SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 144 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qaybtii 18aad

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Health Advice: Before you Travel to any part of Somaliland or Somalia - Read this Health Advice

Qaybtii 17aad Waxay inoo joogtay heestii -
Daruuraha hilaaciyo, Dayax nuurayaad tahay, Dawadii naftaydiyo, Dookhaygiibaad tahay, Dumarkaba dhamaantood, Taan ka doortay baad tahay, Kuma dayn karaayoo, Ifkaan kuugu jecelahee, Kuu daacadbaan ahee

Qaybtii 18aad 

Waxa  
Isa
Wuxuu ku odhanayaa “Salmaay cajaladaasi ama heestaasi waxay ka mid ahaayeen kuwii aan ku dawayn jiray qalbigayga wakhtiyadii ugu adkaa hada se waad aragtaayoo wax waliba waxay isku badaleen dhinaca kale xaaladeenu maanta waxay noqotay mid aan waxba laga qaban karayn waxba ha i karaahiyaysanin hadalkana yaanan kugu badinin iska seexo laba cisho iyo laba habeen toona waxaan kuu keenayaa ma jiro hadaan keenayana wakhtigan aan joogno ayaan kuu sheegayaa markaa Salmaay walaal adoo iga raali ah ha iiga qaadan xumaan, u malaynin quus wax waliba waa qadar Illaahay adiga ayay kula taalaa sidii aan hor kuugu sheegay waxaad yeelayso”. Salma “waayahay ee habeen wanaagsan” iyo habeen wanaagsan sidiibaa lagu kala tagayaa iyadoo aan midna midka kale wax ballan ah ka qaadin qadar dabadeed wuu iska gam’ayaaba Subeer waayo wuxuu isku arkaa oo uu naftiisa u sheegay inaanuu ahayn qofka dambiga abuuraya wax walibana waxay u dhici doonaan sidii uu Illaahay ugu talo galay isla markaana aanuu isku dawakhin ama iska daba ridin doondoonka iyo raadinta ruuxa shakigu ruxayo. 

Dhinaca kale, Salma waxay dareensan tahay dhinac inay khalad ku jirto xaga kalena waxay doonaysaa inay wax u kala cadaadaan ee wax jacayl ah oo ka ba’ay iyo cadaawad ay u hayso midna ma jiro in yar markii ay joogtay ayaa waxaa la soo hadlaya Inaabtigeed Mursal oo ahaa mar odaygeeda waxaanuu ka waraysanayaa wakhtiga iyo waayaha, xaalada dhalinayaronimo iyo xaaska waxa u dhexeeya, wuxuu us heegayaa inay tahay xabad dheeman ah ama luul ah ama se dahab ah hadaad doonto wax qaali uun ah markaa in aanay ku ciyaarin iskana lumin fursadaha soo mara isaga oo waydiinaya hadalada noocaas ah una sheegaya in uu imika yahay walaalkeed ninka guursadaana noqonayo seedigii ayuu ku odhanayaa “qof aad jeclaatay oo aad jamatay ayaa runtii jano u dhinayn waxaan ogahay qofka agtaada ka ah wax wayn, midka aad calmato iyo ka aad u holato inaad guursato inay intuba yihiin qaar iga nasiib badan, wakhtiga, waayaha ayaa ina kala keenay waanan ogaa oo waxaan helay laba waraaqood oo laguu soo diray mudadii aynu is qabnay” shaw markaa maalmihii warqadihii uu Subeer u qori jiray ayaa aanay Salmi si wanaagsan meel ugu habayn kadibna markay ka soo guurtay waxa uu ka helay meel ka mid ah guriga dhexdiisa, wuxuu aad ula yaabay erayada iyo hadalada aadka u culculus ee ku qornaa warqadaa dabadeed isaga oo taa tixraacaya ayuu ku yidhi “talow wiilkii Subeer halkeebuu ku dambeeyay, caruur ma leeyahay, ma guursaday, magaalada ma idinla joogaa mise wuu idinka maqan yahay xidhiidhkiinu se waa sidee” waxay ugu jawaabaysaa “Mursaloow waa runtaa oo aniga oo ooridaada ah ayaa la ii soo qoray waraaqo jacayl qofka ii soo qorayna waxa uu ahaa qofkii aan adduunka ugu jeclaa hase ahaatee markii arrintaadu timid ayaan wax walba bedelay, raacitaankii aan ku soo raacayna muu ahayn mid niyad iga ah, mid muxubo iga ah, mid aan mabsuud ka ahaa, iyo mid aan ku qanacsanaa toona laakiin u qaadin waaga hooy iyo qadarka Illaahay ayaa sababay in aynu intaa isla joogno ee may ahayn mid aan anigu u kasay ama aan maskaxdayda ka keenay”.

 Mursal waa nin aftahan ah, aadna u kaftan badan wakhtigana aanay ku mudnayn lurtii caashaq ee Salmi markaa si saraaxad ah ayuu wax walba ugu sheegayaa wuxuu odhanayaa “walaashayeey inyarbaa adduunka la helaa qof ku jecel, in badanbaa se jirta oo kugula socota indho sarcaad markaan eegay Subeer waa wiil daacad ah arrinta uu kaa yeelayna kolayba anigu kaamaan yeeleen waxase laga yaabaa dadku isku caqli maaha, isku feker maaha, isku abuurna maaha dhibaatada intaa leeg qofka kuu galay inaad kaga dhaqaaqdo meel cidlo ah oo aad ku gefto isaga oo aan wax dhiba kuu gaysan” Salma tin iyo cidhib way jidhidhicootay waxaanay mooday in uu dhegaysanayay hadaladii dhex marayay iyada iyo Subeer waxaanay ku tidhi “maxaad ku keentay hadaladan” isaga oo aad u qoslaya ayuu ku yidhi “wax kale kuma keenine way yar yihiin dadka la jeclaadaa, wayse badan yihiin kuwa wax jeceli adigu waxaad nasiib u yeelatay oo aad hablaha kale kaga duwan tahay ma waydid qof ku jecel, mana yeeshid qof aad jeceshahay ileen imika waynu kaftamaynaaye, iiga sheekee halka uu marayo xalkii Subeer” Salma ayaa ugu hal celisay “Mursaloow wax waliba waa qoraal, wax aan eebe qorina ma dhacaan, hana u malaynin is yeelyeelkayga, is diidsiintayda iyo si kasta oo aan isku adkeeyo inaan anigu hogaanka isku hayo, hadaan kaaga waramo Subeer ilaa hada waan jeclahay, isna wuu i jecel yahay nasiib daradu se waan is fahmi la’nahay” Mursal oo ah nin aad u waayo arag ah muddo badana soo sheekaystay iyadana dabeecadeheega yaqaana ayaa odhanaya “marlay waan hubaayoo, dhib kama imanayso xagiisa arrimaha oo dhana xagaaga ayay ka burburayaan balse waxaad isku taxaluujisaa sidii aad u badbaadin lahayn qof ku jecel” Mursal markii uu intaa ku yidhi waxa ka dhamaanaya kaadhkii uu kula hadlayay waxaanuu la ballamayaa inuu mar dambe la soo hadli doono.

La kala tag, iska tagtay sariirteedii ilaa habeenkii hadba dhanbay isku rogaysaa waxayna la yaaban tahay labada arrimood ee isku hagaagay, waxay ogaanaysaa inay khalad wayn gashay, hase ahaatee Salma oo u dhalatay kini adayg ayaa ku adkaysanaysa inay halkeeda taagnaato ilaa inta ay u kala cadaanayaan arrimuhu, waxay baaxaa degtaba, waxay laba bogalaysaba waxay soo qaadanaysa rikoodhkii si ay u dhagaysato heesihii uu u soo duubi jiray waxaana u soo baxaysa hees uu qaado C/qaadir Jubba

Sagal hooray oo da’ay
Dhibcihiisii soo simay
Saxansaxaa udgoon badan
Sadriga iyo laabtaa
Sidaad tahay i deeqdee
Su’aalahaan ku waydiiyay
Sax miyaa jawaabtani
Si kastaba ayaamuhu
Ha is daba socdeenee
Waan sal gaadhay caashaqaa
Saddex saniyo dheeraad
Caashaqii i sahansaday
Sambabada jidhkaygiyo
Saameeyay feedhaha
Haddii aanad saacidin
Sucaadeey walaaleey
Naftu way iga socon lahayd
Si kastaba ayaamuhu
Ha is daba socdaane
Waan ka salgaadhi caashaqa
 
Waxaad moodaa, heesaha uu u soo duubo inay yihiin qaar mar walba taagan oo marxalad kastaba ka turjumaya Salmina uma adkaysan karto hadalada naxariista leh iyo erayada kalgacalku ku dheehan yahay ee Subeer markay dhagaysatay heestan waxay isu gaysanaysaa saddexdii arrimod waxaanay odhanaysaa haddii aanad khaladka adigu lahayn waxan oo dhamiba may dhaceen imikana waa inaad wax ka bedeshaa mawqifkaaga intaa iyadaa isla hadlaysa, haddana waxay odhanaysaa maya calool adayg waa Alle wehelkii wax kastaa ha dhacaane wixii aad ku ballan qaaday waa in aad kaga dhabaysaa Subeerna haddii aanuu keenin arrintii aad isku ogaydeen isaga ayaa cirka roob ku og, waxay galgalataba goor waa dhawaadkii ah ayay indhaha isku gaynaysaa maxaase ka dan ah saacad ka dib hoonka gaadhiga ayaa u baxaya oo waxaa la leeyahay u soo bax sheekada. Maalintaas oo dhan xafiiska waxay ay u joogtay sidii qof caag, wax tamar ah, dhaqdhaqaaq ah, hawl ah midna may qaban, dadkuna way dareemayeen qaadirada ka muuqatay oo hablaha asxaabtu waxay kula kaftamayeen maxaad talow xalay ku soo jeeday iyo erayo kale oo ay ka mid ahaayeen guurbay qorshaynaysaayoo gebigeed adduunayada geestay ka joogtaba maba garan karaysoo guyaal iyo guyaal badan caashaq soo gilgilaybaa hada soo gunaanadoo gurmadkiisa araganaye Salmaay ha gaagixinin caashaqa waxa ku odhanaysa oo geeraarkaa yar u tirinaysa inan ay xafiiska wada fadhiistaan oo ay kuwa kale isaga dhaw yihiin hadal badan uma celinayso oo Way is ogtahay, wayse jeceshahay in looga sheekeeyo hadalada Subeer iyo jacaylkiisa. Wakhtigaa Subeer suuqa ayuu iska joogaa oo gaadhigiisii ayuu wataa waxa ku soo dhacaya telefan ay u soo dirayso Hodan waxaanay odhanaysaa “bal waran, xaaladaada ka waran, is waraysi, xaal waraysi ayaa in muddo ah la galayaa” Subeer ayaa ku odhanaya “waxaan doonayaa inaynu is aragno”.

Hodan iyada haddii uu yidhaah xiligaa soo bax waa diyaar waxaa la ballamayaa todobada fiidnimo iyo Huteel. Subeer waxa uu u ballaminayaa inuu u sheego dhibaatada haysata iyo halka uu ka taagan yahay arrin walba. Hodan may diidin hadalna kumay soo celin waxay ku tidhi “waayahay walaal, ee halkeed igu soo maraysaa” wuxuu u sheegay inuu guriga hortiisa kusoo mari doono. Telefoonkiis wuu iska dhigay waxaanay bilawday Hodan sidii ay iskugu diyaarin lahayd ballanta Subeer markiiba waxa ay la soo hadashay Hana oo ay ku tidhi “aniga iyo Subeer ayaa ballansan caawa iyo ma dhici karto” Hodan ayaa ku tidhi “way dhacday ee waxaan ku waydiiyay maxaan xidhaa” Hani intay qososhay ayay ku odhanaysaa “walaalkay wuxuu ka helaa, dharka madmadow ee waxaad qaadataa sadkaagii madowga ahaa” kaas oo ah mid ay iyagu isla garanayeen Hani daacad kama aha dharka ay u xushay ee waxay doonaysaa in uu Subeer ku qoslo waxoogaa waayo dadkuu ku dacaayadeeyaa gaar ahaan hablaha “ma asaybay sidaan maxaa u xidhay dharka madow”.

Markii la gaadhay ballantii ayaa la iskugu yimid goobtii soo qaad oo keen Huteelkii, waa meel aad u qurux badan, neecaw qabaw oo aan dhaxan lahayn ayaa ka dhacaysa iyada oo wakhtigaa dhulku huur ahaa, waa mutul aad looga shaqeeyay oo lagu xardhay si farashaxanimo leh, caws, alool iyo shayo kale oo ah kuwii aynu hidaha u lahayn waxa ku sawran gabadh saddex qayd xidhan iyo wiil laba go’ xidhan, xawayaano kala duduwan, cabaarbaa meeshii la fadhiyay buuqu ma badna oo Huteelku magaalada ayuu aad uga baxsan yahay waxaana inta badan taga dadka aan rabin in rabshad ama hadal buuq ah ka dhex galo sheekadooda in yar markii ay fadhiyeen ee ay dalabkeedii dhiibteen ayaa waxa uu ka yaabay qaabka ay u labisan tahay Hodan, hanaanka Illaahay siiyay iyo midabka aan casaanka ahayn madowgana ahayn ee ku yar inta badan hablaha hadeer jooga, waa gabadh aad u dheer, qoor dheer, dhex dhuuban, kub dhamaystiran, timaha oo aad moodo inaanay iyada ku oolin oo uu shaki kaa galayo inay xidhan tahay kuwa lagu kordhiyay timaha caadiga ah waayo sararaha ayay dhaafeen midabkoduna waa madow tukhul ah oon dawo la marinin, jileec aan gacanta xaganayn dhibna ku lahayn marka ay duubayso. Subeer cabaar ayuu ku jiray daawashada Hodan oo aanuu caawa ka hor arag iyada oo sidan u labisan marka aad is barbar dhigto Salma iyo Hodan waxa qurux badan Hodan inkastoo jacaylka la yidhaahdo wuu indho la’yahay haddana xaqiiqdii wuu qirayaa Subeer inay Hodan ka qurux badan tahay Salma waxaanuu se iloobayn inuu jecel yahay Salma, aamus dheer dabadeed ayay ku odhanaysaa Hodan “walaal maxaad inoogu sheekayn la’dahay” inta uu yar naxo ood moodo inuu ka soo baxay meel uu ku maqnaa ayuu odhanayaa “iga raali ahaw Hodaneey, waa adduunyo oo, waa waayo badan, waagii kastaba waji gooniya waxay ku Tusaysaa waayo aanad hore u arag ismaan lahayn, umanaan fekerayn Hodan ayaydun intaa is ag fadhiyi doontaan, talada kuma aan darsan Hodan ayaad huteelkan keeni doontaa waxaanse ogaanayaa ama aan arkaa, ama aan horeba u ogaa in wixii uu Illaahay qoray qofna aanuu is hortaagi karin” Hodan waxay fadhidaa meel ku beegan koonfurtiisa waxa ka soo dhacaya laydh aad u yara qabow oo timaha Hodan hadba dhinac u ridaysa, waxa uu la yaaban yahay qaabka uu Illaahay qofkan u samaystay iyo sida uu isu raaciyay akhlaaqdeeda, dad la dhaqankeeda, wakhtigaa waxa ka socda hudheelka ay fadhiyaan heeso badan oo kala kaan kaan ah laakiin markan waxaa socota heestan:

Qaali iyo luulaay
Haddii ay quruxi wacantahay
Ama qiimo leedahay
Qaadirkaan ku dhaartee
Qaalintii hablaha
Runtii qalanjo waa adi
Allow yaa qilaaf iyo
Ka ilaasha qaladoo
Ubad aad u qaadaa
Qay ugu xambaartaa
Qoyskiisa noqotaa
Qado aad u karisaa
Nolol qaaye le oo wacan
Waligaaba kugu qaba
 
markay muddo sheekaysteen ayuu Subeer ku yidhi “Hodaneey, hore ayaa loo yidhi waa sagaal adduunyaduyoo ma tobnawdo waligeed waxaan uga socdaa hadaan hal habeen oo kaliya hunguri iikaa gali lahaa ha hinaasto Salmi waxase nasiib darro ah inay cidlo ka masayrto aniguna inbadan baan u dul qaadanayay, wax badan baan is lahaa yaan dadku idin maqlin, wakhtigan iyo wixii ka dambeeya suurogal maaha inaan anigu qaato khalad aanan lahayn una gaysto qof khalad, waan kuu soo sheeko dhaafay Hodaneeye, waayadii aanu kala maqnayn aniga iyo Salmi xiliyadii aan aadka ugu baahnaa hadalkeeda iyo arageeda intaba way iga goysoy aniguse marnaba maan tusin in ay xumaysay oo ay burburisay qaybo dhan oo jidhkayga ka mid ah, waxay iga dhigtay qof mariid ah oo aan waxba qabsan karin iyada la’aanteed, ma awoodo inaan la kulmo ama la hadlo ama u hanqal taago gabadh kale, waa wax la yaableh waxaanse jeclahay haddii uu ii wanaagsan yahayna Illaahay ayaan ka baryayaa inaan ku sii jiro xaaladan haddii kalena inuu iga saaro”. Hodan waa qof aad u degan, dabeecad wanaagsan, oo dhamaystiran intay cabaar aamusnaato ayay ku odhanaysaa “walaal, waayaha adduunka ayaa dadka qaarba caynba ka dhiga marna wiilka ayaa xumaada marna gabadha ayaa ka hadha oo keenta waxyaabo ay ku kala tagaan, kugula yaabi mayo jacaylkaaga iyo sida aad u qadarinayso, waxa aan aad ula yaabanahay sida aan laguugu ogayn haddii aniga hal habeen oo ka mid ah noloshayda uu jacayl sidaa qof ii jeclaan lahaa ma siisteen adduunyada inta aan ku noolahay mana garteen adduunka wax aan ugu abaal gudi lahaa, waase ay iska dhacdaa waxa la yidhi waa wareegto adduunyoo, wakhtigaa hadba caynoo, nin wadeeco la jiifoo, walbahaar ladi waayaa waynaheen ka baxshaa nin wanaag ku casheeyoo wacan oo nabad seexdaa bari wiishle tagaa haddii ay ogsoon yihiin aadamuhu wax iska kooban lagu daalin lagu rafaadin oo dhamaanteed loo keenay dadka inay ku cibaadaystaan iyo in qofba qofka uu jecel yahay kula dhamaysto si raaxo leh mabay dhaceen is qabqabsigan iyo dhibkan idin haysta, Subeeroow anigu kaagamaan waramin waayahayga adduun iyo wakhtiga isoo maray, waxaan jeclaaday wiil aanu isku fasal ahayn waxaan qarsanayay muddo fara badan oo aan diiday inaan dibnaha u kala furo, waxayse noqotay lagama maarmaan inaan u sheego hawsha igu soo korodhay iyo heerka uu ila taagan yahay Mustafe runtii muu ahayn wiil xun balse waxa uu ahaa qof aan inta badan ku dhaqmin xaqaa’iqa ama dhabta oo ku dhex jira nolol dhalateed ah markii aan u sheegay arrintan maalmihii hore wuu isoo dhaweeyay, muddo badanbaanu si wanaagsan u sheekaysanaynay oo dhalinyarada iskuulku intooda badani isku kaaya ogaadeen, nasiib darro Mustafe waxa uu u baqoolay ama uu tagay safar degdeg ah oo reerkoodu u diray dhinaca dalka Sudan si uu wax ugu soo barto muddo bilo ah markii uu maqnaa, markii aan warkiisii siduu ahaa wakhtiguu ila joogay ka waayay, markii aan ku cidlooday magaalada, markaan u baahday wehelkaygii waxay igu qaadatay inaan habeenkii laba ilaa saddex saacadood ku dhawaad aan dul fadhiyo iimaylka waayo guriga iyo internetka waxba iigamay dhaxaynin muddo ku dhaw afar bilood waxay sidii ahaataba, waxa dhacday in uu ii soo diro warqad khaldan oo shaw uu u dirayay gabadh kale oo saaxibadii ah aniguna aanan ogayn”. Hodan waxay sidataa wakhtigaa warqadii uu soo diray oon ahayn mid loo diri karo qof si dhib yar loo jecelyahay balse lagu xardhay ama loo qurxiyay si kasta oo warqad jacayl loo dhooldhooliyo, waxay ay ku bilaabmaysay.
 
Waxaad tahay adduunyada, mida aan ka eeganaayoo waxaad tahay adduunyada midii iigu wacnayd intaan gabadh arkaayoo, walaal Ayaaneey, waxaan Illaahay kaaga baryayaa in uu ku dhaafiyo wax kasta oo dhib kugu ah lama sheekaysto ama cid kale oo aan adiga ahayn dibnaha uma kala furo sawirkaaga ayaa ii wehel ah oo aan ku seexdaa kuna soo toosaa haddaan damco in aan inan la hadlo afku wuxuu iga xadayaa inaan magacaaga ugu yeedho adiguna ayaamahan ma tihid sidaadii waxaan kuu sheegayaa, waxaan imanayaa bisha lixaad, waxaanan doonayaa in aan u imaado reerka aabo iyo hooyana waan sii wargaliyay adiguna waa inaad dhankaaga ka diyaarisaa oo aad u sheegtaa waalidkaa, waxa ii hadhay waa afar bilood intaas kadibna waxaan doonayaa inaan labada sanadood ee ugu horeeya soo xidho si aan u aqal galo, kadibna dib ugu noqdo, walaal ma noolaan karayo adiga la’aantaa waxbarashadaydu waa khasaare haddaanan ku haysanin waxa kaliya oo aan ku qanci karaa waa adoo ooridayda noqda waan ogahay inaad i jeceshahay waxaanan se ilowsanayn inay jiraan boqolaal inan oo ila mid ah igalana kaa bixi kara, waxaan kaa baryayaa inaad daacad iigu ahaato sida aan daacada kuugu ahay hal habeen oo keliya ismaan odhan Ayaan mooyaane gabadh kale la sheekayso ismana lihi inta aad nooshahay qof kale la wadaag aayahaaga.
 
Barbarkaa yarkaan ka eegay
Wiilkii isha iiga baaqay
Inankii caashaqa igu beeray
Inaanan ka bogsanaynin
Markuu ka bogtuu ogaaday
Hadduu bedel iigu jiiday
Anoo balad xaawa jooga
Muxuu Burco iiga yeedhay
Markaan Boosaaso gaadhay
Hadduu bada booyn ka raacay
Inuu been ila jilaayay
Adaa boqoroow ogaaye
I bixiyoo iga badbaadi
Hadaan nin dambe u baroorto
Hadaan baxsanoow idhaahdo
Aniga balo ha iga raacdo

La Soco Qaybta 19aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE