SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 142 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qaybtii 16aad

  Share on Facebook

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad

Qaybta Afraad

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Health Advice: Before you Travel to any part of Somaliland or Somalia - Read this Health Advice

Qaybtii 15aad waxay inoo joogtay heestan oo ka baxaysay hotelkii ay salma iyo subeer fadhiyeen- 
Naf jacayl hayaa, Ma hadh gashee,Hurdo way nacdaa ma hiigsatee,Naxli baa heloo naanaabiyee, Nasrigeeda doon haba nuurtee, Nidar baan galoo, Adaan najmaay,Noloshaydiyeey adaan najmaay, Ku naawiliyoo kugu nastee, Noloshaydiiyeey kugu nastee,Nuur caashaqeey, Neecaw da’daay, Nasab khayr qabaay:-

Qaybtii 16aad 

Waxa  
Isago  
Subeer wakhtigaa wuxuu la socdaa heesta macaan iyo hadalada aad moodo in la isku soo naqeeyay ama isku soo beegmay ee goobta ka wada baxaya halka Salma  ay goortaa wado hadalada isugu jira duur xulka, waanada iyo wax u sheega waxa dul imanaya wiilkii oo u sida wixii ay dalbadeen cabaar ayaa meeshii  la fadhiyay aamusni, hadal gaagaaban, qosol dhoole cadayn ah iyo farxad ayaa lagu dhameeyay cashadii dabadeed Subeer ayaa qaatay hadalkii wuxuuna yidhi “Sidaan horeba kuugu sheegay waa in aan hawshayda ka soo baxaa anigana igu halee” Salmi iyada oo aad u faraxsan ayay odhanaysaa “waayahay walaal waanan ku aaminsanahay” wallow wakhtigu isasii gurayo oo uu ku sii siqayo 10:00 habeenimo, waxa la soo raacayaa gaadhiga sidiibaynuu ku keenayaa gurigoodii isaguna ku hoyday laguma kala joogin intaase markii uu gaadhay guriga ayuu qabsaday telefoonka isaga oo la hadlaya Salma oo wakhtigaa iyaduna u diyaar garoobaysa inay seexato waxay cabaar ku sheekaystaan telefoonka waxa soo dhacaya moobilka Subeer dabadeed wuxuu ku odhanayaa “Salma iga raali ahaw aan la hadlo qofkan” maadaama ay iyagu marka hore laynka ka wada hadlayeen, wuu qaaday waanuu eegay saawaa Hodan wuu ka qabtay 

“Hullo, maxaa la sheegay nabad iyo nabad” intaa markii ay is waydaarsadeen ayaa Hodan tidhi waxaan u baahnahay inaan ku arko waliba sida ugu dhakhsaha badan hada ogowoo gacanta kale waxa uu ku hayaa telefoonka ay ku jirto Salmi waanay maqlaysaa hadalka uu ka jawaabayo Subeer iyadu markiiba garatay in qofku tahay dumar balse waxa daah ka saaran yahay ta ay noqonayso Subeer intuu aad u dhibsaday hadalka Hodan dhinacna ka ixtiraamay ayaa wuxuu ku odhanayaa “walaal wakhti ma hayo maalin oo dhan mashquulbaan ahay habeenkiina waxba ma haleelo wiigagan soo socdana waxaba laga yaabaa in uu aabo ii diro Berbera si aan uga soo raro alaab halkaa taala, sidaa darteed way igu adagtahay balanta aan kuu qaadi karayaa adiga oo aan xumaan iiga qaadanayn” markuu intaa yidhi Hodan waxay tidhi “si kastoo ay ahaataba hadii aad tagtana waa nasiibkaa hadii kalena waynu isla joognaa anigaana kula soo hadli doona wakhtiga aan firaaqo helo goortaa Salma aad bay u cadhaysan tahay waxay ku dhawdahay inay dhigto telefoonka waayo waxay ka xanaaqday qancinta badan iyo wakhtiga aadka ah ee uu siiyay gabadha waxaanay ku odhanaysaa “Subeer, la sheekayso inanta anigu waan seexanayaaye” dabadeedna wuxuu odhanayaa “Walaal waan dhameeyay waxay i waydiinaysay waxaad ii tidhaa waan seexanayaana ma jirto ee iga raali ahaw” deetana wuxuu bakhtiinayaa telefoonkiisii Moobilka, Salma oo marka horeba shakisan dumarkuna raga ka sii xag jiraan xaga hinaasaha ayaa hadana waxaa hor imanaya humaag labaad oo odhanaya shaw inta uu kaa maqan yahay gabadhan ayay wada joogaan xaalada Salma ee mararkan dambe waxay noqonaysaa ama ay u eegtahay mid aan degenayn. 

Subeer ayaa ku celinaya hadalka waxaanuu ku odhanayaa “walaal is daji qoftani waa gabadhii aan kuu sheegi jiray mana garanayo waxay iga daba socoto wayse iska soo dhamaanaysaa ee adiguna dulqaadkeeda yeelo” intaa markuu yidhi ayaa waxaa hadalkii la wareegaysa Salma waxaanay si toos ah ugu odhanaysaa “Subeeroow maaha inaynu wax kala qarsano mana haboona inaga oo ah kuwa is hurran inaynu isku sheegno wa khayaali ah iyo hadalo hadhaw inaga hor iman doona, suurogal maaha waxaan waayay wax aan ku idhaahdo oo waan ixtiraamayaa waxaa ii muuqata in hunguri kaaga jiro haddiiba ay sidaa tahayna dee malaha wixii la sheegayay ayaa dhab ah oo aniga ayaa fudud labadayada” Subeer marka hore kamay qasnayn habeen jawi wanaagsan, laydh qabaw, dhul bilaa sanqadh ah oo uu ugu talo galay inuu ku raaxayso hadalka gacalisadiisa ayuu u ahaa habeenku hase ahaatee in yar kadib ayaa waxa uu isku bedelay jawigu mid cakiran oo dhinac walba olol iyo kulayl ka baxayo wuu fadhiistay halkuu awal ka jiifay waxaanuu ku yidhi “aad ayaan uga xumahay ,waanan la yaabanahay, waanan liqi kari la’ahay sida dhibta yar ee ay kaaga soo baxday kalmada ah iyada u go’, mana filayn in aan waligay afkaaga ka maqli doono cid kale raac wax kastaase way iska dhacaan, hadaad garatay in aad aayaheena, mustaqbalkeena iyo guriga aan dhisaynay mudo yar ku galalafto aniguna waan kula qaatay dabadeedna isagoo aan wax dambe ku odhan ayuu ku dhigayaa tilifank. 

Salma markii uu dhigay tilifoonka cir iyo dhul way xamili wayday way ku soo celisay waanuu is dhinac dhigay telefoonkii horena waa kii u xidhay moobilkiisa isagu debeda ayuu uga soo baxay qolka oo ninkii qaboobaa ee farxada iyo qosolka ku galay wuxuu ka soo baxay isagoo aad u qamuunyoonaya karahsana joogitaanka uu joogo aqalka qudhiisu kama adkaysan karo in uu ka aamusnaado Salma muddo balse arrintu waxay aad ugu sii mudantahay oo wakhtigan gardarada leh Salma debeda ayay u baxday daarada ayay fadhiisatay waxay soo qaadatay rikoodh si ay u dhagaysato heeso ay isku dhaafiso niyad jabka, madax xanuunka, jahwareerka iyo werwerka ku abuurmay waxay baadhay kartoon cajalado ah oo inta badan isagu uu u soo duubay kuwaasoo ahaa kuwo aad isugu dhawaa oo dhamaantood ka hadlayay sidii ay u dhisan lahaayeen reerkooda una noqon lahaayeen raas balaadhan oo lagu nasto laguna nagaado dabadeedna waxa u soo baxaysa oo ku soo hagaagaysa heestan:-

Hurdo kaama lado oo
Jacayl igaama guuroo
Gebiga jidhkaygaba
Qaban waayay gogoshee
Guudloow libaaxiyo
Inta bahal guurguurtiyo
God iyo abeesaba
Ninka guri la seexdee
Ee uu gubay jacayl
Gantaalana uu ka taagay
Kana jaray dhismihii
Hadaad garasho leedahay
Go’daay lama colaadsheene
Ha i gabin, ha i goynin
Anba kuma gohaadshee
Gaygeena oo wayn
Guudlayda oo badan
Nin dartaa u gees maray
Lama gooyo hanaqee
Oo go’deey lama colaadshee
Ninka galinyadaa dhaxay
Dhaxanta iyo gawlaha
Ee uu gubo jacayle
Gantaalo uu ka taagee
Kana jaray gasiinkii
Hadaad garasho leedahay
Go’deey lama colaadsho
 
 
Dhagaysiga heestaasi ay maqleen dhagaheedu, dhawaaqa fanaanku dhaawac aada ayuu gaadhsiiyay dhamaan jidhkeega waxayna dareentay inay tahay qof dambiile ah garanayna siday uga noqon lahayn iyo sidii looga dhaafi lahaa iyadoon ogayn ayay bakhtiisay rikoodhka shaw markii ay bakhtiinaysay si aada ayay gacanta ugu dhufatay ismana oga markaa waxa nabar ka gaadhay far yarada dusheeda ka soo kacday daaradii oo waxay timid gudihii waxay isku dayday inay seexato hase ahaatee bahashii hurdo la odhan jiray way ka carawday ama way ka tagtay ama waabay waydaybaan odhan karnaa inantii Salmi waxay baaxaa degtaba hadba gees isku rogtaba goor waa dhawaadkii ah oo aan isaga laftigiisa waa Subeere sidii u soo jeeday ayuu u soo dirayaa telefoon miyay hurudaa ilbidhiqsigii ugu horeeyay ayay qabatay intii aanuu hadlin iyadoon hubsanin cida uu yahay ayay ku bilowday “walaal waan khaldamay, gefbaan sameeyay waanan garwaaqsaday waxaanan kaa doonayaa inaad ii garawdo oo aad markaa ii dhaafto” isma oga hadaladan ay leedahay oo waxa suurogal ah in cida telefoonka soo dirtayba tahay qof kale balse waa Subeer intuu cabaar ka aamusay ayaa wuxuu yidhi
 
 
“haddaanan ku saamaxayn, hadaanan kuu dul qaadanayn, hadaanan dhaafi karin dambigaaga, hadaanan iloobi karin dhibtaada, hadaanan ku qancayn naftaada, hadaanan u khushuucin niyadaada, hadaanan Salmaay kuu dhaafin xageen ka tagayaa adduunyada maku noolaan karayaabay kula tahay adiga la’aantaa isaseegan jacaylka iyo shaydaanka inaga dhex shaqeeyay ayuunbaa midkeenba wax tusaayee anba waan ogsoonahay in aanuu midkeena midka kale ka maarmahayn” markuu intaa yidhaahdo ayaa Salma aad moodaa inuu ku soo noqday miyirkii, maankii iyo maskaxdiiba waxaanay dareentay oo ay haleeshay in ay si fiican dhabanka dhulka u dhigto inkastoo indhaheeda ay ilmo ka socoto haddana uma dareemayso ama uma tirayso sidii qof og inuu ooyayo ee waxay u jiiftaa sidii qof aan dhibi haysan daqiiqado dhexdood ayuu isku bedelay jawigii adkaa ee u dhexeeyay labadooda in kastoo sideedaba lamaanaha is jecel marna is qabtaan marna heshiiyaan
 
haddana goortan Salmi iyadaa qoorta dhigatay oo dusha saaratay wixii dhacay oo dhan waxaanay diyaar u tahay in lagu xukumo gefka ay gashay goortu se waa goorma saacadu waa wakhtigee ma subaxbaa, ma habeenbaa waa lixdii subaxnimo dadku xaafadaha toosbay u shaqaysanayaan labadoodabana albaabadoodu way furan yihiin horena looguma baran inta laga toosinayo ama intay soo baxayaan in ay furnaadaan albaabadoodu labadii reer midba dhan u yaal Hana yar oo ay walaalo yihiin Subeer iyadu way iska soo gashay qolkiisii isagoo beerka u jiifa oo telefoon haysta ayay arkaysaa oo xataa aan iska bixinin surwaalkii iyo shaadhkii uu kaga yimid hudheelka balse kabaha oo keliya iska saaray dib ayay uga noqonaysaa Salma iyadu way iska wadataa hadalkeeda makhsinkeeduna meel dambe ayuu ku yaalaa oo waabay yartahay cida guriga joogta inanta guriga ka shaqaysana waxa mashquuliyay hawshii gurigeeda odayga iyo islaantuna maba oga waxyaalaha socda.

Markii ay gaadhay saacadu 6:30 subaxnimo ayaa haddana mar labaad Hani ku soo noqonaysaa iyadoo odhanaysa “walaal goormaad saaka kacday ma shaqadaad ku degdegaysay maxaad xalay noogu sheegi wayday inaad kalahayso aroorta saw kuumaanaan kacneen wakhti hore oo quraac kuuma diyaariyeen maba oga inaanuu seexanba isagoo sii jeeda ayuu u jawaabayaa waxaanuu ku odhanayaa “walaashaydaan jeclaayeey imikaba waxoogaabaan joogayaaye hadii aad ka gaadhsiin karto ii keen quraacda” intaa markuu yidhi ayay Salmi odhanaysaa “warar wa ayo qofka ku kula hadlayaa?” Hana iyo waxa dhex maray isaga, iyada qudheeda wakhtigii gaadhigu soo doonayay daqiiqado ayaa ka dhiman is garteen in labadooduba saamalayleen balse ma dareensana midkoodna caajis iyo hurdo la’aan ku kastaaba wuxuu ku qanacsan yahay raali galinta ka kale iyo inay ugu dhamaato sidii ay doonayeen.

 

Subeer ayaa ku odhanaya “kolay anigu shaqo tagi maayo oo intaan baxo ayaan dhexda ka soo noqonayaa xaafadana waxaan odhanayaa waan xanuunsanayaa laakiin adigu maxaad ku odhan doontaa reerka intaan gaadhigu ku soo gaadhin iska dhig telefoonka, diyaar garow markaad tagto shaqadana ila soo hadal” sidii ayaa lagu kala tagayaa cabaar kadib Salma waxaa u imanaya gaadhigii shaqada waa ay raacaysaa, Subeerna intuu labisto uu isu diyaariyo sidii qof shaqadii tagaya markuu dhexda joogo intuu maqaaxi fadhiisto koob shaaha ka cabo ayuu dib ugu soo noqonayaa guriga waxaanay albaabka iskaga hor imanayaan odaygii u aabaha ahaa oo sii shaqo tagaya “waar maxaa ku soo celiyay” iyo aabo “waxaan dareemayaa madax xanuun, dawakhaad, iyo daal faro badan markaa marka aan cabaar joogay ayaan u  adkyasan waayay inaan taagnaado sidaa darteed ayaa igu kaliftay inaan dib u soo noqdo” Oday Dhamal waxa uu odhanayaa “dee hadaa ina mari aan ku geeyo dhakhtarka” dabadeed wuxuu ugu jawaabayaa “aabo waan haystaa dawadii madax xanuunka iyo fiitamiinadii dhawaan la ii soo qoray wax kalena maahee waxaan u malaynayaa calooshaa maalmahan I taagnayd markaa aabo iska shaqo tag ha ii warwarin aniga ee, waxba ma qabo waanan caafimaadayaa”

 

 in yar dabadeed xaajigu wuu iska dhaqaaqay Subeerna gudaha guriga ayuu soo galay intuu u yeedhay Hana ayuu ku yidhi “soomaad arkayn inaan sooka soo jeeday, qadada labada marka ay gaadho ii toosi, cid kasta oo i doonaysana waxaan ku tidhaahdaa wuu xanuunsanayaa” sidiibaanuu hurdo dheer ku galayaa isaga oo aan mar kaliya dhinac isku rogayn ayaa la gaadhayaa wakhtigii  qadada halka Salma ay maalintaasi u ahayd maalin aad u kulul waayo shaqada oo ku badan soo jeedkii xalay iyo cadhadii markii hore ayaa isugu biirbiiray waxayse mar walba ku qaboojinaysaa koob kafee ah oo marnaba inta badan may dareemayn ama kamay muuqan inay xalay soo socotay sidiibayna ku dhamaystay shaqadii oo lagu keenay guriga ogowoo midkoodna midka kale lamuu hadlin mudadii sideeda saacadood ahayd hase ahaatee markii ay sidaa gurigii u gashay iyada oo aan wali dharkii iska bixin ayay soo garaacaysaa si ay u ogaato xaaladiisu halka ay marayso una waraysato intii u dhaxaysay wakhtigii ay kala maqnaayeen wixii ku dhacay Subeer markan wuu soo baraarugay dabadeedba telefonka ayuu ka qabanayaa way garanaysaa inuu hurdo inkastoo ay waydiisay su’aasha ah “maad hurudaa” haddana isaga oo is adkaynaya ayuu k u yidhi “maya” way u sheekaysaa kolba hadalka wuu ka yara baxayaa Subeer waanuu dhalalawsan yahay markay dareentay ayay ku odhanaysaa “galabtaan kula soo hadlayaaye iska seexo, iskana qadee” sidiibaa lagu kala tagayaa Subeer ma oga in gurigooda ay joogto Hodan oo wakhtigan la fadhida Hana gurigana loogu qado sameeyay.

 

Mar ay labadii duhurnimo tahay ayuu u soo baxayaa siduu u maydhan lahaa inta aanuu qadaynin wuxuu arkayaa guriga oo wakhtigaas diyaar garow weyni ka jiro hablahoodii oo si qurux badan u labisan iyo guriga laftigiisa oo makhsinka fadhiga la kala habeeyay markaa fadhiga uu galay waxay ku jiraan habluhu qolkooda waxba muu dareemin ee intuu daarada ka qaylyay ayuu yidhi “Alla ma naag la’aantaad igu eeganaysaaneey maad i toosisaan, maad iga hagaajisaan guriga, maad iga maydhaan dharka, waxaan ka baqanayaa inaan kuwiinaa yaryar dartood aan mid uun dusha kaga dhaco” wuu iska kaftamayaa wakhtigaa laakiin si wayn ayaa hadalkaa loo dhagaysanayaa oo inantii Hodan waxaabay u holatay inuu wiilku diyaar u yahay ee uu la’ yahay cid yeesha hoostayna iska tidhi “tallow maad si toosaba ugu tidhaahdid, waxaan u baahnahay inaan is guursano” subeer isagu dharkiisii iska xidhay waxaana loo keenay cuntadii oo quraacdii iyo qadadii ayaa la isku soo raaciyay waxaana lagu yidhi “ileen cidi kaa amaan heli maysee, ama taa cun ama ta dambe cun” iyaga laftigoodu kaftan ayay uga jeedaan. Hana iyada oo sii qoslaysa oo dibeda u sii socota ayay ku tidhi “gabadheeybaa lagaa siiyaye waatee gabadha qado iyo quraac is dul saaran aad ka helaysaa, mar hore ayaa laag lagula dhici lahaa oo lagu odhan lahaa ka kac meesha, laakiin walaalkayoow nolosha aad ku nooshahay boqoraduna kuma noola waxaanan ka baqanaynaa in marka aad naga wareegto ama gabadh guursato aad la qabsan waydo maaniga uunbaa ku daba socon, maanuunbaa wax walba ku daba sidi” eryadaa kaftanka ah ayay ilaa daarada ka sii leedahay Hana yar waxaana la socda hadalkeeda qosol gaagaaban waayo calooshii wax og ayaa qososha ayaa la yidhi Subeer, ma dhaadana oo waxaabuu iska sii cunayaa cuntadiisii iyadoo sidii ah ayaa waxa ku soo dhacay telefoon dibadeed oo ay soo dirtay gabadh u mehersan inan ay saaxiib yihiin oo Sudan wax ka barata wuu ka qabtay si wanaagsan ayaanuu u salaamay la isku waran inkastoo uu dhinac ka gaajoonayay haddana wakhtigaa Niciima wuu ka gaadhsiiyay wuxuu war ka gaadhsiin kari lahaa saaxiibkii iyo xaaladiisu halka ay marayso inantii iyada oo nafis ah ayay dhigaysaa telefoonkii intii aanay dhigin ayuu ku odhanayaa “Walaal ha ila yaabin xiligaasaan ka toosay hurdo waxna waan cunayey aniga ayaase xaalda oo dhan uga waramaya marka ugu horeysa ee aan arko waanan kula soo hadlayaa aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan eed isu soo xilqaantay waayo tii aan garan waynay ayaad adigu garatay telefankii bay dhigayaan wakhtigaa salma iyadu way is duuduubtay oo xitaa waxba may cunin in yar dabadeed ayuu moobilka kaga garaacayaa cabaar marka uu dhaco ayay marka dambe ka qabanaysaa iyada ood garanayso inay tahli la’dahay hadalka oo uu dhib ku yahay Subeer taaga wuxuu doonayaa in uu la kaftamo oo uu hadalo yaryar ku yidhaahdo waxayse ku soo gebogabaynaysaa “waar hurdaad dhamaysatay oo waad nafistay ee inanyahaw aan kaa seexdee walaal iska kay daa” cabaarbuu ku ciyaarayaa siduu ula hadlayay ayay ku gam’aysaa haddana way toosaysaa markuu arko xaaladu halka ay marayso ayuu iska dhigayaa telefoonka saacadu wakhtigan waa labadii iyo badhkii duhurnimo hablihiina inantii ay casuumeen ayay qolka fadhiga si gooni ah ula joogaan Odaygii Dhamal ahaana goor hore ayuu qadadiisii cunay iskana seexday oo waxanba war uma hayo si kasta ha ahaatee Hodan Hana iyo Muna waxay iyaga u tahay maalin aad u wayn oo dhinacooda farxada iyo damaashaadka ka dhacaya ma malaynaysid isagiina isagoo dharkii uu labistay xidhan ayuu mar labaad dib u seexanayaa hurdadan badani waxay kala go’ ku tahay ama ay wakhtiga ku soo gaabisay Hodan oo doonaysay inay la hadasho Subeer. Dhanka kalena waabay ka xishoonaysaayoo waxay is leedahay ha gaadho galabnimada si aad ugu marmarsooto in uu ku sii qaado iyadoo halkaa marayso sheekadu ayuu Subeer soo kacayaa waxaanuu doonayaa inuu alaab ka soo iibsado suuqa si sibiqa ayuu u furayaa ganjeelka wayn ee guriga si uu ula baxo gaadhiga waxay ku war helayaan istaadhka gaadhiga iyo shanqadha albaabka wayn ee debeda labadii ay walaalaha ahaayeen ayaa mar keliya soo wada yaacaya oo odhanaya “xageed qabatay, xageed u baxaysaa, arrinbaanu kuu haynay waxbaanu kula sugaynay” iyagoo aad dareemayso inay degdegsan yihiin isaguna isagoon dhaadanayn ayuu ku odhanayaa “walaal sharaab qabowbaan soo iibsanayaa waxaanan doonayay inaan farriin gaadhsiiyo inan aanu saaxiib nahay oo mar dhawayd gabadhiisu ila soo hadashay haddaan ugu batana waxaan idinka maqnaanayaa saacad badhkeed, markaa ha u qaadanina inaan fogaanayo sidiibaanuu ku baxayaa isaga oo aad u faraxsan una istareexsan waxaanuu dhegaysanayaa oo gaadhiga ugu jirta hees ay u soo dirtay Salma oo ah kuwan ay qaado Hobolada Ikraan Jaamac

Dadka kaan ka doortoo
Dawadii naftaydoo
Kaan darsay wanaagoo
Ku dalbaday deeqoow maankayga
Adigaa dagay qalbiga
Wadnaha dacalkiisee
Soo dagoo i daawee
Allaa soo dabac
Dunida adaan kaa rabaa
Daayin intuu abuuroo
Dookhaygaan ku raacoo
 
 
Wuxuu soo gaadhayaa dukaankii uu ka iibsanayay sharaabka markuu ka dagay gaadhiga ee uu galay dukaankii ayuu waxa uu la yara kaftamay mid ka mid ah inamada haya meesha oo ay aad isu yaqaanaan kaasoo kula kaftamay jacaylka isaga iyo Salma, cabaarbaa la yara qoslay isaguna wuu degdegsanaa oo  hore ayuu gaadhigiisa u soo kaxaystay dib ayuu ugu soo noqday guriga wakhtiguna waa ilaa iyo 4:30 galabnimo. Markii albaabka laga furay ee uu xareeyay gaadhiga ayaa waxa uu kula kulmayaa daarada walaashii Hana dabadeetana intay gacanta qabato aya ku odhanaysaa “maanta waxa noo timid gabadh aanaan garanayn oo nagu tidhi inankiina ayaa ila ballamay, dee wax aanu yeelno waanu garan waynay anaguna waanu fadhiisinay, walaal inantu aadbay u qurux badan tahay halkeed tan ka soo heshay, yaa kuu shukaamiyay maxaadse nooga qarsanaysay haddaad gabadha caynkan u eeg haysato, maanta uunbaan ogaanay inaynaan waxba isku ahayn ee walaalnimadeenu tahay afka baarkiisa uun” inta ay hadalkaa wado Hana yar lagama dareemayo inay kaftamayso kalmad kaliya oo laga shakiyana kumay darin sidii ay u soo waday ayay soo galinaysaa makhsinkii fadhiga oo ay wakhtigaa wada joogaan Muna iyo Hodan marka guriga la soo galo qofku waad ogtahayoo cida gudaha ku jirta aad uma arko gurigana waxaa ku goglan gogol wareeg ah oo xataa ma laha meel yar oo iftiin leh, garay in laba qof ay meesha joogaan sidoo kalena aqoonsay walaashii Muna oo codkeeda ayuu gartay. Haddaba yaa u garan doona qofka kale iyo cida uu yahay wuu iska soo fadhiistay isaga oo isku dhaafinaya hadalka kuna qarinaya inuu arko qofkan ayuu yidhi “inaga yara bedel janalkan oo inoo geeya mid kale” waxaanuu rabaa wakhtigaa la bedbedelayo bahalka inuu ku soo beegmo mid iftiin wayn leh oo uu ku arki karo wajiga gabadha, waxay sidii ahaataba Muna ayaa goor dambe intay soo kacday shiday nalka aqalka una sheegtay cidan ay Hani u sharaxaysay inay tahay Hodan adigana aanay kuu imane aanu anagu casuumnay markaa barasho wanaagsan mar labaad waxaanse ku waydiiyay shakibaa na galaye waadigii awal hore la soo boodi jiray gabadhba ma aqaane hadda ma waxbaad haysataa maxaad sidaadii kiiska iskaga waali wayday intuu aad u qoslay ayuu yidhi “Wallee adduunyadda ninkii dhiman waayaa wax walba wuu arki doonaa, waanan ogaa inantaa yar ee Hana in waxaa iyo wax ka wayniba ka soo socdaan Illaahoo maad ogaatid sida uu wadnuhu ii garaacayay ama xaalada aan ku sugnaa marbaan is idhi xaafadaba ma ka baxsataa, haddana waxaan ku calool adaygay wax kastaaba ha dhacaane la dhamee balse waakane imika maxaad waxaas oo dambi ah iiga galaysaan, maxaan aniga iyo inantan islaameed afka iskugu kaaya gelinaysaan, maxaad Hanaay igula jeclaatay mar walba inaad iga nixiso, iga shakisiiso miyaanan walaalkaa oo kaa wayn ahayn” Hana ayaa ku tidhi “Subeeroow waxaas oo dhami waa jacaylka walaaltinimada haddaanan ku jeclayna waxaas oo dhamba kuulama imaadeen ee hambalyo ayaan kaa sugayee waa maxay hatigaadu” Muna ayaa intii aanuu jawaabin ku tidhi “Horta Hanaay adigu mar walba waa runtiiye inankeena dhuuntaad u gashay iskaga tag, ma miskiinimadiisaad aragtay” Hana ayaa aad u qososhay waxaanay tidhi “dee waaban idinka tagi lahaaye miyaad cid uun i raacisaan, haddaan moodayo inaad isku kay raacaysaan miyaan gali lahaaba badaa” inta walaaluhu inantii Hodan way aamusan tahay waxay daawanaysaa oo kaliya TV-ga, dabadeedna Subeer ayaa ku yidhi “Walaal Hodan maxaad isku martiyaynaysaa guriga miyaa lagaa xigaa, soodigan aamusay waxaan moodayay markaan qolka ku jiray een sheekadiina maqlayay inaad intan ka dhiiranayd oo hadaladiinu qolkay igu soo gaadhgaadhayeen mise waan iska baxaayoo waa la iga xishoonaya” markii uu intaa yidhi ayuu istaagayaa dabadeedna Muna ayaa ku odhanaysa “ha kicine fadhiiso” “dee waayahee inoo wada sheekada ayuu ku odhanayaa”. Halkaa marka ay marayaan ayaa gabadhii Salma oo soo baraarugtay soo garaacaysaa telefoonka dabadeetana Hana ayaa ku odhanaysa “anaa kuu soo qaadaya ee iska fadhi” waa moobil magaceeda ayaana ku qoran markay aragtay aadbay uga xumaatay, haddana ma laha awood ay ku goyso waanay u keenaysaa isaga oo goobtii fadhiya, Subeer in kastoo uu yar naxay haddana wuu ku dhiiraday inuu la hadlo Salma isaga oo fadhiya isla goobtii  salaan ka dib ayay waydiinaysaa waxa uu qabanayo xiligan waxaanuu u sheegayaa in uu hablahdoodii la joogo oo aanuu meelnaba u bixin haddaa waayahay intay tidhaahdo ayay iska dhigaysaa telefoonka oo ilaa wakhtigaa waxa ku sii jirta hurdo ama dheelalaw mar keliya ayaa saddexdii hablood is wada eegeen ishuu kala socdaa markaa wuxuu ku yidhi “Hanaay waan ku maqlayaaye maxaad la xanshashaqaysaa” iyaduna ismay dhibine waxay ku tidhi “ogow dhuumashada qaar uu dhabarku muuqdaa waa dhib iyo hadimo!” hayaay!! Oo walaal waxaas oo maahmaah ah iyo murti ahi miyay kuu qarsoonaayeen, weger! Aniga waxba maahee waxaan u sii naxayaa kaad u tagi doonto, waxan oo hinaase ahna dee iska daa walaalo dadku intaa way wada hadlaan, danbaa ka dhaxaysa, shaqaa iska soo gasha, hawlo kale ayay wada yeelan karaan farriinbay i fari karaan, bal maxaad ka ogtahay qofkan ila hadlayay waxa uu ahaa” wuxuuse hilmaansan yahay in magaca Salma uu ka soo baxay telefoonkiisa oo warkaba ay Hani hayso oo garanayso qofku cida uu yahay intay aad ugu qososhay ayay ku tidhi “oo walaal ma islaamihi daqiiqda tukaanka ka qaadan jiraybaa, oo xisaabaa idinka dhaxaysay” afartoodiiba mar kali ah ayay qosol midba dhinac u jeedsanayaan intii qosolka lagu maqnaa ayay Hodan ku odhanaysaa “Hanaay Subeer waad ku shidaysaaye dee ka dhin, oo waa walaalkaaye ka xishood miyaanad ka baqanayn inuu adigana sidaa kuugu adkeeyo markaaga” halkaa markii ay maraysay ayaa uu telefon labaad u soo dhacayaa Subeer oo waxa uu la ballansanaa qolo todobada habeenimo wakhtigana waa Lixdii, intii uu ku hadlayay telefoonka ayaa ileen way dhagaysanayaane hoosta wax la iskugu sheegay waxaana lagu yidhi “mar haddaad baxayso Hodana sii qaad” waana intii lala rabay ee hada ogow. Subeer sidaan horeba idiinku sheegay aad ayuu u ixtiraam badan yahay waxyaabo badana waxa u soo jiidaysa ama u soo jiidaya afgaabnidiisa, aamusnaantiisa, xishoodkiisa iyo is difaacid la’aantiisa hadal kamuu soo celin ee inantii sidiibaa shidhka loogu soo saaray ileen marka meel wax ka salag leeyihiin ee jinku daasadaha tumayo ama sabab la isku raadinayo meel aad jiidho ma waydo, cid ku sheegtana waayi maysid. Waxa ka soo hor baxday gabadh ay jaar yihiin Salma oo isagana tukaanka isku yaqaaneen si kadis ah ayuu meel laab ah ugaga soo baxay la isa salaan inantii wuxuu waydiiyay halka ay tagayso u sheegtay inay u socoto xaafadoodii wuu soo qaaday markii hore may arkayn Hodan balse markii gudaha la iskugu yimid ayaa la is arkay si aadana waa la isku yaqaanaayoo gelinka dambe ayaaba barayfad la wada dhigtaa la isa salaan hadal badan la isuma galin waxaan casharada ahayna la isma sii waydiin maba eegin Subeer warba kama uu qaadan kamana uu san shakiyin aqoonta labadan hablood iyo garashada gabadhan uu soo qaaday iyo gacalisadii Salma la soo gaadh gurigii goobta waa fiidadow degtay oo iska dhaqaaqday hoyatay oo markaa lamay hadlin waxase jab ka joogaa waxa soo socda cabaar markii uu sii socday ayaa waxa ka soo gaadhay wakhtigii ballanta iyo guriga Hodan oo aad uga durugsan meesha dabadeedna wuxuu go’aansaday inuu ku horeeyo ballanta oo uu u tago wiilashii Hodana wuxuu ka codsaday inay raali ka ahaato iyada arrimahan oo dhami waa u naruuro, waa u nasteexo, waa u naq iyo doog niyadeedu way degan tahay intay doonaysay way heshay inay ka fogaatana maba rabto xaalkeeduna waa meel aan rabay roob ma igu eryay Subeer cabaar daqiiqado ah oo aan ka badnayn Soddon daqiiqo ayuu la soo joogay inamada intaana waxa ay dhagaysanaysay Hodan cajalad rikoodhka ku jirta oo ay ka socota hees aad u macaan oo midhaheeda ay ka mid ahaayeen:
 
 
Caradaa tilmaantoo 
Cawayskii gudgude helay
Saakana cawaaliyo
Soo celiyay mayayoo
Jiidhaamo culus iyo
Jini caydh madoobihii
Cidhifka isla gaadheen
Oo geedo culus iyo
Onkod caynbacayniyo
Caradaa tilmaantoo
Cabaar waxaan daawaday
Ubax caynbacayn iyo
Kor uga mudhay caleentiin
Ballanbaalis calamo leh
Shimbiruhu cod faraxliyo
Luuqda isku celiyeen
Calcalyada xareedii
Ceegagaa toggu rogmaday
Rahu caadadiisii
Ka dhex ciyay dhijaamaha
Hadba labada fiidcaw
Cosobkaa ugbaadkaan
Ku onkoday hilaacii
Ayaad ii cajabisoo
Calaf ha isku keen simo
Iyo caano iyo nabad
Inshaa alaah

La Soco Qaybta 17aad  -  Share on Facebook Share on Facebook

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Edito - Guled@sdwo.com

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE