SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 145 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qaybtii 19aad

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad

Qaybta Afraad

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Health Advice: Before you Travel to any part of Somaliland or Somalia - Read this Health Advice

Qaybtii 18aad Waxay inoo joogtay heestii -
 
Barbaarta yarkaan ka eegay,  Wiilkii isha iiga baaqay,  Inankii caashaqa igu beeray Inaanan ka bogsanaynin,  Markuu ka bogtuu ogaaday,  Hadduu bedel iigu jiiday

Qaybtii 19aad 

Waxa  
Isa
Heestaasina waxaad moodaa inanka hudheelka hayaa inuu la socdo mawduuca lagaga wada hadlayo goobta waayo mar walba hees ku began hadalkooda ayaa soo galaysa. aan sii wadano sheekadeena ee Warqadan uu qoray Mustafe oo ku soo baxay ciwaan khaldan waxa uu markaa u sheekaynayaa Hodan oo Online u yahay dabadeed halkii uu uga diri lahaa Ayaan ayuunbuu u soo diray bogoskii Hodan, waa wax iska caadi ah in dhalinyaradu is khiyaamayso, Hodan may eegin message-ka soo dhacay waayo kuma hayo ludh aad u faro badan oo qofkii ay dunida ugu jeclayd ayaa ay la hadlaysaa waxase dhib ah laba wajiilaynta Mustafe, waa la is macasalaameeyay wakhtigaa kadib ayay furatay Message-kii oo ay la soo baxday warqada. “Waxaan uga socdaaa ayay tidhi Hodan maalintaa aan helay warqada maalmo yar kadib waxaan doonayay inaan u sheego waalidkay inaan guursan doono inankaa maxaase igaga soo baxay”.

Subeer aad ayuu ula yaabay sida aanuu isku bedelin dareenka Hodan ee ay wax walba ugu sheegayso sidii uu ahaa iyo iyada oo u muuqatay qof aan dhib badanba u arkayn ee iska yahay wax dhalinyarada intooda badan ka dhaca wuxuu ku yidhi “maxaad yeeshay wakhtigaa?” waxay ugu jawaabtay “ma xusuusto maalmo badan oo noloshayda ka mid ah mana garanayo sidii aan ahaa muddo saddex wiig ah waxaan garan karaa in xaafadu quraan uun igu akhriyaysay oo ay isugu sheekaynayeen waala dardaray inanta waxaan dareemi karayay oo keliya in wax wayn oo aan haystay uu mar kaliya iga lumay, waxaan u qaadan waayay hadalada macaan een marnaba aanad ka dareemayn inay beentu ku jirto ee Mustafe ii soo jeedin jiray waxaan sidii ahaadaba dadku kolba igu dhago hadlaan maaha Subeeroow in aad u noolaato dadka kugu xeeran ama deegaanka aad ku xeerantahay waa xaaraan in aad u nuglaato waayaha adduunka waayo waxa aad noqonaysaa qof aan iska celin karayn ama aan iska dabaali karayn ama iska difaaci karayn dhib alaale iyo dhibta ku timaada, dhalaal iyo qurux, dheeh iyo wanaag, nuur iyo naxariis intii jidhkaygu lahaa mar kaliya ayaan noqday qori qalalan, cunto ma cuno waxna ma cabo cid ma raaco sidaan hore kuugu soo sheegayna muddo badan ayaan miyir doorsoomaa.

 Hodan inta ay hakatay oo ay hadalkii joojisay ayay ku tidhi “walaal Subeer ha ila yaabin ma istaajin karo, waxaanad tahay qofka kaliya ee aan u sheegay dhibta iyo haysatay” Subeerna isaga oo aan wax badanba ka aamusnaan ayuu ugu jawaabay “walaal aniga qudhayda ayaa la yaaban qofkaasi qaabka uu kuu khiyaameeyay iyo qalbi xumaantiisa manuu ahayn qof adduunka korkiisa lagu saamaxo waxaanad ogaataa inuu la kulmayo mar ay ahaataba waxa uu kuu gaystay. Hodan ayaa la wareegtay hadalkii waxayna ku tidhi “waxay sidii ahaataba, waxa ay ayaamuhu is guraanba, wakhtiyadu ay is bedelaanba, maalinba maalin ii dhiibto, waxa la gaadhay wakhtigii uu la balamay inanta ee uu kula ballamay inuu guursanayo waan kuu sheeko dhaafaye wakhtigaa hore aniga iyo Mustafe waxay ahayd ballantayadu in aan is mehersano oo wuxuu isku beegay ballanta uu inantan la galay iyo ta uu aniga ii qaaday

Anigu muddadii aan xanuunsanayay ama warqadaasi ka dambaysay si caadiya ulamaan xidhiidhin kumanaan cadayn karahayn oo kuma odhan karayo maxaad gabadha kale ugu ballan qaaday ee aad warqada khaladka ah iigu soo dirtay waayo jacaylka I haya ayaa ka waynaa wax kasta oo uu igu sameeyo waxay gaadhay noloshaydu wakhti isaga oo waxaas oo dhan ii gaystay haddana aniga oo aan kici karayn aan doono inaan la soo hadlo ama aan internetka u galo, maalmuhu badane dadkuna kala nasiib wanaagsane bisha lixaad maalintii todobaad saacada koob iyo tobnaad ee subaxnimo ayuu ka soo dagay madaarka Hargeisa waana qaabkii uu ugu soo qoray warqada anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ka hor tagay aniga oo aan awoodi karayn inaan dhaqdhaqaaq faro badan sameeyo ayaa kaxaystay gaadhi aanu leenahay dabadeedna cabaar ayaanu ku sugnay madaarka hortiisa isla wakhtigaasi ma aqaano wajigeeda ama saani uma garan karo wajiga inanta Ayaan oo waxaad moodaa in maskaxday ay xataa waxyaabo badani iska bedeleen, markii ay dadku diyaaradii ka soo dhamaadeen ayaa anigu waan daalanaa oo waxaan fadhiistay meel geed hoostii ah waxaan arakay oo aan indhaha ku kala qaaday Mustafe iyo Ayaan oo labada dhaban iska dhunkanaya, cabaar ayaan eegay dabadeed waxaan u diray wiilkii gaadhiga ii waday oo aan u sheegay inuu u sheego inaan ku sugayo oon ku suganahay goobta,

Markii uu gaadhay Mustafe ayuu gaadhsiiyay fariintii dib ayuu ii soo fiiriyay jaleecadii ugu horaysayba wuu i gartay inaan ahay Hodan intuu igu soo cararay ayaan sidaa iskaga qabtay labadiisa gacmood isagoo igu leh “walaal waan ku daydayayay inantan Ilmaabti ayaanu nahay iyadaa isoo dhawaysay waanad arkaysaa oo reerkii iyo faamligii oo dhami way joogaan, Hodan xaaladaadu soo ma wanaagsana waxaan is lahaa iyada oo qurux badan baad u tagaysaa ee maxaa kugu dhacay maad xanuunsatay mise adiga ayaa iska jeclaystay inaad sidan isku dhuubto macaaneey wixii hadiyad aan kuugu soo talo galay iyo qalbigayga laftiisa ayaan kuu sidaa, cadceeda ayaa kulul aniga ayaana kula soo hadli doona, walaal fasax ayaad tahay igana raali ahaw inkastoon jeclaa inaan ku sii raaco haddana iima suurto galayso,

Hodan waxay leedahay “hadalada uu wakhtigaasi igu leeyahay waan diidayay oo waan ogahay inay been yihiin mase dareensiinayan inaan sirtiisa oo dhan hayo waan isku soo noqonay waxa la gaadhay maalintii labaad ee joogitaankiisa telefana ayaan goor galab ah u diray wuxuu ii sheegay inuu wiiga oo dhan uu yahay macsuum, wixii wiigan ka dambeeya uu ii iman doonaa ee aanuu isoo haleelayn mudadaa hore, wakhtigaasi ayaan go’aan gaadhay, Subeeroow ma tahli karayn inaan qoro qoraal manaan karayn inaan hadal badan ku idhaahdo haddana naftu waxay igu khasabtay inaan u sheego waxa jira waxaan tagay qolkayga fadhiga waxaanan dul fadhiistay koombuteerka oo aan ku diyaariyay qoraal ka kooban 11 page oo mid waliba goonidiisa uu ka kale u fasirayo waxaan u sheegay wax alaale wixii uu ahaa iyo sida aan ula socday sheekadiisa talaabo, talaabo iyo taako taakaba, nasiib darada jirtaa se waxay ahayd guriga iiguma jiro internet markaa waa inaan qaado qoraalka oo aan ka diro gooabaha lagaga ganacsado internetka. habeenkii ayaa noqday goor dambe waxaanan gartay inaan u diro bari subaxda sidiibaan ku seexday habeenimadkii. Subeeroow waxaan kuu sheegayaa in shayga jacaylka la yidhaahdaa yahay shay cajiib ah oo aanad adigu si yar u dafiri karin ama si dhib yar u dhaafi karin isagana indho tiri karin ee uu isagu yahay ka ku hogaaminaya, waagii markii uu baryay halkii aan ka qaadi lahaa warqada, waxaan arkay hal sawir oo uu leeyahay oo ii soo diray mudadii ugu horaysay ee uu baxay, waxaan xusuustay wanaag faro badan iyo jacaylkayagii, waxay igu kaliftay inaan ka joogo oo aanan dirin warqadii balse markii dambe waxaan soo qaaday cajaladii ay ku jirtay qoraalku waxaanan la soo aaday ama ula soo baqoolay halkii aan ka diri lahaa, sidiibaan ku diray wakhtiga aan dirayo waxaan isku arkaa inaan ahay dambiile marna waxaan dareemayaa inaan saxsanahay oo labada dhexdooda ayaan ku jiraa.

Halkaa marka ay marinayso ayaa inankii ay ka dalbadeen cashada uu u keenay, waxaanay yar gooyeen ama hakaday hadalkii taxanaha ahaa ee u socday isla markaana waxoogaa qaadqaadasho ah kadib Subeer kama uu daynin su’aashii waayo isaga laftirkiisa ayaa xiisaynaya halka uu ku dhamaanayo hadalkani waxaanuu yidhi “maxaa dhacay Hodan wixii intaa ka dambeeyay iyada oo markaa afka gacanta ku sii wada iyada oo qoslaysa ayay ku odhanaysaa “subeeroow, maad i yar daysid caawa oo dhanbaan kuu sheekaynayee oo waan daalanahay adna waan aamusnayn waxaanan jeclaa in aad adigu i bedesho hadaadse jeclaatay inaan sii wado”, “way baxday warqadii oo waliba laba bogos oo uu lahaa labadaba waan ugu diray waanan ogahay inuu isla aroorta ama wakhtigaasiba helayo waxaan u qoray xaalad kasta oo jirta si aanuu isku odhanin soo raali gali waxaanan u raaciyay warqadii uu saaxibadii u dirayay ee ugu soo khaldantay aniga taas oo ahayd marag furka ama shayga kaliya ee aanuu dafiri karayn ama daah furayay shirqoolka dahsoon iyo booraanta uu ii qoday ee uu iigu talo galay inaanan kasoo bixin waligay inta aan noolahay”. 

Markii aan ka soo baxay goobtii ee aan dib ugu soo noqday guriga ayaa waxa igu soo dhacay telefoon, waa isagii waana maalintii saddexaad ee uu joogo magaalada, wuxuu doonayaa in uu ii sheego inaan u imaado oo aan is waraysano waxaanan u sheegay inaan u iman doono balse inta aanan u iman uu akhriyo farriinta aan u dhigay ee aan bogoska ugu soo diray, wuu iga ogolaaday isaga oo dhawr goor isku dayay inuu I waydiiyo farrintaasi waxa ay ahayd balse waan iska diiday, waxa aanan iloobi karayn ninkaasi mar kaliya kamaan dareemin hadal qalooc ku jiro mar walbana wuxuu igula hadlayay farxad tii ugu dambaysay oo waxaad moodaysay inuu damaashaad aroos durduuranayo oo wakhti kasta afkiisa waxaa ka soo baxayay erayo naxariis badan oo ah kuwa naftayda ka dhigay inuu noqdo jidhkaygu inuu sida shabaga u daldaloolo, Subeeroow waayaha ninkaasi isoo mariyay haddii aan kuu sii wado wuu akhristay warqadii waxaanuu isku dayay inuu iga qanciyo hase ahaatee wakhtihgan diyaarba umaan ahayn xataa inaan salaan ka qaado waayo hore ayaan u go’aansaday una ogaaday waxa uu yahay, muddo markii uu joogay Mustafe wuxuu isku dayay inuu guursado gabadhii Ayaan wakhtigii lagu jiray diyaarinta meherka ayuu xanuunsaday haddana isaga oo xanuunsanaya ayaa loo meheriyay inantii, xanuunkaasi oo ahaa mid xaga maskaxda ah oo wakhtigaasi si kusoo booto ah ugu yimid dadab galkii ugu horeeyay Ayaan way uuraysatay isagana waxa ku sii kordhay xanuunkii waxaana lagu xidhay guriga dhexdiisa Ayaana sidii ayay dib ugu noqotay gurigoodii markii ay halkaa maraysay arrintu way ka soo rayn wayday rajada Mustafe dhakhaatiir badan ayaana isku daba martay aakhirkii waxay noqotay in loo diro debeda waxaana la geeyay dalka Ethiopia.

Akhristeyaal inta ay Hodan sheekada ka sheekaynayso waxbay cunaysaa inkasta oo aad garan karto qofka hadlaya ay yartahay cuntadiisu, dhinaca Subeer isagu inkasta oo uu qudhiisu layaab badan ka muujiyay arrinta mucjisada ah haddana kama fara madhna oo gacmaha ayuu kula jiraa saxniga ay cuntadu ugu jirto, Hodan iyada oo sii wada sheekadii ayaa waxay tidhi “markii uu muddo siddeed bilooda sii maqnaa Ayaan way umushay waxaana u dhashay wiil, caafimaadkeedu Ayaan ma xuma xaafada ay ka dhalatayna si wayn ayay ugu dadaaleen xaga kalena Mustafe reerka uu ka soo jeedaana hadba wixii ay karayaan ayay ugu keeni jireen guriga aniga qudhaydu waan u tagay dhawr goor oo waxaan u raacay gabadh ay saaxiibo ahaayeen oo aan anaguna saaxiib ahayn, haddaad aragto inanta Ayaan quruxdeeda, dabeecadeeda, qalbi wanaageeda, furfurnaanteeda iyo daacadnimadeeda, Subeeroow ma garan karo qof aan ku masali karo arrintaasi waxay u sahashay in Illaahay aanuu ku dhibin dhalmadii iyo haynta ilmihii yaraaba waxaanay si qurux badan u korsatay wiilkeedii.
 
halkaa marka ay marayso ayuu Subeer sheekadii qaatay waxaanuu ku yidhi “hore ayaa loo yidhi dumar waa badhaadhaha, ragna waa bi’iisee nin afkiisu bayd adag kaga giijay boqonaha Alluunbaa ka bixiyee is banbaanin waydee, xaaladaydu aniga Hodaneey halkaasay maraysaa kuma dambaabi karo oo ma odhan karo inanta Salma cid ayay la sheekaysataa oo ay kaaga baxaysaa, waxaanse aad ula yaabanahay is bedelkan xooga ah ee ku yimid, way fiican tahay nolosha marka uu qofku kula fahmayo ee tadawurka iyo horumarka aad samaynaysaan uu yahay mid labada dhinacba ka imanaya waase wax aad looga naxo haduu reerku dhinac ka dhisnaado dhanka kalena holac ka soo galo, maan siisteen adduunyadda ayaan qudha haday Salmi ii garaabi lahayd dhibaatada i haysata iyo heerka jacaylkeedu iga taagan yahay waxa kale oo iyaduna aad iigu mudan oo Hodaneey aan dhexdooda ku dhintay waad ogtahay oo reerka aan ka soo jeedo ma ogola Salma waxay ila doonayaan inaan gabadh kale guursado kol ay adigana ahaato iyadoo ay waxaas oo dhami jiraan, iyadoo mashquulkaa naftaydu ku jirto iyadoo ay yartahay inta aan si wanaagsan u fekeraaba iyada oon xitaa iloobo inta badan inaan iska bedelo dharka aan xidhanahay oo dadku igula yaabaan ayaa haddana waxa aad iyo aad aan ula yaabahanay sida aanay mar kaliya gacalisadaydu u ogayn heerka iyo dhererka ama dhumucda jacaylkeedu uu jiifo jidhkayga waxay igula yaabaan, waxay igu canaantaan, waxay igu caayayaan iyo waxa la igula kaftamaaba soo ma ogid Hodaneey inay yihiin kalmado run ah oon qofna igu samaynin wax beena, waxaas oo dhana ay ii gaysatay midii aan la wadaagayay nolosha, midii aan ifka ugu jeclaa, taan hablahaba u daayay. Intaa kadib ayaa waxaau imanaya inankii Hudheelka dabadeed wuxuu odhanayaa “walaal raali ahaada, maan jeclayn inaan idinka soo dhex galo sheekada aad wadateen laakiin wakhti badan ayaanu idin siinay, huteelkuna mar hore ayuu rawaxay, iska dhamaysta waxaan idin sii siin doonaa muddo dambe oo labaatan daqiiqo ah”. 

Hodan iyo Subeer aad ayay ula yaabayaan, mid walibana wuxuu eegayaa goor sheegta uu xidhan yahay, waxaana tilmaamayaa kowdii habeenimo oo rubuc dhiman, dalku waa iska firii oo waynu ognahay nabadgelyadiisa, gaadhi ayay wataan oo ma lugaynayaan, jabku se wuxuu ka joogaa Hodan xiligan sida ay ugu garaaci lahayd reerkooda iyo halkii ay odhan lahayd waan ka imid, dhamayste cashadii laga soo bax hudheelkii intii lagu sii jiray jidka ayaa waxa la degay qorshe ah in uu Subeer yidhaahdo waxaan ka keenay xaflad iyada iyo Hana nasiib wanaag markii uu gurigii hor keenay waxa ka furay isla wiilkii ay walaalaha ahaayeen Hodan ee maalintii horena isku arkay inta uu soo dhaqaaqay sidii maalintii hore ayuu ku yidhi “walaal Subeer ma nabadbaa” wiilku dareenba ma qaadan xumaana kama filayo meesha waayo labada reer aad ayay isku dhex galeen habluhuna si xooga ayay saaxiibo u yihiin, Subeer maalintii hore isaga oo gaadhiga ku dhex jira ayuu salaamay wakhtigan se wuu ka soo daadagay gaadhiga waxaanuu ugu yimid dhulka isaga oo raali galinaya, muujinayana inuu kalgacal badan u qabo iyo qadarin, la is macasalaamee sidiibaana lagu kala hoyday, in yar markii aanuu sii socon ayuu soo garaac moobilkii Hodan markaasay ku tidhi “waxaad igu soo celisaa shan iyo toban daqiiqo kadib” muddada ay u qabatayna waaba inta uu gaadhayay guriga gaydhka ayaa laga furay xaaji Dhamal oo aad uga welwelsanaa wiilkiisu waxa uu ku maqan yaha xiligan, ayaa waydiiyay waxa ku dhacay iyo meesha uu ka yimid wakhtigan. Subeer aad ayuu u tixgeliyay aabihii isaga oo uu xishood badani ka muuqdo madaxana hoos u foorarinaya ayuu ku yidhi “aabo ma ilowsani, in la i sugayo oo reerku keligay ka fekerayaan aabo khalad ayaan galay inaan hore u sii sheego ayay ahayd wakhtiga aan imanayo hadda kadib u noqon maayo waanan kaa nixiyay ee aabo iska kay cafi”. 

Xaaji Dhamal erayada naxariista leh ee xaqdhawrka waalidnimo ku dheehan yahay ee wiilkiisu ku yidhi aad ayuu ugu bogay, isaga oo qoslaya ayuu galay qolkiisii waxaanuu ku yidhi markii uu sii galayay “bal hablihiiniina eeg wakhtigaasay fadhiyeen daarada” dabadeed intuu u tagay hablahoodii ayuu la kaftamay waxaanuu ku yidhi “walaal, waxaydaan idinku i raacinin ama meel aydaan ii dirin maan tagine waxaan is raacnay oon wakhtigaa la soo joogay Hodan haddaad been iga moodaysaana waatana la hadla intuu garaacay, markay qabatay ayuu ku yidhi “Hodaneey maxkamadbaan saaranahay reerkii oo dhamina banaanka ayay joogaan cida kaliya ee badbaadin kartaana waa adiga ee u sheeg waxa aan ku habsaamay iyo hawsha aan hayay” intay aad u qososhay ayay ku tidhi “iigu dhiib Mun” waanay u sheegtay oo waxay ku tidhi “aniga iyo Subeer labadayaduba caawa waan is xaal waraysanaynay, manaanaan kala dhamaysan oo wali waxbaa iskugu kaaya dhiman”. 

Muni inta ay qososhay ayay ku tidhi “waa khayr, hadduu xagaaga uun ku soo maqnaa” Hana ayaa kala booday telefoonka dabadeedna waxay ku tidhi “inankayaga habeen dambe hanooga yeedhanin, hana naga kaxaysanin, ma sidiinaad na moodaysaa inaanu leenahay inamo badan, marka aad u baahan tahay guriga ugu kaalay haddii kale inanyahay labadeena ayaa is rifi doona” intay aad u qososhay Hodan ayay ku tidhi “waayahay dumaashiye iska dhiib” Hana oon waxbaba qarinin ayaa tidhi “oo dumaashi bilaa gabaatiyi ma isagaa soconayaba” cabaarbay iska kaftameen hablihii gurigoodiibay galeen isaguna wuxuu ku soo noqday qolkiisii hurdada laynka ayuuna ka garaacay Hodan halkii ayay uga bilowday sheekadii waxaanay tidhi “Mustafe sanad iyo laba bilood kadib ayaa la keenay magaalada isaga oo gacan naafo ka ah, xiskiisuna aanuu dhamayn laakiin sidii hore dhaama oo dadka soo gargaranaya Ayaana muddo markii ay sidii u joogtay ayay ka dalbatay in laga siiyo warqadeeda dabadeedna labadii reer aad ayay iskugu xumaadeen aakhiritaankiin Ayaan sidiibay ku qaadatay warqadeedii oo ay ku kala tageen labadoodii, Mustafe wuxuu sidii ahaadaba muddo dambe ayay u timid geeridii Alle oo maanta wuu inaga hooseeyaa Alle ha u naxariistee”. 

Subeer waxa uu ku yidhi “shayga nabsiga la yidhaahdo ama naxdinta dumarka isha hablaha, hansiga gabdhaha ama laacdanka badan qofba sida uu u yaqaano haddii aanuu qofku ka waantoobin aakhirka waxa uu u dambarsadaa inuu sidaa u dambeeyo waayo Mustafe, Alle ha u naxariisto ee wuu heli karayay inuu ama adiga ku fasaxo ama iyada fasaxo Illaahayna casaa wajaluhu cidnaba kagama tago gef uu galay oo uma dhaafo ilaa inta uu ka toobad keenayo waana waxa aan ka baqanayo ee igu kalifay in adiga oo quruxdaa leh aan kuu quudhi waayo inaan kuu sheego ballan been ah sidaan hore u soo sheegnay Subeer xaga diinta aad ayuu u yaqaanaa waxaanuu ka mid yahay dhalinayarada faro ku tiriska ah ee ku wanaagsan tafsiirka Quraanka kana adag shantooda salaadood”. Hodan cabaar ayay aamusnaanaysaa waxaanay ku odhanaysaa “Subeeroow, caawa inbadan ayaynu wada hadalnay, waxaanay noloshayda u noqonaysaa taariikh, ma garanayo muddo haatan laga joogo ilaa afar sano oo dhadhaw ayaan habeen habeenada ka mid ah sidaa ula hadlay wiilkii aan kuu sheegayay ee imika inaga hooseeya Subeeroowna waxaan mar walba kugula talinayaa inaad ku taagnaato wadadaadaa oo aanad khiyaamaynin xataa haddii ay iyadu isku daydo inay ku khiyaamayso ahaw ka la dulmo, ahaw ka la dhibo, ahaw ka mar walba cawda, ahaw ka aan mar walba qofka kale ka cadhaysiinin, noqo mid aan dadku ku tilmaamin laba wajiile xaafada aad ku nooshahay, magaalada aad joogto iyo dhalinyarada aad ku dhex jirtaaba marka sheekadaada la hadal hayo waxaad tahay qof aan lahayn meel xun ama iin badan oo la sheego hase ahaatee dadku ma waayaan meel ay wax ka sheegeen iyaga ayaana cambaareeya oo qofka ku sheega ceebta, waxaana suurogal ah tiiyoo lagaa gar daran yahay in haddana dhibta oo dhami adiga ku fuusho, waxaan kugula dardaarmayaa in aad adkaysato, xejisato, go’aankaa aad haysato”. 

Subeer “walaal Hodan waan ku daaliyay, hurdadiibaan kaa qaaday, marka hore waxaan kaa codsanayaa inaad i saamaxdo, mar labaadka waxaan ku waydiisanayaa inaanad dhib u arag mudada badan ee aad ila joogtay, mar saddexaadkana waxaan kaaga mahadcelinayaa sida aad u dheer tahay hablaha maanta jooga in aan anigu ogahay walow aanay dumarku isku qirin qofka wanaagiisa haddana walaashay Hana mar kasta oo ay ila hadlayso

Intaad ii qoslayseed
Oh, my darling, I love you
Hadba igu qaldaysaa
Aynigay I dhaafee
Waa waxa ilaaq dumar
Arooridan banaan iyo
Igu ooday buulkan
Adduun iiga foofine
Dumar lama amaanoo
Umalbuu ka qaadaa
Aadmigaan abaal celin
Asaraar u qaatee
Waxa aan adduunyadda
Intii aan is lahaa dhawr
Asaagay I dhaafshee
Hoos la iigu eegaa
Waa adi daraadaa
Ha ii iman orad, orad
Af macaana ha i odhan
Intii horaaban eedee

La Soco Qaybta 20aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE