SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 142 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qaybtii 17aad

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Health Advice: Before you Travel to any part of Somaliland or Somalia - Read this Health Advice

Qaybtii 16aad Waxay inoo joogtay heestii - Ceegagaa toggu rogmaday, Rahu caadadiisii, Ka dhex ciyay dhijaamaha, Hadba labada fiidcaw,Cosobkaa ugbaadkaan, Ku onkoday hilaacii, Ayaad ii cajabisoo, Calaf ha isku keen simo, Iyo caano iyo nabad, Inshaa alaah

Qaybtii 17aad 

Waxa  
Isa
Iyadoo aan heestii dhamaan ayaa waxa soo galaya gaadhiga Subeer oo si bilaa shanqadh ah iskaga furaya daaqada wakhtigaa way isla maqnayd Hodan oo heesta ayaa si aada dhiigeeda, dhuuxeeda, jidhkeeda iyo dhamaan waaxyaheeda waxay la socdeen heesta waxay ku warheshay “Walaal miyaan raagay, iga raali ahaw aad ayaan uga xumahay inay xiligaa soo gaadho dabadeedna intay qososhay ayay tidhi “walaal waxba maaha ee waxaaban is lahaa heestan macaan may kuu sii socoto oo wax badanba maan dareensanayn” sidiibuu ku soo kexeeyay kuna keenay gurigooda markii la joogo meel inyar u jirta guriga ee uu joojiyay gaadhiya ayay su’aal waydiisay ah “markaan ku arko erayga aan ku leeyahay afkaan kala maagayaa odhaahdiisoo, ma awoodi karayo in aan kuu tabiyo dhib badan oo aan tirsanayo, wadno hibanaya, caashaq halbawle ku shaqaynaaya aragaaga halis ay naftaydu ku sugan tahay heedhe ma iga badbaadin kartaa, 

haddaan saani hadalka kuu idhaa horena waan kuu dareensiiyay hadeerna waan kuu sheegayaa waxaan ahay qof jecel qof aanuu ogayn ilaa hadana aan ka maarmin mana garanayo waxay ku dambaynayso noloshaydu Subeeroow daah igama saarna inaad gabadh jeceshahay dooni maayo inaan dumiyo reerkiina mana ihi qof xaasid ah oo ka xun wada noolaashihiina, walaal ha ila yaabin, ha u qaadan waayin marka aad aragto aniga oo kugu soo maqan ama imanaya gurigiina ma ihi qof xukumi karaysa nolosheeda mana ihi qof helaysa waxa ay doonayso aragaagu waa ii xanuun biin hadalkaaguna waa ii intifaac hadaad iga jarayso adiga ayay ku jirtaa haddii kale dhib kale kuuma gaysanayo waanan ogahay oo iima yeelaysid laakiin walaalkayoow waxaan mar labaad kaa codsanayaa in aanad igu ceebsan jacaylka aan ku jeclaaday iyo sida adag ee uu ii haleelay” 

Subeer runtii aad ayuu ula yaabay hadalada Hodan isaga oo dhinaca kalena ka fekeraya mattaantiisii Salma si kastaba ha ahaatee muu noqon mid qofkaa ku reeba qoomamo iyo xanuun ama si arxan dariya ugaga dhaqaaqa meeshii ay joogtay wuxuuse isku dayay sidii uu u dajin lahaa waxaanuu yidhi “Hodaneey adduunyada habeen iyo maalin hadhkaa labadiisa galin, hada ruux wax jecel iyo heedhe mid kale oo aan ogayn hawl inay ku noolyihiin aadamuhu waan ogahay hase ahaatee hore ayaa loo yidhi naf wax jecel Allaa dhibay aniguna kugu dhibsan maayo waayo aniga ayay isoo martay anigaa og, anigaan dafiri karin, anigaa aaminsan, anigaa mar walba u ooya qofka wax jecel, anigaa kuu markhaati ah, anigaan kugu dafirayn, anigaa qirsan oo waliba qalbigaaga ka arkaaya qaraxyada ka dhacaya, way adagtahay walaashayeey siday gabadhi ugu dhiirato inay u sheegato wiil jacayl aan haynin, haddii ay ku ciyaaraysana way dhamaataa wakhtiga ciyaartu waxaanse dhadhaminayaa oo aan arkayaa xaaladaadu sida ay tahay aniguna waad sheegtay oo waxba kuuma qaban karo haddii aanan maanta ku jiri lahayn sidaan hore kuugu sheegay edega aan ku xarooday kaagama tageen, kaama baydheen, kaama baaqdeen kun kalena kuguma doorsadeen, haddase halka aan joogo adiga ayaa ka ah marag waxaan kuu qaban karaa inaan si fiican kuu soo dhaweeyo, inaanan dhibsan aragaaga, inaanan karaahiyaysan hadalkaaga iyo inaanan ku hiifin haka yaabin marnaba in wax xumaan ahi xagayga kaaga yimaadaan waxaanse kaa codsanayaa inaad iigu ducayso sidii aan u heli lahaa qofka aan jeclaaday, aniguna waxaan kuugu ducaynayaa sidoo kale” kalmadaasi naruuro dheeraada ayay galisay Hodan oo waxay u soo holatay sidii uu ka yeelay ama uu ka ogolaaday codsigeedii. 

Intaa markii la is dhaafsaday ayay u sheegaysaa in wakhtigii goor dambe yahay reerkuna igu ogaayeen aqalkiina, markaa halkan ha i dhigin ee guriga hortiisa i gee sidiibuu ka yeelayaa intii laga furayay albaabka wuxuu taagnaa aqalka hortiisa waxa ka furay inan ay walaalo yihiin oo ay Subeer si fiican isku yaqaanaan dabadeedna intuu soo dhaafay albaabka ayuu u yimid Subeer waa la isa salaamay, Subeer oo is leh u sheeg ayaa inankii uga horeeyay hadalka oo uu ku yidhi “dee Subeeroow way ku dhibeen Hana iyo Hodan oo ilaa xiligan haday ku wadaan hawlahaagii oo dhamba way kala daadiyeen” Subeer wuxuu dareemay in wiilka ay walaalaha yihiin ogyahay inay maanta reer Dhamal la soo joogtay oo ay la soo qadaysay. Kaftan yar oo gaaban kadib wuu soo dhaqaaqay Subeer wadada ayaanuu iska soo qaaday waxay ku dhawdahay saacadu tobankii habeenimo oo intii ay Hodan u sheekaynaysay ayaa wakhtigu aad isu guray sidiibuu ku seexday isagoon haleelin inuu la hadlo Salma waxaynu xusuusanahay in habeenimadkii uu soo qaaday gabadh la jaar ah Salma ileen dumarku waa balaayee waxay u timid Salma waxaana dhex maray sheekadan.

“Salma, waxaan ku waydiiyay goormaa kuugu dambaysay Subeer miyaad kala hadheen, hawshiinu miyay dhamaatay, ma reerkaa isku kiin diiday, ma adigaa ka maarmay, mise isagaa axdigii ka baxay?” Salma, way yaaban tahay oo waxay u qaadan la’dahay hadaladan faraha badan ee inantu is daba dhigtay dabadeedna si aad u kulul oo cadho ku jirto ayay ku jawaabtay “maxaa keenay inaanu kala hadhno aniga iyo Subeer, halkeenu kala tagi karnaa, sideen u kala maarmi karnaa, soo ma ogid inaanaan la’aan karin, soo ma ogid sida aan u jeclahay, soo warkeeda ma haysid dhibta aan u soo maray may kaa dahsoon tahay inuu yahay Subeer ninkaan u soo dumiyay reerkaygii dhamaa miyaad ilowsan tahay in Subeer yahay ninkii shanta sanadood aniga i sugayay xataa iyadoo la i qabo, haddaanad imika saaxiibaday ahayn wax kale ayaa dhici lahaa” inantii intay qososhay ayaa iyadoo ku tiiqtiiqsanaysa ay ku tidhi “waa runta intabana anaa kaaga markhaati ah, laakiin waxaan ku waydiiya maxaa ka dhexeeya Subeer iyo Hodan” hadalkaasi marka ay tidhi ayay la soo booday Salmi oo ay ku tidhi “maxaad tidhi ku celi bal hadalkaa? Haddana intii aanay inantii u jawaabin ayay tidhi Hodanaa, halkeed ku aragtay, maxaa lagugu yidhi, maxaad maqashay?” intaas oo dhan ayay is daba dhigtay iyadood moodo in xiskeedu maqan yahay gabadhiina si yar oo qabaw ayay ugu jawaabtay “xalay ayay i soo qaadeen oo iyada oo labisan iyo isagu ay i keeneen guriga agtiisa, markaana arrintaas uunbaa kaa waraysanayay ee wax kale ugama jeedin anigu” Salma madaxa ayaa aad u xanuunay cabaarbay aamusnaanaysaa waxa kaliya ee ay ku celinaysaa “miyaad hubtaa?” inantuna waxay ku tidhi “ma waxaan kuu sheegaa dharkay xidhnayd, ma waxaan kuu sheegaa sidii loo qoslayay, ma waxaad iga doonaysaa meeshii la tagayay, may kaa dhaadhici la’dahay is raacitaanka Hodan iyo Subeer, hadaadse sidan tahay miyaad lugta ka xidhatid Subeer ama u sheegtid runta ood tidhaahdid ha ii sheegin been hana igula dhaqmin wax aan suurogal ahayn oo aa arrin kolba soo afjartid” 

Salma marka hore inanta waxa ay ka waraysanaysay kursi daarada yaala balse intay inantii guriga ka shaqaynaysay u yeedhay ayay ku tidhi “waxaad noo keentaa sharaab qabow” meeshiina waa laga kacay oo waxa la tagay qolka fadhiga, waad iska garanaysaa qof marka horeba war sheegayay markuu arkayo sida loo soo dhawaynayo warkii uu sheegayay inuu sii kordhinayo oo uu sii macaanaynayo, mana aha wax cusub ama inanta ku ah keli ee waa xaajo waligeedba lagu yaqaano dadka war sheekada yaqaana ee kala dila lamaanaha. Salma iyadoon is ogayn ayay halkan u bilowday inantii wixii dhex maray iyada iyo Subeer, siday isku barteen ilaa iyo wakhtigan maanta ah halka arrinkoodu marayo waxaanay ku gebogabaysay in ay ballansan yihiinba maalmaha soo socda inuu u yimaado reerka midna ogowoo reerkoodu sawmaad maqlin inaanay aniga ila rabin waxaan u malaynayaa Subeer reerkooda ayuunbuu u xagliyay, kalmadaasi waa mid ay isticmaasho mar kasta oo Subeer arrin kaga soo fool yeesho ama ay ka tirsato dhibaato, Salmi inantii waxay ku tidhi “walaal waad mahadsan tahay, waxaanan jeclahay inaad mar walba ii timaado oo waayo intii aan dalka ku soo noqday maan lahayn saaxiibad joogto ah, waxaanan rabaa inaad sidaa iga aqbasho” halkiibaana la isku gacan qaadayaa waanay soo dhawaynaysaa oo gurigooda agtiisa ayay gaynaysaa wakhtigan ay ka sheekaysanaynaan arrinkani waa maalintii dambe gelinkeedii dambe markii shaqada laga soo rawaxay. Salma Illaahayba uma kaadin telefonkii ayay dhegta qabsatay waxaanay garaacday Subeer iyadoo wakhtigaa dheg la qabto aan lahayn cabaar ka dib ayuu ka qabtay may salaamin waxayna ku bilowday 

“Maxaa ku helaya haddaad i fasaxdo, maxaa ku helaya, hadaad run igula dhaqanto, maxaa ku helaya hadaad guursato inanta aad jeceshahay ma waxaad u haysataa in aan dhimanayo ama aanan noolaanahayn adiga la’aantaa, waxaad ogaataa Subeeroow in badan ayaa kaa dul qaatay, wax badan ayaan iska dhaafay arrimo aad samaysay maantase tani mid aan ku kala baxayno maaha, waxaan jeclahay ama ay ila tahay ama tahayba inaad i fasaxdo, oo aad intaa dhibaato iigu filnaato, waayo wixii intaa ka dambeeya dee waan ku waalanayaa”. Subeer wali hadal kaliya kumuu odhan umanuu jawaabin wuu yaaban yahay meel lagala qaadayna ma garanayo, waxaanuu ku yidhi “walaal, shaydaanka iska naar aynu is aragno, aan isu nimaadno, waxna aan is waydiino, wixii igu cadaada diyaarbaan u ahay inaan kaa qanciyo, laakiin ma laga yaabaa waxan aad igu haysataa inuu yahay wax aan jirin oo aad iska shakiday, intay aad u qososhay ayay ku tidhi “waxaad tahay xariif, aadbaanad u taqaanaa sida loo xado qalbiyada bina aadmiga, waxaanse kuu sheegayaa in beentii iyo halaasigii soo dhamaaday imikana la iskugu yimid xaqiiqdii, waxaad ogaataa inaanan ogolaan doonin wax kasta oo aad iila timaado ilaa aad cadayso waxa idinka dhexeeya adiga iyo Hodan” markiiba dareen halka arrintu si ka tahay iyo gabadhii ay qaadeen ay u sheegtay Salma waxaanad filayn iyo falaadhi way kaa nixiyaane waxaan xusuustaa Salmaay heestii uu fanaanku qaadayay ee ahayd

Fikir iyo naftaydaay
Filan waagan kugu dhacay
Fiintuba way la oydaye
Feedha bidix wadnaha sudhan
Tii jacaylka fidisaa
Fulin wayday wacadkee
Ficil aad samaysana
Samirbaa ka fiicane
Ha fakarine ficil joog
Farxad aan ciyaarniyo
Aroosbaa filayee
Sawkan faalkii gees kale
Falaadhuhu u jeesteen
Mid aan fiiro dheeri
Fulin wayday wacadkee
 
Wax wal oo kaa yaabiya wuxuu ka dhigan yahay filan waa’ haddaan filayana in ay arrintani sidan u dhacayso mana soo qaadeen mana salaameen midbaan kuu sheegayaa haddaad tidhi kula hadli maayo ilaa iyo inta aad ii sheegayso waxa idinka dhexeeya adiga iyo Hodan wax aliyaale wax naga dhexeeyaa ma jiraan iyadana waan u sheegay inaan adiga ku jecelahay waanay ogtahay waxaanse u qaadan laahay sababta aad u dhagaysanayso sheekada hablaha yaryar iyo dumarka taydana aad u baal marayso, waxaan arkayaa oo ii muuqda in marba marka ka dambaysa uu soo yaraanayo kalgacalkii, jacaylkii, xiisihii iyo wanaagii badnaa ee aad ii haysay waan dareemi karaa waanan ogahay inay adagtahay qofka aad jeceshahay oo lagula yeesho laakiin waxaa taa ka xun haddii aad masabid ku samayso gacaliyahaaga isaga oon ku jirin wax dambiyana mar walba aad ka dhigto dambiile Salma ayaa tidhi “ima qancinayo, kumana qancayo, mana qaadanayo qaladkan iyo qalado hore oo badanba hore ayaan kaaga qaatay waxaadse ugu talo gashay inaad qulub iyo qalalaase na dhex galiso oo aad arrintayda oo dhan baabiiso musqatbalkaygana ka dhigto mid ka baxa faraha inta aanay se taasi dhicin waa inaan kaa tashadaa waxaanan kuu sheegayaa ama ogolow ama ha ogolaanin diid ama yeel jeclaw ama ha jeclaanin necbaw ama waligaaba ha nicin, hadaad hortayda ku qancinayso oo inta aad u yeedho aad u sheegayso inay faraha kaa qaado waan ku samrayaa inta ka horaysa wax kasta oo aad ii sheegto, hadal kasta oo wanaagsan iyo wax kasta oo aad iila timaado wax aan ka dhagaysanayaa ma jirto hana daalin hana isku dayin inaad ila soo hadasho, iska ilow magacayga, muuqaalkayga iyo midabkaygaba waayo mugdibaan kaa galay, madawbaan ku jiraa aanan meelna u soo marin, jirimadbaan naftayda kuu galiyay, jab kasta waan kuugu soo dulqaatay waxaas oo dhamina waxay iga ahaayeen jacayl aan kuu qabo aawadeed ma dafirayo oo odhan maayo imaad jeclayn waxaanse ogahay inaad is bedeshay lagu bedelay Subeerkii horena aanad ahayn, waxaadse ogaataa sidaa aad isku bedeshay inaan isku bedeli karo inta badan ee aan kula hadlayna raali ka ahaw haatan iyo dan ma i horkeeni kartaa gabadha oo hortayda ma ku qancin kartaa mise waa maya” 

Subeer aad buu uga cadhooday hadalkaa waayo Hodan mar horeba wuu qanciyay iyaduna way ku qanacday muxuu yeelaa imika ma inanta ay sida walaaltinimada ah isku barteen, ma inanta ay walaashii saaxiibka yihiin, ma inanta afka u kala qaaday ee ku tidhi waan ku jeclahay, ma inanta isaga oo waxaas oo dhan og uu ugu jawaabay kuuma baahni niyadna kuuma hayo igana raali ahaw ayuu haddana intuu dumar hor keeno ku yidhaahdaa i nabad geli arrintani waxay ku noqotay u qaadan waa’, filan waa’ waxaanuu go’aansaday wax kasta oo ku dhacayaba inaanuu Hodan hor keenin Salma isaga oo og isagu in uu wax wajiya oo u yaalaaba aanuu jirin haddana qadarinaya, xishamaynaya bila aadminimada qaaliga ah ee ka dhaxaysa labada qof waxaanuu ku yidhi “haddii aad i aaminayso Salmaay i aamin haddii kalena waxa aad sheegayso iyo jacaylka aad sheeganayso midnaba waxba kama jiraan, waxaanan ku xaqiiqsanayaa mar kasta oo aynu is qabano waxaad igu tidhaahdaa aynu kala hadhno iyo imika ina kala kexee qofka ay arrintani xagiisa ka dhamaan la’dahay waa aniga hada se ana sidoo kale way iga soo dhaadhacday waanan daalay mana hayo dulqaad dambe oo aan kugu maslaxo waayo dhinac walba dab baa igaga baxayo xaafad ma tagi karo oo waxaa la i leeyahay ha noo keenin Salma adigiina waxaad i leedahay ha ii imanin oo i nabad gali dhalinyaradii waxay igu leeyihiin Salma daraadeed ayaad sidaa u noqotay way fiicnaan lahayd, 

way haboonayd inaad ku qaadato oo aad wax ku qaadato erayada wanaagsan ee suuqa ku jira halka aad iila imanayo kalmada khaladka ee aad iila imanayso haddii aan naag doonayo ma soo gaadheen wakhtigan kumana sugeen adiga kaalamana tashadeen habeen iyo maalina iguma qaadateen waxaanse aad ula yaabanahay hankaygu halka uu taagan yahay iyo hiyigaagu halka uu marayo waxaananse la yaabayn waxa kaa soo baxaya wixii kuu qarsoonaa waanay fiican tahay intay hadhaw inaga oo xaas ah iman lahayd inaad imika isa sheegto qofka aad tahay oo aan ku ogaado waayo way igu adkaan lahayd manaan heleen meel aan ka baxo iyo si aan u dhaqmo toona waase Illaahay mahadii inay maanta si dhib yar kaaga soo baxdo wax  aan muddo badan sugayay, midna ku bushaarayso, kuuma keenayo Hodan waji aan ula tagaana iima yaalo waxaan ku idhaahdaana ma taalo adiga ayay kuu taalaa hadaad iska tagayso hadaad i nacayso iyo hadaad sideenii hore inoo daynaysaba, anigu se waxaan kuu sheegayaa oo aan beeni ku jirin in aanan marnaba hunguraynin gabadh kale adoo maqan iyo adoo jooga toona, waxa kale oo aan ku waydiinayaa maalin walba waxaan arkaa adoo gaadhi la socda, xili kasta waxaan arkaa adiga oo guriga lagaa qaadayo, 

ha lagu geeyo shaqo ama meel kaleba aaday miyaan wali ku waydiiyay oo aan kugu dhibay ama aan si xun kuugu hatigay oon ku tusay inaad i khiyaamaynayso, haddaanadse adigu khiyaamoole ahayn maxaad mar walba ugu fekeraysaa inaan ku khiyaamaynayo, raashinkaygaan cuni lahaa, reerkaygaan dhaqan lahaa, rugtaydaan joogi lahaa, raxanraad abaariyo raran kuma dul joogeen awgaa, ayaamaha qaarkood ama maalmo badan waayo dhawra, wakhtiyaal door ah way ila yaabi jireen dadku waxaanse ogahay inaan ahayn qof aan marnaba u dhalanin inuu xumeeyo qof adiguna waad ka xag jirtaa oo noloshayda waxaad tahay tii iska lahayd, indhahayga, wadnahayga iyo dhamaan xubnaha jidhakayga waxay u shaqeeyaa ama ay u nool yihiin yididiilada, kalsoonida iyo hadba heerka wanaagaagu taagan yahay haday sidaa gaadhay inaad igu tidhaahdo hadh cad iska dhaqaaq wax dhib ah maaha cid aan u sheeganayo, cid aan la ciirsanayo, qof aan ula cataabayo iyo cid iga ka qabanaysaa midna ma jiraan, noloshaydu adigay kugu dhamaataa adigayna kugu bilaabantay, waxaan aad ula yaabanahay waxan kale ee aanan arkayn ee kuu muuqda adiga ayaan kaliya maan odhan indhaha u roon ka oohi, aayaha naftaada ka ilmaysii, oorida mustaqbalkaaga ka cadhaysii hase ahaatee wixii oo dhan waxaa isku qaatay kalsooni darada aad i tustay oo ah mid aanan ka kabanayn, waan dareemayaa waanan ka xumahay inaan hadalo badan oo calooshayda ku jira kuu sheego adiga oo aan waxba ii qabanayn markii aan madiga ahaa, markii aad iga maqnayd, markii la iga kaa guursaday, markaan ugu murugada badnaa, markaan iloobay naftayda maantay igaga darantahay wakhtigaasi waxa ii muuqday oo aan higsanayay inaad ii soo noqon doonto hadaanse moodayo sidan iguma dhaceen hadimada iyo hagardaamadani huuno, gacaliso, walaal, macaan, qalbi arrinteenu adigay kaa go’daa maxaad ku go’aaminaysaa”. 

Salma siduu horeba u sheegay uma dhaadhacsana hadalada wanagsan ee uu ku leeyahay waxa kaliya oo maraya naagtii oo la hor keeno waxaanay ku odhanaysaa “go’aankaygu waa midkaa, haddii aad yeelayso yeel, haddii kalena diid, waxaan ku siinayaa fursad laba maalmood iyo laba habeen oo aad kaga soo fekerto, waanad mahadsan tahay hadaladaada macaan sida aad u samaysay suugaanta iyo sida aad xariifka ugu tahay xadida qalbiyada bina aadamka iyo inaanay cidi kaaga aqoon badnayn qancinta qof anba waan ogaa hadalkaygu laakiin halkaasuunbuu ku go’ayaa” isagoo halkaa maraya ayaa waxaa ka soo galaysa rikoodhakii uu dhagaysanayay heesta uu qaado fanaanka Alle ha u naxariiste Axmed Gacayte oo uu sameeyay Abwaanka wayn ee Cabdi Qays taasoo lahayd:-

Anigoo dhallaanoo
Qalbigana ka dhimanoo
Dhaayaha wax ka arkayn
Dhagar qaboow abees iyo
Halaq lama dhunkado oo
Dhabta lguma qaatee
Haweenkaa ka dhiganoo
Ruuxay dhinaca saaraan
Ka idleeyay dhiigee
Anay igu dhex tuureen
Dhamac iyo dhab shidanoo
Qayrkay i dhaafsheenoo
Dhana maanta haysane
 
Subeer wakhigaasi waxa kale oo u baxaysay oo ku xigtay heestaa tan kale ee ah:-
 
Daruuraha hilaaciyo
Dayax nuurayaad tahay
Dawadii naftaydiyo
Dookhaygiibaad tahay
Dumarkaba dhamaantood
Taan ka doortay baad tahay
Kuma dayn karaayoo
Ifkaan kuugu jecelahee
Kuu daacadbaan ahee

La Soco Qaybta 18aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE