SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 147 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qaybtii 21aad

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Qaybta 21aad

               

 

 

 
 
Qaybtii 20aad Waxay inoo joogtay heestii - 
 
Hadba waxaad ku nooshahay iyo
Waayahaagu sida uu yahay
Waan jeclaa inaan helo
Wakhtigii la joogaba
Wayse noqon waydoo
Waayadan kumaan arag
Wadadiina sooma marin

Qaybtii 21aad 

Waxa  
Isa
Hadalada Subeer ee tooska ahba waxa kaga daran heestan uu u saaray ee aad moodo in iyada ay ka sheekaynayso way iska dhagaysatay iyada oo la yaaban sida wax waliba dhinaceeda ugu soo foorarasadeen rikoodhku wuu is bakhtiiyay iyaduna telefoonkii may dhigine sidii ayuunbay dhagta ugu haysay markii uu cabaar maqnaa ayuu soo noqday oo uu u sheegay kana raali galiyay hawsha uu ku maqnaa, Salma wakhtigan way ku cadahay haddii la sarana dhiig kama imanayo isaguna ma oga inay heestan sii dhagaysatay oo uu wixiiba kala tuuray wuu yaaban yahay arrintii waxay sidii ahaataba Salmi waxay ku adkaysanaysaa inay kulmaan oo ay wax is waydiiyaan Subeerna wuxuu leeyahay way dhamaatay waxa aynu is waydiinaa markaa uma baahni in aynu kulano ee aynu sidaa isku dayno, Salma may baryin Subeer umanay baranin inuu hadal ku soo celiyo inkastoo ay ixtiraami jirtay haddana marka ay tidhaahdo waxaa samee sideeda ayuu u soo qaban jiray dhacday oo haddii awal hore aan la diidi jirin maantaba lagu celin hadalkii waa iska xaal adduun adoo shalay wacnaabaa maantana waayuhu ku wareejiyaayoo weecataa oo aad waydaarataa wax kasta oo wanaag ah calaacal iyo cataab wuu ka dhamaaday yaase u joojinaya yaa maqlaya yaa dhego u leh yay u dhigatay abaal maxaa la odhan doonaa maxaase lagula hadlayaa Salma hadalku wuxuu ku soo ururay “walaal markaas oo kaliya aan kulano waxaad doonto aynu is nidhaahno ha iga diidin haddaan anigu dambiile noqday adiguna ha ila noqonin” 

Subeer aad ayuu uga dhego adaygay waxaanuu ku celceliyay inaanuu diyaar u ahayn kulankeeda raalina ka ahayn hadalkeeda ee ay iska dhigto telefoonka yaase ku dhigi kara qof kula hadlaya oo mar ooyaya mar qoslaya mar tawaawacaya marna kaftamaya talaa ku cadaatay waxay qasab ku noqotay Subeer inuu ogolaado ballanta oo uu u oofiyo isaga oo aan laakiin tusayn waji farxadi ka muuqato sidiibaana la isku afgartay telefoonadiina waa la kala dhigay. Salmi wakhtigan oo ah fiid waxay doonaysaa inay ku noqoto inan ay ballansanaayeen dabadeedna gaadhi yar oo ay maalmahaa iibsatay ayay la soo baxaysaa nasiib wanaag waxay dhexda ka soo qaadaysaa inan jaarkooda ah oo isaguna u sii socda dhinaca ay u sii jeedo waxa wax walba ka sii daran Subeerna wakhtigiibuu soo baxay isaguna wadada ayuu xaga kale kaga yimid toban daqiiqo in kayar ayay labadii gaadhi soo istaageen meel inshaaro ah midba dhinac Subeer wuu arkaa gaadhiga Salma inay iyadii wadatana wuu arkayaa nin inuu la saaran yahayna wuu u jeedaa Salmi laakiinse ma aragto gaadhiga Subeer iyo isaga toona waxaanay ku mashquulsan tahay dhagaysiga heeso iyo inanka oo uga sheekaynaya xaalada waddanka si aada ayay u qoslaysaa way timo qaawan tahay foodad yar oo khafiifana garbaha ayay u saaran tahay muraayad yar oo cad ayay xidhan tahay si qurux badan away u labisan tahay timahana xaga dambe ayay biin kaga xidhay isla markaa gaadhiga ay wadataa beersoolbaa ku xidhan laakiin qofka ka hor yimaada ee u fiirsadaa wuu arkayaa,

 Subeer in badanbay taagnaayeen meesha si fiicana wuu uga bogtay waayo wuxuu la yaaban yahay gabadha caawa oo dhan ooyaysay siday u bedelatay ninkay la socotay iyo wakhtiga ay suuqa ku sii jeedo aadbuu ula fajacay Subeerbaa hor dhaqaaqay dabadeed wuxuu soo istaagay xageeda dambe si uu u daba galo ilaa bal halka ay ku socoto waxa isku hagaagaya inanku guriga uu tagayaa maba aha mid aad u sii durugsan oo muddoo toban daqiiqo ah ayaa lagu gaadhayaa laakiin Salma maadaama oo ay durugsan tahay meesha ay tagaysaa aadna u madow tahay lagana yaabo in dhexda laga helo ayay ka codsanaysaa Guuleed inuu raaco oo uu la soo noqdo marka hore wuu ka diidayaa hase ahaatee marka dambe wuu ogolaanaya isaga oo waliba u sheegaya inuu ballan lahaa haddana markay inanta walaasheed ahi wuu ogolaaday gurigiibaa la soo gaadhay Subeer meel dheer ayuu u jiraa gaadhigana si aayara ayuu u wadaa waxa luuq la soo maraba waxa wado la soo wareegaba la yimid gurigii hoonkiibaa lagu garaacay guriga waa ganjeel albaabka ayaa laga furay Salma ayaa daadagtay cabaarbay gudaha gashay shaw inantiibaa ku tidhi yaa kula socda waxayna u sheegtay in uu wiil gaadhiga ku jiro gabadhu waxay ku qabsatay Salma maxaad ugaga timid inanka gaadhiga u yeedh sharaab ha cabo oo soo fadhiisi Salmi inay dib u soo noqotay oy waliba ka soo wareegtay daaqada Guuleed ayay furaysaa una sheegaysaa inuu soo daadago Subeer markan wuu ku soo dhawaaday oo meel waxoogaa u jirta ayuu taagan yahay wax kasta oo dhacayana wuu arkaa ayaan darradu se waxay tahay wuxuu u haysto inay dhacayaan iyo hawsha meesha ka socota ayaan is lahayn durba hinaase ayaa galay is yidhi shaw ninkanay kugu dul wadatay markhaati ma doon ayuu ka dhigtay is qanci oo is yidhi caawa ayuunbay wixii oo dhami kuu kala cadaadeen. 

Salma iyo  Guuleed muddo soddon daqiiqadood ah ayay ku jireen guriga kadibna way ka soo baxeen iyagoo iska faraxsan oo ka sheekaysanaya sida ay inantu u soo dhawaysay ayuu qof waliba dhankiisa ka galayaa albaabka gaadhiga soo dhaqaaqeen oo halkii ay markii hore ka yimaadeen ayay dib ugu soo laabteen inankii Subeerna meeshii madoobayd ka soo bax soona daba gal ileen shakigu waa balee wuxuu is moodsiiyay in wixii hawl ahaydba la soo fushaday wuu iska soo daba socday Salmi inankii waxay dhigtay meeshii uu ku socday ta ka sii daran ee uu aadka uga sii masayray waxay ahayd Salma inantu waxay soo siisay bac ay ku jiraan Jukulayd iyo alaabooyin yaryar oo ah bacahan debeda laga keeno iyaduna markuu daadagay Guuleed ayay u yeedhay waxayna ku tidhi maadaama oo aan saaxibadaa kaa habsaamiyay hoo hadiyadan u gee oo kaga farxi wuu soo wareegay bacdiina wuu ka qaatay taasina waxay u sii marag furtay Subeer oo markiisii horeba shakisanayaa in wax jiraan Iska socotay Salmi Guuleedna halkiisii ayuu ballantiisii ka tagay oo isagu nin wax kale u jeed ah muu ahayn haddaba maxaa ku dhacay Subeer, Subeer cir iyo dhulba wuu xamili waayay gaadhiga meelbuu jiidhsiin gaadhay qof kasta oo ka soo horbaxa way is laynayeen inamadii dhalinyarada ahaa ee uu la fadhiisan jiray maqaaxida inta fiidka hore oo qosqoslaya ayuu u yimid gooni ayuu uga fadhiistay koob shaaha ayuu dalbaday la yaab, lana ogaa in wax ku soo kordheen la se garan halka ay wax ka imaadeen, waxay sidii ahaataba intaa uu meesha fadhiyo waxa aad moodaa Subeer inuu xisaabinayo adduunyo dhan hoos buu iskula sheekaysanayaa dadkan hareerihiisa fadhiyana maba arkayo oo waxay u yihiin cid aanuu garanayn goor dambe ayaa wiil ay saaxiib yihiin u yimid oo uu ku yidhi “waar Subeer caawa sideed tahay” inanka waxa la yidhaahdaa Salaan wuxuuna ugu jawaabay “Salaanoow arrini way igu qasan tahay garana maayo wax aan yeelo,” inta badana qofka marka arrimahan oo kale la soo darsaan wuxuu jecelyahay inuu helo cid uu iskaga baabiiyo fekerka ama ka baajisa dhibaatada uu naftiisa gaadhsiiyo 

Salaan waa nin aad u caqli badan in badan ay saaxiib ahaayeen meelna wada degen yihiin wuxuu ku odhanayaa Subeer “saaxiib xaaladaadu ma fiicna waanan ku arkayaa oo waxa aad u baahan tahay inaynu wada hadalno markaa siday kula tahay hadaynu is raacno oo aan ka kacno meeshan” Subeer waa intii uu doonayay waanuu ka ogolaaday gaadhiga shidaal badan baa ugu jira waxay qaadeen jidka dheer ee magaalada uga baxa bariga mudadii uu sii socdayna wuxuu uga sheekeeyay Subeer in ay Salmi samaysay dhibaatada caynkaas ah, soddonkii daqiiqo ee ay Haleeyo gaadhayeen ayuu u dhameeyay dhibka ay ku haysay iyo ta caawa uu la kulmay, Salaan si fiican buu u dhagaysanayaa waanuu arkaa in saaxiibkii hawada ka baxsan yahay waxa kaliya ee u furana uu yahay sidii uu dib ugu soo celin lahaa ama uu noloshiisa u badbaadin lahaa markii la gaadhay Haleeya ayuu ku yidhi “Subeeroow inoo jooji gaadhiga kana soo dag” sidiibuu Subeer yeelay maqaaxi ku taala meesha ayay ka qaateen laba kursi waxaanay la tageen oo ay kala soo fogaadeen meeshii ay dadku fadhiyeen, Salaanbaa hadalkii bilaabay waxa uu ku yidhi “horta Subeeroow arrimahani laba uun bay noqdaan waa mida koowaade inay gabadhani tahay gabadh waxan caado u leh oo aan cidna u joojin ciday doontana raacda sida lagu helayaana ay fududahay iyo in gabadhaasi ay daacad ahayd oo aanuu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeyay iyada iyo wiilka wakhtigaa ay is raaceen”, 

Subeer kama daadagayso waa daacad waayo hore ayaa loo yidhi nin meeli u caddahay meeli ka madaw waxaanuu kula soo booday “Salaanoow saaxiib waxaan kugu nacay beerjileeca iyo sida xun ee aad gabadhaa ugu dabcayso iyadoo wax naga dhexeeyaa aanuu jirin maxaa kuu diiday in arrintan sida aan u arkayo aad u aragto ma naagta ninka raacday ee guriga la gashay ee kala soo baxday ee waliba hadiyada siisay ayaad i leedahay waa daacad walaal Salaanoow sharafteena maaha maanta inaan gabadhaas oo kale wax na dhex maraan”, Salaan kamuu hadhin hadalkii wuxuu ku yidhi “waxaan la hurayn horaa loo yeelaa hadaad kala hadhaysaan adiga iyo Salmi mar hore ayaad kala hadhi lahaydeen hadaladan oo dhana waxa kaa yeedhsiinayaa waa jacaylkeeda waxa ku hayaana waa hinaase sidaad hore iigu sheegtay iyadana hinaasahaas oo kale ayaa haya markaa miyaydaan u baahnayn in la isku kiin soo dhaweeyo oo la iskiin fahansiiyo mise waxaad leedahay maba khaldamo iyaduna way u kasaysaa khaladka”, 

Subeer wuxuu cadhoodaba candhuuftaa ku dhegan iyadoo ay qabaw tahay haddana wuu dhidid san yahay shaadhka baldhamaduu furtay in yar marka uu joogaba timaha ayuu faraha galinayaa isaga gadh yar oo uu lahaa wuu rifay sidii uu kolba isaga oo aan is ogayn in u goynayay, Salaan wuxuu ku daalay waano wuxuu uga sheekeeyay dhibaatooyinka uu keeno hinaasuhu iyo inuu xitaa sababo in ninku gabadhiisa dilo ama gabadhu ninkeeda qudha ka jarto iyaga oo aan waxba samaynayn midna qabso oo haddaanad maanta Salma jeclayn toban nin haday raacdo waxba umaad aragteen ee jabku wuxuu ka imanayaa waa jacaylka idin dhex yaala waxaan kugula talinayaa walaal anigaa daba galaya arrintan Salmi si fiican bay ii taqaanaa waxa jira oo dhan anigaa soo ogaanaya adiguna is daji inta aan kuu keenayo war buuxa Subeeroow indhahaaga oo shan ah, adiga oo sidaa u soo taagan ayaan iska kaxaysatay oo uu guursaday Salma walina sidiibaad u jeceshahay maxaa kalifay in aad ka shakido wiil ay raacday oo waliba aynaan hayn sababta ay isku raaceen, Salmi miyaanay ahayn gabadhii aad ku tidhi markay soo noqotay aniga wuxuunbaad ii tahay inantii aad markii hore ahayd iimana muuqato guurka lagu soo guursaday iyo hadalada la isla dhex marayaa waxaan kuu sheegayaa sidaad markii hore ninka waayeelka ah u ahayd ayaa hadeerna lagaa rabaa inaad u ahaato haddii kale wax waliba waxay isku rogi doonaan xaga xun” Subeer laydha qabowbaa ku dhacday daalkii faraha badnaana wuu ka yaraaday wixii uu cadho qabayna Salaan buu ku yidhi ugu dambayntiina wuxuu ka ogolaaday in uu soo ogaado oo uu war sax ah keeno sidiibaa lagu soo noqonayaa oo magaalada lagu soo galayaa la kala hoyay oo Salaan waxa uu geeyay gurigoodii markii uu yimid Subeer gurigooda ayaa Hana yar oo u sida cashadii u keentay wuxuu u sheegay inaanuu waxba cuni karayn caawa, Hana way yaabtay walaal maad xanuunsanaysaa, maxaa kugu soo dhacay, dawo ma kuu doonaa markaad naga tagtay waad faraxsanayd caawase wajigaagu ma qurux badna, ma cidbaad is disheen, Subeer waxa looga bartay in uu fiidkii markuu soo hoydo uu u sheekeeyo labadooda hablood iyo aabahood oo uu makhsinka fadhiga cabaar la soo joogo si ay iskaga xog waraystaan waayaha adduunka qof walbana laga dhagaysto wixii uu tabanayo habeenkani wuxuuse ahaa mid ka duwan kuwaa hore, Hani kasoo baxday gurigii isna intuu xidhay qolkii ayuu is duuduubay saacadu waa 10:30 habeenimo wuu galgashay hadba geesbuu isku rogay wax walba samee wuu gami’ waayay lama hadli karo Salma oo kuma odhan karo ninbaad sidatay oo waakii saaxiibkii uga digay gurigiibaa ku kululaaday sida qoladii muqayiliinta ahayd debeda ayuu u soo baxay goor ay ahayd kowdii habeenimo wakhtigaasi oday Dhamal ayaa maqlay shanqadha guriga wuxuuse markii hore u qaatay inuu galayo suuliga odayga ayaa isna in yar kadib tag is yidhi suuliga waxaanuu la kulmay wiilkiisii oo fadhiya daarada yaab oo fajac ayaa uu Illaahay u keenay kamanuu filayn inuu halkan ku arko la is bariidi markii hore wuu dhaafay odaygu soo noqodkii dambe ayuu waydiiyay waxa ku dhacay ee uu xiligan debeda la fadhiyo.

La Soco Qaybta 22aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE