SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 152 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.. 

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Qaybta 21aad

Qaybta 22aad

Qaybta 23aad

Qaybta 24aad

Qaybta 24aad 

(First publication 28/09/06) -(Second Publication 21/02/2013)

 

USEFUL LINKS  World Cup 2006    Malarie - Kaneecada   Daily Health Advice   Sports        Khat Report    Depression is increase in Somalis  UK Immigrations - Somalia   Diabetes -Health      Somali & East  African Music      UK Entery Visa  History of  Somaliland   Quran Download      Crime  English football - Premiership     American Green Card       Money    Computer                                 The Mad Mullah who shamed us in Somaliland  

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

Health Advice: Before you Travel to any part of Somaliland or Somalia - Read this Health Advice

 

Qaybtii 23aad Waxay inoo joogtay Salma oo Dhegaysanaysa heestii

Sirmaqabe Raxmaanoow, Adigaa u sahanoo, Waxba maan samaynine, Haday samadu furan tahay, Suuradaha quraankiyo, Saligaan u diriyaa, Inaan kaan sugaayay, Sidaan ahay u sheegaan, Sahwi iyo daraadii, Salsal iyo saaciyo abaar, Kala saari waayoo, Siday noqonba mooyee.

Qaybtii 24aad 

Waxa  
Isa
Subeer inkasta oo uu markii hore ka adkaystay tawaawaca, catawga, calaacalka, walaaca, walbahaarka, walwalka iyo walanwalka ku abuuran Salma haddana wakhtigan ogolaa sidiibaanay ku soo celinaysaa waxayna ballamayaan bari marka ay baxayso diyaaradu inta ka horaysa inay is arkaan. Salmi calowyowgii iyo dhibtii ay kaga timid guriga wakhtigan wuu ka baaba’ay waxaanay soo noqotay iyada oo aad moodo in xidigo loo soo tolay ama darajo la soo siiyay, farxada, raynraynta, damaashaadka iyo qosolka ka dhacaya Salma waxa yaabay xaafadii, islaantiibaa ku tidhi “hooyo, maxaad soo heshay” si yar oo gaaban bay ugu tidhi “hooyo soo ma ogid inaan aroorta dhoofayo, oo aan maqnaan doono sideed bilood, waxaan ku faraxsanahay inaan hooyaday iyo aabahay oo caafimaad qaba ka tago aniguna aan Illaahay ka baryayo inuu i soo celiyo aniga oo nabad qaba”, wax sidaasaba may dhaamin islaantu, ama umay sii fiirsanba farxadan dheeraadka ah ee inanteeda. 

Salmi telefoon ayay dhagta qabsatay waxaanay la hadashay saaxiibadeed Ayaan oo ay u sheegtay in ay bari baxayso, sidoo kalena sheekadii iyada iyo Subeer si wanaagsan u soo dhamaatay oo barito uu ka mid noqon doono dadka sii sagootiyaya. Arrintaasi Ayaan umay riyaaqin waayo waxay ku ogayd Subeer isaga oo wata Hodan iyo colaada dhex taalay Salma, waxaanay ku tidhi “walaal Salmaay anigu waan imanayaa oo meel aan ku hadhaa iima taalo laakiin intee in leeg ayaad aaminsantahay Subeer iyo jacaylkiisa”. Salmi iyada oo dhibsanaysa hadalka saaxiibadeed ayay ku tidhi “walaal adigana shakibaa Illaahay kugu abuuree, arrintaasi way dhamaatay, baribaad arki doontaa waa inoo iyo sideeda subaxnimo guriga ayaan kugu sugayaa”, sidiibaanay isku macasalaameeyeen. 

Salmi hore ayay u diyaarsatay wixii ay ku amba bixi lahayd oo uma baahna inay dib suuq ugu laabato ama ay alaab iibsato oo teedii hore ayaa meel ay kala dhigto ay la’dahay, waxay ku dhaqaaqday inay diyaariso shandadii ay ku guran lahayd alaabada iyo in ay u sheegto saaxiibadeed si ay uga soo qayb galaan bixitaankeeda intii aan ogayni, Subeer isagu wuu iska noqday waanuu iska seexday, markii waagu baryay ayaa la yimid gegeda diyaaradaha, Subeer waxa la socda inankii Salaan ee ay saaxiibka ahaayeen waxaanuu u labisan yahay si aad u qurux badan oo aanuu beryahaa u soo labisan, garoonka halka uu maanta taagan yahay waxa weeye halkii uu ku macasalaameeyay Salma muddo fog iyada oo raacaysa ama noqotay afo nin kale wuxuu kolba qof yimaado saacadu waxay gaadhay sagaalkii subaxnimo, Salmi iyadu waxay timid sideedii iyo badhkii  halka Subeer sideediiba sii joogay garoonka faq gooni ah ayaa la galay waxaanay istaageen halkii ay istaageen mudadaa hore ee aynu tilmaanay Salma ayaa hadalka qaadatay waxay ku tidhi “walaal ma xusuusan tahay goobtan”, intuu qoslay ayuu ku yidhi “miyaanay ahayn halkii aan kuugu xidhay siliska aad maalinta dhawayd i tusaysay, miyaanay ahayn halkii iigu dambaysay niyad qab muddo aad u badan, miyaanay ahayn meeshii labadeenaba oohintu ka dhamaatay, ma waxaad ii haysataa qof bilaa xusuus ah mise waxaad leedahay Subeeroow qalbigaaga waxa aad ka saartay dhamaan wixii xusuustayda ahaa anigu Subeer ahaan ma iloobo, kamana baxdo qalbigayga waxaanan u iman jiray in aan niyadayda ku sabirsiiyo maalmihi xumaa iyo wakhtiyadii adkaa ee i soo maray, waan iman jiray galabtii marka aan helo firaaqo si aan ugu xusuusto halkii aynu wada taagnayn iyo hadaladii aynu is lahayn, Salmaay sideedaba dadku waa laba waa qof marka uu kula joogo qalbigiisu ku agjoogo iyo qof marka uu kaa maqan yahay qalbigiisuna kaa maqan yahay umaan haysanin muddo dheer inaad iga maqan tahay ilaa iyo intii aad adigu iskay nacsiinaysay, walaal maantana waa maalintaa maalinteedii, dardaarankuna waa dardaarankii dardaarankiisii, waxaan ku leeyahay waxaad tagaysaa wadan shisheeye oo awal hore waalid iyo ninkaaga ayaa kula socday, maantase waa kaligaa, inanbaad u tahay, waad u nugushahay ha is odhanin ku dayo kuwa aad ugu tagto halka ay joogaan, ha is odhanin maxaa kaa galay ma cidbaa ku arkaysa, ha is odhanin yeel waxyaabaha ay yeelaan qayrkaa, 

Salmaay kuma soo koobi karo waano wakhtigaa inagu gaaban, mar walbana sidaasuu inoogu gaabnaanayaa ilaa inta aynu isku noqonayno nin iyo ooridii, haddaad  i jeceshahay waad iga tagaysaa, hadaan ku jeclahayna waan kaa sii socdaa waxaad Illaahay inooga baridaa in uu iskugu keen keeno guri xalaal iyo bayd raaxo leh”. Waxa la soo gaadhayaa wakhtigii diyaar garowga Salmi aad ayay u hiyi kacsan tahay waanay ka xuntahay tagitaanka ama bixitaanka ay baxayso waayo muddo badan ayay col ahaayeen iyada iyo mataankeedu, maalintay heshiiyeena waxaa lagu yidhi ama ay ku beegantay safarkeedii. Isla markaa Salma dhib aada ayaa ka haysata arag la’aanta, hadal la’aanta iyo fogaanta ay ka fogaanayso midkii ay nafta la wadaagaysay, qadar yar kadib iyada oo aan hadalo badan odhan ayaa waxa u yeedhaya xubno ka mid ah reerkooda una sheegaya in la sugayo iyada, wax ay yeeshaa ma jirto doorkan Subeer muu siinin wax hadiyad oo aan ahayn hadalada dardaaranka ah.

Sidiibaanay ku baxaysaa oo ay ku fuulaysaa diyaaradii, goobta ay tagaysaa marka hore waa Nairobi oo Kenya ah halkaas oo ay joogayso labada bilood ee ugu horeeya waxase loogu talo galay inay u gudubto wadanka Norway oo uu ka dhacayo shir lagu qaban qaabinayo ama lagu diyaarinayo qaabka iyo sida loo caawiyo wadamada ka soo doogtay dagaalada sokeeye ama ay ku cusub tahay Dimuqraadiyadu. Salma xaalkeedu waxa uu noqday duushaye Alloow nabadeey Subeeerna halkiisii ayuu ku soo noqday isaga oo aan aad u faraxsanayn, wakhtigu wuxuu ku dhaw yahay xiligii qadada maadaama oo uu in badan ku soo daalanaa Gegida Dayuuradaha waxay noqotay in uu si degdeg ah iskaga tago xaafada si uu iskaga bedelo una maydho, isla markaana nasasho galo, Subeer imaatinka guriga waxa uu ugu yimid Hodan oo la joogta hablahoodii muu dhibsan, wuu salaamay waanuu iska soo dhaafay isaga oo ku degdegaya dhinaca qolkiisa. Hana oo ka war haysay meesha uu tagayo, waayo xalaybay ogayd markay Salmi u timid ee ay inta badan wada maqnaayeen iyo kalahaadii aroornimo waxa intaa u sii dheeraa dareenka ay ka qaadatay sida quruxda badan ee uu u labistay, Hani way ka daba timid waxaanay waydiisay “walaalo, maanta caruusbaad u eegtahaye miyaad guursatay mise minxiisbaad ahayd, qurux badanidaa gabadha ku aragtaa kaaba hadhi maysee”, Subeer iyo Hana way iskugu baxdaa oo siduu ula kaftamo ama ugu sheekeeyo uma sheekaystaan Muna oo ah gabadha ka wayn. 

Intaa kadib wuxuu ku yidhi “walaal iskaga kay tag waan daalanahay waxaanan u baahanahay inaan xamaamka tago oo aan maydho kaftankana dib inoogu dhig” sidiibay kaga soo baxaysaa Hani iyada oo qoslaysa waxay dib ugu soo noqonaysaa qolka fadhiga oo ay joogaan Hodan iyo Muni, Muni waxay diyaar u tahay inay u sheegto walaalkeed in uu la hadlo gabadhan Hodan, reerkuna isku raacsan yahay inuu guursado, markaana ay u sheegaan odayga dhalay oo aan hablaha iyo wiilka midkoodna waxba ka diidayn, soo bixitaankii ugu horeeyay ee uu debeda u soo baxo ayay ku odhanaysaa Muni “Subeer walaal waxaan jeclahay inaan kuu sheego arrin aan in badan kaa qarinayay taasoo ah Hodan iyo hawlaheeda” walaaluhu marka aanay in badan wada kaftamin ama aanay sheeko wadaagto lahayn way kala xishoodaan oo isuguma dhiiranayaan sida labada qof ee kale, Muna waxaynu xusnay inay ka xidhxidhan tahay xaga kaftanka iyo sheekada walaalkeed laakiin ay tahay qofka ugu jecel Subeer reer Dhamal dhamaantood isaguna wuu ogsoon yahay, qadarin xoog ah oo uu u hayo awgeed waxay ku qasabtay inuu dhagayso erayadeeda aanuu raalida ka ahayn, waxay ku dirqiday inuu maqlo wuxuu mar hore diiday ama diidanaa, way wadatay sheekadeedii waxaanay hadal ku soo gunaanaday “Subeeroow lix sano iyo  saayid socon mayso gabadhbaan sugayaa, waxaad noo sheegtaa in aad noogu talo gashay goblanka, ubad la’aanta, farxad la’aanta, cidlada aan maanta joogno iyo inaad yeesho talada aan kuu soo jeedinayno oo ah guurka Hodan”. 

Subeer aad uguma celiyo hadalka Muna waxayse ka fursan wayday inuu u sheego ma dhaafaanka kuna yidhaahdo “walaalo aniga iyo Hodan waanu wada hadalnay, waxna waan isla meel dhignay sidaasi darteed haday guur noqoto, haday sheeko noqoto iyo haddii kaleba anaga iyo Hodan labadayadu war buuxa ayaanu kugu soo celinaynaa”, Muni maadaama aanay walaalkeed hore ula hadlin ballan horena ka qaadin yididiilo xoog ah ayay galisay ballantani, sidoo kalena Subeer wuxuu ka fakaday hadalada adag iyo mowqifkeeda xag jirka ah oo haddii uu diidi lahaa dib iinaanay u wada hadleen ayaa dhici lahayd. Halkaa marka ay marayso wiilkii Subeer arrimuhu ku soo ururoo, waxay edega u soo galay mas, halaq aan meel uu ka dhaafaa jirin haddii xaajigu maqlana (waa aabihiiye) arrintu intan way ka sii adkaanaysaa markaa waa in uu is dhuubaa, halka ay Muni ka taagan tahay cid la’aanbaad na dhigtay xaajigu wuxuu marayaa waxaad ugu talo gashay in magacaygu baaba’o oo la waayo cid igu abtirsata maxaan yeelaa, halkeen talo kaga hagaagaa aabo anigu ma guursan karo oo waan gaboobay adigiina waan kuug taag la’ahay sow kaaf iyo kala dheeri maaha, waa hadalada ay mar walba Subeer iyo aabihii isku waydaarsadaan doodaha, Subeer waxba xumee isma laha caashaqan uu xurmaynayay iyo xilka jacayl ee uu qaaday ayaa xadka kala talaaboo xididada jidhkiisiyo xoogiisa jabiyoo xeeladbuu u la’yahay uu kaga baxo xayndaabkan adag dadku uma garaabaan isaguna garab ma haysto, gef inuu samaynayo ayuunbaa cid waliba u haysataa, waxay ka dhigan tahay heestii ahayd

Niyadaan ka ooyaa
Urugada xasuustaa
Uurkiyo calooshay
Aramidu i jiiftaa
Haddana kama adkaystee
Ugubnimo xishood lee
Il nugaylna waa kee
Afka kama cadayn karo
Ergana uma diran karo
Caashaqu ogaysiis ma leeyahay
Subeer talo way ku cadaatay ma yaqaano meel uu ka baxo iyo wax uu sameeyo toona hadalada reer Dhamalna waa qaar xaqiiqdii aan la dafiri karin oo ah biyo kama dhibcaan ama run meel mar ah, meeraysiga Subeerna noqon maayo mid uu kaga badbaado ama ka baajiyo kaambaynka ay ku hayaan walaalihii iyo aabihii, Muni iyadu sidaynu hore u sheegnay maaha qof kaftanta oo u furfuran sida Hana isla markaa wuxuu ku go’aansanayaa Subeer in uu u sheego Muna inay wada hadlayaan marka uu hadeer qaado Hodan, iska gal gurigiisii waxa la gaadhay galinkii dambe intaa may wada hadlin Hodan iyo Subeer kaliya Subeer waxa u furan in uu iska maslaxo Hodan oo uu yidhaahdo siduu horeba ugu yidhi “walaal Illaahbaa ceeb asturee iska kay astur oo adigu waxaad tidhaahdaa ma rabo inankiina” hase ahaatee suurogal ma aha oo Hodan haday intaa odhanayso maxaa soo lug goynaya, maxaa gurigooda keenaya maxay ka soo doontaa, may aayar iska nasato. 

Waxay sidii ahaataba markii la gaadhay shantii galabnimo ayay Hani u soo gashay walaalkeed una sheegtay inay Hodan diyaar tahay oo ay rabto inuu hooyo, cabaar yar kadib wuu labistay waxaanuu u diyaar garoobay sidii uu u kaxayn lahaa. Hodan qorshahan wuxuu sii galiyay in uu dhexda kaga dhameeyo wixii arrin ah ee uu uga baahan yahay sidoo kale qorshaha wuxuu ku daray in uu sii cashaysiiyo oo ay la joogto muddo badan, maadaama uu u sheegayo wax badan sidiibaanay isku raaceen, markii ay soo fuushay gaadhigii ayuu ku bilaabay kaftan aanuu hore ula kaftami jirin si ay uga ogolaato inay la joogto inta ay cashada gaadhayso Hodan way yaaban tahay oo waxay is leedahay maxaa iska bedelay Subeer hadalkiisii maanta iyo kan caawa labaduba waxaad moodaa inay ka soo dabcayaan halkii hore ee uu taagnaa, Hodan iyadoo aad u qoslaysa ayay ku tidhi “Subeeroow reerkiina waxa nasiib leh qofka ku soo biira waayo waxaad tihiin xaafad ama qoys dhamaantood is wada jecel, jacaylkaas oo aan ahayn mid la iska yeelyeelayo laakiin gunta ku haya meel adag waayo waxaad isku noqoteen walaalo, waalid, saaxiibo iyo wax kasta oo ay dadku isku yihiin saddexdiina walaalaha ah iyo aabihiin wali maan arag sidaad u dhaqantaan ee aad isku fahanteen cid isku fahantay, walaal waa ayo tallow cida ayaan u leh inuu la soo jaaro ama ku soo darsamo aqalkan haday tahay xaga hablaha iyo hadday dhankaaga tahayba” Subeer inta uu sheekada is dhaafiyay ayaa waxa uu ku yidhi “imika waxaan doonayaaba labadan hablood ee aad saaxiibka tihiin inaan masaajidka kaga yabooho, dee walaal way socon waayeen maaha, maxay kula tahay adiga” waa erayo kaftan ah oo xitaa uu bedelay luqadiisii hore, Hodan ayaa ku tidhi “isku bax oo isla hel maa adiga Misaajid lagu geeyo oo lagaa yaboohiyo ma hablaha aad aragtay caynka ay u eegyihiin ayaad caawana tidhi waxaan gaynayaa misaajid, cabaarbaa la qoslay. Hodan kama hadhsana hadalkeena haduu moodayo inay dhaafayso ama ay iloobayso sheekadeeda caawa oo ay u soo biyaysatay inaanay waxba amaahin xaqiiqdana farta ka saarto waxaanay ku bilaabaysaa “Subeeroow in badan ayaad igu tidhi qalbigayga meel kaagama banaana anigana qalbigayga meel walba waxa buuxiyay xusuustaada arrintanina maaha mid loo kala tagayo, walaal hadaad maqli jirtay jacayl cidbaa u dhimatay, qaarbaa u liita, jabaa lala soo maray iyo wax la mid ah aniga ayaa wakhtigan uu heeryada i dul saaray mana garanayo ilaa maanta meel ay naftaydu ku dagayso oo aan adiga ahayn adiguna qofbaad jeceshahay aniguna adigaan ku jeclahay intii aan is adkayn karayay waan is adkeeyay wayse iga soo dhamaatay waxaanan taaganahay wakhtigii la odhan jiray habluhu reeraha ayay u soo galaan markaa hadaad i saarayso iyo haddii aad i eryayso, hadaad i nacayso, hadaad i jeclaanayso iyo hadaad wax kale yeelaysaba go’aankaygu waa midhkaa, mana yeelayo hadal kale oo aan ahayn waan kaa aqbalay, walaal muddo badan ayaan daraadaa u aalay sariirta dusheeda, in badan ayaan adiga uun kaa dhur sugayay wakhtigaygii wuxuu ku dhamaaday sidii aan xagaaga u soo eegayay adiguna malaha waxay kula tahay inaan kugula kaftamayo hadalka aan ku leeyahay”. 

Subeer xilligan wuxuu gaadhiga ku weecinayaa oo uu soo gaadhay albaabka hore ee Huteelka ay ka cashaynayeen balse Hodan iyadu hadalkeedii ayay sii wadataa waxayna tidhi “dunida waxaa farxa oo qosla ama qayrkood dhaafa qofka hela qofkii uu jeclaa waxaana qayrkii ka hadhay midkii waayay, mataankii uu calmaday haddii caashaqu cid wax yeelayo, hadduu cadow u yahay aadamaha, hadduu cidlo igu tuurayo iyo hadduu hadeer ikaa siinayo intaba waxaan u ahay diyaar noloshuna la’aantaa waxba iima aha” intaa markii ay tidhi iyo waxaa is kulmay bakhtiinta gaadhiga uu bakhtiiyay waxaanuu ku yidhi “walaal waynu sheekaysan doonaaye soo daadag” Subeer intuu ka hor dagay oo uu soo wareegay ayuu ka furay albaabkii gaadhiga, way ooyaysaa madaxaa aad u xanuunaya cunto iyo cabitaan midkoodna uma dhadhamayo, dhuunigu wuxuu damcad leeyahay marka qofkii aad rabtay uu kula joogo, muxuu kuu tarayaa haddaanad haysanba, Hodan iyadoo madluun ah ayay ka soo dagtay gaadhiga garabka ayuu soo qabtay isagoo sasabaya sidiibaanuu ku soo fadhiisiyay mid ka mid ah kuraasta Huteelka oo markaa diyaar ku ahaa meesha in yar kadib waxa u yimid wiilkii mudalabka ahaa oo ka qaaday wixii ay cuni lahaayeen waxase dhacday inay iyadu cuntaba dalban waydo, Subeer aad ayuu uga xumaaday isagaana dalbay labada cashaba Hodan wuxuu u haystaa inay ku kaftamayso markan ay diidayso dalabka cuntada ee waa arrin ay soo go’aansatay waxaanay doonaysaa inay sidaaba ku joojiso cuntada ilaa inta uu ka yeelayo arrinta ay wadato xilligaa waxa ka socda Huteelka hees aad u macaan oo ahayd

Dawadii naftaydaay
Dumar taan ka doortaay
Sow inaan ku daawado
Dal dheer ugama soo tagin
Dumar ha igu noqonine
Sidaan kaaga daba dhacay
Inaad ii daryeeshaa
Ku wa inala da’da ahina
Way is doonanayaan
Inaguna duleedkiyo
Darbiyadaan wareegnaa
Doqoniimo weeyaan
Inaad ii dadaali waydo

La Soco Qaybta 25aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

Guled Abdi Sheekhaash - Chief & News Editor  - SDWO.COM - SomalilandNews.net:  Email: Guled@sdwo.com

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE