ay ka buuxaan heesahaasi markii danbena waxaad gaadhay heer markuu telefoonka kuu soo diro aad tidhaahdo codkaa ma garayo ee tallow yaad ahayd adigoo si dhib yar u iloobay axdigii idiin dhexeeyay oo ka doortay nin lacag leh waxaanuu isagu qaadayay maalmahaa uu niyadiisa ku maslaxayay kuna sasabayay naftiisa heesta ah:
Ma ogtahay daraadeed
Riyo inaan ku daaloon
Aan bad wayn dabaashoo
Ka baafiyay daruuraha
Ma ogtahay dantaydiyo
Intuu caashaq ii diray
Inay tahay da’deenaba
Inaan ana kaa door biday
Taan daydayaayaay
Ku dibjiray habeenadan
Mawluhu ha daayee
Daymadaa jaleecada
Sida geel dar loo huray
Saw kumaan dunuunicin
Adaan dookh jacayl iyo
Kalgacayl ku daarine
Miyaan duniba joogaa
 
   Share on Facebook
 
 

La Soco Qaybta 15aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

Contact:  Webmaster@sdwo.com

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE