SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 146 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qaybtii 20aad

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

Qaybtii 19aad Waxay inoo joogtay heestii -
Intaad ii qoslayseed, Oh, my darling, I love you, Hadba igu qaldaysaa
Aynigay I dhaafee, Waa waxa ilaaq dumar, Arooridan banaan iyo
Igu ooday buulkan

Qaybtii 20aad 

Waxa  
Isa
Heestan markan uu la hadlayo Hodan si naaqusa ayuu u dhagaysanayaa mana maqashiinayo iyada waana heesihii uu duubtay muddadan dambe ee dhibta ee dhool dhoolka ku riday Salmi, wuxuu ku odhanayaa Hodan “waxay i tidhaahdaa Hani ma jirto gabadh ka wanaagsan Hodan oo aad guursan lahayd, waxaan la yaabaa bay igu tidhi wali maan arag inantaas oo la hadlaysa wiil ama dariiq la maraysa, Hodaneey runtii waxaan ogaaday inay Hani tahay saaxiibadaada koowaad. Hodan inta ay aad u qososhay ayay ku tidhi “habeen wanaagsan waad mahadsan tahay, aniguna waan daalay waanan inoo wakhti dambe”, sidiibaa lagu kala seexanayaa maalintii labaad Salma oo suuqa joogta una soo doontay alaab hayadii ay u shaqaynaysay ayaa waxa ay arkaysaa Hodan oo ka talaabaysa wadada horena waa loo tusay Hodan oo waxa u tilmaantay gabadhii ay soo qaadeen Subeer iyo Hodan intii aanay wadadaba kaba wada dhamaan ayay u yeedhayaan Hodan waa war ma og oo waxba kama warqabto gaadhigan cad ee ku soo leexday gabadhan cas iyo ninka la saaran ayuunbay arkaysaa yaabtay oo tidhi talow ma cid kale ayay ku moodayaan, dhaqaaqday oo haddana loo yeedh, Salma ayaa ka soo daadagtay gaadhiga waxaanay dhulka ugu timid Hodan marka aad da’ ahaan eegto Hodan iyo Salma, Salma ayaa wayn oo Hodan ayaa yar laakiin waynidu maaha da’da ee waa garaadka iyo maskaxda qofka Illaahay hadba inta uu ka siiyo, Salma ayaa bilowday hadalkii waxayna tidhi “sow ma tihid inanta la yidhaahdo Hodan” iyaduna waxay ugu jawaabtay “haa” markaas ayay mar labaad hadalkii bilowday Salmi oo ay ku tidhi “waxaan ahay qof si wayn kuu doonaya muddo badan ku raadinayay aragaaga ayaa ii dhinaa, maanta se waan ku arkay waxaanse u baahanahay in aynu ballano oo aynu isku nimaadno” Hodan! 

Yaab ayaa uu Illaahay u keenay waxaanay ku tidhi “walaal, maxaad iiga baahnayd ee aad muddada iga raadinaysay ismaba naqaanee” dabadeed Salma ayaa ku tidhi “hadaynaan is aqoon, waynu is baran doonaa ee ma taqaanaa wiilka la yidhaahdo Subeer” Hodan hadalka umay badin ee waxay ku tidhi “haa waan aqaanaa ee maxaad uga baahnayd” Salma way ilowsan tahay in meeshu dariiq tahay gaadhiga ay ka soo dagtayna daaqadiisu furan tahay waxa u muuqda oo kaliya muuqaalka Hodan oo ay ka dhex arkayso Subeer intaa kadib ayay Hodan odhanaysaa “walaal laba dumar ah ayaynu nahay meeshuna waa wado, hadalkuna in uu inaga taagtaagnaado maaha ee waxa aan kaa codsanayaa in aad si yar oo kooban iigu sheegto waxa aad iiga baahan tahay dabadeetana aan iska dhaqaaqo” iyada gabadhii Salma ahayd way is bedeshay waxaanay ku tidhi “waxaynaan u ballamaynbaa Illaahay keenaye maxaa lagaa siiyaa Subeer” haddana intii aanay jawaabin Hodan ayay ku tidhi “iga raali ahaw, maan doonayn inaan halkan kugu waydiiyo laakiinse arrinta aan kuu leeyahay oo dhami waa arrin khusaysa inankaa” Hodan waa qof daacad ah sidaan horebana u sheegnay iska degen oo aan ahayn qof u dhashay hadalka dhaadheer inta badana rag iyo dumar ka ay la hadlaysana hoos ayay uga foorarsataa mana jecla kalmadaha ka soo baxaya afkeeda in dadku ay maqlaan waxay ugu hal celinaysaa “walaaleey Subeer waan aqaanaa isaga oo kaliyana ma aqaanee ilaa xaafadooda oo dhan baan aqaanaa maxaadse iga waydiisay su’aashaa adiga ma Subeerbaa ku qaba mise bilaysbaad tahay” hadalkiibaa ka xumaaday Salmi way xanaaqday inankii dirawalka ahaa ayaa gaadhiga ka soo dagay iskuna dayay inuu dajiyo Salma” 

Salmi waxay ku doodaysaa siday ii tidhaahdaa ma askariyadii Subeerbaad tahay mise wuu ku qabaa, Hodana waxa ay leedahay waligoodbay laba qof oo dhalinyaro ahi is baran jireene ee waa maxay gabadhani waxa ay iga doonaysaa su’aalbay i waydiisay waanan uga jawaabay waxaanan filayay inay iska dhaqaaqdo hada se waxa ii muuqda in wixii wax ka wayni meesha ka socdaan, hada ogowoo Hodan ilaa wakhtigan may waydiinin qofka ay tahay iyo magaceeda waxayse dareensan tahay inay tahay gabadhii uu uga sheekaynayay Subeer ixtiraam badan oo ay u hayso Subeer ayay u diidan tahay in uu hadalkoodu kor u baxo tan kale se ma oga. Intaasi markii ay dhacday ayaa wiilkii dirawalka ahaa ku yidhi “walaal isaga oo la hadlaya Hodan, waxaan u malaynayaa in labadiina wax la idiin kala sheegay ma habboontahay in aad is dajisaan oo aad is qaboojisaan wakhtina ballantaan si aydaan isugu dhicin” Salma ayaa soo booday waxayna ku tidhi “noocan oo kale lama ballamo anigu, agjooga aan agjoogo ayaa ku khasaare ah” intaa markii ay tidhi Hodan wax dambe oo hadal ah may soo celinin laakiin xagii wadadu ka xigtay ayay isaga dhaqaaqday dibna umay soo eegin waxa isku soo hadhay wiilkii iyo Salma aad ayuu ula yaabay dirawalka dulqaadka inanta aanuu garanayn iyo gabadha sarkaalada u ah kibirkeeda wuxuuna hoosta ka yidhi “labadaaba Illaahaybaa wada samaystay” sidiibaanay Salmi xafiiskii ugu noqotay halka Hodana ay timid xaafadoodii, Hodan maaha qof gardaro badan oo dhacdhac badan jecelna inay dadka gardaraysato dadka mar walba waase dadka aan laga gar bixin ee aan qaadanin gefka, muddadii ay dhexda soo socotayna ilmo ayaa ku taagnayd indhaheeda markii ay guriga soo gashay ayay oohin bilowday intay makhsinkeedii hoosta ka xidhatay waxay ku canaanaysaa nafteeda ma naagbaa maanta adiga oo magaalada dhex joogta kuugu hanjabtay oo waxay doonto intay kugu tidhi aad aayar uun iskaga soo dhaqaaqday haddana waxay eegaysaa wanaaga iyo sharafta u dhaxaysa iyada iyo Subeer waxay oydaba goor dambe ayay cadho burburtay waxayna la hadashay Subeer oo ay u sheegtay waxa ku dhacay iyo siday yeeshay, 

Subeer kuma oga Salma salfudaydka intaa leeg iyo inay sida ciyaala suuqiinta intay wadada istaagto ku dhex caayayso gabadh aanay wax alaale iyo wax ka dhexeeyaa aanuu jirin. Subeer wuxuu ku yidhi Hodan “iska dulqaado imikana suuqa ayaan joogaa galabta ayaanan kula soo hadlayaa marka aan soo tooso adiguna wax dambe oo hadala yaanuu kaa gaadhin gabadhaa” Hodan waxay u sheegtay inaanay markeedii horeba la hadlin hadeerna diyaarba u ahayd, gurigiibuu ku soo noqday Subeer maydhasho iyo qado kadib wuxuu dul fadhiistay telefoonka si uu ula hadlo Salma inkastoo ballantoodu ahayd inaanuu la hadlin ilaa inta uu gabadhaa hor keenayo ee uu ku odhanayo waatan oo waxba nagama dhexeeyaan, garaac telefoonkii way ka qabatay waxaanuu u waydiiyay halka ay joogto iyadoo is diidsiinaysa ayay ku tidhi “waxaan joogaa xaafada” laakiin sidii ay awal hore ula hadli jirtay ulamay hadlin wuxuu ka codsaday maadaama oo uu moobilku lacag yahay inuu ka garaaco laynka oo ay ka qabato waanay ka ogolaatay markii uu bilaabay hadalka ayuu waydiiyay su’aashii u horaysay oo ah “ma dhacday arrinta sidaas ahi?’ Salma wax kale kumay jawaabin waxaanay tidhi “way dhacday waanay dhacaysaa waligeedna way dhici doontaa waliba dhagarbaan gali doonaa haddii aanad adigu xaajada dhankaaga ka dhamayn”, Subeer yaab! Ayaa uu Illaahay u keenay wuxuuna ku yidhi “walaal, maxay tahay waxa idinka dhexeeya adiga iyo Hodan” waxaanay ugu jawaabtay “haddaanad is yeelyeelayn waad ogtahay oo waa adiga inta aan noolahayna ma ogolaan doono in gabadhi agtayda iyo dunida guudkeeda kula tallaabsato hadaad ka bixi waydo arrimaha aad ku jirtana adiga ayaa ka sheekayn doona” wakhtigan warku wuu dhaafay Hodan hanjabaadu xataa isagiibay saamaysay, 

Subeer inkastoo uu markii hore cadhaysnaa haddana markii dambe markuu ogaaday waxay waxan oo dhan u samaynaysaa inay tahay jacayl ay u qabto ayuu ku odhanayaa “waxa ayaan darro ah, ceeb waxa inoogu filan, dadku inagula yaabayaan, cid waliba ku sheekaysanaysaa in maanta sheekadeenu magaalada si xun u dhex qaaday isla markaana markay xaaladuhu halkaa marayaan waxa haboon in la dajiyo arrimaha wax walbana loo qaado sidii ay ku dhamaanayaan, midi waa mida horee marna kaama filayn arrimaha aad ku kacday midna waa ta labaade mar hadaad i nacday oo aad igu tidhi iga tag maxaa kuu geeyay gabadha islaameed, ayaan darrada inteeda leeg, foolxumada joogtada ah ceebta aan kaa hadhayn, taariikh xumada miyaanad midnaba ka yikhyikhsoonayn, Salmaay run ayaan kuu sheegay waad iga qaadan wayday halkii uunbaanan anigu taaganahay laakiin uma dul qaadanayo inaad inantaa mar labaad ku gefto oo aad aflagaado iyo cay suuqa ula istaagto, way awoodi karaysay inay waxay doonto ku tidhaahdo, laakiin sida la ii sheegay way kaa roonaatay, mutacalimad baad tahay wadan shisheeye ayaad in badan ku noolayd, dhaqanka iyo nolosha ayaad garanaysaa, jacaylka, rabitaanka, doonitaanka, damaca iyo si kasta oo la isku raadsado adaa uga dhaw Hodan waase nasiib darro inaad ku kacdo fal aanay ku kicin hablaha yaryar ee da’doodu ay ka hoosayso shan iyo toba, jirka”, ma hadlayso inta uu hadalka wado, si fiican ayayna u dhegaysanaysaa waxaanuu odhanayaa “garaadka, aqoonta, ilbaxnimada iyo tadawurku waa in ay waxyaabo badan ku dhaafiyaan, waa inaad ka horayn kartaa qof aan gaadhin isagu heerkaa, hadaadse adigu sidan noqoto maxaan kula hadlaa hablaha kale ee Waayo aragnimo, ilbaxnimo dumarnimo ama reernimo aan soo marin, 

Salma in badan markii ay aamusnayd ogaatayna inay aad u khaldan tahay ayay ku tidhi “horta marka si loo eego waa khalad inaan gabadhaa doontaa, dhanka kale marka aan ka eego se uma arko anigu dambi aan galay” waxaad moodaa wakhtigaa inay ka soo daadagtay arrinkii kululaa, cadhadii iyo ciilkii ay u qabtay Subeer iyo Hodan oo ay garawsatay inay gef samaysay, Salma marnaba afkeeda kamay odhan raali galin baan bixinayaa laakiin waxay ku celcelinaysaa gabadhaasi haday nolosheeda doonayso waa inayna kuu iman, Subeer adduunyadu dhib badanaa aadmigu noocyo badanaa wakhtigani xusuus iyo xanuun iyo kul badanaa maalinba maalinbaad moodaa inay sii eryayso uma arkaysanayo inay suuqa ii soo gasho laba dumar ah ayaa isku kaa haysta maantana adigaa gar daran waxaan ku cafiyo ama aan inantii ku raali galiyana imaad tusin oo waxaad wali la soo taagan tahay inaad waxyeelo u gaysan doonto arrimahaasina maaha kuwo dhaqan, hido iyo isir aynu u leenahay anigu cidna kulama jecli shaydaanka iska naar dadka iska daa waxan kuu khaakhaayiraya ee kolba dhinac iska kaa tusaya kuguna leh ninkii Subeer naag kale ayuu raacay ka bax ku feker sidii aynu u noqon lahayn reer dhisma anigu talada aan ku siinayaa waa midaa tu kalena ogow waxaan maqlayay in aad u baxayso safar debeda ah mudaduu qaadanayana ma garan karayo markaa siday kula tahay inaynu hawlaheena u socodsiino”. Salmi inay cabaar ku qososhay ayay ku tidhi sideed ku soo ogaatay safarkayga iyo afaarahayga ismaan lahayn 

Subeerbaa hawl aad leedahay ama wax aad ku sugan tahay ka daba iman doona waa runtaa oo waxaan tagayaa bisha soo socota shan iyo tobankeeda waxaanan maqnaanayaa sideed bilood oo aan soo qaadanayno Public adminstration waxaana laga yaabaa in bishan aynu ku jirno la diyaariyo safarkayaga maadaama ay bishu tahay dabayaaqo” Subeer “oo Salma sahal weeye adduunyadu qofka aan samrina wax waliba wuu soo maraa sawmaad ogayn inaan adiga ku sugayay, sawmaad ogayn sawdka aad tidhaahdo inuu sad ii ahaa, sawmaad ogayn su’aal kasta oo aad i waydiiso sida aan kaaga qancin jiray mase halmaamsan tahay wanaagii iyo wixii aan soo qabtay oo dhan walaal ma garan karo waxaan kugu masaalo halkaad igaga taalo iyo halka aad is dhigtay aadbay u kala durugsan yihiin xiligan aan joogana waxay dantu igu khasbaysaa inaan raadsado qof aan la qaybsan karayo nolosha intaydii horana aan ka soo qaado samir waxba igumaad samaynin waan fiicanahay, soo jeeda, caafimaad qaba, cunayaa, cabayaa walibana cararayaa cid kastana ha tidhaahdo maxaa ku dhacay jacaylkii dhexdeena waxaanse kuu sheegayaa waxaanan waligay kuu sheegin kaasoo ah in laga bilaabo caawa aan ka noqday ama aan joojiyay sii waditaankii jacaylkeena aniga oo eegaya jidka aadka u jiribka badan, jeexjeexyada iyo meelaha sida xun aynu u jibaaxayno hadhawna jahawareer inagaga imanayo adduunyadu maanta maaha barina maaha intii bilis xaawalay xanaanayn jiray intii inan la xurmayn jiray, intii jacayl la adkaynayay intii culays qof u adkaysan karayay waxaan u malaynayaa inaan dusha u soo ritay maantana xaaladu waxay igu maraysaa wax aanan yeeli karayn markaa walaal Salmaay iska jooji sidaana igaga raali noqo”, 

Salma waxay hadal ku bilowday “waxaan hore u ogaa ayuunbaad hadeer ii sheegtay waa la ii sheegay ama waan garanayay soo noqodkayga inaad qalbiga ii dhisaysay daahna igamuu saarnayn in aanad marna gabadh carmal ah guursanayn hase ahaatee markii hore waxaad ahayd inan wanaagsan, qalbi fiican, qurux badan, qaaliya oo qof lagu doorsadaa jirin masiibadu waxay tahay ama murugadu timid markaan ogaaday inaad tahay laba wajiile aan hadalkiisu marnaba weecad galayn dareenkayguna wuxuu i siinayay mar walba sidii aan kuu soo jiidi lahaa wayse igu adkaatay waa la iga guulaystay waanan ku khasaaray anigu muddadii ugu dambaysay inaan si wanaagsan kuu salaamo mooyaane wax niyada kuumaan haynin hadaan kuu hayana ma tageen safarka sideeda bilooda ee waxaan ku odhan lahaa ka hor aynu aqal galno, Subeeroow maan kugu ogayn kuguna baran sida dadka qaar laba wajiilaynta shaw meeshay ka timidba ama cida ay ka soo bilaabantayba waa adiga u tudh hablihiina waxaan uga socdaa hansi gabadheed sida aad hore u sheegtay hawl aad u yar maaha halka aad maanta maraysaana waa halkii dadku isku dili jireen dhicise mayso inaynu is dilno aniga iyo gabadha kale waxaanse ballan ku qaadayaa inaan faraha kaa qaado oo aan kuu daayo qofka aad jeceshahay mar haddii xaalkaagu taagan yahay waxaad tahay ciyaala suuqad” 

Subeer intuu xoogaa qosol dhoole cadayn ah sameeyay ayuu ugu hal celiyay “waxa aad dambi i saarayso haddaan in uun kaga jiro wuxuunbay noqon lahayd inantaa aad ii tuhmaysana waxaan dhaar kuugu marayaa in aan wax naga dhexeeyaa aanuu jirin laakiin hada aan iyada iyo qaar kale oo badanba u bilaabi doono una furayo qalbigayga Illaahaybaana og cidii ku guulaysan lahayd hanashada iyo kasbashada noloshayda, Salma ismaan lahayn xaalaadka noocaas ah adigaa kaga tagi mooyaane iyadaa kugu eedayn doonta waase wax soo baxayoo inaan ana sii murmo oon maan samayn iyo maan samayn isku celcelino waxay inagu tahay ceeb waan qaatay Hodana laga bilaabo imika igu ogow inay buuxisay booskii adigu aad banaysay waayo waxa la yidhi qofkii samraa sadkiibuu helaa waxaanan ku xaqiiqsanaya inantaasi inta jeer ee ay igu tidhi walaal iyada oo aanay waxba inaga dhaxayn ayay dadku u haystaan inaan ku jecelahay ama aad i jeceshahay waxa kuu wanaagsanayd inaad u tagto Hodan oo aad lacag ka qaadato ama aad ka iibiso jacaylka kulana baayactanto qiime kasta waxaad ogaan lahayd heerka ay iga taagan tahay iyo waxa aan anigu ugu jawaabay laakiin qofna calaf aan loo qorin cunaha ma mariyo ku daysayaa iyo ku doonatayaaba Hodan waxay noqonaysaa xaaskayga” Salma way is hayn kari la’dahay waxaanay ay hubanaysaa hadaladii hore ee ay tidhi ilmo ayaa indhaheeda ka da’aya oohin ayaanay hadli karayn cabudh iyo naqaska oo qabtay ayaa iskugu darsamay Subeerse hadduu awal u nixi jiray oo uu ka damqan jiray madax xanuunkeeda wakhtigan wuxuu ku yidhi “telefanka iska dhig, iskana seexo hana inoo ahaato wahti aanad ooyayn waayo ma dhagaysan karo oohin aanan anigu eedeeda lahayn isasoo canaano muraayada isla tag isu soo sheeg qofka aad tahay kadibna ii kaalay adiga oo is og saxaaga iyo khaladkaaga” isagoo la hadlaya ayaa telefoon soo dhacayaa waana Hodan qofka soo hadlaysaa kama qarinayo ee wuxuu ku odhanayaa 

“Hodaneey khadka waxaa ku jirta Salma arrinkaagiibaananu ka wada hadlaynay iska raali noqo xaalna qaado dhiban ha u arkin gabadhaasina way ku raali galisay adigana walaaltinimadii inaga dhaxaysay waa sideedii arrin yar oo soo korodhayna aniga ayaa kuu sheegi doona mar dambe ayaynu telefoon ka soo wada hadli doonaa imika aan u dhameeyo Salma waxay iga doonayso inkasta oo aanay walaal wanaagsanayn inaan kugu dhigo telefoonka ama aan cid kaa horaysiiyo haddana wakhtiga ayaa i culaysinaya igana raali ahaw” Hodan waa qof aad u dulqaad badan waxayna odhanaysaa “walaal waad mahadsan tahay iguna salaan Salma una sheeg inaanan wax xumaana u qabin” Salmi way maqlaysaa hadaladan la is waydaarsanayo waxay miciinsatay oo kaliya oohin iyo naqaskii oo ku xidhmay markay dhigtay Hodan telefankii ayay ku odhanaysaa Salmi “waxaan doonayaa in aan wax ku waydiisto ee ma iga raali noqonaysaa oo ma ii ogolaanaysaa” isaga oo aan u jawaabin ayaa aabihii soo galayaa qolka waxaanuu ku odhanayaa waan kuu bahanahay ee debeda u soo bax dabadeedna intuu telefoonka soo qaado ayuu ku odhanayaa Salmayaa heestan aan maalin dhawayd soo duubay inkastoo ay wax badani is bedeleen iska sii dhagayso inta aan la hadlayo aabo. Waxaanay ahayd

Hadba waxaad ku nooshahay iyo
Waayahaagu sida uu yahay
Waan jeclaa inaan helo
Wakhtigii la joogaba
Wayse noqon waydoo
Waayadan kumaan arag
Wadadiina sooma marin
Inkastoonan waayadan
Wajigaaga imanoo
Wadadiina soo marin
Waligay kamaad gu’in
Wadnaha jidhkayga oo
Sibaad iigu wayntahay
Inkastoo warkayguba
Waabay qadhaadh iyo
Warmo kaaga daran yahay
Waxase filan waaya
Hadda anigu wacaneey
Weedhaada kama tago
Ilamaa wardheer iyo
Kii wabi ka soo gala
Ama badaha waawayn
Adaan kaa waraystaa
Inaan wali ku jecelahay
Dadkaba qaar
Inta waqalka caashaqu
Waagii iyo habeenkii
Wadnahayga kamuu gu’in
Ee aad wardiga iyo
Sida wardiga duuliyo
Adduunyaa wareegiyo
Ifka waxa ku nool
Adaan kaa waraystaa
Ee markaad wada jirkeenii
Iyo weheshi diidaan
Ana kali u weecdoo
Usiisi baan ku maqanahay

La Soco Qaybta 21aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE