SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 152 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday..

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Qaybta 21aad

Qaybta 22aad

Qaybta 22aad 

  Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Qaybtii 21aad Waxay inoo joogtay Subeer abahii Dhamal oo maqlay  - 
shanqadha guriga wuxuuse markii hore u qaatay inuu galayo suuliga odayga ayaa isna in yar kadib tag is yidhi suuliga waxaanuu la kulmay wiilkiisii oo fadhiya daarada,  yaab iyo fajac ayaa uu Illaahay u keenay kamanuu filayn inuu halkan ku arko la is bariidi markii hore wuu dhaafay odaygu soo noqodkii dambe ayuu waydiiyay waxa ku dhacay ee uu xiligan debeda la fadhiyo.

Qaybtii 22aad 

Waxa  
Isa
Subeer wuxuu u sheegay aabihii in caawa jawigu kulul yahay isla markaana uu gami’ waayay odaygu waa nin waayeel ah sidaan horeba u soo sheegnayna la socda waayaha dhalinyarada ee wkahtigan kasii darrane wax ubad ah gaar ahaan wiilna kanoo kaliya ayuu dhalay wuxuu u ilaaliyaa si aad u adag oo uu is yidhaahdo yaanuu dareemin cadaadis, xumaan iyo wax uu karaahiyayso inta badana waxa uu u sameeyaa waxa uu jecel yahay, odaygii intuu soo qaatay kursi ayuu soo dhigtay agtiisa waxaanuu ku yidhi “wiilkaygiiyoow, miyay kula tahay in aan gam’ayo adiga oo debeda jooga ama aan hurdin aabo hore ayaa loo yidhi nimaad dhashay kumuu dhalin iima noqonayso ama ma ladayo hurdo inta aad adigu banaanka fadhido aabo meesha ka kac oo iska seexo waxaanad samaysaa waxyaabahan oo dhan wax kastaba ha noqdaane markay dhacdo waxa fiican in dulqaad iyo samir loo yeesho aabo dhalinyartu waa kula wada mid nin walbana intan ku haysata labanlaabkeed ayaa haysata hase ahaatee qof waliba wuu qarsanayaa mana haboona in laguu arko nin jilicsan waayo waxa aan ogahay waxaad ka soo gudubtay kugumana tirinayo nin aan adkaysi lahayn oo u dabacsan duruufaha dabiiciga ah laakiin aabo caawa waan naxay manay ahayn inaad iga nixiso naftaadana kaligaa ma lihid ee dhamaantayo ayaa kula leh inta aad iga qarin karto dhibta ku haysata aadba waa inaad iga qarisaa uma jeedo adiga oo wax u baahan inaad ii sheegan waydo taasi waa khalad laakiin mar walba waxaan jeclahay inaad farxad ku noolaato, qososho oo aad noqotana mid qayrkii in badan ka horeeya aabo goormaad sidan u soo dabacday, aabo ma jacaylkiibaa kaa soo dhaadhacay, aabo maxaan kuu qabtaa ee aan imika laga maarmi karayn ama aanay kaaga dambayn waxaan rabaa inaad ii sheegto go’aankaaga kama dambaysta ah oo ayna ku jirin inantii aan markii horeba isku diidnay” 

odaygu intii hore oo dhan wuu fiicnaa Subeerna niyadiisu marba marka ka dambaysa ayay soo wanaagsanaanaysay laakiinse waxa mar kaliya qalbigiisa dab ka holcay markii uu yidhi kuma jirto inantii hore aynu iskula ogayn, taasoo Subeer ka dhigtay inuu iskala garan waayo aabihiina ku yidhaahdo gabadhba uma baahni odaygii cabaarbuu u sii sheekeeyay dabadeed Subeer ayaa ka codsaday inuu iska hoydo isaguna hoydo si uu isaguna u seexdo sidiibayna u dhacday labadoodii qolbay kala galeen bal waakane haddana ninkan dhinac walba dhibaatadu kaga weegaarsan tahay muxuu sameeyaa dhinac Salma ma hayo oo waadiga arka waxa ka dhex socda, xaga kalena odaygu maba maqli karo magaca Salma arrintu waxay ku noqotay ileen meel la ciirsadaana Subeer goor dambe oo waa dhawaadkii ah ayuu gam’ay intii hore oo dhana wuu is rogrogayay aroortiina wuxuu soo kacay meelahaa tobankii oo wuu diiday hablihii guriga ku garaacay telefoonkiina wuu bakhtiistay si aanay cidina ula soo hadlin halklaa marka ay xaaladi marayso iyada wakhtigaa Salmi wax dhibi ma haystaan oo ma ogaba waxa dhacay waxaanay u diyaar garowsan tahay ballanta caawa ay ballansanaayeen dhibaatadii Subeer qabsatay iyo hawlaha dhacay oo dhanba ma oga, Subeer markii uu u soo baxay banaanka waxa uu yimid meheradoodii waxayna gaadhay wakhtul qadadii iska noqay oo iska seexay waxa la soo hadlay Salaan oo u sheegay inuu maanta tagay xafiiskii Salma nasiib darro aanuu la kulmay oo ay wakhtigaa ku maqnayd hawl dibadeed sidaa darteed wuu ka war sugay isaga, intaa markii ay is yidhaahdeen waxa soo dhex galaya telefoon kale waana Salma oo rabta inay la hadasho Subeer si ay u xusuusiso uguna adkayso ballanta, 

Subeer si wanaagsan ayuu u salaamay ugana qaaday salaantii wixii ay waydiisayna wuu uga jawaabay todobada habeenimo iyo goob iyaga u cayinayd ayaa lagu ballamay way dhigtay telefoonkii Subeer wuu cadhaysan yahay hase ahaatee wuu qarsanayaa oo wuxuu diidanyahay in arrintiisu kala daadato. waxay sidii ahaataba afartii galabnimo ayay la soo hadlaysaa Hodan iyada oo ka waraysanaysa xaaladiisa iyo sida uu yahay, Subeer wakhtigan waxaad moodaa inuu u soo dabcay oo uu u hiloobayo una baahan yahay la hadalka Hodan, jeclaysanayana dhawaaqa ka soo baxaya cabaarbaa la kaftamay saacad ka dib waxa lagu ballamay in caawa meelahaa sagaalka ama tobanka markuu soo hoydo ay la soo hadasho ama isagu soo hadlo, sidiibay ku kala tageen saacadu waa shantii, Salmi dhinaceedii ayay ka gashay diyaar garow maadaama ay in badan isku cadhaysnaayeen Subeer waxay doonaysaa sidii ay u soo jiidan lahayd markaa waxay soo qaadanaysaa sad isku eeg oo aad u qurux badan oo xataa timaheeda, lip istiigeeda, dharkeeda, kabaheeda, saacadeeda, boorsadeeda intuba way isku eeg yihiin waxaana lagu yaqaanaa labisaada caynkan ah badanaa dadka aadka u ilbaxa ah oo yaqaana sida shayadu iskugu soo baxaan. Subeer xiligaa si caadiya ayuu iskaga labistay wakhtigu wuu soo dhawaaday waxaana la soo gaadhay lixdii iyo badhkii intii uu soo socday ayay timid todobadii oo rubuc dhiman wuxuuna meeshii ugu yimid gaadhigii Salma oo meeshii yaala waxay iloobeen marka hore in labada gaadhi midkood laga tago oo mid uun la kaxaysto deetana Subeer soo daadag wuxuu u sheegay inay iska xarayso gaadhiga sidiibayna yeeshay waxa la kaxaystay kii Subeer huteelku ma foga inyar kadiba waa la gaadhay waxa ballanta qabatay Salma xitaa waxay sii ballamisay cashada iyo goobta ay fadhiisanayaan la soo gal waxa loo soo hor mariyay cabitaankii cabaarbay iska sheekaysanayeen intii aan cashada loo keenin, Subeer inta badan wuu aamusan yahay waxaanuu sugayaa bal waxa ay ku hadasho, Salmi hadalkiibay qaadatay waxayna tidhi “inanyahaw adduunyadan aad arkayso waxa la isku sameeyay lab iyo dhadig, waxaynu nahay kuwo aan kala maarmayn, hadaad mooday inaad iga tagi karayso ama aad u haysato inaan ku dafiri karayo, oo aan jacaylkaaga ilaawayo been ayaan u sheegayaa naftayda adiguna sidoo kale, 

Subeeroow waxaad ogsoonaataa in dhibta aad maanta igu haysato oo ah inanbaad suuq u istaagtay ay tahay marka hore mid ceeb inagu ah aniga iyo adiga iyo iyadaba, hase ahaatee ogsoonow inaanad dafiri karayn in jacaylku waxyaalo badan ku ilowsiin karo dareen faro badan kaa qaadayo, maan ogayn runtii wakhtigii aan la hadlayay inanta iyo xataa markii aan adiga kuu jawaabayay dib ayaan u xusuusanahay hadaladii aan idhi waanan garawsanahay khaladkii aan galay walow ay tahay wax aan filayay inaan sameeyay ama adiguba aad samayn lahayd, waxba maan samaynin gabadh ayaan ku idhi ninkayga iiga hadh, waad ii sheegtay inaan waxba idinka dhaxaynin waanse qaadan waayay, waxaan kuu sheegayaa oo aanan dafirsanayn, diidayn, qarinayn, una arkayn dhibaato inaan ku caayo adiga iyo iyadaba aniga oo kuu caayaya kalgacayl iyo muxubo aan kuu qabo, hadaanan dan kaa lahayna iima suuro gasheen inaan la kulmo gabadha, inaan kula hadlo adiga, in aynu halkan iskugu nimaadno iyo inaan in badan dushaada ka ooyo toona, waan xusuusnahay waxaad igu tidhi markaad wada jirkeenii iyo weheshi diidaan ana kali u weecdoo usiisibaan ku maqanahay waa erayadii malaha maad ogayne cajaladii aad ii saartay markii aad aabo la hadlaysay, walaal maan diidin wada jirkeena, wada joogeena, weheshigeena iyo wax isku ahaanteena toona, ma aqaano oo qof aan adiga ahayn dibnaha uma kala furin aniga oo niyad u haya haddii aad i rumaysanayso waxaad tahay qofkii ugu horeeyay ee ii bilaaba sheekada ama baabka jacaylka waxaanad tahay kii iigu dambeeyay ee ilaa hada xiisadaa ii dhiga, walaal waad garan kari lahayd hadii aan macalimiin badan leeyahay, waad ogaan lahayd hadaan suuqa ku jiro waxaan u noolahay waa adiga inta ka hadhay noloshaydana uma baahni inaan cid kale la qaybsado, maalintii dhawayd ee aan ku lahaa waan kaa gooyay niyadayda iska daa goyne minit kama maqnaan kartid, wakhti walba waad ila joogtaa, wehel aan adiga ahayn ma lihi, walaal aan adiga ahayn ma lihi, eeg meesha aad igaga tagayso dib u raac dhibta aan kuu soo marayo iga gooso, i dil oo waxaad doonto igu samee mid uun iga daa waan kaa tagayaa, taasoo igu ah kalmada aan ifka ugu necebahay walaal caawa waxaan ku tusayaa lix sanadood iyo shan bilood ka hor amaano aad ii dhiibtay waxaanan kaa codsanayaa in aad ii tixgeliso iina dambi dhaafto”,

markaa waxay soo saaraysaa silis dahab ah oo uu ku qoran yahay magaca Subeer oo ah kii uu u galiyay maalintii ay ka dhoogaysay madaarka Hargeisa wakhtigii uu kaxaysanayay ninkii loo guuriyay ee Mursal, intii ay soo noqotay may tusin Subeerna waxa caqligiisa galay markii ay ninkaa raacday kulana soo hadli wayday ayay tuurtay shoog ayuu ka qaaday aragtida siliskan oon wax iska bedelay jirin waxay ku tidhi “wakhti kasta oo aan kuu imanayo iyo mar kasta oon ka ahayn mudadii yarayd ee ninka kale aan la joogay wali jidhkayga kama furin sida siliskaasi iigu xidhan yahay qoorta ayay naftayduna kuugu xidhan tahay haddii aad diidayso, haddii aad i dayriso iyo haddii aad dudmo igaga tagto intaba waxaan ahaan doonaa ama aan ahay qof u nool Subeer si kasta oo ay ahaato, wax kasta oo aad yeesho waxaan kaa codsanayaa oo aan mar labaad walaal ku leeyahay ii dambi dhaaf”. Subeer aad ayuu u fekerayaa wuxuu la yaaban yahay hadalada Salma ee aan meel laga maraa jirin ficilkii habeenkii dhawayd uu arkayay, hadaladii ay hore ugu tidhi iyo waxyaalo badan oo kale ma gaadhi karo go’aan uu ku yidhaahdo iska tag mana yeeli kale mid kale oo uu ku yidhaahdo waan kaa ogolaaday ha dhagaysto hadalada dhiilada leh ee murugadu ku dheehan tahay ee ka soo yeedhaya afka Salma, 

Subeer mar dambe ayuu ku odhanayaa “waxaan ku waydiiyay xalay saacadu markii ay ahayd lixdii iyo badhkii halkeed joogtay?” Salmi waxba kamay qarin waxay u sheegtay intii meelood ee ay soo martay waxay soo qabatay iyo wixii ay u baxday, wuxuu waydiiyay “yuu ahaa wiilkii aad la socotay?” iyada oo dareensan inuu arkay ayay ku odhanaysaa “Subeeroow inankaasi waxaynu nahay jaar dhexda ayaanan ka qaaday aniga ayaana ka codsaday inuu isii raaco ee isagu wuxuu doonayay inuu ku dago meel dhexe oo uu kula ballansanaa, sidii uu ii sheegay gabadh ay wada sheekaystaan balse goobta aan tagayo oo aad u durugsan awgeed ayaan ka codsaday inuu i raaco oo uu ila soo noqdo waanuu iga yeelay iyada oo ay dhibaato ku ahayd,” halkaa marka ay marayso ayuu ku yidhi “waayahaye waydinkii guriga wada galay hadaad inanka dhexda ka sii qaaday muxuu gaadhiga ugu dhex jiri waayay” wasxay ku qancisay “in inantii guriga lahayd ay ku adkaysatay inuu soo daadago wiilku maadaama ay ceeb tahay qof la socda qof in meel banaan ah lagaga yimaadaa sidiibaanan ugu yeedhay markii dambena waanu soo wada baxnay oo waxaan dhigay halkii ballantiisu ahayd sidibaanuu ku tagay”. 

Subeer wuxuu ku celinayaa “sidaa kumuu tagine maxaa dhacay ee kale?” markaa Salma waxa maskaxdeedka baxsan inay siisay alaab wiilka cabaarbay murmayaan oo ay leedahay wax kale oo dhacay ma jiraan isaguna leeyahay sheeg waxa dhacay marka dambe ayay xusuusanaysaa oo ay ku odhanaysaa ma waxaad u jeedaa oo aad arkaysay ama lagugu yidhi bacdii alaabtu ku jirtay ee aan siiyay, waa daacad Salmi waana qof u dhalatay inaanay waxba qarinin hadaladeeduna aad u cadcad yihiin intay qososho ayay ku odhanaysaa “walaal waxa ku jiray jokolayt, nacnac, xanjo iyo sharaab ay i soo siisay inantu aniguna maadaama aanan uba baahnayn waxaan gartay in aan siiyo wiilka mar haddii uu ka habsaamay gacalisadiisa si uu uga farxiyo”. Subeer intii hore oo dhan wuu cadhaysnaa oo wajigiisa waxa ka muuqatay daal hase ahaatee markay intaa ku tidhi ayuu si qurux badan ugu qoslay hase ahaatee Salma ayaa iyaduna bilowday Su’aalaad waxayna tidhi “waxaan ku waydiiyay wa ayo cida i daba socotay dee gurigana waxaan ka qabto maxaa laguugu soo sheegi waayay ii sheeg cida arrintan kuu soo gudbisay?” Subeer wuu ka dhaadhicin waayay inuu isagu arkaayay oo aan cidina u sheegin, 

Salmi waxay ku adkaysanaysaa cidbaad ii samaysay soo ogaata wax kasta oo aan qabanayo ee maxay kaaga badan tahay maxaadse ku falaysaa soo ma ogid arrimahaasi inay kala fogayn iyo is necbaysi uun keenaan walaal hadaynaan is aaminin u malayn maayo in qofna qofka kale ilaalin karo” iyada oo kaftamaysa ayay ku odhanaysaa “Subeer shaw hinaasahan aad ii sheegayso kaaga ayaa ka xun, waan sigtay, waxay ku filnayd oo kaliya madaxa oo aad inanka ku dhufato Illaahaybaa se na badbaadiyay ee waxaasoo hinaase ah iska daa”. Halkaa marka ay marayaan ayaa Loo keenay raashinkii inankii cuntada siday ayaa ka dalbaday inay waxoogaa u ogolaadaan in uu u dhigo raashinka, dhamaysay oo iska dhig raashinkii, lama bilaabin cuntadii ee haddana waxaaa la sii waday hadalkii, iyada oo uu Subeer leeyahay “maan hinaasine, wuxuunbaan eegayay waxa dhacaya iyo sida ay wax u jiraan isaga oo iska adkaynaya inay ogaato inuu wali jecelyahay”, Salmi intay aad u qososhay ayay ku tidhi “walaal waxa jira waxyaabo aanan qarsoomi karin qofka is yidhaahda qarina lagu dareemi karayo markaa inaad hinaastay shaki ma laha. 

Halkaa marka ay marinayso ayuu ku yidhi “aynu iska bilaabano cuntada”, cabaar ayaa la casheeyay markii la dhamaystayna ayaa haddana halkii laga sii bilaabay kaftankii iyo doodii, waxay socotoba wuxuu ku yidhi Subeer “Salmaay, anigu sidii aan horeba kuugu sheegay ama aad ogtahayba ma jiro xiligan xidhiidh toos ah oo labadeena inaga dhexeeyaa sababtuna waxay tahay waad ogtahay oo waxa aad burburisay meel kasta oo aynu ka samayn lahayn ama ka dhayi lahayn dhibaatooyinka jacaylkeena, marka aad i leedahay adigaan kugu eegayay inaad i jeceshahay iyo in kale, marka aad i leedahay hal habeen niyadayda kamaad bixin haddana uu kuu diyaar yahay tagitaanka aad ugu baxayso safarka dheer markee iyo goortee ayaan ku rumaystaa waxaan jeclahay maadaama aynu in badan isla soo joognay, maadaama aan la inoo kala sheekayn karayn, maadaama labadeenaba shaki ina kala dhex galay.

Isla markaana, uu bilaabmay aaminaad la’aan, kala daadsanaan iyo boholyow la’aan waxaan kaa codsanayaa inaynu ahaano laba qof oo wadaaga walaaltinimada anigana nasiibkayga adigana ayaankaaga aynu eegno” Salmi kuma qanacsana ee waxay leedahay wixii dhacay dhaceen wax dambena iman maayaan marka aan ka hadlayo xagayga markaa adiguna ii dambi dhaaf oo intaa igu daa. Subeerse xaaladu waxay ka maraysaa meel aad u adag oo uu ku adkaysanayo inay kala hadhaan. Wakhtiga ay murmayaan ama ay is haystaan waxa hudheelka ka socota hees jacayl ah oo talantaali ay u qaadaan labada fanaan ee kala Khadra Daahir & Axmed Cali Cigaal taas oo ah:
 
Haddii aan ku baday ciil
Caloolyowna kugu riday
Nabsigii i soo celi
Cabashana ku baanay
Adna caawa ha is odhan
Ka cad gooso ee
cabashadii iska ilow
Calool lugulidaayeey
Maadigay cawaansaday
Hadaad ciida hoose iyo
Gashid meel cidhiidhi ah
Ama ay col iyo guluf
Warmo kaaga cararaan
Walee ciidan kuma taro
Waxba ha ii calaacalin
Adaa laydha ka cabee

La Soco Qaybta 23aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO.COM & SomalilandNews Chief Editor

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE