SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 142 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qaybtii 15aad

  Share on Facebook

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Qaybtii 15aad 

Waxa  
Isago    Isagoo mar walba dhagaysan jiray heesahaa iyo qaar kale oo faro badan oo uu ku dhayi jiray naftiisa adiguna imikaad si dhayal ah u rabtaa in aad u dhaxasho nolol waayo badan lagu soo dhibtoodoo dhaxan iyo qabaw iyo dhul bahal galeen iyo loogu dhoobtay kaymo halis ah dhooldhoolintiisii iyo dhinacyo hayntii dhiigii jidhkiisiyo dhididkii ka baxayay hadba dhababacayntii dharaar gees u cararkii dhalinyarada magaaladu ma ku dhantahay warkiisiyoo dhamaantood wax seegan inanyahay ma ogi adiguna dhul baraflaad dhaldhalaal jacayl iyo dhayal raaxo ugu joogtoo dhaqasho iyo qurux meel aan dhib lahayn habeen dhaansi la ciyaariyo dhankaad doonto maraysoo dharkaad doonto xidhatoo adduunyada dhamaanteed dhinac walba ka aadaye. Waxaan anigu ku odhan lahaa mid kale oo dhigaaga ah iska doono inankana dhibaatada dhako faarka iyo hawsha faraha badan leh ka daa haddii kale adiguna waxba ka heli maysid dadkuna way ku og yihiin waxaanan kugula talin lahaa inaad ilowdo Subeer iyo sheekadiisa.
 
  Share on Facebook

Qoraa Qoraalkaasi lkaasi wuxuu ahaa kii ugu khafiifsanaa ee loo soo qoro oo waayo dadka kale qaarkood way caayayeen balse talo, tilmaan iyo tusaal ayuu isku raaciyay waxaanay mar walba arkaysay Salmi in magaaladu ka haysato war khaldan oo ah inay jacaylka kaga baxday iyadu Subeer waxa intaa dheer inanta waxaas oo dhami ku dhacayaan ninka ay jeceshahay isagu wali wuu jecel yahay mana oga wax dhibaato ah oo ay cidi u gaysatay wuxuu la yaaban yahay waxyaabaha ay la raagayso hadal la’aanteeda iyo marmarka qaarkood oo uu is yidhaahdo hawshaa ku badan waxase runtu tahay muu garan wali oo waxa weeyaan Salma bulshada oo ay ugu horeeyaan reerkoodu ayaa ka qaba fikrad aad u qalafsan iyaduna waxay ka shakisan tahay inuu Subeer u raaco arrintaa waxay sidii ahaataba waxa la soo gaadhay wakhtigii ay la ballantay Subeer marka ay marmarka qaarkood sidaan hore u soo sheegnay marka uu shakisan yahay wax kasta waxa uu ka eegaa dhinac khaldan ballantu waxay ahayd 7:00 habeenimo meeshuna waxay ahayd inuu Subeer yimaado guriga Salma goob u dhow oo aan ka dheerayn halkii ay awalba iskugu iman jireen waxay gaadhay saacadu 7:30 shaw wakhti hore ayuu soo baxay ee taayir ayaa dhexda kaga banjaray mudadaas ayuu sidaa ku raagay wey fekertay way yaaban tahay waxyaabo badan ayay isku gagaysanaysaa goor danbe ayaa meel aanay filayn uu kaga soo baxayaa salaan kadib gaadhigii soo fuushay iyadoon labadoodaba wajiyadooda ay ka muuqdaan daal waayo Subeer wuxuu la soo rafaaday banjarka gaadhiga Salmina waxay la raxan raagaysay raagitaanka Subeer cabaar markii la kala aamusnaa ayuu ku yidhi Subeer “walaal maxaa kugu dhacay Salma goorahanba waad aamusnayde” 

intay   Intey dhoola cadaysay ayay tidhi “soo ma ogid Subeeroow adduunyadu inay galinba cayn tahay cishadii timaadaana caynad gooniya leedahay oo aanan la yaabahayn inaan agtaada qiime ka yeelan waayo waxaan ku sugayay mudo ku sugan 40 daqiiqo waligayna iska dhaaf intaase igamaad raagin 2 daqiiqadood gacaliye waxa aynu nahay dad in badan isa soo agjoogay waxaynu nahay laba qof oo dadka iska xaal og wax inoo kala qarsoon oo aan maanta ogahay ma jirto markaa ma kula tahay in aad ii sheegto wax kasta oo is bedelay si aynu u gaadhno dhayitaanka ama bogsiinta boogta” Subeer waa yaaban yahay waxan oo dhana lama socdaba oo isaga dhibaatada faamliga ee haysata mooyaane marna isma laha gacalisadaaada ayay wax kaaga imanayaan wuu u babac dhigay waanuu u cadaystay inaanuu ka hadhayn kana hadhi doonin Salma reerkooda waxase nasiib daradu tahay marka labada dhinacba aan midina kuu garaabayn Salmi waxay is leedahay wuu kaa tagay oo cid kale iyo saaxiibado kale ayuu yeeshay faamligooduna waxay ugu dudayaan muxuu ka daba socdaa gabadhan waa dhibaato adduun dabcan waa waxyaabo iska dhaca inta badan waa arrimaha u baahan in si aada ay dhalinyaradu uga foojignaato wuxuu ugu jawaabay Subeer “Salmaay anigu haddaan cid kale yeelayo habeen iyo maalin subax iyo galab waxa la ila dul joogaa hablo midiba mida kale ka qurux badan tahay waxaas oo dhana waxaan u dhaafaa ama aan u daynayaa ama aanan uba danaynayn waa adi daraadaa ma garan karo manaan fahmin mana qaadan karo kumana qancayo sida yar ee khafiifka ah ee aad iskaga qaadatay inaan anigu meel kale mari karo markii aad debeda ku maqnayd wakhtigaad ninka lahayd maalmahaad i necbayd ayaamihii iigu darnaa ma cidbaa igu kaa khasbaysay ma qofkaa ii kaa sasabayay ma jacaylkiibaa iga baaba’ay miyaan waalnaa ma waxaad is leedahay wuu falnaa mise hadaa la bedelay ayaad is odhan kartaa waxaan aad uga xumahay oo aanan qaadan karayn inaan dareemo oon wajigaaga ka arko murugo iyo dhibaato waxaan naftayda dhibtaas oo dhan u galiyay waxaan bulshada gooni uga go’ay waxaan waalidkay goor cad uga dhaqaaqay waxay walaalahay igu colaadinayaan ee ay asxaabtaydu igu caayayaan ogow waa caashaqaaga waxna uma arko inta adiga aan xagaaga kalsooni ka haysto waanse jabayaa lumayaa meel aan marayana ma ogaanayo marka aad ii soo raacdo qolodaa kale hadday arrintu sidaa tahay haddaad iga shakiday iyo hadaad iga tashatayba anigu markii horeba waxaan ahaa Subeer Subeerna wax iska bedelayaa ma jiro” mudada uu hadalkaa leeyahay gaadhigu wuxuu yaalaa baarkinka huteelka ay rabaan inay ka casheeyaan oo wuu la sugi waayay inuu hadalka la daadago markay dhagaysatay ayaa waxa aad u damqay oo nugleeyay hadaladiisii calaacalka ahaa way oyday labada indhoodbaa ilmo ka timid way adkaysan wayday inay ka qarsato in badan in  bay isku dayday inay is ilowsiiso oohinta wayse awoodi wayday markuu arkay Subeer iyada oo hoos u foorarta oo gacmaheeda indhaha ku haysa ayuu ku yidhi “qofkaan dunida ugu jeclaayeey haddaan maalin uun ku fekeri lahaa ka tag waligay kuguma soo noqdeen haddaan in uun is idhaahdo gabadh kale la sheekayso kaama qariyeen walaal I aamin ii aamu waxan oo dhan waxay u dhacayaan waxa la dhawrayaa sawirkeena haddaynu noqono kuwo u dul qaata ka adkaada waayaha adduunka oo ka dabaasha wakhtiga waynu guulaysanaynaa waxa kuu iman doona qaar si cad oon qarsoodi lahayn kuugu sheega hadalo been ah oo la inagu kala fogaynayo waxase taladu ku xidhan tahay hadba sida aad uga qaadato iyo waxa aad ka rumaysato hadalkooda ayaamo badan iyo wakhti badan ayaan ogahay oy dad ku luminayaan sidii la inoo kala dili lahaa ma garan karo faa’iidada ugu jirta adigu se waad ogtahay markaan ahay Subeer dhib kasta oo igu dhacda waxaa lahayd mid ila qaybsata i ogaata ka war qabta looga waramay waa maxay sababta xidhiidh la’aanta intaa leeg ee labadeena ina dhex timid” Salma erayada Subeer meel ololaysay ayaad moodaa inay u qaboojinayaan sida biyaha oo kale waxaad moodaa in uu ku socdo sayloon oo ay macaansanayso ama dhadhansanayso sharaab kiisa ugu macaan ma nuuxsanayso wakhtigan ilmadu way ka go’day hadda ogowoo wali kamay degin gaadhigii waxaanay ku jiraan in ku dhow saacad mar danbe ayaa waxa u yimid mid ka mida inamadii meesha ka shaqaynayay intuu soo istaagay dhinaca Subeer ayuu ku yidhi 

        “ Walaal waan idiin diyaariyay goobtaad fadhiisan lahaydeen goorahana waan idin sugayay ee ma cidbaa idinka maqan oo idiin soo socota” intay isku naxeen ayuu midba midka kale eegay dabadeedba waxa loo soo dhaadhacay kuraasidii iyo halkii ay ku cashaynayeen markay fadhiisteen ayay cabaar aamusnaayeen waxay la yaabeen sida aanay u dareemin mudada ay ku jireen goor danbe ayay midkoodba dhinac u qoslayaa dabadeed waxaa ka dalbanaya cuntadii wiilkii ka shaqaynayay huteelka waxaanay u sheegeen cunto isku mid ah inuu u keeno sidii buu dalabkii ku qaaday mudadii uu ka maqnaa ayaa halkii laga bilaabay sheekadii Subeer oo aanay wali ka daadagsanayn shakiga xoogan ee ay ka qaaday gacalisadiisu ayaa wuxuu aad ugu dadaalayaa inuu ka dhaadhiciyo inaanay waxba jirin iyada uun uu u maqan yahay isla markaana aanay dhagaysan war xumo tashiilka iyo dadka kala dila kuwa is jecel Subeer hadalada si adag oo aan dhayal lahayn ayuu u leeyahay kadib markii uu ogaaday xaalada ay ku sugan tahay Salmi waayo markii hore oo dhan wuxuu u hastay inay isaga ku baadhayso oo ay rabto inay ogaato heerka uu ka taagan yahay jacaylkiisu Salma ayaa qaadatay hadalkii waxaanay tidhi “Walaal wax badan baan kaa qariyay Aabo iyo Hooyo way ii yeedheen maalin dhawayd waxaanay talo ku soo gooyeen ama hadal ku gunaanadeen laba arrin midkood in aad yeesho taladayada oo aad ka hadho wiilkaa iyo in aad noo keento oo aanu afkiisa ka qaadno inuu ku jecel yahay isla markaana uu reerkooda qasab kaga dhigo inay ku soo doonaan sidaana aanu kugu siino, walaal markaan u adkaysan waayay hadalka waalidka, iyo Subeeroow arrin aan kaa qarinayay waxaa dhacday in dhamaan dhalinyarada magaaladu aanay lahayn shaqo aan aniga ahayn waxaan ku siinayaa baaswoodhka iimaylkayga bal waxaad eegtaa farriimaha saddexdii todobaad ee u danbeeyay ku soo dhacay in kastoo aan in badan masaxay haddana wali waad arki doontaa waxa ku qoran waxa kale oo jirta horta hablihiinu waa hablahayaga maadaama oo aanan inan la dhalanin waxaan u hastay inay noqonayaan walaalahay oo ay ii buuxin doonaan halkii kuwii hooyaday dhali lahayd ayaan darada jirtaase waxay tahay iyaga ayaa ugu horeeya una horseed ah wax alaale waxa dhacaya oo dhan” Subeer markay intaa tidhi wuu is bedelay oo xaaladii farxadeed ee uu markii hore ku jiray way ka baxday wakhtigan meesha, waxaanuu arkay arrin aad u qadhaadh, fool xun, lana eegan karayn wuxuu ku yidhi “Waan dareemayaa dhibkaaga mana ihi qof aan waxba qaadanahayn waxaanse ku xusuusinayaa in anigaba intaa adiga imika lagu leeyahay in ka badan la igu leeyahay laakiin waxa adiga kuu dheer oo meel laga dhaafaa aanay jirin inay isu kaa soo raacaan waalidkay iyo walaaladay waayo dadka kale oo dhan waad iska celin kartaa waxba uma arki kartid xataa kol aad ka aargoosato, aflagaadayso waxase nasiib darro ah adiga oo aan waxba ku odhan karin tixgelinta aad aniga igu tixgelinayso awgeed hadayse garan waayeen laga bilaabo maanta kama aamusayo runta ayaanan u sheegayaa waxaanan leeyahay hadaad i nacaysaan, hadaad i jeclaanaysaan, hadaad i dayrinaysaan iyo hadaad I daynaysaanba anigu Salma gabadh aan ahayn ma guursanayo Salmaay xaqiiqdii markaan runta kuu sheego arrintan aniga ayaa halkan soo gaadhsiiyay amar Illaahayna ha iska jiro ee laakiin waxay ahayd inaan qaato go’aan kama dambays ah oo ama aan u go’o waalidkay ama aan adiga ku soo raaco way dhici wayday hada iyo wixii ka dambeeya ayaan kaga dhabaynayaa oo aan u sheegayaa waalidkay inaanan noolaan karin Salma la’aanteed markaa haddii ay iga maarmayaan ha isoo fasaxaan arrinta kale ee aad ii sheego ee ah in aan waalidkay u sheego habeen dambe hadaa ya ayaan u imanayaa xaafada hooyo iyo aabana u sheeg uguna bushaaree in aanan anigu mawqifkayga marnaba bedelayn bedelina doonin” markii uu intaa yidhi ayay Salmi kor u soo kacday waxaanay ka dhunkatay madaxa iyadoo leh “walaal waan isku kaa hubay, waanan isku kaa halaynayay wixii aan sugayayna ama niyadayda ku jirayna way ii rumoobeen waayo goor iyo habeen, maalin iyo galab, wakhti kasta waxaan ku qancin jiray naftayda in aanan u dhan dhigin hadalada dhac dhaca  ah ee dadku igu leeyihiin, maadaama aad adigu wali jacaylkaagu halkiisii yahay oo wax is bedel ahi aanuu ku dhicin” marka ay hadaladaa leedahay hudheelka waxa ka baxaysa hees jacayl ah oo midhaheedu yihiin:

Naf jacayl hayaa
Ma hadh gashee
Hurdo way nacdaa ma hiigsatee
Naxli baa heloo naanaabiyee
Nasrigeeda doon haba nuurtee
Nidar baan galoo
Adaan najmaay
Noloshaydiyeey adaan najmaay
Ku naawiliyoo kugu nastee
Noloshaydiiyeey kugu nastee
Nuur caashaqeey
Neecaw da’daay
Nasab khayr qabaay
Naf jacayl hayoo nuglaatay dartaa
Nasan waydayoo ku naadilibaa
Niyadiyo qalbiga noolaha dhamaan
Adiga u nimcee naxariista sii
Nuurkaygiyeey
Nidar baan galee adaan najmaay
Noloshaydiyeey adaan najmaay
Ku naawilayoo kugu nastee
Noloshaydiyeey kugu nastee
Nasab khayr qabaay
Nacabkeena diid
 
  Shar    Share on Facebook Sh      Share on Facebook

La Soco Qaybta 16aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor  -  Contact: Guled@sdwo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE