SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland

SomalilandNews.Net


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 152 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday..

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Qaybta 21aad

Qaybta 22aad

Qaybta 23aad

Qaybta 23aad 

 

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

Qaybtii 22aad Waxay inoo joogtay Subeer iyo Salma oo jooga hotel oo murmaya,  Wakhtiga ay murmayaan ama ay is haystaan waxa hudheelka ka socota hees jacayl ah oo talantaali ay u qaadaan labada fanaan ee kala Khadra Daahir & Axmed Cali Cigaal taas oo ahy  -  

 

Haddii aan ku baday ciil
Caloolyowna kugu riday
Nabsigii i soo celi
Cabashana ku baanay
Adna caawa ha is odhan
Ka cad gooso ee
cabashadii iska ilow

 

Calool lugulidaayeey
Maadigay cawaansaday
Hadaad ciida hoose iyo
Gashid meel cidhiidhi ah
Ama ay col iyo guluf
Warmo kaaga cararaan
Walee ciidan kuma taro
Waxba ha ii calaacalin
Adaa laydha ka cabee

Qaybtii 23aad 

Waxa  
Isa
Heestan oo aad moodo in inantu wakhtigaasi inanka ku eryayso kuna tusaalaynayso dambi hore oo uu galay ayaa waxa aad ugu dhag taagaya Subeer, Salma ayaa ku odhanaysa “ma sida kuwaas oo kale ayaynu ku kala tagnaa, mise kalgacaylkeenii taxnaa jacaylkeenii aayotiinka lahaa, ayaamaheenii wacnaa, iftiinkii aynu ilownay, aqalkii aynu dhisaynay aayar maynu burburinaayoo u jabnaa cadowgeena intaan yeeli lahaa sidaa waxa aniga ila roon inaan iska hoydo oo aan ifkan ka tago, Subeeroow wuu kugu batay hadalkaygu wakhti walbana waad karaahiyaysataa waxaanse kaaga ballan qaadayaa inaanad dib u karaahiyaysan doonin, waxaan is lahaa waxan oo dhan wuxuu u samaynayaa mar uunbuu is bedeli doonaa hase ahaatee waan arkaa wakhtigan oo uma soo jeedid inaynu reer dhisano iyo inaynu qayrkeen raacno toona waxaanan ku leeyahay waan tagayaa waxaanan maqnaanayaa mudadii aan kuu sheegay hase ahaatee ogow sidaan horeba kuugu sheegay anigu adiga qof aan adiga ahayn oo aan aqal u galayaa ama aan oori u noqonayaa ma jirto”.

 Subeer hadaladan iyo kuwii hore ee aadka u dabacsanaa ama ay ku beerlaxawsanaysay dhag uma dhigin sidii ayaa meeshii lagaga soo kacay, cashada Salma ayaa qabtay oo soo ballamisay hudheelka, gaadhigiibaa la soo wada raacay intii dhexda lagu soo jiray ayaa waxa ku soo dhacaya Subeer telefoon ay soo dirtay Hodan wuu salaamayaa waxaanay u sheegaysaa inay u baahan tahay inuu la hadlo hase ahaatee Subeer wakhtigan wuu xanaaqsan yahay wuxuuna u sheegayaa inaanuu la hadli karin hadeer hase ahaatee ay mar kale soo wacdo, yaabtay Hodan waxay ku celisay “maxaa walaal kugu dhacay” wuxuu ugu jawaabay “anigu kuu sheegay ee nabadeey telefankiina wuu ku bakhtiiyay” Salma oo garab fadhida ayaa ku odhanaysa “maxaad aniga iska kay maqashiinaysaa, maxaad xaaskaaga ugu ciyaaraysaa, maxaad niyada uga dilaysaa, maxaad qalbiga ugaga tumanaysaa ilaa hadma ayaad ahaanaysaa wiilka ku ciyaara ama ku dheeldheela ama ku tunta qalbiyo badan iyo quluub faro badan oo hablood, Subeeroow wax waliba aayaheeda waa la helaa anigu hadaan ku waayay in kastoonan u haysan inaan ku waayi karo haddana hadaad inanta ballan u qaaday waa inaad ka daysaa qaabka xun ee aad ula dhaqmayso” Subeer wuxuu ku odhanayaa “maxaa kaa saaran, maxaa kaa galay maadigaa, maad taqaanaa aniga ayay i jirtaa hadaan wanaajinayo iyo haddii aan xumaynayaba nasiibkaaga ku eekaw wakhtigaagiina waad soo qaadatay umana baahni in aad mar dambe afaaro aan leeyahay soo gasho xataa raali kama ihi inaad ii soo dirto telefan aad adigu leedahay aragtidaasi imika ha ahaato tii inoogu dambaysay waanan ku ogaaday waxaad tahay hadalka ayuunbaanan doonayay inaan kugu idhaahdo oo aanan haysanin anigu ama gabadh aan guursado ama aan toban guursado wixii aan yeeli lahaa waa hawl aan waxba kaa galin”, waxa la soo gaadhay wakhtigan halkii ay ku dagi lahayd Salmi oo ah gurigooda agtiisa hase ahaatee Salmi waxay jeclaysanaysaa inay waxoogaa ka raali galiso oo ay si dabacsan ula hadasho mar walbana waxay doonaysaa inaanuu ka fogaanin iyadoo markaa gunaanidkii wada ayay tidhi “walaalkayoow adduunyada intaan ku noolahay ama aan ku noolaa ama aan ku noolaan doono ma garan karo meel aan adiga ahayn oo aan joogayo, naf adiga dartaa u jabaysa, u jeelan, u jibaadaysa oo jal qaadan wayday waxaad u jikaartaa sow jaxarnimo maaha haddaan anigu ahay adiga wax wal oo aad igu samayso marka aad walaal i tidhaahdo ayuu iga baaba’aa, ma garanayo anigu meesha aad iga qabatay, halka aad i taabatay iyo qaybta jidhkayga ka mida ee aad i taabatay”. Subeer sidii qof budh lala dhacay ayuu afka taagayaa xagaasuu u sii jeedaa gaadhiguna wuu taagan yahay waxaana ka socota oo uu dhagaysanayaa hees jacayl ah oo ah

Ma markaan hawoodeen
Habsan geenyo uguboo
Ku heeraaran dooxada
Hiyigeedu raacaa
Ma halkii dharaartii
Casarkii mamoodiga
Dad Hargeisa soo maray
Hadiyad igu siiya
Markii ugu horaysee
I haleelay caashaqu
Ma halkaan fadhiistaa
Habeenkii taariikhdii
Hada saacaday tahay
Iyo maalintii la i helay
Isku soo hagaagaa
Rabi igu hagaajaa
Goobta ay taagan yihiin waa halkii habeenkii ugu horaysay ee ay is raacaan uu ka qaaday Salma muddo ka badan lix sano ka hor waana meel u caan ah jacaylkooda waxaadse moodaa in ay ku soo hagaagtay heestu intay sidaa u eegtay Salmi ayay ku tidhi “Subeeroow ayaamuhu mid waliba  suurad gooniya iyo  sawir gaarabay leedahayoo dadku ku xusuustaan halkaynu taaganahay, heesta socota, hadalka aad i leedahay miyaad u malaynaysaa inay is qabanayaan haddii aad i eryayso ama aad rabto inaan kaa tago waxa habboonayd in aanad halkan ila soo gaadhin oo aad ii dayso gaadhigayga si aynu labadeenu hudheelka ugu kala tagno waxaanse xusuusnahay meel kasta oo jidhkayga waa halbowle damqanaya oo hadalkaaga u baahan, had iyo jeerna waxaad tahay Subeeroow mid aanan garanayn meel uu ila gaadhi doono waxaase ii muuqda iyo waxa aad i leedahay kolay way kala fog yihiin aniguna ma garanayo si aan noqon doono imikana waan iska tagayaa waanan kuu soo ducaynayaa waayo xaqa aan kugu leeyahay iyo ka aad igu leedahay waxay u dhigmaan kuwa waalidka iyo ubadkoodu isku leeyihiin.
Sidaa darteed, walaal Subeeroow ma nihin kuwii la maqli lahaa xumaantooda ee waxaynu nahay kuwii lagaga dayan lahaa wanaaga, kalgacaylka, jacaylka iyo muxubada, inkastoo aan dumar ahay oonan diidayn dambiga aan galay haddana ii dulqaado laba ruux mid uunbaa dulqaatee”. Intaa markii ay tidhi Subeer isagoon hadal badan odhan ayuu ku odhanayaa “walaal kolay muddo badanbaynu taagnayn meesha, waanan kula soo hadli doonaa ee habeen wanaagsan”. Salma Subeer muddadii ay wada joogeen ilaa wakhtigii ay isbarteen marnaba isagu muu odhan jirin habeen wanaagsan ama iga tag, waxayse dareemaysaa in wakhtigan Subeer uu ku soo adkaaday amay ay u eekaatay xaalad aanay waxba ka bedeli karayn, way iska calool adaygtay sidiibay ku degtay, kuna tagtay gurigoodii, hada ogowoo arrimihii la isku soo raacay ee loo ballansanaa in laga wada hadlo intooda badan wax jawaaba la iskama siin, iyadu wali may helin go’aankii ahaa inay u diyaar garowdo siday u noqon lahayd xaas ama loo fasixi lahaa isaguna muu helin arrintii uu ka doonayay Salma oo ah inay soo bandhigto qorshe cusub oo ka duwan kii hore. mid waliba wuxuu tagay gurigoodii si uu iskaga hurdo tago, habeenkaas oo dhan gabadha Salma wuxuu u ahaa habeen baas oo may mahadin is qurxintii, labiskii diyaar garowgii iyo kalgacalkii ay ku tagtay goobta way kala duwan tahay qofka marka rajo kuugu laaban tahay ee aad is leedahay wakhtigaa ka faa’iidayso iyo marka ay kaaga soo dhamaato. 

Salmi kabaha ayay iska saartay waxaanay shidatay Tiifiiga si ay isku dhaafiso hawlaha iyo dhibaatada la soo deristay ee aanay awal u baran, ma jirto cid ay u yeedhato oo ay kala sheekaysato xaalada iyo qof ay u sheegtaa toona. xaga kale Subeer lurba kuma hayo waxa meesha ka dhacaya wuuna ugu talo galay maadaama ay iyadu markii hore gashay dambiga. Sidiibuu waagu ku baryayaa Salmi subaxnimadii halkii ay fadhiisatay habeenimadii iyo dharkii ay xidhnayd ayuunbay ku soo shaqo tagaysaa, waa la dareemi karaa qof xalay oo dhan soo jeeday hase ahaatee iyadu way istiilaysaa oo waxay diidan tahay in la dareemo, goor dambe oo rawaxaada ku dhow ayaa waxa u yeedhaya sarkaalkii hayadooda ka madaxda ahaa waxaanuu ku wargelinayaa in siminaarkii ay u baxaysay hore loo soo dhigay dabadeetana ay soo goosato tigidhka, buukinkana soo samaysato isla markaana saddex maalmood kadib  ay ambabixi doonto jabkuba wuxuu ka joogaa qofkan la dirayaa niyadiisii halkay ku maqan tahay, ma joogtaa oo ma tahay mid waxan dhagaysan karaysa mise waxay u baahan tahay in dhinaca kale looga wareego, Salmi way iska soo kacday waxaanay u yeedhay dirawaliinta gaadhiga mid ka mid ah si uu u qaado oo uu u geeyo shirkada diyaaradaha markay timid meeshii si fiican ayaa loogu soo dhaweeyay xafiiska inkastoo ay ahayd wakhti la rawaxayo haddana hayada oo xidhiidh wayn la leh shirkada ayaa waxa u suuro galay in loo dhamaystiro dhamaan dhukumentigii ay u baahnayd iyada iyo qofkii kale ee raacayay sidiibaanay kaga imanaysaa oo ay ugu soo noqonaysaa xafiiskii. 

Subeer ma oga in Salmi tagi doonto wakhti dhaw cid u sheegtaana ma jirto qof uu ka waraystana ma haysto oo dhalinyaradu iskuma ogola Salma iyo Subeer iyagoo, xumaynaya Salma oo ay leeyihiin axdi ma laha, ballantana ma taqaano markaa haddii uu cid u diri lahaa ma helayo oo ma awoodo, maalin kadib ayaa waxaa qasab noqotay inay la soo hadasho Salmi Subeer si ay ugu wargeliso inay bari baxayso isla markaana ay u baahan tahay inay is arkaan. Subeer kamuu ogolaanin kulanka habeen dambe hase ahaatee wuxuu ogolaaday macasalaamaynta iyo inuu si niyadsan ah oo aan calool xumo ku jirin u kala tagaan, arrintaasi waxay ku noqotay Salma filan waa, qaadan waa, muddo ayay ka fekeraysay waxa ay samayso sababta oo ah iskama tagi karto iyada oo qofkii ay ifka u jeclayd uu meel xun xaalkoodu kala marayo. Waxay sidii ahaataba markii ay gaadhay sagaalkii habeenimo ee ay ogaatay inuu guriga u soo hoydo ayay imanaysaa guriga iyada oo la socota saaxibadeed Ayaan, kadib albaabka ayaa la soo garaacayaa, Hana yar ayaa ka furtay salaan dabadeed waxay u sheegeen dantii ay lahaayeen oo ah Subeer. Hani wax jawaab ah may siin intay dib u noqotay ayay u sheegtay walaalkeed inay u taagan yihiin dibada dumar doonaya oo aanay garanayn, markaa Salmi kamay soo daadagin gaadhiga ee waxa u timid oo kaliya Ayaan, wayse aragtaa in ay laba dumar ahi ku jiraan gaadhiga, Subeer oo wakhtigaa u diyaar garoobayay hurdo wuxuu soo xidhay macawiis iyo garan, debeda ayaanuu u soo baxay kamanuu filanayn in ay wakhtigan imanayso oo wuu la yaabay cida xilligan doonaysa ku soo dhawaa markiiba gaadhiguu gartay Ayaanbaa soo horaysay way isa salaameen waxayna u sheegtay in ay goorahanba Salmi u fadhiday halkan isla markaana ay rabto inuu la kulmo wuu ka ogolaaday, 

Subeer isaga oo macawiistii iyo garankii xidhan ayaa lagu qaaday gaadhigii Ayaan ayaa la sii dhigay gurigoodii dabadeedna waxay tageen halkii ay istaagi jireen oo ah goob aan ka fogayn guriga Salma iyo hadalkii ugu horeeyay ee ay tidhaahdo ayaa wuxuu ahaa “Subeer anigu bari sideeda subaxnimo ayaan baxayaa, sideed biloodna waan kaa maqnaanayaa si ay noqona Illaahaybaa garan, dadkana waxa wanaagsan inay wuxuun isku ogaadaan, habeenkii dhawayd ee aynu isla joognay go’aan aynu ku kala tagnay muu jirin waxaan doonayaa caawa inaynu noqono laba qof oo midkiiba goonidiisa u go’o iyo inaynu noqono laba qof oo isku maqan, ha u malaynin, hana u qaadan waayin baryada faraha badan leh ee aan kugu celcelinayo adigana faan kuu noqon mayso inaad iga calool adaygto oo aad cadaadis igu saarto wax Illaahii ina abuurtay keenay oo ah calaf”. Subeer wuu ku qoslay kalmadaa waxaanuu ku yidhi “haddaan kugu diidayo calafkii markaad soo noqotay ayay inoo kala dhamaan lahayd, aniguse kuguma diidanayn arrinta hore waxa ay ahayd dhibaato kale oo aad adigu samaysay hadayse arrintu noqotay inaad bari baxayso ma jecli inaad ku baxdo niyad xun oo aad ku tagto sidaa walow aanad ahayn Salmaay qof sideedii hore ah haddana anigu ballan waxaan kaaga qaadayaa qof aan adiga ahayn inaanan la hadlin horena ula hadlin dibna ula hadli doonin”.

 Intaa markii uu yidhi Salma waran ku taagnaa ayaa ka go’ay farxad darteed ayay ilmaysay waxaana ka mid ahaa hadaladeedii “waan garanayay walaal, waan ogahay walaal inaanad marnaba cidlo igaga dhaqaaqayn, waxaan xusuusnahay wixii aynu isla soo marnay, halka aad igaga taalo caawa iyo habeenkii aynu is baranay iyo habeenkii aan soo noqday iyo habeen kasta oo aan kula kulmay way ii suntan yihiin, walaal adiga ayaa indhaha ii kala furay, adiga ayaa adduunkan i baray, adiga ayaan ku shaqeeyaa aragtidiisa, adiga ayaan ku jeclahay oo kaliya ma kaa maarmi karayo, markaa walaal waxaan kaa codsanayaa mar hadaad ogolaatay tagitaankayga iina ballan qaaday inaan sidii hore ahaano isuna maqan nahay anigana waxaad igu ogaataa in aan ahaado qof dhawrsoon oo sharaftaada iyo taydaba ilaalisa kaamana maqni ee waan kula joogaa mar walba, waxa kaliya oo aan kaaga tagayaa waxa weeye in aad reerka ka dhaadhiciso sidii ay iskugu keen ogolaan lahaayeen. Waxa ay wakhtigaa dhagaysanayaan hees ay qaado Sahra Axmed oo ah

Sirma qabe Raxmaanoow

Adigaa u sahanoo

Waxba maan samaynine
Haday samadu furan tahay
Suuradaha quraankiyo
Saligaan u diriyaa
Inaan kaan sugaayay
Sidaan ahay u sheegaan
Sahwi iyo daraadii
Salsal iyo saaciyo abaar
Kala saari waayoo
Siday noqonba mooyee

La Soco Qaybta 24aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE