SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Maxkamadaynta boqolaal qof oo loo qabqabtay rabshadahii ruxay UK oo si xawli ah habeen iyo dharaar u socda

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

CLICK HERE -  SDWO RELIEF PROJECTS

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (London 11/08/2011) Guud ahaanba wax dalkan England si xawli ah uga socda maxkamadayntii dadkii loo qabqabtay rabshadahii mudada 4 cisho ah gilgilay magaalada London iyo Guud ahaan England.

 

Baabuurta lagu keenayo maxkamada dadka denbiilayaasha ah saqdii dhexe ee xalay

 

Guud ahaan dadka hada saldhigyada booliska ku jira ayaa boolisku ku sheegay inay gaadhayaan 1500 oo qof iyadoo weli qabqabashada iyo dabgalkuna uu halkiisii ka sii socoda oo la filayo in tirade la qabqabandoonaa ay gaadhisdoonto ilaa 3000 oo qof oo u badan dhalinyaro u dhaxaysa 18 – 30 jir.

 

Booliska oo qabqabasho ku haya dadkii rabshadaha ka danbeeyay

 

Maxkmadaha dhamaan magaalooyinkii ay rabshadahu ka dhaceen ayaa laga dhiga inay shaqeeyaan 24ka saacadood si ay u kala yaraadaan dadka xukun sugayaasha ah oo qofkii denbi lagu helo la xukumo ka dibna jeelka loo dhaadhiciyo.   Maxkmadaha ayaad xalay arkaysay saqdii dhex iyagoo shaqaynaya oo kolba la keenayo eedeeysanayaal lagu sido baabuurt qafilan ee maxaabiista qaada.  Dadkii shalay maxkamada la horkeenay wax ka mid haa wiil 11 jir ah oo lagu soo eedeeyay inuu ka qaybqaatay rabshadaha. Wiilkaas yar ayaa lagu xukumay xabsi guri aanu guriga ka baxi karin waalidkii oo la socda mooyee.

 

 

Waxa boolisku soo bandhigayaa maalinwalba sawiro cusub oo ah dadka la raadinayo ee la sawiray iyagoo faldenbiyeed gacanta kula jira, sawiradan ayaa inta badan waxa qaadaysay helicopter da booliska oo dul heehaabayey meelaha rabshadahu ka socdaan.

Booliska oo guryaha xoog ku jebinaya si ay uga soo qabtaan denbiilayaasha la raadinayo

 

Dhinaca kale Raysawasaraha dalkan UK ayaa maanta la kulmay baarlamanka ka dib markii fasaxoogii dib looga yeedhay kalfadhi aan caadi ahayn. Raysawasaraha ayaa sheegay inay cadahay in boolisku sidii la rabay aanay rabshadahan u wajahin, iyagoo u arkayey inay tahay kacdoon shacbi halkii ay u arki lahayeen inay yahiin denbiilayaal. Mr Malcolm Rifkin oo mar ahaan jiray wasiirka gaashaandhiga ayaa isagu sheegay in amarkii booliska la siiyay uu ahaa inanay wax talaabo ah qaadin ee ay  goobta taagnaadaan oo ay eegaan uun sida boobku u dhacayo.

 

16 Kun oo boolis ah oo heegan kaga jira dariiqyada magaalada London

 

Raysawasaaraha ayaa sheegay in xaga dhaqaalaha laga taageeridoono ganacsatadii iyo dadkii ay guryahu kaga gubteen rabshadahan.  Waxa kale oo uu sheegay in 16kii kun ee booliska ahaa ay ku sugnaandoonaan dariiqyada London tan iyo ilaa dabayaaqada wiiga ee Axada.  Raysawasaraha ayaa ka dhawaajiyey inay suurtogal tahay  in loo baahanyahay in ciidanka meleterigu ay soo farogeliyaan, oo qaybo ka mid ah ay culusyka ka fududeeyaan booliska.  Dhinaca kale waxa saaka la arkayey taliyaha ciidanka oo ka soo baxaya xafiiska raysawasaaraha oo uu kulan kula soo yeeshay halkaasi.

 

 

Dhinaca somalida waxa la filyaa in dhalinyaro badan ay ka mid noqondoonto kuwa loo xidhxidho rabshadahan iyadoo durtba la gartay dhalinyaro Somali ah oo boolisku soo bandhigeen sawiradoodii.  Awoodaha cusub ee la siinayo booliska ayaa waxa ka mid ah inay joojin karaa website yada warbixinaha la isku dhaafsado ee loo yaqaan (social media) hadii laga shakiyo in wax denbiya la isku weydaarsanayo.  Waxa kale oo ka mid ah in boolisku awood u leeyahay qofka madaxa iyo afka duubta inay ku qasbi karaan inuu iska furo oo uu is muujiyo.

 

Wadadii rabashada u horeysay ka bilaabantay ee Tottenham High Road ayaa weli qayb ka mid ahi xidhantahay tani sababtay in dib loo dhigo ciyaartii furtaanka labada kooxood ee Tottnham iyo Everton ku yaalanlaayeen maalinta sabtida ah garoonka White Hart Lane oo ku yaala xaafada Tottenham.

 

Raysawasaaraha ingiriiska oo booqday dhulkii khasaarahu gaadhay

 

Xaakin ka mid ah xaakimada Maxkamadaha wada maxkamadaynta denbiilayaasha  ayaa iyadu u  gudbisay denbiilayaasha maxkamada iyada ka sii saraysa ee loo yaqaano Courn Court ka, iyadoo u cuskatay arinkan oo ay tidhi aniga awooda ugu badan ee aan xukumi karaa waa 6 bilood dadkana denbiyo 6 bilood ka badan bay galeen sidaas darted maxakmada iga saraysaa iyadu go,aan ha ka gaadho wixii ay ku xukumayso.   Dhinaca kale booliska ayaa niyada jab weyn ka muujiyey xukumada ilaa hada dhacay oo ay leeyahiin xukuno aad u khafiif ah ayaa dadka qaar lagu riday sida dad lagu xukumay xadhig laba cisho ah oo isla markiiba halkii lagu sii daayey ka dib markii loo xisaabiyey labadii cisho ee ay xukun sugayaasha ay ahaayeen.

 

Dadka ayaa ku kala qaybsan ujeedadii ka danbaysay iyo wixii sababay kacdoonka dhalinyarada ee rabshadaha ba,an watay. 

 

Xukuumada iyo siyaasiyiinta iyo bulshada badhkeed ayaa isku aragti ka ah in arinkani uu ahaa arin ay ka danbeeyeen dad qaswadayaal oo tuug ah oofursad ka dhiganayey inay wax xadaan oo ay dadka ku dhexdhuuntaan, halka bulshada qaarkeed u aragto inay arinkan sababeen laba arimood oo kala ah:

 

  1. Arinkii ka dhacay xaafada Tottenham ee dhibkuba ka bilaamay inay sababtay hadhaqanka booliska xaafada oo si gaar ah gacan bira ugu qabta dadka madoow ee xaafada degan oo mudaba kala shaki kala dhexyaalay. Iyadoo ay arinka sii hurisay dilkii uu boolisku u geystay ninkii dhalinyarada ahaa oo ay inta ay toogteen deedna ay yidhaahdeen isagaa xabad nagu soo riday oo waanu is difaacaynay.  Ka dib daka oo arinkaas ka cadhaysan ayaa socod ku hortegay saldhiga booliska ee xaafada Tottenham iyagoo codsnaya in taliyaha salidhigu u soo baxo oo uu dadka kala hadlo sida uu u dhacay dilka wiilkaas madoobaa.  Nasiib daro boolisku wuu ka dhego adaygay inay dadka la hadlaan habayaraatee, taasibana sababtay 5 saacadood ka dib markii dadkii taagnaayeen oo lala hadliwaayey inay dhaliyaradii gadooday oo ay bilaabeen in baabuurtii booliska ay dab sudhaan, ka dibna rabshadahu ay halkaas ka sii xoogeysteen.

 

2.  Arinkan rabshadahu uu ku fiday London iyo dalkoo dhan ayaa bulshada qaar ku macnaynyaan arin ka dhalatay xukuumadan cusub oo aad moodo inay jihad cunaqabatayn ah ay kula jirto bulshada caadiga ah gaar ahaan dhalinyarada, oo hadii aan tusaale us oo qaadano waxa ka mi ah dhalinyaradu markay ka baxan secondary school oo ah 16 jir waxay galaan college laba sano ah ka dibna waxay u gudbaan jaamacad.   Mudadaas labada sano ah ee ay ku jiraan college ka waxay qaadan jireen £30 = $50 dollar wiigii, si ay uga dhigtaan bas raac iyo xaqal jeeb si aanay uga tegin college ka oo aanay waxbarashada uga hadhin.  Lacagtaas guud ahaanba waa laga jaray dhalinyarada. Waxa kale oo lagu kordhiyay qarashkii jaamacadaha oo laga dhigay £9kun = $15 kun oo doolar.   Waxa kale oo dhalinyarada laga jaray mashruuc shaqo abuurid ahayd oo qof wal oo dhaliyaro ah oo 16 -25 jir hadii uu rabo shaqo la siinjiray oo mushaharka ay dowladu bixinasyo mudo lix bilood ah.   Waxa la xidhay inta badan goobahii dhalinyaradu iskugu imanjirtay ee ay ku ciyaarijirtay kuna jimicsan jireen (Youth Centres).   Dhalinyarada oo sidaa jeebkoodii loola dagaalmay ayaa hadan waxa ugu soo biirtay in dhalinyaro badan waalidadood lagu sameeyay shaqo dhimid oo ay shaqo beeleen, taasina ay sii xoojiso in ilmahii uu suuqagalo oo uu noqdo denbiile.  Waxa kale oo iyadan aan la hilmaami Karin in la dhimay booiskii dalka ka jiray oo ay muuqatay inuu hada ku wada filnaanwaayey ilaalinta nabadgelyada magalooyinka.

 

Dariiqyada magaalooyinka UK oo dharka la iskala baxay

 

 

 

 

 
 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief  Editor

 

Maagalada London oo caawa degan iyo rabshadahii oo ka sii socda magaalooyinka ay ka midyahiin Manchester, Liverpool, Birmingham, Nothingham

SDWO (London 09/08/2011) Waxa caawa degan magalada London ka dib markii 3 habeen oo isku xigta ay ruxayeen rabshado ay samaynayeen dhalinyaro aad u da,yar oo madow iyo cadaanba iskugu jira.  

Birmingham

Booliska ayaa lagaga gacansareeyay magaalada London sedexdii habeen ee la soo dhaafay taasi oo sababtay in dhalinyarada iyo tuug ku soo dhex dhuumatay ay gurtaan tukaankay doonaan, isla markaasna ay gubaan baabuurkay doonaan ama dhismahaydoonaanba.

Manchester

Raysawasaaraha dalkan Ingiriiska Mr Cameroon ayaa saaka gudoomiyey shir degdeg ah oo ay iskugu yimaadeen gudida arimaha security ga dalka ee la yidhaah Cobra.   Ka dibna raysawasaaraha ayaa ku dhawaaqay in la kordhiyay ciidankii heeganka booliska ee magaalada ka hawlgelyey sedexdii habeen ee hore oo halkii ay ka ahayeen 6 kun laga dhigay 16 kun  oo askar boolis ah, oo ku qalabaysan qalbka lagaga hortago rabshadaha.  Waxa kale oo awood loo siiyey inay isticmaali karaan rasaasta rabadhaka ah iyo baabuurta tiknikada ah.

Manchester

Dadka ilaa sabtidii la qabqabtay ayaa hada cagacagaynaya ilaa 7 boqol oo qof taasi oo buux dhaafisay saldhigyadii booliiska ee London taasi oo boolisku xaqiijiyey in dadka danbe ee la soo qabqabto loo qaadidoono saldhigyada booliska ee magaalooyinka ku dhowdhow London.

Caawa rabshadaha ugu weyni waxay ka dhaceen magaalooyinka Birmingham iyo Manchester oo tukaano badan la boobay, waxa kale oo dab la qabsiiyey saldhig boolis oo ku yaala magaalad Nothingham.  Waxa kale oo wararku sheegayaan in markii u horeysay ciidanka booliska lagu soo riday rasaas magaalada manchester.  Waxa kale oo rabshadahu caawa ka dhaceen magaalada Liverpool iyo Wolvehampton. Waxa kale oo rabshadahu caawa ka dhaceen maagalada Glouster oo dhisme dab la qabsiiyey.    Dhalinyarada Somalida ee dayarta ah ayaa iyaguna ka dhexmuuqda rabshadahan oo ka qaybadanaya magaalooyinka London, Manchester, Liverpool, Bristol iyo Birmingham.

Liverpool

Liverpool

Birmingham

Bristol

 

 

 

Rabshadahii ka socday London oo faraha ka sii baxay iyo London oo caawa wada gubanaysa iyo rabshadaha oo gaadhay magaalooyin ka baxsan London

SDWO (London 08/08/2011) Rabshadahii ka bilaabmay Waqooyiga London habeenkii Sabtidii ayaa sii xoogaystay oo u faafahay daafaha kala duwan ee xaafadaha iyo qaar ka mid ah 33ka degmo ee ay London ka koobantahay.  Degmooyinka cusub ee caawa rabshadaha dhismayaasha iyo baabuurta lagu gubayo isla markaasna la jabsanayo tukaamada ay gaadheen waxa ka mid ah Degmada Croydon, Hackney, Lewisham, Ilford, Woolwich, Ealing, Camden, Walthamstow, Peckham, Calpham, Enfield iyo Woodford Green.  Dhinaca kale rabsahdahan ayaa caawa u talabay meelo ka baxsan London, sida caasimada labaad ee UK ee Birmingham iyo magaalooyinka Bristol, Leeds, Manchester iyo  Liverpool.   Magaalada Birmingham ayaa laga soo werinayaa in saldhig boolis dab la qabasiiyey. 

Shirkada Sony oo bakhaaradeedii keydka qalabka electronic uu dab baabiiyey - London

Waxa hada 2 subaxnimo dab la sudhay baakhaar weyn oo uu leeyahay kobaniga weyn ee caanka ah ee Sony oo ku yaala Degmada Waltham Abbey oo dabku cirka isku shareeray oo noqday dabkii ugu balaadhnaa intii ay rabshadahani socdeen.  Bakhaarkan ayaa la filyaa inay ka basbeeleen qalab badan oo electronic ah iyadoo goobtani ay ka hawlgelijireen shaqaale ka badan 700 oo shaqaale ah.

Maagalada London ayaa caawa u muuqata magaalo guud ahaan gubanaysa oo uu dabka iyo qiiqu uu hawada isku shareeray.   Rabshadahan ayaa waxa ay dabasocdaan rabshadahii balaadhnaa ee sabtidii gilgilay degmada Haringey ee xaafada Tottenham oo ka bilaabantay wiilkii dhalinyarada madowga ahaa ee boolisku khamiistii la soo dhaafay ku toogtay isagoo saaran taxi.    Laakiin rabshadaha ka dhacaya goobahan kale ee ka baxsan xaafada Tottenham ayaan iyagu wax xidhiidh ah lahayn ee ay samaynayaa dhalinyaro madow iyo cadaanba iskugu jira. oo u badan gangs ama denbiilayaal.  

Dadka ka faalooda arimaha siyaasada ayaa ku eedeeynaya dowlada wadaaga ah ee hada ka talis dalka oo dhaqaala jarid badan ku haysay dalka mudadii sanadka iyo dhawrka bilood ahayd ee ay dalka ka talinaysay arinkan oo aad u taabtay dhalinyarada hadii ay noqonolahayd goobahii ay ku ciyaarijireen oo laga xidhay oo dhaqaalahii dowaladu ka jirtayk,  dhalinyaradii dhiganjirtay college yada oo laga jaray lacagtii yarayd ee ay qaadaan jiren oo ahayd ilaa $50,  Ardayda Jaamacadaha oo fee gii lagaga dhigay $15000 oo doolar. iyo shaqo la,aan badan oo baahday ka dib makrii meel walba shaqo dhimid lagu sameeyay.

Dhinaca kale waxa aan xidhiidh fiican ka dhaxaynin dhalinyarada iyo booliska oo ay ku eedeeyaan had iyo jeer in boolisku si xun uu ula dhaqmo dhalinyarada. Rabshadahan UK ka socda ayaa markii u horeysay la maqlay dad la toogtay iyadoo hal qofna lagu toogtay magaalada Leeds hal qofna lagu toogtay degmada Croydon ee London.

Raysawasaaraha UK oo ku maqnaa xiligiii Fasaxiisa summer ka ayaa la filayaa inuu si degdeg ah uu caawa uu ugu soo noqdo London si kulan degdeg ah uu ula qaado gudida arimaha nabadgelyada wixii laga yeelilahaa sharciga iyo kala danbayntii dalka oo faraha ka sii baxaysa.   Waxa iyaduna maanta dalka dib si degdeg ah ugu soo laabatay Wasiirka arimaha gudaha oo dalka iyadun fasax kaga maqnayd,  sidoo kale waxa isagnaa beri la filayaa inuu si degdeg ah dalka uu ugu soo laabto Maayarka magaalada London oo isaguna fasax ku maqnaa.  Hadii ay arintu ka sii darto sidana waxa lagayaabaa in la amro inay ciidanka meleterigu ay soo galaan magaalooyinka si ay u soo celiyaan sharcigii oo gacanta ka baxay oo booliskii lagaga itaal roonaaday inay dib u soo celiyaan deganaanshahii.   Ilaaa hada waxa rabshadahan loo qabqabtay dad ku dhow 3 boqol oo qof.

Booliska ayaa caawa markii u horeysay shaaca ka qaaday inay baabuur tikiniko ah u isticmaaleen xaafado ka mid ah koonfurta London ee Clampham iyo Galbeedka London degmada Ealing ka dib markii nabadgelyadu faraha ka baxday. Booliskuna waxa uu sheegay in ay u isticmaalidoonaan goob kasto oo ay ka baqaan in nabadgelyadu faraha ka baxdo.  Dhinaca kale booliska ayaa sheegay in dhamaanba la kansal gareeyay ciyaarahii naadiyada ingiriiska oo furmilahaa Sabtidan soo socota.

 

 

Khasaare balaadhan oo gaadhaya Malaayiin doolar oo ka dhashay rabshadahii xalay ka dhacay waqooyinga magaalada London

SDWO (London 07/08/2011)  Xaafada Tottenham ee waqooyiga magaalada London ayaa maanta deganayd ka dib rabshadahii balaadhnaa ee ruxay xaafadan.  Waxa maanta guud ahaanba xidhnayd oo dadka iyo baabuurta toona aan loo ogoleyn dhamaan wadadii dheerayd ee ay rabashahu xalay ka dheceen oo la yidhaah Tottenham High Road.

Tukaano ku yaala xaafada Hackney - East Londonoo maanta 8th August gelinkii danbe la jabsaday sida sawirkan sare ka muuqata

Laba baabuur oo boolisku lahaa oo shuf beelay

 

Waxa wadadan ka muuqatay burburkii iyo dabkii la sudhay inta badan goobahii gancsiga, guriyo iyo baabuurba.   Waxa khaasaraha ugu weyni soo gaadhay goob dhisme ka koobnaa sedex dabaq oo guud ahaanba shufbeelay oo qayb ahaana dumay. dhismahan oo xaga hoose uu ku yaalay tukaan weyn oo caan ah oo iibiya qalabka hurdooyinka iyo kaarbadada oo la odhan jiray Carpet Right.  Xaga sarana waxa deganaa dad oo waxay ahayeen guro la deganyahay.

Dhismayaasha kale ee sida weyn dabku u baabiiyey waxa ka mid ah tukaan weyn oo supermarket ah oo isna guud ahaanba inta wixii dhexyaalay la qaatay ka dibna dab la qabsiiyey oo basbeelay tukaanka oo ahaa kuwa ugu caansan London oo la yidhaah Aldi.   Waxa kale oo la gubay baabuur dad ay gaar u laaheen oo guryaha loogu hortegay oo la gubay, wax kale oo iyada la gubay oo shuf beeshay boosta xaafada ugu weyn.  Waxa kale oo la gubay tukaano aad u badan oo iyana yaryar, halka qaar kale oo badana dhamaantood la jejebiyey oo wixii dhexyaalayna la qaatay.

Rabshadahan ayaa laga cabsi qabaa inay caawa halkoodii ay dib uga sii bilaabmaan marka ay qoroxdu dhacdo iyadoo wararka hor dhaca ah ee durtaba na soo gaadhayaa sheegayaan in xaafad ka mid ah waqooyiga London oo la yiraah Enfield ay mar dhoweyd rabashado tukaamo muraayadaha lagaga jejebiyey ay ka bilaabmeen.  Wararki u danbeeyay ee caawa naga soo gadhay xaafadan ayaa sheegaya in dhawr tukaan la boobay hase yeedhee booliska oo wata eey ay ka soo gaadheen oo ay kala eryeen dad lagu qiyaasay ilaa 100 dhalinyaro ah oo qaarkoodna la qabqabtay.  Warar hada naga soo gaadhay koonfurta magaalada London ayaa la sheegayaa in la arkay dhisme weyn oo gubanaya  xaafada kale ee madowgu ku badanyahay ee Brixton oo ilaa hada aan la garanayn inay la xidhiidho kacdoonka ka socda waqooyiga London iyo inkale, dhismahaas baa la sheegayaa in ilaa 6 debdemis ay isku deyayaan inay dabkaas demiyaan.  Wararkale oo hada 2dii habeenimo na soo gaadhayaana waxay sheegayaan in la arkayey baabuur aad u badan oo boolis ah oo dhex socda suuqa weyne ee xaafda Walthomstow oo ku taala dhinaca waqooyi-Bari ee London oo la sheegayo inay rabshadahu gaadheen halkaasna.

Khaasaraha ka dhashay rabshadahii xalay ayaa lagu qiyaasi karaa maalyiin doolar. Wadadan dheer ee caanka ahayd ee Tottenham High Road oo had iyo jeer mashquul ahaan jirtay oo baabuurtu had iyo jeer tarafic ay kala kulmi jireen ayaa maanta u ekayd goob dagaal oo burbursan oo wax baabuur ahi aanu marayn, iyadii oo ay dhextaagnaayeen baabuur aad u farabadan oo ay boolisku leeyahiin oo iskaga kala yimid guud ahaan daafaha kala duwan ee magaalada London si ay u xoojiyaan dib u soo celintii sharciga iyo kala danbaynta oo guud ahaanba faraha ka baxay habeenkii xalay ahaa.

Xafiiskii Shaqogeynta isla markaasan ay lacagta ka qaataan dadka aan shaqaynin oo isagana si xun loo burburiyey

Top:  After the fire     -  Below: Before the fire

Booliska oo Fardo ku ilaalinaya suuqaweyne ee xaafada Enfield ee waqooyiga London

Xaafada Enfield oo boolisku ku guulaystay inay kala eryaan dhalinyaradii rabtay inay suuqa boobaan.

 

Guled Abdi Sheekhaash -  SDWO Chief News Editor - London

 

 

Waqooyiga Magaalada London oo ay gilgileen banaanbaxyo watay rabashado lagu boobay tukaano badan laguna gubay baabuur boolis iyo shacbiba

SDWO (London 06/08/2011)  Kacdoon mudaharaadyo rabshado watay ayaa caawa ka dhacay waqooyiga magaalada London.  Rabshadahan ayaa waxa samayeey dadka madowga ah ee degan xaafad ka tirsan Waqooyiga London oo la yidhaah Tottenham.  Dadkan ayaa ka cadhaysan dil toogasho ah oo ciidanka booliska ee xaafadani ku dileen wiil madow ah oo ku caan baxay inuu denbiile yahay.  Sida boolisku sheegay ninkan oo taxi saaran ayaa booliska sida gaarka ah u hubaysani joojiyeen ka dibna rasaas buu ku soo riday booliska oo uu nin si fudud u dhaawacay, ka dibna boolisku uu laba xobo ku dhuftay, oo uu halkaas  qudh baxay.

Baanbaxyadan Rabashadaha watay yaa bilaabay ilaa 7 fiidnimo isagoo socday ilaa waa berigii, dadkan ayaa gubay baabuur badan oo ay ka mid yahiin 3 baabuur oo boolis ah,  bas weyn oo ah kuwa is dulsaaran, iyo baabuurta xamuulka qaada ee loo yaqaan Van ka iyo laba meheraadood,  dhinaca kale wax guud ahaanba cagta la mariyey wixii tukaano ku yaalay goobtan uu mudahaaradku ka socday sida dukaamada waaweeyn ee laga adeegto, dahablayaal, tukaanada computer da, iyo tukaamo ay somalidu ku lahayd goobtaas oo ahaa kuwa iibiya mobile phones ka.

Booliska ayaa lagu eedeeyay inaanay isku deyin inay ka hortagaan rabshadahan oo iyagu difaac ka galay saldhiga booliska ee ay rabshadu ka bilaabantay, arinkan ayaa u fududeeyay in mudaharaadayaashu waxay doonaan sameeyaan, oo tukaankay doonaan jabsadan halkay doonaana dab sudhan mudo dhawr iyo sacaadood ah.  Booliska ayaa waxa qudha oo uu hawgalkiisa ku ekeeyay laba helicopter oo dadka dusha ka duubayey waxay samaynayaan si hadhow sharciga loo horkeeno dadkii ka soo baxa fiidyowgaas boolisku hawada sare ka duubayey

Baabuur Boolis ah oo gebi ahaanba shuf beelay

 

 Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief News Editor